SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Muqdisho: Qodobo ku saabsan sicir bararka oo ay soo saareen culimaudiin , ganacsato, aqoonyahano iyo bulashada rayidka ah

REF: MG/GB/04/49/2008         DATE: 10/04/2008  

Ujeedo: Sicir Bararka, Sarifka lacagaha iyo Xaalufinta 

Sawirada halkan Ka Daawo.... GUJI...

     Shirar isdaba joog ah oo ay isugu yimaadeen qaarka tirsan Ururada Bulshada Rayidka, Aqoonyahnada iyo Culumaa’udiinka Soomaaliyeed, uuna soo qaban qaabiyay Midowga Ganacsatada Gobolka Banaadir, loogana hadlayay waxa sababay Sicir Bararka iyo Sarifka lacagta, oo degdeg kor ugu socda, iyo sidii wax looga qaban lahaa, falanqayn & dood dheer kadib waxay isla garteen:- 

A- Sababaha Keenay 

1- Xaalada nabad galyo xumo ee dalka ka jirta

2- Dagaalada oo saameyn ku yeeshay Ganacsiga iyo Ganacsatada     Gobolka Banaadir.

3- Caalamiyan oo sicirka Badeecadaha aduunku uu kordhay,    gaar ahaan Shidaalka.

4- Daabacaada lacagta Shilin Soomaaliga ee Dalka gudiisa lagu daabaco

    dibadana laga keeno, iyagoo Dadka daabcana ay gacan ka helaan Maamulada    Dalka ka jira.

5- Dowladda oo adeegyada iyo canshuuraha ku qaada inta badan US $ (Doolar)

6- Lacagta Canshuuraha iyo Adeegyada ee Dowladdu qaado oo aan si sax ah      loogu isticmaalin dalka. 
 
 B- Xalka looga gudbi karo 
 

1- In la joojiyo dagaalada dalka gudihiisa ka socda, laguna bedelo wada hadal  lagu gaaro nabad waarta.

2- In lacagaha Dowladu ay qaado ee adeegyada iyo Canshuurahaba  in laga dhiga Sh.so.

3- In dib loogu soo celiyo Canshuuraha laga qaado ilaha dhaqaale ee  Gobolka Banaadir, mushaar ahaan iyo wax qabad ahaanba, si lacagtu  wareeg ay u samayso.

4- A-In la mamnuuco lacagaha Been abuurka ah oo lagu sameeyo Dalka gudihiisa    iyo mida dibada laga keeno ee laga soo dejiyo Garoomada iyo   Dekeddaha Dowladu gacanta ku hayso,

B- In la joojiyo dhiiri gelinta ay Muumulada qaarkood u sameeyaan  daabacaada Lacagaha, iyagoo ka qaato saami (Commission) lacagaha la daabaco.

C- Makiinadaha lagu daabaco lacagahaasi been abuurka ah waa in lala  wareegaa, Lacagta hada taalna mushaar ahaan loo isticmaalo oo aan  ganacsi loo adeegsan.

5- Maadaama ay ascaarta aduunka korortay in la dhiiri geliyo wax soo  saarka Dalka si loo yareeyo Baahida aan u qabno wax yaabaha aan dibada   ka keensano gaar ahaan Cunooyinka.

6- In la abuuro Koox ka kooban Ganacsato, Uruurada Bulshada Rayidka,  Aqoonyahanada iyo Culumaa’udiinka oo daraasaad joogto ah ka samayso arimahan dadkana ka wacyi geliya markasta.

7- In Culumada si joogto ah ugu hadlaan Sarifka, la kala saramarinayo Ribo   ahaan iyo Kaydinta (Ixtikaarka) Cunooyinka diiniyan, dadka ka Ganacsadana  la fahamsiiyo aduun iyo aakhiraba waxa lagala kulmaayo.

8- In la dhimo Canshuuraha laga qaado Cuntooyinka daruuriga ah..

9- in la joojiyo xaalufinta Dalka iyo ogolaansha dhoofinta dhuxusha. 
 
Baaq 

1- Ganacsatada waxaan ugu baaqeynaa in ay umadooda u naxariistaan sicirkana  dhimaan lacagta Shilin Soomaaliga ahna ay dadka wax uga iibiyaan,  Sarifkana aan la kala fadalin, lacagta duuga ahna mudnaanta la siiyo.

2- Dowladda waxaan u soo jeedinaynaa in Canshuurta lagu qaado Sh.so.  iyo adeegyadaba, lagana hor tago lacagaha Dalka lagu daabaco iyo mida  dibada laga keenaba.

3- Hay’adaha Cuntooyinka keydka ah ku haayo dalka Raashin iyo Saliidba, waxaan ugu baaqaynaa in Cuntooyinka ay qaybiyaan xiligaan oo aysan jirin  xili ay Bulshada uga Baahi Badantahay.

4- Ugu danbayntii waxaa nagu soo fool leh bad xirankii, Keyd Cuntana wadanku malahan, abaarana Gobolada qaarkood  way ka bilaabmeen.

    Sidaa darteed :-

a- Ganacsatada waxaa loogu baaqayaa in ay cunto degdeg ah wadanka keenaan

b- Waxaa hay’adaha loogu baaqayaa in ay cunto degdeg ah Dalka keenaan.

C- Dadka soomaaliyeed gudaha iyo dibadaba waxaan ugu baaqaynaa in ay u  soo gurmadaan walaalahooda dhibaataysan sidii horeyba looga bartay. 
 
 Wabi laahi Towfiiq 

GUDOOMIYAHA MIDOWGA GANACSATADA GOBOLKA BANADIR

MAXAMUUD CABDIKARIIN CALI (GABAYRE)

Sawirada halkan Ka Daawo.... GUJI...

Faafin: SomaliTalk.com | April 14, 2008
 


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com