SOMALITALK.COM xayaysiis
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -MUQDISHO

Cabdulaahi Yuusuf oo ka codsadey Mareykanka In Maxkamadaha Islaamiga lagu daro Liiska Argagixisada

Cabdulaahi Yuusuf oo ah Madaxweynaha Soomaaliya oo maalmahan Booqasho ku jooga wadanka Mareykanka ayaa warar aan helnay rag si aad ah ugu dhow Madaxweynaha waxay sheegayaa in Cabdulaahi Yuusuf uu ka codsadey Dowladda Mareykanka in lagu darro liiska waxa Mareykanka uu ugu yeero  Argagixisada Maxkamadaha Islaamka iyo Ururuka dib U xoreynta soomaaliya , Cabdulaahi wuxuu sheegay in labadaa urur ay ku kacaaan Falal argagixiso isagoo sheegey in ay wadaaan falal ka dhan ah Dowlada Mareykanka , Cabdulaahi Yuusuf wuxuu kaloo ka codsadey Dowladda Mareykanka in labadaas Urur laga joojiyo Safarada ay Caalamka ku marayaan sidoo kale wuxuu ka codsadey Dowladda Mareykanka in uu Xayiraad ku sameeyo Dhaqaalaha labadaas Urur.

Cabadulaahi wuxuu uga Mahadceliyey Dowladda Mareykanka  ku daristii liiska  Argagixisada Kooxda Al-Shabaab isagoo sheegey in ku daristaas ay wiiqeyso in sii wataan waxa uu ugu yeeray Dagaalka ay ka wadaan wadanka soomaaliya  hase yeeshee Markii Kooxda  AL-Shabaab lagu darey liiska waxaa uu Marekanku ugu yeero Argagixisada in kooxda Al-Shabaab ay sii kordhiyeen Dagaalada ay ka wadaan dalka soomaaliya waxayna qabsadeeb Gobolo hor leh iyadoo mar la wareystey Afhayeenka ururka Al-Shabaa Shiikh Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur wuxuu sheegay in ay si aad ah ugu farxeen markii kooxda Al-Shabaab uu Mareykanka uu ku darey liiska Argagixisada wuxuu sheegay n arrintaas ay kooxda u sii kordhisey Niyada isla markaan aysan waxba uga naaquseen dagaalka ay kula jiraan Ciidamada Itoobiya

Dhinaca kale Cabdulaahi Yuusuf waxa uu ka codsadey Dowladda Mareykanka in ay dadaal u gasho sidii Cunaqabteynta Hubka looga qaadi lahaa Dowladda federaalka si ay ciidamdeeda ugu hesho hub ay kula dagaalanto kooxaha Kacdoonka ka wada soomaaliya isla markaana ka soo horjeeda Dowladda Federaalka

      Codsiga Cabdulaahi Yuusuf ayaa u muuqda mid wax u dhimaya Heshiis laga dhex wado Dowlada Federaalka iyo kooxaha ka soo horjeeda kaasoo lagu wado in uu ka dhaco 10-ka May Dalka Jabuuti  waxaana wadahadaladaan garwdeen ka ah Wakiilka qaramadda Midoobey  ee soomaaliya  hase  yeeshee wadahadaladaas waxaa muqdi geliyey Gudoomiyaha Isbahaysiga Dib u Xoreynta soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo sheegey in ay ka fiirsanayaan wada hadal ay la galaan Dowladda Federaalka ka dib markii Dhawaan Ciidamada Itoobiya Xasuuq ka geysteen Masjidka Al-Hidaaya

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 28, 2008

batroolFadeexaddii Ganacsi ee ka Dhacday Australia iyo Xiriirka Batroolka Puntland
Australia: Waxaa burbur dhaqaale ku dhacay shirkad dallaaliin ah oo xiriir la leh Range Resources, arrintaas oo keentay in... Akhri warbixinta

Black Gold of Puntland
Warbixin dheer oo laga qoray shirkadaha Batroolka DGPL
: Geyre (Wasiir-ku-xigeenka kalluumaysiga): Dekedda Boosaaso waxaa sannadkii ka soo xerooda $35 million ilaa $40 million oo doolar... Akhri

oilPuntland oo Wada Dastuur Cusub oo Xasaasi ah....?: Puntland Waxay ka Go'eysaa Soomaaliya, Haddii Lagala Hadlo Arrimaha Shirkadaha Batroolka?.. Akhri..

hargeysaSomaliland oo Xaqiijisay in Xiriir Dhexmaray Shirkadda Batroolka ee Lundin Oil: Waa maxay xiriirka ka dhexeeya Lundin iy Africa oil Akhri

 


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com