SOMALITALK.COM xayaysiis
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PL

Dawlad Gob. Puntland  ee Soomaaliyeed   | Punt land State of Somalia

Wasaaradda Warfinta iyo Isgaarsiinta,Dhanqanka iyo Dalxiiska
 
Ref: W/W/ISG/DH/D/58/2008    Date:apriL, 26, 2008

WARSAXAAFADEED  

WASAARADDA WARFAAFINTA P.LAND OO LAASHAY EEDAYNTA ONLF. 

Labadii maalmood oo ugu dambeyey waxay Idaacada BBC-du baahineysey waraysi ay la yeelatay ninka lugu magacaabo Caddaani Hirmooge oo ah Guddoomiye ku-xigeenka ONLF. Wacaalkaas ay BBC-du Hirmooge ka qaadatay wuxuu kaga hadlay inay jiraan niman, sida uu sheegay, uu Wasiirka Maaliyadda P.Land, Maxamed Cali Yuusuf, Dawladda Ethiopia u gacangeliyey. 

Qaranka Puntland wuxuu leeyahay ciidammo kala hannaan iyo hawlgalla ah, sida kuwa Daraasiishta, kuwa Booliska ee sugidda amniga gudaha, kuwa wardoonka, Ilaalada xeebaha, kuwa baariska dembiyada, kuwa kastammada, kuwa ururinta khidmooyinka canshuuraha iwm. Intaas oo ciidammo ah oo dhaqdhaqaaqa soohdimaha, xaqiijinta xasilloonida iyo degganaanshaha, la socoshada bulshada gobollada isaga gooshta iyo cidda hadba degaanka ku soo biirta u dhisan, waa arrin aan maanka iyo garashada sina ugu xasili karin in loo xambaariyo, oo lugu masabbito, wasiir intaasoo ciidan  qaran ah talisyadoodu aysan midna ka hoos u imaan. Misna, waa wax aad loo quursado, amase markhaatiba u ah, inaan masabbidkaasi raad iyo gadaan la cuskado toona lahayn, isagoo Hirmooge eedda uu sheeganayo beel u tallaabiyey, taasoo muujinaysa inuusan ka fiirsan ama hubinnin waxa uu afka ku ballaariyey iyo cawaaqibka uu ku wacnaan karo. 

P.Land waa dal, siduu Wasiirka Maaliyaddu sheegay, aysan bulshadiisu dhaqan u lahayn inay dadka xorriyaddiisa faragashato ama wax u dhinto, hadduusan isagu sabab ka noqon; weliba dadkeedu ka sarriigto in badan oo antaradhaafta. Waa dal ay ku soo hiloobaan kuwa carraday ku dhaqnaayeen loogu awood sheegtay, lafohooda badbaado ugu waayey, ama nolol ay dugsadaan aan ka heli karin, oo Soomaali ah ama derisya ah amase dalal kale ka soo dalaabay. Gaar ahaan, Ismaamulka Kilinka 5aad ee Ethiopia Puntland waxay weligeed u ahayd, haatanna u tahay, dhul aan kuwa deggani abidkood ka sheegan ayna isku si ugu dhaqmaan, meeshay doonaan ka maraan, dhankay rabaan kaga gooshaan, ganacsigoodu ka socdo kana shaqaysta. 

Waxaa taas saldhig u sii ah: 

  • - Dhiigga iyo dhalashada ay wadaagaan.

  • - Iyagoon dhibaato dhex ool.

  • - Iyadoo carrigay ku dhaqmaan uusan bari taniyo galbeed kala qoqobnayn.

Haddaba hadalka ka soo yeeray Hirmooge waa mid duluc muuqata oo siyaasadeed ku arooraya, siduu Wasiirka Maaliyadda P.Land sheegayba, oo ah:

  • 1. In mugdi la kala geliyo bulshada walaalaha ah.

  • 2. In cabsi, khalkhal iyo carqalad lugu abuuro dadka Kilinka 5aad ee Ehiopia oo Puntland deggan, ka ganacsada ama ka xoogsada .

  • 3. In maamulka, madaxda iyo bulshada P.Land magocooda,  ummadnimadooda iyo qarannimadooda la dhaamo.

  • 4. In dadka dagaalladu muddada riiqeen ee xasillooni iyo nadad in loo  raadsho u baahan loo abaabulo inay xaaaladdaas fursadeheeda la dayacay     ku sii jiraan. Iyo;

  • 5. inaan marna Geeska Afrika nabad waarta lugu naalloon oo ay qalalaaso ka oognaadaan.

Sidaas darteed, P.Land warkeedaan saxaafadeed waxay shaaca kaga qaadaysaa inaysan mudnayn garna loogu lahayn eedda Caaddaani Hirmooge u soo jeediyey ee ay iyagu dib isugu laabtaan.

Puntland waxay u taagan tahay:

  • - Astaanta nabadda iyo xasilloonida.

  • - Dhawridda dhaqanka iyo wada noolaanta.

  • - Ilaalinta danaha guud iyo kuwa gaar ee bulshadeeda iyo inta la dhaqan.

  • - Midnimada Ummadda Soomaaliyeed, sugidda qarannimadeeda iyo   horumarkeeda.

  • - Iskaashiga Geeska Afrika, guud ahaan qaaradda iyo ummadaha adduunka. 

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Puntland.
C/qaadir Faarax Bootaan
foolayone@hotmail.com


Isimada Gobolka Bari oo Baaq Deg Deg ah ka soo saaray Falkii ay ku kacday Xukuumada Puntland ee ahaa ragii Ethiopia Loo Gacan Geliyey

Bosaaso:- Kulan Deg Deg ah oo maanta (Apr 28, 2008) ka dhacay Hotel Juba ee ku yaala Badhtamaha Magaalada Bosaaso ayaa waxa isku soo hor fadhiistay Aqoonyahanada Gobolka Bari iyo Ganacsatada iyo waliba Ismida kuwaasi oo aad uga dhiidhiyay dhiibista Laba ruux oo Puntland u ka iibsatay Dawlada Ethiopia, dadkaasi oo ahaa dad mudo dheer Deganaan Gobolada Puntland.

Tan ayaa timi ka dib markii ay dhawaan Masuuliyiinta Puntland u gacan galiyeen Dawlada Ethiopia dad ka soo jeeda Gobolka Somali Galbeed kuwaasi oo ay Puntland ku sheegtay inay yihiin Jabhada ONLF ee ay Xukuumada Adis-Ababa Dagaalka xumi ka dhexeeyo.

Masuulka lagu eedeeyay falkaasi dhiibista ragaasi ayaa ah Wasiirka Maaliyada Puntland Maxamed Cali Yuusuf (Gaa Gaab)

"Waxaa yaab nagu noqotay markaan ka dhagaysanay idaacadda British Broadcasting Corporation in laga qabtay laba nin oo ku abtirsada beesha Absame magaalada Garoowe kaddibna loo dhiibay dawladda Ethiobia sida ay sheegeen eheladooda iyo warbaahinta caalamiga ah.

Arrintaas waxay meel kadhac iyo gaboodfal ku tahay dadweynaha Puntland iyadoo khilaafsan dhaqanka iyo caadada lagu yaqaan, iyadoo beesha nimankaas ka dhasheen ay ka dhaxayso dhalasho, dhiig, diin, degaan, ganacsi, iyo xeer.

Sidaa darteed, annagoo ah isimada, nabaddoonada, culimada, aqoonyahanka, ganacsatada, iyo waxgaradka gobolka Bari, kuna hadlayna magaca beelweynta Puntland, waxan caddayneynaa in aan arrintaas cambaarayneyno oo aanaan sinaba raalli uga ahayn, annagoo soo jeedineyna arrimaha hoos ku qoran:

1. Waxan soo jeedineynaa in baaris iyo dabagal rasmi ah lagu sameeyo ciddii falkaas ka dambaysey, kaddibna la horgeeyo caddaaladda.

2. Waxan ugu baaqeynaa maamulka Puntland in wixii faldenbiyeed ah ee ka dhaca Puntland ay la falgalaan hey’adaha amniga ee qaabilsan, lana mariyo hey’adaha garsoorka ee u xilsaaran si dadka u dhdashay iyo dadka deggan ay u dareemaan caddaalad.

3. Waxan ka soo horjeednaa fal kasta oo keeni kara in uu xumaado xiriirka ehelnimo,ganacsi, iyo isdhexmar ee ka dhexeeya beelaha deggan Puntland iyo kuwa deriska la ah.

4. Waxan ugu baaqeynaa maamulka Puntland in uu ka hortago fal kasta oo cadaawad u abuuri kara bulshada Puntland ama dhib u geysan kara danohooda sida sumcaddooda, socodkooda, daaqooda, iyo ganacsigooda.

5. Waxaan ugu baaqaynaa hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ee ka howlgala degaanka Puntland in ay dhacdadaas dabagal ku sameeyaan si raggaas loogu soo celiyo xornimadooda.

Ugu dambayntii waxan rajayneynaa in ayna dhicin fal loo qaadan karo in dhacdadaas hore lagaga jawaabayo inta laga ogaanayo cidda ka shaqaynaysa isku dhaca beelaha xeerka iyo xoolo isu celintu ka dhaxayso.

Saxiixayaasha:

1. Boqor Axmed Boqor Maxamuud
2. Ugaas Xassan Ugaas Yaasiin
3. B/daaje Cali Faarax
4. B/daaje Faarax B/daaje C/lahi
5. Islaan Maxamuud Yaasiin Warsame
6. Suldaan Siciid Irbad
7. suldaan bashiir Muuse koonte
8. Suldaan C/salaam Suldaan Maxamuud Xaaji
9. Suldaan Ciise xasan cumar
10. suldaa C/laaahi Saalax Cumar
11. Suldaan Daa,uud faarax Maxamuud
12. Suldaan Mxamuud Yuusuf Cabdi
13. Suldaan Daahir Maxmad Muuse
14. Ugaas Cumar Maxamad Kabtan
15. B/Daaje salad cali faarax
16. Suldaan Abshir Axmed Jibriil
17. Nabadoon Saalax Cabdislaan Axmed
18. Nabadoon C/casiis Maxamuud Yuusuf
19. Nabadoon Mursal Maxamuud Cabdi
20. Nabadoon C/qaadir Axmed Ibraahin
21. Nabadoon Yuusuf faarax
22. Nabadoon Sicciid Cumar (kaashawiito)
23. Nabadoon Cabdale Yuusuf Cumar
24. Nbadoon Siciid Axmad Yuusuf
25. Nbadoon C/qaadir Mxamad Maxamuud
26. Nbadoon C/nuur Xirsi Dige
27. Nabadoon liibaan Cismaan Saalax
28. SH. Daahir AW Cabdi Yuusuf
29. SH. C/qaadir Nuur Faarax
30. SH. Axmad Daahir Xsan
31. SH. Fuaad Maxamuud Xaaji
32. SH .C/Risaaq Xuseen Ciise
33. Dr.Axmed Xaaji C/raxmaan
34. Dr.C/qaadir Maxamed Cabdale
35. Gen.Cali Ismaaciil
36. Cap. C/shakuur Mira Aadan
37. C/Ladiif Yuusuf Bare
38. Liibaan Yuusuf Axmed
39. C/kaafi Axmed Siciid
40. Maxamuud Faarax Bile(Cunbul)
41. Yuusuf-Caalim Cismaan Maxamed
42. Khaliifah C/raxmaan Maxamed
43. C/raxmaan Maxamuud Warsame
44. Sahal Ismaaciil Siciid
45. Maxamad Muuse Siciid
46. Maxamad Axmad Faarax
47. Suleymaan Maxamuud Xaashi

Wakiilka Somalitalk, Ee Bosaaso


27/04/2008.

Boosaaso. 
 

Ku : Golaha Xukuumada Dawlada Goboleedka Puntland.

      : Golaha Wakiilada Dawlada Goboleedka Puntland.

      : Golaha Xukuumada Dawlada Federaalka ee Soomaaliya.

      : Golaha Wakiilada Dawlada Federaalka ee Soomaaliya.

      : Xukuumada Dawlada Federaalka ee Ethiopiya.

      :  Jabhadda ONLF. 

UJEEDO:  BAAQ

Annagoo ah Waxgaradka, Aqoonyahanadda, iyo Siyaasiyiinta Puntland, waxaannu si adag u eedeeneynaa, kana xunnahay falkii AFDUUBKA ahaa ee ka dhacay xarunta Dawlad Goboleedka Puntland Garoowe, taariikhdu markeey ahayd 22/04/08.

Taariikhda kor ku xusan, waxaa magaaldda Garoowe laga AFDUUBEY odayaal laba ah, oo ah Soomaalidda ka soo jeedda KILILKA SHANAAD ee Itoobiya. Nimankaas oo la kala yiraahdo, Maxamed Axmed Caafi , kuna magac dheer (Dhiirre), iyo Cabdi Nuur Maxamed Sooyaan. Falkaas oo ay fuliyeen ciidamadda Sirdoonka ee Itoobiya, oo gacan ka helley qaar ka mid ah ciidamadda ammaanka ee Puntland.

Haddaba, Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dawlad Goboleedka Puntland, waxaannu u soo jeedinynaa inay ka waantoobaan falalkaas khilaafsan Qawaaniinta Soomaaliyeed, kuwa Caalamiga iyo Xaquuqda Aadamiga; Maadaama ay yihiin cidda kaliya ee loo IDMADEY ilaalinta sharciga dalka Soomaaliya.

Dawladda Federaalka Itoobiya, waxaannu u soo  jeedineyaa in ay si deg-deg ah u soo deyso odayaasha magacyadoodu kor ku xusan yihiin, Xornimdoodiinna u soo celiso, iyadoo tixgelineysaa Xasiloonidda iyo Deris wanaagga Afrikada Bari.

Jabhadda O.N.L.F, waxaannu u soo jeedineynaa, in Dadweynaha Puntland, aanney raalli ka ahayn, kana noqon doonin in ay Puntland ka fuliyaan falal wax u dhimmi kara Nabadgelyadda iyo Xasiloonidda Deris wanaagga Afrikada Bari. 

Magacyadda Saxiixey Baaqan. 

  1. Axmed Yaasiin (Burhan Daboole).
  2. Cabdirisaaq X. Xuseen Gacayte.
  3. Maxamuud Cumar Asad.
  4. Yaasiin Cusmaan Jaamac.
  5. Cali Cabdulle Dhagool.
  6. Maxamed Jaamac M.J.
  7. Yuusuf Abshir Cadami.
  8. Axmed Saciid Cabdi (Qaadi Gurey).
  9. Cabdullaahi Cali Qood.
  10. Cabuud Cabdi Ismaaciil (Bobolare).
  11. Cabdi-rabbi Yaasiin Xirsi.
  12. Dalmar Cali Madoobe.
  13. Eng. Maxamed Axmed Saciid (Jacfar).
  14. Dr. Cabdullahi Saciid Aw-Muuse.
  15. Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdalle (Sagsaag).
  16. Cabdulkaadir Warsame Muuse.
  17. Khaliif Xirsi Bulxan.
  18. Muuse Cali Jaamac.
  19. Maxamuud Cali Jaamac (Aaryo).
  20. Raage Shiikh Maxamuud.
  21. Feysal Axmed Maxamuud (Wahaabi).
  22. Ahmed Bashiir Ducaale.
  23. Gaacshe Maxamed Axmed.
  24. Maxamed Saciid Aw-Musse.
  25. Maxamed Cabdi Xasan.
  26. Cusmaan Maxamed Shire.
  27. Xuseen Xasan Xuseen (Karseey).

      Contact Address : Ahmed Yasin  (Burhan Daboole)

                  E.Mail:  daboole@gmail.com

                  Tel : +252 90 712 360


OGADEN AMERICAN COMMUNITY

Baaq canbaareyn ku wajahan Maamulka Punland 

Waxaa arrin laga murugooda ah dhacdada fooshan xun ee Garowe ka dhacday 22kii Abriil 2008. Maamulka Puntland, isaga oo ku raali gelinaya taliska dhiigya cabka ah ee Addis Ababa ayaa taariikhda kor ku xusan cadowga ma naxaanka gacanta u geliyey muwaadiniin Somalida Ogaadeenya ah. Waxaa kale oo Maamulkaasi xabsiga Boosaaso si silic ah ugu dilay muwaadin ka tirsan jaaliyadda Soomaalida Ogadenya ee ku nool Bosaaso.  

Wuxuu maamulkaasi iska indho saabay, xidhiidhka maslaxada dhinacyada badan ee labada shacab ee walaalaha ah ka dhexeeya oo ay dhacdadani si weyn u dhaawacayso. Taas oo markhaati u ah maamulka Garowe inayna matalin danaha shacabka soo doortay ee ku nool Puntland. 

Taliska gacan ku dhiiglaha ahi kama oomana ( kamana gaajaysna) dhiiga shacabka aan wax galabsan ee Somalida Ogadenya. Wuxuu si raxariis darro ah u gumaadaa shacabka aan difaaca haysan. Waxaa xabsiyada gumeysiga ka buuxa kumaan-kun Soomaalida Ogaadeenya ah. Ujeedada ay gumeysatada Itoobiya ka leedahay in masuul ama muwaadin Reer Ogaadenya ah laga soo qabto Puntland ama gobol gobolada Soomaaliya ka mid ah waa:  

1. inay colaad la dhex dhigto labada shacab ee walaalaha ah sida ay Shacabka Jamhuuriyadda isugu hubaysay ee colaadda sokeeye u dhex dhigtay.  

2. Isku daygeeda inay la kaashato Soomalida burburinta halganka xaqa ah ee shacabka aan la loodin karin ee Soomaalida Ogaadeenya ugu jiro xaqa aayo ka talintiisa. Taas oo ay geed dheer iyo geed gaabanba u fuushay, horeyna ugu dhaqaaqday hase ahaate ku guul daraysatay.  

Maamulka Garowe ujeedada Itoobiya inay darsaan ama fahmaan iyo natijada ka iman karta wax xil ah iskama saarin. Waana arrin nasiib darro ah oo naxdin leh.  

Maamulka Puntland waxaad moodaa inayna ku baraarugin xaqiiqada ah inay Itoobiya tahay cadowga koowaad ee shacabka Soomaali oo dadka Puntland ka mid yahay. Waxaa kale ooyna fahmin in Taliska Addis Ababa waqtigiisii maalmo la tiriyo ka hadhay oo san ahayn kii maanta loo sujuudi lahaa. Waxaan u aragnaa in Maamulka Putland khaatumada iska xumeeyey, talaabadaa uu qaadayna ayna marna hakinaynin halganka Gobonimadoonka shacabka Ogaadenya. Waxaan aad uga xunahay shacabka aan walaalaha nahay ee ku nool Puntland oo innaba aan ka diirin ganacsiga iyo dilka uu maamulkoodu ku hayo dadka soo magan galay ee cadowga naxdinta daran ka soo cararay. 

Sidaa darteed, annaga oo ah jaaliyadda Ogadenya ee ku nool dalka Maraykanka kuna kala sugan dhamaan gobaladda kala duwan ee wadanka maraykanka waxaan cambaareynaynaa falkan foosha xun ee maamulka Puntland ee uu gacamaha dhiiga leh ee gumeysiga Itoobiya u geliyey. Waxaan balan qaadaynaa inaanu garab taagan nahay shacabka geesiga ah ee aayo ka talintooda. 

Waxaa u sheegaynaa Gumeysiga Itoobiya iyo kuwa garab taaganba in guusha kama dambaynta ah uu leeyahay xaq u dirirka Ogaadenya dhiiga qaaliga ah ee wadaniyiintuna yahay dhaxalka danbe ee loo aayi doona marnaba noqon mayso mid laciifin doonta xaqa aayo ka tashiga ee uu u guntaday shacabka gesiyaasha ee aan marnaba ka daalin sidii isaga dulqaadi lahaayeen heeryada Gumaysiga. 

Waxaan calaamka ugu baaqaynaa inay cambaareeyaa falka xuquuqul insaanka ka dhanka ah ee Maamulka Puntland ku kacay ee dad aan dambi iyaga ka gelin cadowgooda u dhiibay. 

Waxaan madaxda ururka iyo dhamaan bulsha waynta Soomaalida Ogaadeeniya oogu baaqaynaa in ay dhacdadan ka bixiyaan jawaab deg deg ah oo aan marnaba aysan noqon mid la caadeysto ka baayac mushtarida muwaadiniinta Soomaalida Ogaadeeniya 

Waxaan shacabka Puntland oogu baaqaynaa in ay ka hortagaan dhibaatda uu maamulkoodu ku dhaqaaqay, taas oo keeni karta cawaaqib xumo iyo taariikh xumo, hadii ay ku daawadaana waxay macnaheedu tahay in raali ka yihiin xumaanta maamulkoodu bilaabay,  

Shacabka Puntland waa in ay dhawraan walaaltinimada iyo darisnimada wanaaga dhaqanka iyo diintaba waana in ay ilaaliyaan xidhiidhka soo jireenka ah ee u dhaxeeya labada shacab 

Ugu danbeyntii guusha waxaa iska leh wadaniga xaq u dirirka ah guul daradana waxaa leh gumaysiga gabalkiisii sii liicayo maantana ku sugan xaalad jahawareer soomaaliduna waxay ku maah maahdaa waari maysidee wax ha kaa haro ( Dal nin kiisiibaa iska leh) 

Midnimo Mintid Isku tashi

Jaaliyadda Soomaalida Ogaadeeniya ee Maraykanka 

la xiriir: hguled@gmail.com


Burcad Badeed iyo Burcad Beri lagu xukmay Puntland.

Apr 28, 2008 Maxkamad Mulateri oo ka dhacday Xabsiga Magaalada Boosaso ayaa la horkeenay Burcad badeed gaaraya 7qof kuwasoo Dooni Ganacsi oo ku socotay Dekedda Boosaso afduubi lahaa balse Ciidamo ka tirsan Puntland ay ka soo badbaadiyeen.

Maxkamada Mulateri ee ka dhacday Xabsiga dhexdiisa ayaa sidoo kale la horkeenay 4 dhalinyaro ah oo ku fashilmay afduub ay u geysan lahayeen Gabar u shaqeysa Hay'adda UNHCR oo u dhalatay Dalka Usteria balse ay iska difaceen ciidamo ilaalo u ahaa UNHCR.

Garsoorayaasha Maxkamada oo dhegeysaty Eedaynta Xeer ilaalinta labo maalin ka hoe ayaa maanta markii ay dhegeysteen markale waxay ugu danbeyntii go'aamiyeen in lagu xukumo buracdaasi xabsiyo kala duwan sida.

7 Burcad Badeed ah ayaa lagu xukumay dhamaantood Xabsi Daa'in kadib markii uu ku cadaaday denbigii lagu soo eedeyay.

4 dhalinyaro Burcad Beri ah oo ku fashilmay afduubka Gabadha u shaqeysa UNHCR ayaa lagu xukumay mid kasta 5 sano oo xarig ah.

Dhalinyarada 5 sano lagu xukumay ayaa Maxkamdu ay u tixgelisay qirashada denbiga iyo iyaga oo sheegay in la khalday islamarkaasna aysan mar danbe u noqon doonin denbi noocan oo kale ah.

Waa markii ugu horeysay oo Puntland ay Maxkamad keento Burcad ay soo qabatay islamarkaasna la xukumo.

Cawaale Jaamac
Boosaso
Jamnaf87@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 29, 2008

batroolFadeexaddii Ganacsi ee ka Dhacday Australia iyo Xiriirka Batroolka Puntland
Australia: Waxaa burbur dhaqaale ku dhacay shirkad dallaaliin ah oo xiriir la leh Range Resources, arrintaas oo keentay in... Akhri warbixinta

Black Gold of Puntland
Warbixin dheer oo laga qoray shirkadaha Batroolka DGPL
: Geyre (Wasiir-ku-xigeenka kalluumaysiga): Dekedda Boosaaso waxaa sannadkii ka soo xerooda $35 million ilaa $40 million oo doolar... Akhri

oilPuntland oo Wada Dastuur Cusub oo Xasaasi ah....?: Puntland Waxay ka Go'eysaa Soomaaliya, Haddii Lagala Hadlo Arrimaha Shirkadaha Batroolka?.. Akhri..

hargeysaSomaliland oo Xaqiijisay in Xiriir Dhexmaray Shirkadda Batroolka ee Lundin Oil: Waa maxay xiriirka ka dhexeeya Lundin iy Africa oil Akhri

 


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com