SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Maxaa loo Dagaallamayaa, Maxaase la dib dhigan karaa? 
 

Dagaalka ka socda dalkii hooyo, gaar ahaanna koonfurta Soomaaliya waa mid lagu riiqday kooxo badan oo kala duwanna ay iska dhinac dagaallamayaan. Qoraalkan waxaan ku eegi doonnaa cidda dagaallamaysa iyo waxa loo dagaallamayo, waxa aan la dib dhigan karin iyo waxa la dib dhigan karo. 

Dagaalka wuxuu leeyahay sida muuqata laba dhinac oo asaasi ah. Dhinac waa DFKMG ah oo ku taagan taangiga Itoobiya iyo garabsiinta reer Galbeedka. Waxaa dhulka uga dagaallamaya maleeshiyo Soomaaliyeed iyo ciidamada Itoobiya ee gumaystaha ah oo lafdhabar u ah dhankaa koowaad ee dagaallamaya. 

Dhanka labaad waa kooxo fara badan oo haysto taageero badan oo xagga shacabka ah kuwaasoo badankood ku abtirsada kooxihii ku midoobay Maxkamadaha Islaamiga iyo xoogag kale oo dib kaga soo biiray oo ka biyo diidsan gumaysiga iyo faragelinta shisheeye. 

Waxa lagu kor dagaallamayo waa dhulkii iyo shacabkii Soomaaliyeed oo dhimasho, dhaawac, qax, gaajo, rafaad iyo  cabsiba ku habsatay. 

Dhanka Huwanta

Waxaa loo dagaallamayo waa ujeedo badan iyo isku raran. Hogaanka DFKMG ah  laf dhabarka u ah waxaa ay sheegayaan inay u dagaallamayaan in  dalku dawlad helo cid kastana ay taas u kaashanayaan, waxaase in badan dareensan tahay in sababta ugu muhiimsan ama ka dhax guuxaysa kuwa ugu muhiimsan horbodayaasha dawladda ay tahay kursi jacayl arxan iyo damir ka maran oo baqti kasta  loo cunayo iyadoo qabyaalad iyo aargoosina lagu dagaal galayo. 

Dhanka Itoobiya waxaa iyana ujeedku yahay inaan Soomaaliya ka dhalan dawlad Qaran oo ka madax bannaan Taliska Itoobiya  ha ahaato dawladdaasi  mid cilmaani ah ama mid Islaami ah tay doonta’e. Waxayna ka iibisay qorshayaasheed reer Galbeedka iyadoo ku dhex dhuumanaysa mashruuca waxa loogu yeero argagaxisl la dagaallanka. 

Dhanka Maraykanka iyo guud ahaan reer Galbeedka waxay iyana ka dagaallamayaan in Soomaliya uu ka dhasho dawlad Islaami ah oo mayal adag xiriirna la leh ama ku dhaqan ah nidaamka Taalibaan iyo Alqaacida iyadoo intii karaankooda isku dayaya inay hor istaagaan nidaam kasta oo Islaami ah oo si cad iyaga uga hor imaanaya sidiiba ay kula kaceen doorashooyinkii Aljeeriya ee Afganbiga lagala hor tagay kadibna sababay dagaal fitno ah oo gawrac iyo gummaad loogu gaystay kummanaan reer Aljeeriya ah. Waxaa taa ka fogayn dagaalka lagu hayo Xamaas, Xisbullaah iyo Iraan oo kala heer uu yahay dagaalku. 

Dhanka Iskacaabinta

Waxaa iyana dhankan ka dagaallamaya kooxo kala aragti duwan balse wadaaga in la iska celiyo oo lala dagaallamo colaadda dhanka kala kaga imaanaysa. Dhankan waxaa ay isugu jiraan kuwo dagaalkooda sal u yahay dareen qabiil, kuwo mid qaran wado, kuwa dareen Islaami ah wado iyo kuwo laba ama sedexda dareenba iskugu laban yihiin. 

Qaar waxay u dagaallamayaan dareen Qabiil iyagoo ka dhiidhiyaya  in rag sarbeebaya ama cadaysanaya caadifad beel ay magac dawlad u huwadaan ka dibna ay aargoosi kula kacaan ama jajuub iyadoon is qancin iyo tala wadaag dhab ah jirin, waxaana tan sii saacidaya habdhaqanka qabqablayaasha DFKMG ah qaarkood oo in badan ka tarjumaya dareenka qabyaaladeed. Waxaa iyana kuwa dareenka qabiil  dagaalkoodu ku jiro leeyihiin hab dhaqan ay kuwa kale kaga jawaabaan inaysan wadaniyad iyo diin jirin ee dagaalku yahay mid beeleed ay cid kastaahi ku kici lahayd waxay faleen. 

Qaar kale waxay iyana u dagaallamayaan wadaninimo iyo  nacayb ay Itoobiya u qabaan waxayna qaadan la’ yihiin in cadawgii Soomaaliya ee horey dhulka Soomaalida qaar gumaystihii caddaa u siisay ay maantana Jamhuuriyaddii badankeed  iyo caasimaddii qabsadaan halka ay qaybaha kale ee dalkana si dadban u saameeyaan. 

Qaar kale waxaa wada dareen Islaamnimo iyo in dalka diinta lagu xukumo cadawga ilaahayna lala jihaado. 

Inta badan sedexdan dareen waxaa laga yaabaa inaysan kala soocnayn oo labo ka mid ah ama sedexdaba ay qof isugu tagaan ama koox iyadoo laakiin ku kala duwan sida ay qof kastaahi  ugu kala muhiimsan yihiin ama uu ugu kala xag jirsan yahay dareennadan. 

Maxaa Dib loo dhigan karin? 

Dagaalka haatan Soomaaliya ka socdaahi sida muuqata waa ujeedo badan iyo lakabyo badan oo isa saaran, una baahan xikmad, dulqaad iyo  in qallafsanaanta laga fogaado. 
 

Hadaba maxaa  ay tahay in hadda la helo ama la joojiyo marka laga eego dhanka iska caabinta ama guud ahaan Soomaalida, maxaase dib loo dhigan karaa?

  • Waa in la dhimaa hadiiba aan la tirtiri karin dareenka iyo habdhaqanka qabyaaladeed ee na dhaxalsiisay meesha aan taagan nahay, si cadna loola dagaallamaa kiisa gaaray heerka kansarka oo kale ee burbubriyey khadadkii casaa ama guduudnaa ee ummaddu lahayd. Kan gaarsiisan intii nin reer hebel ahaa shareeco igu xukumi lahaa shareeco la’aan baan ka xigaa ama inti nin reer qurac ii talin lahaa dawlad la’aan baan ka xigaa. Qabyaaladda nooceeda daacuunka dilaaga la mid ah  ee xataa na hilmaansiinaysa inaan Soomali muslim iyo qaran isla nahay oo wax kastoo na dhex maraa aan iska xigno cadawga iyo gumaystaha, taa keentay in khadadkii casaa laga gudbo, in taasi lala dagaallamo oo la iska daweeyo waa waajib diini ah iyo mid wadani ahba waana daruuro aan la’aanteed qaran iyo dal madax bannaan la ahaan  doonin.
  • Waa in ciidamada gumaystaha  Itoobiya oo burbur mooye wax kale noo horseedi doonin meesha looga saaro xoog iyo xeelad wixii ay Soomaali heli karto dib u dhigashana ma leh.
  • Si iska xoraynta Itoobiya  usoo dhawaato ama loo gaaro waxaa laga maarmaan ah in danaha cadawga la kala qaado oo tan Itoobiya iyo galbeedka la kala furfuro haddii aan taas lagu guulaysanna looma fadhiyo in la helo Qaran Soomaaliyeed oo saldhigta, waxaase la luudin karaa in cadawga laga ciidayo damaciisa oo uusan helin nidaam saldhigta oo danahisa ka shaqeeya . Sidoo kale waa in qallafsanaanta iyo kursi u dhimashada ama ku toxobkana meesha laga saaraa.

    Maxaa Dib loo dhigan karaa? 

    Marka ay timaaddo maxaa dib loo dhigan karaa waa su’aasha ugu adag in aragtiyo midaysan laga yeesho ama u baahan qodnaan aqooneed iyo qoti dheeri. Kama eegayo su’aashan dhinaca huwanta iyo waxa Itoobiya iyo Maraykanka dib u dhigan karaan, waxaanse haatan ka eegaya oo qura dhinaca iska caabinta . Su’aashani waa midda keeni karta inay kala soocmaan kooxaha dagaalka iskacaabinta ku midaysan. Dano qabiil, kuwa qaran iyo kuwa Islaam iyo kuwa shaqsi oo wada jira oo aan la shaandhayn ama ninba siduu u fahamsan yahay haddii loo wada dagaallamo muddo waa lasii wada joogi karaa, lamase xaqiijin doono ahdaaftaas oo wada jirta iyo sida  koox walbaahi u fahamsan tahay.  

    Qofkii ama kooxdii qabyaaladda nooceeda kansarka ah qabaahi haddii uusan ka tanaasulin ama laga badan oon la caburin looma fadhiyo in Qarannimo la helo iska daa dawlad Islaami ahe. 

    Dareenka Islaamnimada ee aqoonyari iyo fawdo ku salaysan iyo kooxo aan kala amar qaadan oo qaarkood dibadda xiriir la leeyihiin oo loo soo sheegayo waxa ay u dagaallamayaan iyo dareen xukun jacayl oo qabqablanino, haddii kuwani xoog badiyaanna looma fadhiyo in dawladnimo saldhigata la helo ama danaha cadawga isbahaystay la kala furfuro, waxaanan laga bixi doonin dagaal joogta ah iyo qas, iyo in lagu kala tago amaba la iska hor yimaado, lamana heli doono wax dawladnimo ah noocay doontoba ha ahaatee. 

    Haddiise dareenka Wadaninimada iyo Islaamnimada aqoonta iyo miirka ku salaysan ay xoog bataan waxaa suurto gal ah in sida oodo dhacameed u kala sarreeyaan loo kala guro ama siday arrimuhu u kala horreeyaan loo kala qaado ama qabto, iyadoo laablakaca, kursi jacaylka iyo wixii waqti dheer u baahan dib loo dhigayo, waxaa suurta gal ah in markaa danaha huwanta la kala furfuro oo ugu yaraan danaha Itoobiya iyo Maraykanka la kala qaado si guusha usoo dhawaato iyo in Qaranimo Soomaaliyeed marka hore la helo, ka dibna ku dhaqanka shareecada la raadiyo hadba intii suurta gal ah ama la xaqiijin karo. Iyadoo dhanka kalana ay noo yaallaan hadiiba xitaa Qaran la helo hawlo baaxad ballaaran oo ay ka mid yihiin cadaalad, nidaam, sharci, kala danbayn, aqoon, dhaqaale iyo horumar ka shidaal qaadanaya danaheena qaran iyo Islaamnimo iyadoo dhanka kalana la dhimayo oo la cirib tirayo qabyaaladda, jahliga, fawdada, faqriga iyo fisqigaba.

Abdulkadir Warsame

London UK

Gureey2001@yahoo.co.uk

 

Faafin: SomaliTalk.com |  August 5, 2008

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS