SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Ash-Shabaab iyo Ash-Shayb (Korneylka) ma Wadashaqeynkaraan

cabdiwaaxidC/Waaxid C/hi Khaliif

London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com


Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.

Ash-Shabaab markaan leeyahay kama wado koox gooni ah ee waa dadka kacdoonka ku jira oo dhan. Kooxaha kacdoonku waa ka badbaadeen dabinka gumeysiga oo waa diideen in la kala qeybsho. Ash-sheybkuna waa iska macruuf oo duq C/hi.

Maaddaama ciidamo shisheeye waddanka heystaan sidoo kalana mushaarka xildhibaannada iyo wasiirrada ay bixiyaan Beesha Caalamka ayaa waxaa iska cad in sidii la sheegayey la arki doono wasiirro Itoobiyaan ah, Jendayi Frazer, Axmed Walad Cabdalla, iyo kuwa kale oo ka hadlaya arrimaheenna iyo khilaafka soo dhexgalay labada nin ee gacanta ugu jira shisheeyaha .

Sheybka sheekadiisa waan ka dheregsannahay laakiin muxuu Nuur-cadde soo kordhiyey oo uu ka qeybqaatay? Wuxuu ka qeybqaatay kala jabka kooxdii Asmara. Wuxuu ka qeybqaatay xildhibaannada iyo wasiirrada oo si qabyaalad ah isu qabqabsaday. Wuxuu ka qeybqaatay in inta odayaal shiraan ay dhahaan: annagoo beel hebel ah oo Xamar deggen waxaan ku leennahay madaxweynaha sidaas iyo sidaas! Waa meeshaan joognay daboyaaqadii 1990.

Odayaasha la sheegayo waa kuwama? Qaarkood waa kuwii inta Maxamed-dheere iyo Salaad Cali Jeele soo shirsadeen ay ka dhaadhiciyeen iney ka caawiyaan sidii loo gumaadi lahaa oo loo barakicin lahaa shacabka Xamar deggen. Khudbooyinkii iyo sacabkii ay odayaashu u sacabbinayeen waa la wada dhegeystay. Odayaasha noocaas ah la yaab kuma aha in inta indhaha ka laabtaan waxa raggaas iyo Qeybdiid sameeyeen la arko iyagoo farta ku fiiqaya waxa marya-calasta Puntland ka timid sameeyeen oo keliya. Qaab darrada qabyaaladda ayaa saas ah. Marka qabiil laga hadlayo lama fiirsho dhibka cidda geysata ee waxaa la fiirshaa qabiilka qofka dhibta geystay. Haddii dambiilahaasi noqdo qof lagu awrkacsan karo waa u muhiim dagaaloogayaal iyo odoyaal badan.

Haddii sheekada la sheegayo run noqoto waxaa soo baxaysa inuu Meles Zenawi yahay nin fahansan meesha Soomaalida laga soo galo. La yaab ma leh in inta kuwa Jibuuti jooga iyo Nuur-cadde ku dhaho adinkaan idinla jiraaye ka aarsada reer Puntland iyo Daarood! Haddeertaan aan maqaalka qorayo marka laga reebo kooxaha kacdoonka, dadka kale intiisii badan waxay ku mushquulsanyihiin khilaafka u dhaxeeya kooxaha jooga Asmara iyo Jibuuti iyo C/hi iyo Nuur-cadde! Soow ma aragtid Itoobiya khadka waa ka baxday? Awalba shaybka iyo maryo-calastu ma fahmin in Zenawi rabay inuu shacabka Koonfurta tuso iney yihiin dad ku soo duulay xasuuqa dadka halkaas deggen. Runtiina waa ka qeybqaateen xasuuqa iyo barakicinta dadkaas laakiin maryo-calasta waxaa weheliyey kuwo u dhashay dadka la barokiciyey laftooda.

“Adduun waa is dabo mar!” Ka warran haddii kuwa Jibuutina beddelaan Ashahaado-la-dirirkii sidoo kalana Nuur-cadde u beddelo korneylka Tigreega? Waa uun xasuuq shacab oo hor leh iyo xalka oo sii fogaada. Maxaa Caydiid iyo C/hi ka keeneen qabyaalad?

Ash-sheyb hal mid buu uga fiicanyahay Nuur-cadde iyo kuwa Jibuuti jooga – korneylku ma qarsado lamana gabbado wuxuu rabo. Halkii Geeddi dhihi jiray waxaan u shaqeynayaa shacabka; korneylku wuxuu yiri: baddaan ku darayaa dagaaloogayaasha iyo shacabka Xamarba waana ka dhabeeyey oo waa kuwaas dadkii wixii badbaaday tuban dariiqa u dhaxeeya Xamar iyo Afgooye. Korneylku wuxuu dhahaa meeshii xabbad naloo ka soo rido waxaan ka dhigeynaa cardaadiqaha. Halka Nuur-cadde iyo kuwa Jibuuti jooga oo dibindaabyo iyo dabomaryeyn soo wada ay leeyihiin waxay soo wadaan dib-u-heshiin!

Kooxaha kacdoonka ka wada Xamar iyo Soomaaliya iyo korneylku hal bay iskaga mid yihiin waa iyagoo koox kasta ku cadcaddahay mabda’ooda. Konrylku markuu ka hadlayo kursigaas wuxuu dhahaa wuxuu usoo cabbay “kaadi.” Sidoo kalana waa ogeyn khatartuu Baydhabo iyo Xamar ku galay welina waa soo taaganyahay. Mar kasta wuxuu jecel yahay in tiisa socoto. Maaddaama hadda sheekada korneylka iska soo xirmeyso ayaan waxaan siin lahaa talooyinkan dulucdoodu tahay inuu la shaqeeyo kacdoonka shacabka. Wixii dhib iyo halaag ah oo uu Soomaali ka galay uu  isku dayo inuu tirtiro oo ku dadaalo wanaagga. Marka waa kuwaan talooyinku:

  1. Khaatumada wanaag baa lagu soo xiraa. Inkastoo wedka loo simanyahay laakiin ma muuqdo adduun aad hadda u sii hanqal taagtaa marka cimrigaaga wixii ka harsan ku dadaal inaad wax ka saarto Xabashidaad waddanka wax ka soo gelisay.
  1. Nimankii shisheeye sida Bush ood is lahayd waxbey kuu qaban waa kaaga baxeen xitaa safaarad kaagama furna Washington iyo London. Aqoonsina kuu diide. Marka maxaa shisheeye la iskaga dhejin?
  1. Uma ciilqabtid inaad qof dambe oo isku kaa taaga aad meel la yaqaan uga soo harto marka hadda taas socon meyso oo markaad gumeysi wax ka soo gelisay waxaa kaa cararay dad badan marka taageeradaadii waa is dhintay.
  1. Rag baa waddadaadii hadda haya. Marka si Meles Zenawi u yaabo waxaa fiican inaad ciidankaaga ku biirisid kacdoonka. Sidoo kalana saameynta aad Puntland ku leedahay uga faa’iideyso kacdoonka shacabka. Haddii Puntland maamul dal-xoreyn ah ka dhasho, Tigreegu habeyn ma joogi karo Baladweyne.
  1. Wax ka fiican ma leh oo aakhiro iyo adduunba waad liibaaneysaa haddaad inta kuu hartay aad Ilaahay usoo noqoto oo culumadii iyo dadkaad dhibi jirtay ku soo biirto. Waxaa kaloo halaag u sugnaaday kuwa ku dabomaray ee qaarna Jibuuti joogo qaarna Xamar.
  1. Ilaahay waa Towbad-Aqbale marka haddaad saas yeeshid oo waddada xaqa ah cag saartid dhib ma leh haddaad maalmo, bilo amo sanado sii noolaatid ee waxaa muhiim ah waddada aad ku dhimato.
  1. Waxaad reer tolkaa ka dhaqeysaa sumcad-darradii gaartay ee ahayd Tigree-kalkaal. Dad badan baa quful kuugu jabshan yahay. Ilaahay ka bacdi, adiga uun baa ka tirtiri kara gaalo-jacaylkaas marka iyaguna kheyrkey kugu soo raacidoonaan.
  1. Shaki ma leh in cajojugleyn kaaga imaandoonto Beesha Caalamka haddaad saas yeesho marka adoo da’daas jooga oo intaas oo khatar ah soo maray ma garanayo waxaad uga cabsato handadaadooda haddaadba xaqa iyo xooggaga xoreynta ku biirto.
  1. Fiicnaan lahaydaa adoo wadahadal la fura madaxda kacdoonka gudaha joogta iyo sidoo kale sheekh Xasan Daahir Aweys. Sheekh Xasan waa nin dhinaca mitidka kaala mid ah. Xitaa waxay keeni kartaa in Itoobiya iyo Eritereeya isku soo dhowaadaan. Haddii taasi dhacdo waxaa dhici karta in kulligeen/waddanka kasta gudogalo waddan-dhis oo la iska daayo adeegsiga ay u adeegayaan gumeysi kale.
  1. Dadka Soomaaliyeed waa dad cafis badan. Haddaad ku dhawaaqdid inaad ku biirtay kacdoonka Soomaaliyeed oo shacabka Soomaaliyeed cafis weydiisato waxaa hal habeyn noqoneysaa halgamaa iyagoo dadku iska iloobidoonaan wixii hore. Sidoo kale Tigreegu waa ka cararayaan Muqdisho iyo Baydhabo.
  1. Waxaa dhici karta xitaa inaadan jago waayin oo waxaa laga yaabaa in la yiraahdo halka sano oo kuu dhiman  waxaa dowlad soo dhisaya qolyaha halgamaya adiguna waxaad sii ahaaneysaa madaxweyne
  1. Haddaad taladaas diiddo waxaa dhici karta in kuwii shalay beenta kuu sheegay ay maanta rabaan iney qolyo kale been u sheegaan si loo helo kuwo isku dira shacabka Soomaaliyeed. Waxaa dhici karta inaad soo istaagto eber iyadoo shacabkii isleynayo adna aadan waxba tarikarin.

Inkastoo loo arko wax khiyaali ah laakiin Ilaahay wax kasta waa awoodaa. Teeda kale ma filayo wax uga fiicnaan lahayd in korneylku saas yeelo. Haddii dadka qaar is dhahaan kooxaha kacdoonka iyo anigu waa diidi jirnay in lala hadlo kooxda Mbagathi ee maxaa hadda isbedelay? Kooxaha wax-iska-caabbinta iyo anigu waxaan diidi jirnay waa qorshe iyo heshiis shisheeye wato ee marna cidi ma oran dad Soomaali ah la lama hadlayo. Waxaa qaadanwaa’ igu noqday BBC-da laanteeda Afsoomaaliga oo dabada ka wadda heshiishka Jibuuti, Nuur-cadde iyo Axamed Walad Cabdalla ay gobolka Minnesota ee cariga Maraykanka ay Soomaali isugu keentay hool shirarka lagu qabsado. Odayaal iyo hooyooyin Soomaaliyeed baa lahaa waxaa naga oohiyey hadalkii Axmed Walad?! Sabab? Wuxuu noo sheegay dhibta ka jirta Soomaaliya! Wuxuu ninkaas sheegay waxaa sheegay malaayiin qof oo Soomaaliya. Sunta uu ka hadlayo ka fiirsha waxa laga yiri bogga Soomaalida qaarkood sida Somalitalka oo ka diyaarshay macluumad badan iyagoo soo xiganaya aqoonyahanno Soomaaliyeed. Masaajid aan maalin kasta laga sheegin waxa Axmed Walad sheegay ma jiro laakiin Soomaalidaa iska jecel iney dhegeysato cid shisheeye ah xitaa hadduu yahay nin la soo dirsaday oon awood lahayn. Marka ummadda BBC-da laanta Afsoomaaliguna saxaafad u tahay, Axmed Waladna u yahay lama-arag iyo lama-maqal xaggee ku dambeyn? Dadka meeshaas ka hadlay oo xitaa qaar badan aan magacyadooda garanayey yaa hadda dib u wareysta kaddib markey isqabteen C/hi iyo Nuur-cadde! Labo ilaa seddex qof baa runta sheegtay oo tiri ninkaas waa la soo dirsaday oo shaqadiisuu qabsanayaa. Miyeydaan weligiin arag dad gaalo ah oo jaamacadaha ka dhiga diinta Islaamka? Marka macallinka jaamacadda dhigaya ee aan muslinka ahayn markuu ka hadlayo wanaaga Islaamka lagama fahmayo inuu Islaamka jecelyahay ee shaqadiisa sidaas ah. Marka hala iska daayo badownimada iyo jahliga.

Haddii si uun sheeko isku-soo-dhowaansho ah ka timaaddo dhinaca Shaybka waxaa fiican in xooggaga kacdoonku soo dhoweeyaan marba hadduu diyaar u yahay in korneylku ku soo biiro inuu wax ka saaro belaadayii iyo gumeysigii uu waddanka keenay. Been kuuma sheegayo haddii korneylka iyo Maxkamaduhu wadajiraan oo meel laga soo wadajeesado waxaan filayaa in ay Tigreegu maalmo ku baxayaan maxaa yeelay iyagoo korneylka iyo dagaaloogayaal kale la jiraan bey qilqiil ku jiraan. Sidoo kale korneylku wuxuu leeyahay saaxiibbo sida Cabdi Qeybdiid iyo Maxamed-dheere marka hadduu ku dhaho nimanyahay aakhiraa jirtee aan dadkeenna u shaqeyno inta noo harsan. Marka waa adduune malaga yaabaa in C/hi, Cabdi Qeybdiid iyo Maxamed-dheere oo la dhinac noqday Maxkamadaha la arko dhinaca kale sheekh Shariif, Shariif Xasan iyo Nuur-cadde ka soo jeestaan safka Tigreega? 

C/waaxid Khaliif

Saxiixyadii Sheekh Shariif iyo Nuur-cadde oo Soconwaayey Akhr..

Faafin: SomaliTalk.com |  August 5, 2008

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS