SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - JABUUTI

Shirkii Jabuuti oo la soo geba-gebeey iyo qodobo sharaxaad badan yeelana oo laga soo saarey

Sawirada Gabagabadii Shirka Jabuuti Halkan ka daawo...

Shirkii ugu socdey dhinacyadii iskaga soo horjeedey arimaha maamulka iyo siyaasada Soomaaliya ee TFG-da iyo ARS-ta, loogana hadlayey arimaha Siyaasadda iyo Nabadgeylayadda dalka Soomaaliya, islamarkaana uu soo qaban qaabiyey Wakiilka gaar ah ee Ergayga Qaramada midoobey ee Soomaaliya, Ap; Ahmadu Ould Abdallah, ayna goob joog ka ahaayeen, laba xubnood oo ka socdey Xafiiska Madaxweynaha Dowlada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele, xubno kale oo ka socdey Beesha Caalamka iyo Diblamaasiyiinta dalallka dunida ee ka jooga dalka Jabuuti, xubno ka socdey Ururadda Bulshada Soomaaliya ayaa lagu soo gebagebeeyey Hoteel Kempeski ee Caasimada dalka Jabuuti Habeenimadii Talaadadda ee 18/08/2008-da.

Xiritaanka shirka oo ay ka soo qaybgaleen Wakiilada Jamaacadda Carabta, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Mareykanka iyo seddax xubnood oo ka kala socdey ARS-ta iyo TFG-da ayaa waxaa ugu horeyn ka Hadley Ap; Ahmadu Ould Abdallah, waxaa uuna ka hor akh-riyey qodobadii ay isla gaareen dhinacyadii saldhiga u ahaa kulanka, kaasoo ahaa qoraal ka koobnaa laba Bog oo ay ku qoran yihiin 11-qodob iyo magacyada sixiixayaasha heshiiska TFG-da iyo ARS-ta oo uuna qayb ka ahaa Ahmadu Oul Abdallah, sidoo kale waxaa halkaasi ka hadley Wakiiladda Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika, Mareykanka, Midowga Yurub, mas’uulka hogaaminayey TFG-da, laba xubnood oo ka socdey ARS-ta, Wasiirka Arimaha Diinta iyo Aw-qaafta Jabuuti.

Qoraalkii ka soo baxay shirka Dibu-heshiisiinta ee uu Akh-riyey Ahmadu Ould Abdallah ayaa waxaa uu u qornaa sedan:-

Communiqué by the Transitional Federal Government
and  The Alliance for the Re-Liberation of Somalia


1. The Transitional Federal Government (TFG) and the Alliance for the Re-liberation of Somalia (ARS) held the first meetings of the High Level Committee and the Joint Security Committee in Djibouti from 16 to 18 August 2008. The international community, including diplomats from regional organizations (African Union, European Union, League of Arab States) and individual countries, as well as representatives of Somali civil society and business community, attended as observers.

2. They adopted the Terms of Reference for both Committees and discussed practical means of implementing the Djibouti Agreement.

3. The Parties agreed to continue the political dialogue between themselves and refrain from making inflammatory statements. They reaffirmed their commitment to cease all armed confrontation and to establish sub committees to implement the arrangements to that end.

4. They welcomed all efforts undertaken by Somali nationals, including through supportive meetings inside and outside Somalia, as well as those of the international community to help implement the Djibouti Agreement.

5. The Parties strongly condemn the perpetrators as well as those who mastermind and fund violence which targets innocent people, including killings, indiscriminate shelling, looting, raping and acts of piracy.

6. The TFG and the ARS are very concerned by the seriousness of the humanitarian situation in the country and the continued suffering of their compatriots. The Parties agree on the critical need to address this situation in all its dimensions – political, security and access. They call on the international community to urgently provide humanitarian assistance to the needy people of Somalia. In this connection, the Parties reaffirmed their strong determination to help ensure unhindered humanitarian access and assistance.

7. The Parties call on the international community to provide full support for the High Level Committee and the Joint Security Committee, particularly in their work in establishing a national mechanism for humanitarian access and assistance.

8. The Parties call on the United Nations Security Council to accelerate the deployment of a UN peacekeeping force to facilitate the withdrawal of Ethiopian forces from Somalia.

9. The Parties would like to reassure the Somali population that they are determined to strengthen their commitment for peace, stability, unity, sovereignty, territorial integrity and dignity in Somalia.

10. The Parties thank the Government and people of Djibouti for their hospitality during the meetings of the High Level Committee and the Joint Security Committee.

11. The parties also express their appreciation to the international community for its generous support and invite it to remain supportive of the Djibouti Agreement, formally signed on 18 August 2008, to help start its effective implementation.


Djibouti
18 August 2008

High Level Committee
_________________ _______________________
Ahmed Abdisalam Aden | Abdurahman Abdishakur Warsame
Transitional Federal Government | The Alliance for the Re-Liberation of Somalia

Joint Security Committee
____________________ _____________________
Mohamed Mohmud Hayd | Omar Hashi Aden
Transitional Federal Government | The Alliance for the Re-Liberation of Somalia

Dhamaan mas’uuliyiintii ka hadashey goobta ayaa inta badan waxay ku cel-celinayeen muhiimada heshiiska, qiimaha nabada ay leedahay, heerarkii uu soo marey heshiiska iyo sidii loo adkeyn lahaa qodobadda lagu sixiixey heshiiskan.

Hase ahaatee waxaa hadalo kala duwan oo si hoose aan ku helney sheegayaan in Ciidamada Ethobia iyo kuwa DFKMG la hadal hayo in laga saaro oo dowladuna ay degto, Magaalada Baydhabo, halka Is-bahaysiguna la sheegey in isna loo qoondeeyey in Gobolka Sh/hoose Magaalo madaxdiisa Jowhar ay iguna degidoonaan, Magaalada Muqdishona loo deyndoono Ciidamada UN-ka ah ee la doonayo in dalka la keeno, waxa looga dan leeyahayna lama cadeyn, laakiin arintaas waxaa si weyn uga biyo diidsan Mas’uuliyiinta sare DFKMG ee at Qaranimadoodu ku dhisan tahay, dilka, xariga, dhaca iyo handadaada shacabka Soomaaliyeed qaybaheeda kala duwan, halka Is-bahaysiguna isaguna marka aad si hoose u eegto ay ka dhex jiraan guux aan si weyn loo dareemi Karin, kadib markii la ogaadey xubnaha shirka ugu qaybgala, iyadoo aan laga tashan in shirka ay ku qoran yihiin.

Inkastoo heshiiska qaabka uu u dhacay iyo sida la doonayo oo ahayd muhiimada heshiiska in la fuliyo, ayaa durba waxaa soo if-baxay, hadalo duul duul ah iyo jahwareer markii uu bilaabaney shirka iyo gunaanadkiisa, taasoo u muuqatey mid miisaanka heshiiska iyo sida awooda loo saarey aysan ahayn, mid isudhiganta, waxaana taagan su’aalo fara badan oo sheegistooda iyo ka jawaabistooda aan si dhab ah loo shaacin Karin, maadaama Beesha Caalamka iyo Ummadda Soomaaliyeed ay in badan ku dhex jireen mashaqada guracan ee ay la yimaadaan kuwa horboodaya Siyaasadda Soomaaliya, islamarkaana aan la garan Karin ujeedadda ugu dambeysa ee ay isladoonayaan, laakiin wax kasta oo dhaca waxaa indhaha caalamka iyo Ummadda Soomaaliyeed ku eegayaan, sida loo dhaqan geliyo heshiiskan iyo caqabadaha imaandoona.

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  August 19, 2008

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS