SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print

Minneapolis Somali community facing dark web of murders
They came to escape civil war, so why are they killing each other in the streets? Read More..


Minneapolis (CITYPAGES): Saeed Osman Fahia, the unofficial historian of Somalis in Minnesota, understands the social factors that have led to violence among Somali youth..  Read here...


Qamar Shariif Hashim "Maxsuulka ay IGAD ka Dooneyso Isku Dhafka Kooxaha Mbagathi Iyo Isbahaysiga Garabka Jabuuti

Amiirka IGAD Atto Melez Zenawi ayaa sida la'ogyahay Iclaamiyey in Horjoogayaashii Kooxdii Mabagthi ee Isaga u adeegayey ay ku Guuldareysteen Howlihii uu u soo Igmaday, Isagoo si aan Gambasho lahayn u sheegay in Kooxdaasi lagu Beddelayo Koox kale oo Caaboon, kana Bixi karta Howlaha horyaalla oo Dabcan uu ula jeedo ka Shaqeynta Danaha Tigreega.

Shirka uu Garwadeenka ka yahay Zenaawi ayaa wuxuu Greenlight ka Haystaa Dowladaha Reer Galbeedka oo uu horboodayo Mareykanka, Lacagaha Shirkaas ku baxayana waxaa Bixinaya Reer Yurub oo Qudhooda Markii hore Shuruudo Adag ku Xiray inay Bixiyaan Dhaqaalaha Shirkaas ku baxaya, Dowladaha Yurubta Qaarkood ayaa sida la sheegay qabay in Barlamaanka Kooxa Mbagathi iyo Dowladdaba loo kordhiyo Muddo saddex sano ah Iyadoo la Ballaarinaayo Baarlammaanka laguna Biirinaayo qaar ka mid ah Kooxda Jabuuti ee Labada Shariif ay Hoggaaminayan, Balse inta badan Dowladaha Reer Yurub oo uu Ingiriisku ugu Horreeyo ayaa qaba in gabi ahaanba la baddalo Kooxda Mbagathi Barlammaankooda mooyee kaasoo isagana Qaabka uu u dhisanyahay Iyo Suruucdiisaba wax badan laga bedelayo, aadna loo Ballaarinayo.

Dowladda Itoobiya ayaa sida la sheegay Dowladaha Igad u soo jeedisay in Kooxaha Koofurta Soomaliya kula Diriraya Ciidankeeda qaas ahaan Magaalada Muqdisho ay u badan yihiin Qabaa'ilka Hawiyaha kuwaasoo sida Itoobiya ay ku dooday Haddii Shaqsi Qabiilkaas u dhashay la Magacaabo oo Taageero ka haysta ay Rabshaduhu intaas ka yaraan doonaan Islaamiyiinta farakutiriska ahna laga Adkaan karo, Waa sida ay Itoobiya sheegtaye, Arrintan oo sida Muuqata ay ku Xaqirayaan Soomaalida Qabiilwalba leh ee ku Mideysan Halganka Diinta iyo Dalka Soomaaliyeed ee ay Tigreegu ku soo Xadgudbeen loogu jiro, Iyagoo markaa Tigreegu Quuddareynaya in ay Qaar ka mid ah Qaba'ilka Hawiayaha ah oo ay Horboodayan Shaqsiyaad Oday Dhaqameedyo Hawiye Sheeganaya Kuwaasoo la Doonayo in loo Adeegsado Qiddada Cusub ee ay Tigreegu ku kala Qeybinayaan Shacabka Soomaaliyeed ee ka mideysan iska Xoreynta Cadawga Madoow ee Injirta badan..

Tigreegu waxay is tuseen Haddii ay isla helaan Kooxda Jabuuti Iyo Oday Dhaqameedyo ay sheegeen in ay Xakameyn karaan Qabaa'ilka Hawiyaha in markaa ay u dhaqan geli karto Dowlad ay Tigreegu Maamulaan Iyagoon Ciidan badanina uga dhiman, Maadaama sida Tigreegu ay ku Tashanayaan Odayaasha Hawiyaha ah Haddii la Qanciyo ay Markaa soo Aruurin karaan Maleeshiyo Beeleedka Dagaalka kala soo horjeeda Dowladda ay soo dhistaan, Waa sida ay ku Xisaabtamayaane.

Ugu Dambeyntii Waxaan maqaalkeyga ku soo xirayaa Anigoo Walaalahyga Soomaliyeed ku Baraarujinaya in Wixii aan ka Dagaallameynay ay ahayd in Dowlad Gacan ku Rimis ah oo Itoobiya ay Remoteka u hayso Danaheedana fulisa aysan Shacabka Soomaaliyeed marnaba Aqbalin, Balse aanan kala Jecleyn Qabiilka uu ka soo jeedo Shaqsiga Tigreegu soo Adeegsadaan, Shacabka Soomaaliyeedna ay ka Feejignaadan Maxsuulka uu Melez Zenawi ka doonayo isku dhafka labada Kooxood ee Mbagathi iyo Jabuuti oo ah mid lagu doonayo in shacabka Soomaaliyeed dib loogu celiyo 1991kii Xilligii Qabaa'ilka Taasoo markaa Qabiilba mar uu Melez doonayo inuu Dhegta ugu sheego "Haye Waa markaaga", Iyadoo markaa la doonayo in meesha laga saaro Hadafkii ay ka Mideysnayeen Ummadda Soomaaliyeed.

W/Q: Qamar Sharif Hashim.
la xiriir: lunadurazzini@hotmail.com

Faafin: Somalitalk.com | Dec 24, 2008

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS