SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Ciidamadii Madaxtooyada Oo Maanta Ka ambabaxay Muqdisho
  • Dagaal Geystay Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Maanta Ka Dhacay Degmada Gelinsoor Ee Gobolka Mudug
  • Ururka Al-shabaab Oo Dagaal Xoogan Kadib Sheegtay in ay La Wareegeen Degmada Dhuuso Mareeb Ee Xarunta Gobolka Gal-guduud
     

Dec 28, 2008: Ciidamadii Gaarka Ahaa Ee Madaxtooyada Oo Maanta ka ambabaxay Muqdisho

Ciidamo gaaraya ilaa boqol iyo labaatan askari oo isugu jira saraakiil ,saraakiil xigeen iyo askar oo la sheegay in ay kasoo jeedaan maamul goboleedka puntland islamrkaana ahaa ilaalada gaarka ah ee madaxweynaha dowlada KMG ah c/laahi yuusuf axmed ayaa maanta kasoo ambabaxay garoonka caalamiga ah ee aadan cadde airpotrt ee magaalada muqdisho .

Ciidamadan oo kasoo ambabaxay xarunta madaxtooyada ee magaalada muqdisho ayaa watey qoysaskooda islamrkaana qaarkood ku lebisnaayeen dharka tuutaha halka qaarna ay dharka caadiga ah wateen ,iyadoo ciidamadani ay koobnaayeen 120-askari sida uu saxaafada u xaqiijiyey sarkaal sare oo ciidamadaasi watey oo lagu magacaabo col,faarax .

Sidoo kale guuritaanka ciidamadan ilaalada gaarka u ahaa madaxweyne yuusuf ayaa kusoo beegmaysa xili la sheegay inuu madaxweynuhu xilkiisa iska casili doono dhowaan islamrkaana ay beesha caalamku ay dabada ka riixayso sidii xilka uu isaga wareejin lahaa taasoo dhowaan ay ka dhawaajiyeen masuuliyiin ku dhow dhow madaxweynaha dowlada KMG ah oo qaarkood sheegeen inuu maalinta sabtida xilka iska casili doono .

Si kastaba ha ahaatee ciidamadan oo la sheegay in kasoo jeeda maamul goboleedka puntland islamrkaana ahaa ilaalada madaxtooyada ee madaxweynaha DFKMG c/laahi yuusuf ayaa dhowaananahnba ahaa kuwo diyaar garoow ugu jiray sidii ay magaalada muqdisho uga ambabixi lahaayeen iyadoo bishan horaanteediina lagu eedeeyey inay hub aad u tiro badan la gudbeen kaasoo ay mariyeen dhinaca bada kaasoo lagu qaadey doomaha dheereeya .

Dagaal Geystay Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Maanta Ka Dhacay Degmada Gelinsoor Ee Gobolka Mudug

Dagaal ay ka dhasheen dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta ka dhacay demada gelinsoor ee gobolka mudug halkaasoo ay ku dhinteen inta la og yahay 8-qof halka dhaawacana lagu sheegay ilaa 10-qof .

Dagaalkan oo saaka gelinkii hore ka qarxay bartmaha magaaladaasi gelin soor ayaa lagu soo warmayaa inuu u dhexeeyo xoogaga islaamiyiinta lagu magacaabo jabhatu islaamiya iyo kooxo hubaysan oo ku sugnaa degmadaasi .

Sarkaal u hadlay kooxda la baxday Jabhatu islaamiya ayaa saxaafada u sheegay inay magalada gelinsoor kula dagaalameen kooxo uu ku sheegay inay fidno ka wadeen degmadaasi islamrkaana ay waxyaalo baadil ah ka dhex abuurayeen halkaasi waa siduu hadalka u dhigaye isagoo intaasi ku daray inay dowlada Ethiopia kusoo hubasay .

Dhinaca kale Afhayeen u hadlay cuumada la magac baxday Ehlu suna wal- Jameeca oo wax laga weeydiiyay in dagaalkii maanta ka dhacay galinsoor ay qeyb ka ahaayeen ayaa beeniyay in dagaalka ay kula jiraan Jabhatu Islaamiya isla markana ay uu ka xun yihiin dhibaatada kasoo cusboonaatay halkaasi .

Si kastaba ha ahaatee dagaalada kasoo cusboonaaday gobolada dhexe ayaa u muuqda kuwo salka ku haya arimo diimeed oo lagu doonayo qoloba qolada kale kala wareegto gacan ku haynta goboladaasi islamarkaana ay kala taageerayaan xukuumadaha daneeya faragelinta soomaaliya .


Ururka Al-shabaab Oo Dagaal Xoogan Kadib Sheegtay in ay La Wareegeen Degmada Dhuuso Mareeb Ee Xarunta Gobolka Gal-guduud

Dagaal xoogan oo u dhexeeya ururka Al-shabaab iyo Culumo udiinka Ehelu suna ayaa maanta mar kale ka dhacay degmada dhuuso mareeb kaasoo ay ku waxyeeloobeen dadyow aad u fara badan islamrkaana ay halkaasi la wareegeen gacan ku hayenteeda xoogaga al-shabaab .

Qaar ka tirsan saraakiisha ururka Al shabaab ayaa saxaafada u sheegay inay guud ahaanba la wareegeen gacan ku heynta magaalada Dhuusa Mareeb oo ay ku geeriyoodeen 2-askari oo ka mid ah ciidamada ururka al-shabaab

Sidoo kale saraakiishan u hadashay ururka Al-shabaab ayaa sheegtay inay ka sareen dhinacyadii kazoo horjeeday iyagoo ku dhawaaqay inay magaaladaasi amaankeeda sugi doonaan islamrkaana u samayn doonaan maamul ku shaqeeya shareecada islaamka .

Dhinaca kale Afhayeen u hadlay Ahlu sunna Waljameeca oo lagu magacaabo Sheekh C/qaadir Max’ed Cali (Al Ascari) ayaa saxaafada u sheegay inay guulo ka gaareen dagaalkii maanta isla markana ay ka adkaadeen dhinacii kale waa siduu hadalka u dhigaye .

Degmada Dhuusa Mareeb oo ka mid ah deegaanada ay ku sugan yihiin dadkii ka barakacay dagaalada muqdisho ayaa iminka saamayn weyn waxaa ku yeeshay dagaalka kazoo cusboonaaday kaasoo salka ku haya is riix riixa culumada islamrkaana dhaliyey barakaca labaad ee dadka rayidka ah .

Isbitaalka magaalada Dhuusa Mareeb oo aan maanta la geyn wax dhaawac ah ayaa lala xiriirinayaa dhinac kamid ah dhinacyadii ku dagaalamayey oo halkaasi ay u tahay fariisin ciidan islamrkaana ku qasabtay in dadkii dhaawaca ahaa ay qaarkood ku sugan yihiin guryaha iyo goobihii lagu dhaawacay iyadoo aysan jirin wax daryeel ah oo loo sameeyey .


yaasiin maxamed faytin
Yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: Somalitalk.com | Dec 28, 2008

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS