SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - 2008

    Bayaanka ka qeyb galayaasha xuska maalinta warbaahinta Soomaaliyeed

21/01/2008 


Akhri Warbixintii Sannadka ee SOCFEX... (pdf)

Ka qeyb-galayaasha oo isugu jira; Saxafiyiinta, Ururada Bulshada qeybahooda kala duwan, Siyaasiyiin, odayaasha Dhaqanka, Culimada, Aqoonyahanada, ururada Dhalinyarada iyo Haweenka, waxay ku baaqayaan: 

    1. In si la sii daayo dhammaan saxafiyiinta ku xiran gudaha dalka ama Maxkamad cadaalad ah la hor keeno, lana joojiyo tacadiyada lagu hayo Saxaafadda.

    1. In dowladda KMG ah iyo maamulada dalka ay dhowraan madax bannaanida Saxaafadda oo lagu damaanad qaaday Axdiga KMG ah, Xeerka Saxaafadda, Baaqyada iyo heshiisyada caalamiga ah.

    1. In la dhowro xaqa muwaadinka Soomaaliyeed u leeyahay inuu ra’yigiisa si xor ah u soo bandhigo.

    1. In Bulshada Soomaaliyeed ilaashato taageerana la garab istaagto Warbaahinta xorta ah oo ka mida waxyaabaha fara ku tiriska ee laga dhaxlay burburkii dowladii hore.

    1. In Warbaahinta iyo Saxafiyiintu  ku shaqeeyaan mihnad saxaafadeed, kuna dhaqmaan anshaxa saxaafadda.

    1. In Saxaafaddu la timaado nuxur Wadaninimo, kuna hagto Umadda Soomaaliyeed sidii dhibaatooyinka jira looga bixi lahaa.

    1. In Sharciga Saxaafadda ee Baarlamanku ansixiyay qodobada ka midka ah ee aan la socon karin xeerarka saxaafadda caalamiga ah iyo madax bannaanida warbaahinta dib loo eego.

    1. In la dhiso Golihii Qaranka Saxaafadda ee u dhaxeyn lahaa dowladda iyo Warbaahinta, Golahaasina uu noqdo mid madax bannaani buuxda leh.

    1. In la joojiyo colaadaha, isla markaana laga waantoobo xadgudubyada loo geysanayo dadka rayidka ah.

    1. In Beesha Caalamku taageero ka siiso Warbaahinta Soomaaliyeed xaaladda adag ee ay ku jirto.

    1. In Beesha caalamku gurmad waxtar leh u fidiso dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan.

 

Warbixinta tacadiyada ku dhacay saxafiyiinta horaanta sanadka 2008 
 
Bisha Janaayo 2008-da 

Sanadkan cusub ee 2008-da waxaa nasiib darro noqotay inay sii socdaan xadgudubyadii ka dhanka ahaa Saxaafadda madaxa bannaan, 21-ka Janaayo maalinta Saxaafadda Soomaaliya iyadoo aanay bishu dhammaan waxaa dhacay kiisas isugu jira dhaawacyo loo geystay saxafiyiin iyo qaar la xiray. SOCFEX waxay diiwaan gelisay dhacdooyinka soo socda: 

Waxaa iyagoo xasbi ku jira sanadkan cusub ugu dhashay saxafiyiinta iyo howlwadeenada saxaafadeed ee soo socda: 

Shaxda 1

No. Saxafiyiinta xabsiga ku jiray sanadkii hore iyo horaantii sanadkan Goobta Hay’adda Taariikh
  1.  
Yuusuf Maxamed Barrow (Waxaa la xiray 2 Disembar ilaa iyo hadda waa xiran yahay) Mogadishu Idaacadda Qur’aanka (IQK) 02 Disember
  1.  
Cawaale Jaamac Salaad (Waxaa La Xiray 23-Kii Disembar, Waxaana Damiin Lagu Sii Daayay 16-Ka Janaayo) Boosaaso ITV 23 Disember
  1.  
C/casiis Saleebaan Axmed (Waxaa xabsiga Laascaanood la dhigay 30 Disembar ilaa iyo haddana waa ku jiraa) Las caanood Radio Las caanood 30 Disembar

 
 

Saxafiyiinta Bisha Janaayo (2008) la xiray iyo kuwa la dhaawacay waxay kala yihiin: 

Shaxda 2

No. Saxafiyiinta la dhaawacay Bisha janaayo 2008 Goobta Hay’adda Taariikh
  1.  
Maxamed Bashiir Xaashi Mogadishu Shabelle  Media 3  January
  1.  
Cabdi Kheyr Maxamed Jaamac (Dhaawac afka ah ayaa la gaarsiiyay) Galkacyo Radio Galkacyo 10 January
No. SAXAFIYIINTA LA XIRAY JANAAYO 2008 (Ilaa maanta 21 Janaayo) Goobta Hay’adda Taariikh
  1.  
Maxamed Shidane Dabaan  (Waa xiran yahay) Mogadishu Wargeyska Banadir 4 January
  1.  
Iidle Macalim Cumar (Waxaa la sii daayay  14 Janaayo) Boosaaso Somaliweyn 5 January
  1.  
Bashiir Maxamed C/qaadir (Al-bashiir) (Waa xiran yahay) Mogadishu Radio Somaliweyn 13 January
  1.  
C/raxmaan Maxamed Xasan (Xudeyfi) (Waa xiran yahay) Mogadishu Radio Somaliweyn 13 January
  1.  
Ayaanle Xuseen Cabdi (Waxaa la sii daayay 16 Janaayo) Hiiraan BBC –Somali Section 15 January
 
 
SOCFEX WAXAY KU BAAQEYSAA IN SAXAFIYIINTA XIRAN DEGDEG LOO SII DAAYO AMA MAXKAMAD CADAALAD AH LA HOR KEENO [Kala xiriir: socfex@yahoo.com ]


 ISBAHEYSIGA DIFAACA XORIYATUL QOWLKA SOOMAALIYEED SOMALI COALITION FOR FREEDOM OF XPRESSION (SOCFEX)

WARSAXAAFADEED::

Isbaheysiga SOCFEX wuxuu soo dhoweenayaa ballan qaadkii Ra’iisul wasaaraha Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ee ku aadanaa wax ka qabashada dhibaatooyinka ku dhacaya saxaafadda iyo suxufiyiinta, isla markaasna wuxuu codsi u soo jeedinayaa Madaxweynaha Dowlada Federaalka KMG ah Md. C/llaahi Yuusuf Axmed in uusan saxiixin sharciga Saxaafada ee Baarlamaanka u soo gudbiyey kaasoo qoddobadiisa qaarkood ka hor imaanayaan xeerarka caalamiga, kuwa Qaaradeed iyo kan Goboleedba ee xoriyada Saxaafada, si dib u sixitaan loogu sameeyo.

Isbaheysigu wuxuu u soo jeedinayaa dowladda ku meelgaarka ah inay jiritaanka Saxaafada u aragto mid xiriirin kara dowladda iyo Bulshada si dhab ahna u soo gudbin karta dareenka Bulshada ee ku aadan wanaagga iyo khaladaadka waxqabadka dowladda.

Isbaheysiga SOCFEX wuxuu ka codsanayaa dowlada Federaalka iyo Maamul Gobaleedyada hoos yimaada inay si sharuud la’aan ah loo sii daayo suxufiyiinta xabsiyada ku jirta, haddii ay jiraan wax danbi ah oo lagu haysto si dhaqsi ah maxkamad loo hor keeno. Sidoo kale Isbaheysiga wuxuu ka codsanayaa mucaaradka hubeysan in aysan suxufiyiinta dhibaato ugu geysan gudashada waajibaadkooda.

Isbaheysiga SOCFEX wuxuu gacan ka geysan doonaa sidii kor loogu qaadi lahaa waxqabadka Saxaafada si ay gacan uga geysato toosinta bulshada iyo dib u yagleelida qarankii Soomaaliyeed.

Ugu danbeyntii isbaheysiga SOCFEX wuxuu suxufiyiinta ku boorinayaa inay dardar geliyaan howsha ay u hayaan bulshadooda, kuna sifoobaan mihnad iyo anshax saxaafadeed, wuxuuna tacsi u dirayaa dhammaan qoysaskii ay ka geeriyoodeen suxufiyiinta naftooda ku waayey iyagoo gudanaaya waajibaadkooda shaqo, sidoo kale wuxuu u rajeynayaa kuwa ku dhaawacmey caafimaad.

Maalinta Warbaahinta Soomaaliyeed waxaan rajeynayaa sanadkan midka xiga inaan ku wada xusno inagoo faraxsan oo murugada maanta naga muuqata ay noo bedesho nabad, horumar iyo qaranimo taam ah, sidoo kale kuwa xiran wuxuu la qeybsanayaa xanuunka isagoo u doodaya albaab kastana u garaacaya sidii xoriyadooda dib loogu soo celin lahaa.

WABILLAAHI TOWFIIQ

Osman Moallim Xiriiriyada SOCFEX

Faahfaahin dheeraad, kala xiriir Somali Coalition for Freedom of Expression (SOCFEX). Wadada Maka Al-mukarama, Ka soo horjeedka Dhismaha Tre Piano, Degmada Hodon, Mogadishu – Somalia.
Tel: +252 1 850 040 / 236 012 E-mail: socfex@yahoo.com  / socfex@socfex.org

Waxaa soo tebiyey:
shariif moalim
shariif55@yahoo.com

iyo Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com
Muqdisho somaliya
0025215576666
002521653623


Maalinta Saxaafada Soomaaliyeed Oo Ay Suxufiyiinta Soomaaliyeed Ka Muujiyeen Murugo Xiliga Ay Kusoo Beegantay.

Maanta (Jan 21, 2008) oo ku Beegan maalinta Saxaafadda Soomaaliyeed ayaa kusoo Beegantay xili ay bahda saxaafada soomaaliyeed Gaar ahaan kuwa ku nool magaalada caasimada Ee muqdisho oo ku jira xaalad Qalafsan iyo caburin saxaafadeed oo ay la kulmeen xiliyadii Nasoo dhaafay Ay Maanta isugu Hamabalyeynayeen Intii ka Hadhay dilka iyo xabsi geyntii ka jirtay Magaalada muqdisho Maalinta saxaafada soomaaliyeed Ee 21-ka Janaayo.

Saxaafada Soomaaliyeed Oo Soo Martay Waqtiyo kala Duwan ayaa weriyayaal badani waxay la kulmeen tacadiyo lagula kacayo saxaafada madaxa banaan xiliyadii nasoo dhaafay Gaar ahaan Sanadkii laga soo gudbay iyadoo sanadkaasi waa 2007-kee Uu Ku Soo Beegmay Xili La Dilay Ugu Yaraan 10-weriye Halka Xabsiga la dhigay Ku Dhawaad 45 Weriye Ilaa Iyo 70- Kalena ay Wadanka Isaga Carareen iyagoo Higsanaya Goob ay ku nabad Galaan .

Sidoo kale Maanta oo ku Beegnayd Maalinka Saxaafada Soomaaliya ayaan Helin Soo dhoweyn farxadeed oo lagu soo dhoweynayo Maalintaasi mudnaanta lahayd iyadoo aysan Suurto Galin Taasoo Loo Sababaynayo Xaalada Qalafsan ee ka jirta dalka soomaaliya Gaar ahaan magaalada xarunta ah ee muqdisho .

Si Kastaba ha ahaatee maalinta saxaafada soomaaliyeed ee 21-january ayaa kusoo beegantay sanadkan xaalad nabad gelyo xumo oo ka abuurantay xarig jiidadka siyaasadeed ee u dhexeeya xoogaga is diidan ee ku sugan dalka soomaaliya tasoo keentay inay xabsiga u hoydaan saxafiyiin badan kuwo kalena ay dibad meer ku noqdaan dalalka deriska la ah soomaaliya halka qaar kalena ay naftoodii ku waayeen.

yaasiin maxamed faytin
yaasiinfaytin@hotmail.com
faytin@live.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 21, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com