Asifa "Muqdisho wixii tagaba ma soo noqdaan miyaa?".
W/D:
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Muqdisho, Soomaaliya
Ciidamada Itoobiya ee imaanaya Soomaaliya, itooda badan kama war qabaan marka ay
soo galayaan Soomaaliya, waxaana askariga loo sheegaa in uu bedel yahay isaguna
kuma celiyo in uu su’aasho halka uu bedel u yahay.
Askari Itoobiyaan ah ayaa ka sheekeynaya qaabkii uu ku soo galay Soomaaliya,
waxa uuna hadalkiisa ku bilaabay “waxaan ku sugnaa xuduuda u dhexeysa Itoobiya
iyo suudaan, waxaana halkaasi aan joogay mudo saddex sano ah, maalin maalmaha ka
mid ah ayaa todobo baabuur oo nooca loo yaqaano Uuralka ayaa anagoo gaareyna 250
Askari ayaa la soo istaajiyey markiiba si hal haleel ah ku fuulnay gawaaridii,
ma garaneyno halka aan u jiheysanahay, muddo todobo maalmood ah ayaan wadada ku
soo jirnay, intaas waxaan soo mareynay tuulooyin, markii uu waagu baryay ayaanu
soo istaageen gawaarideenii meel aan u maleeyey in Soomaali ay degan tahay,
askari kale oo ila fadhiyay ayaan waxaan weydiiyey “War ninyahow meeshaan
Soomaali miyaa degan?”, waxa uuna iigu jawaabay “Waxaan u maleynayaa in ay tahay
Kililka shanaad ?”, labadeenaba waxaa fajac nala noqotay in aan garano meesha
aan joogo halka ay tahay Balse Askari kale oo hoos taagnaa kana soo horeeyey
ayaan weydiiney waxaan ku niri “waa halkee Meeshaan” Markaasuu noogu Jawaabey
“waa Baydhabo””, waan soo dhaqaajinay, habeenkii oo dhan ayaan soo soconay,
markii uu waagii baryay, saacaddana aan ku qiyaasayo 9:00 subaxnimo ayaa dagaal
nagu qabsaday meel wado ah oo guryo jajabsani ku yaalaan, markiiba Gawaaridii
ayaan ka degnay mid ka mid ah Uuraaladii ayaan arkay isaga oo holcaya,
saaxibadey oo aan baabuurka wada saarneen qaar ka mid ah ayaa halkaasi lagu
dilay, waxaan garan la’ahay cidda naga dagaalameysa.
Qorey Daba-miishaar ah oo
aan sitay ayaan maalinkaas waxaan ka faaruqiyey ilaa iyo 2500 oo xabo oo
markaasi aan ku difaacayey nafsadeyda, waxaan marar kasta ku mashquulaa in aan
ogaado cidda nala dagaalameysa in ay yihiin ciidan iyo in ay yihiin Shacab.
Runtii dadku waxay iila ekaayeen dad Soomaaliy ah, weli waxaa qalbiga iiga
taagan inaan ku suganahay Kililka shanaad, Illaah maalinkaa waa uu I
badbaadiyey, waxaana intii soo hartay nala geeyey meel u eg Garoon Cayaareed,
waan yaabanahay, askar kale oo iga soo horeysay ayaan weydiiyey “War halkaani
waa maxay” inta ay igu qosleen ayaa mid ka mid ahi igu yiri “War Muqdisho ayaad
ku sugan tahay, garoonkaani waa mid horey loogu cayaari jiray cayaarta Kubbadda
Cagta, maantase waxaa saldhig ka dhigtay ciidamadeena”, waan naxay waan qaadan
kari waayey hadalkaasi, dhowr habeen ayaan ku fekeray sidii aan halkaasi uga
bixi lahaa, waxaan is iri waad nasan doontaa, haddana waxaan galay dhowr dagaal,
illaah waa uu iga badbaadiyey. Maalin aniga oo murugeysan ayaa waxaa naloo
keenay dhowr gaari oo Uural ah, waxaan isweydiiyey bal halka naloo wado, waxaa
la I keenay meel dhirtu cagaaran tahay oo ay ku yaalaan guryo carshaan ah,
askartii iga soo horeysay ayaan weydiiyey halka meesha ay tahay “Waxayna igu
yiraahdeen “waa Afgooye”, maalin kale ayaa haddana dib naloogu soo celiyey
Magaalada Muqdisho, hase yeeshee markaan mareyno meel u dhelxeysa Afgooye iyo
Muqdisho ayaa gaarigii aan saarnaa waxaa lala beegsaday qarax, qaraxaasi ayaa
waxaa ku dhintay dhowr askari, anigase dhaawac ayaa I gaaray, waxaana la ii
celiyey dalka Itoobiya, waxaana markiiba aan wacay Hooyadey, waxaana ku iri
“Hooyo waxaan ku jiraa Isbitaal hebel”.yaah “Isbitaal hebel aaa”hooyadiis waxay
daba dhigtey” Wiilkeygiiyow ma suudaan baa ku soo dhaawacantey “markaasuu ugu
Jawaabey”Hooyo maya ee waxaan ku soo dhaawacmey Muqdisho”Hooyadii inta naxdey
ayey waxay tiraahdaa”Muqdisho aaa..Muqdisho aaa..”
Asifa, waa haweenay degan Magaalada Adis-Ababa, waxaana Maalin ka mid ah
Maalmaha ayaa waxaa u timid Haweenay kale, labadoodaba waxaa ka maqan labo nin
oo ka tirsan Ciidamada oo ilaa iyo hadda aysan ogeyn meel ay jiraan.
Asifa ayaa waxa ay ku tiri saaxiibteed “Naa hebelaayo muddo sanad ah ninkeyga
wax war ah ka ma helin”, tii kale ayaa iyana tiri “aniguba sidoo kale mudo sanad
ah wax war ah kama helin ninkeygii”. Labadooduba markii nimankooda ugu war
dambeysay waxay u sheegeen in loo qaaday Magaalada Muqdisho, Asifa ayaa
saaxiibteed ku tiri “Abaayo maalintii uu Muqdisho tagay ayuu mar ila soo hadlay,
iyadoo hadda sanad laga joogo”. Saaxiibteed ayaa iyana igu jawaab celiyay si la
mid ah.
Asifa iyo saaxiibteed waxay dadaal u galeen har iyo habeen sidii ay mar uun u
arki lahaayeen nimankoodii , Asifa ayaa waxay saaxiibteed ku leh “saaxiibay ma
aadnaa Muqdisho si aan u baadi goobno raggeenii”, intay qososhay ayay ku tiri
“Maalintaad Muqdisho dhex tagtid oo la maqlo adiga oo ku hadlaya af Amxaari
hilibkaada ayaa la cunayaa, balse Asifa ayaa tiri ee waa yahaye “Qorshe kale ma
noo haysaa oo aan ku heli karno nimankeena” waxayna ku jawaabay “Haa qorshe
ayaan kuu hayaa” “oo waa maxay?”, ayay weydiisay “Wiilal Soomaaliyeed oo ku
sugan Adis-Ababa ayaan waxaan u dhiibeynaa Warqad”, “Na ma waalan tahay ma
wiilaashaad barxar gelineysaa halkay ka raadinayaan, haddeyba nool yihiin waxay
ku jiraan xaryo, qof Soomaali ahna way adag tahay in uu galo xeradaasi”.islaan
kale oo ay ka maqan yihiin laba wiil ayaa hadalkii ku soo darsatey kuna tiri”
gabdhayahow aniga laba wiil ayaa iga maqan mudana wax war ah kama helin marka
waxaan idiin hayaa qorshe aan ragaas ku baafineyno” Asifa ayaa soo boodey oo
tiri” Hooyo noo sheeg “waxay ku tiri”aan tagno Xafiiska ICRC ee Adis-Ababa si
aan u baafino Ragaas” hase yeeshee waxaa qorshahaas ku diidey Asifa oo tiri “
taas uma maleynayo in ay shaqeyneyso
Asifa dhowr jeer ayay waxay tagtay xeryaha ciidamada ee ku yaala Magaalada
Adis-Ababa waxaana loo sheegaa in uu nool yahay ninkeeda uuna ku sugan yahay
Magaalada Muqdisho, hase yeeshee Asifa waxaa ka daadegi la’ in ninkeeda mudo
sanad ah wax war ah ka helin, waxaana maalin walba dhegaheeda ku soo dhaca
dagaalada joogtada ah ee lagu hayo ciidamada Itoobiya, Asifa iyo saaxiibteed,
maalin walba waa ay isku yimaadaan waxay iska wareystaan xaalka nimankooda,
waxaana hoosta uga xariiqan su’aal ay jawaab u la’ yihiin ee ah “Muqdisho wixii
tagaba ma soo noqdaan miyaa, waayo Haween fara badan oo la mid ah Asifa ayaa
raggooda sidaan uga maqan yihiin, ee ay ugu war dambeysay Magaalada Muqdisho
iyaga oo ku sugan?”.
Xaaladda ay ku sugan yihiin Asifa iyo Saaxiibteeda, ka maqnaasha nimankooda
waxaya ku tusineynaa sida Ciidamada Itoobiya aan loo ogoleyn inta badan in ay
wax isgaarsiin ah la sameeyaan eheladoodii ay ka soo tageen.
Dhacdooyinkaan waxaa iiga sheekeeyey wiil Soomaaliyeed oo ka yimid dalka
Itoobiya oo si weyn ugu kuurgalay Xaaladda is dhex yaaca ah ee Shacabka Itoobiya
oo intooda badan u soo dheg taagaya waxa ka soo yeeri Askartooda ku sugan
Muqdisho, iyagoo intooda badan horey uga samray in ay mar kale nolol ku arkaan
Wiilashooda ay u soo direen Muqdisho.
W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro.
E-mail: amiinkhasaaro@hotmail.com
IDAACADAHA MUQDISHO IYO SIYAASIGA U BUUXIYA WAQTIGA...
Guji