SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Maxaynu Bakhtiga Ugu Afureynaa (Shirka Jibuuti) 

cabdiwaaxidC/Waaxid C/hi Khaliif

London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com


Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

Haddaanan khalad u fahmin oraahda Soomaaliga ah ee bakhti-ku-afur waxaad mooddaa in Soomaalidu ay xoogga saareen qeybta bakhtiga ood mooddo iney leeyihiin maxaad wanaagii xumaanta uga dambeysiisay. Laakiin anigu waxaan arkaa mid taas ka sii qoto dheer oo ah maba ay ahayn in labadaas arrimood kulmaan. Xikmadda iyo ruqsooyinka aan maqalnaba waxay daweeyaan degdeggaas iyo ka fiirsasho-la’aanta uu Ilaahay ku ibtileeyey dadka khaasatan Soomaalida. Arrin sida diin, dal iyo dad u weyn baa dadka Soomaaliyeed aysan uga duwaneyn sidii ciyaar ama filin. Waxaa mararka qaarkood kusoo baxaysa in dadkeenna Soomaaliyeed yihiin baraar aan shaqadoodu ka badneyn iney helaan ido ay nuugaan iyo ciyaar. Marka aqalka  dudumo ku hortaal waxaad arkeysaa baraarka oo marna dudunta fiinta uga baxa marna guriga kusoo yaacaya. Hadda shirarka Soomaalidu waa sidaas. Itoobiya, Cadan, Masar, Sacuudiga, Kenya iyo meelo aynaan aqoon. Ogoow baraarka ciyaarta ku jira waa in la helo cid ka ilaalisa dawacada. 

Bakhti-ku-afure waa qof caaq ah, cadowgeennuna ugu jecelyahay, sidoo kalana waa qofka caamada ugu lumin og! Ma qof Ilaahay u soomay baan caayayaa? Haa, oo waa arrintaas darteed waxaa Islaamku u yahay dhexdhexaad. Dhexdhexaadnimadu maaha sida dad badan u fahmay oo ah in meel dhexe la isugu yimaado ee waa wax u dhaxeeya gaabis iyo xad-ka-bax. Qof u badinaya inuusan afur helayn lagama rabo inuu soomo ee waa inuu mar kale soo gudaa. Cunidda bakhtigu waa khatar. Marka bakhtiga la ogolyahay waa naf-ku-celis. 

Maaddaama dadkeenna Soomaaliyeed aan inteenna badan nahay dad aan xilkas ahayn ileyn waddankeenna iyo dadkeennu sidaas ma noqdeene waxaan hadda cinwaankaas u soo qaatay waa iyadoo masraxii soo istaageen dad diin sheeganaya (soomanayaal) iyo kuwa bakhti noo haya (USA/UN). Dagaaloogayaashu intooda badan ma soomaan marka cinwaankaas wax yar baa ka khusaya. Soow qaadka/jaad niman dariiqooyin ah kuma sheegin “quud awliyo” ilaa aan maanta aragno meeshuu Soomaali dhigay. Waxaad maqleysaa kuwa leh nabigu (SCW) wuxuu heshiis la galay kuwii sanamyada caabudayey! Ilaahay nabi Muxamed idin ma tuso! Nabiga (SCW) iyo saxaabadu iyagaa faa’iidadii igu badneyd gaaray. Waxaa baaqday dhiig badan oo xitaa kuwa gaala ahaa markaas intaan Maka la furan dib bey ka soo muslimeen. Ka warran haddii Khaalid Binu Waliid, Camr Binu Caas, Suheyl binu Camr iyo kuwa kale oo dhinac Qureysh ka socday ku dhiman lahaayeen? Ka warran haddii saxaabo badan ay ku dhiman lahayd? Halka Tigreega iyo kuwii soo diray ay culumada, carruurta, waayeel iyo dumarka ku bireynayeen masaajidda horteeda ama dhexdeeda xagee laga soo gelin karaa heshiiskaas? Ku dhaqanka diinta nabigu (SCW) waxba kama bedelin. Keliya waxay dhaheen wixii kaa soo carara kuuma soo celineyno. Oo yaa u baahan soo celinta kuwa riddoobay? Xaggee Xudeybiya laga soo gelin karaa dad diintaada kaa ilaalinay oo ku xukumaya? Soow dad culumo sheeganaya ma bilaabin sheeko cusub oo ah nabad-ku-soo-dabbaalid Soomaaliyeed. Sidii jaadku dacaayad u helay hadda waxaa arrintan u sacbinaya dad badan oo leh nabad baa la gaaray laakiin waxaan rabaa bal in dadku isweydiiyo arrimahan: 

  1. Maxaa UN-ka (USA) hadda wada? Soomaaliya waxay ka baxeen waqti ka mid ah markeey ugu liidatay waxayna Tigreega ku soo fasaxeen markii Xamar ugu nabadda badneyn tan iyo dagaalkii sokeeye.
  1. Sidii horay loo sheegay maxaa UN-ka usoo galiwaayeen maalmo kaddib markii Tigreega Maxkamadaha ka saaray waddanka badankiisa?
  1. Maxaa looga hadlayaa ka-saaridda Tigreega oo keliya ileyn kuwii soo gashay iyo dagaaloogayaashu waa nooga daran yihiin Tigreeye?

Sida muuqata Maraykan/UN iyo xulufadiisa labo arrimood baa u daran. Midda koowaad inaan la maqal ka hadlidda Shareecada. Tan labaadna in danahooda Soomaaliya iyo Geeska Afrika aan la farogelin ooy ku jiraan maraakiibtooda maraysa badweynta Hindiya iyo Badda Cas. Waxyaabaha hadda soo dedejinaya shirka Jibuuti waxaa ka mid ah arrinta badaha. Si Shareeco-diidku usii taabbogalo waxaa abaalmarin la siinayaa labo qolo. Tigreega oo si bad qabta la rabo in Soomaaliya looga saaro sidoo kalana la keeno qolo kale oo sii cabburisa wixii diin ka hadlaya (ciidamo nabad ilaalin ah). Tan kale waa bakhti-afuur la rabo in la soo nooleeyo dowladda dagaaloogayaasha oo iyagu ah Ashahaado-la-dirir. Sheekada bakhti-ku-afurayaasha gadaal baan uga hadleynaa. 

Shir-uga-baxa Itoobiya waa khiyaamadii ugu darneynd ee laga maqlo bakhti-ku-afurayaasha. Qolada faa’iidada ugu weyn ka heleysa shirkaas waa Tigreega hadduu u dhaco sida la sheegayo saa waxaa la rabaa in waddanka si nabad ah looga saaro iyagoo carruur, waayeel, dumar, culumoba laayey. Iyagoo kufsaday intaas oo dumar ah. Iyo iyagoo burburiyey waddankoo oo dhan. Waxaa ka sii darran waxay dul istaageen meelihii astaanta u ahaa qaranka Soomaaliyeed ooy ku jiraan xarumihii xoogga dalka Soomaaliyeed. Marka shaki ma leh in Zenawi uu shirka Jibuuti ku leeyahay gacanta ugu weyn. Soow Janan Gabre meelaha ma joogin? Waa bakhti-ku-afure raba inuu shacab ku sameysto khiyaanadaas. 

Waxaan aaminsanahay in khiyaano ka dhacay Itoobiya markii Nuur-cadde iyo Axmed C/Salaan tageen Itoobiya. Waa markii madaxa laanta Afsoomaaliga BBC-du soo wareystay Zenawi. Waxaan aaminsanahay iney Zenawi ku dhaheen annagaa u badan maxkamadaha oo wax ka qabaneyna marka nala shaqee oo noo ogoloow inaan shirarkaas qabsanno. Maaddaama Zenawi howlo badan ka qabsaday Soomaaliya dabadeedna uu la kulmay dhib uusan xisaabta ku darsan waxaa la soo gudboonaatay inuu aqbalo arrintaas. Zenawi sidoo kale wuxuu hadal noocaas ah ku dhahaa Somaliland iyo Puntland. Marka waxaad mooddaa in halkaas lagu gorfeeyey in Maraykankuna dilo xubnaha “xagjirka” ah ee Maxkamadaha hadhoowna talada loo dhiibo kuwo kale oo Nuur-cadde iyo Axmed la shaqeynaya. Bilo kaddib waxaa la dilay Ceyroow kaddib markii Xasan-Turki ka badbaaday shirqool. Waxaa kaloo maalmo hore la sheegay in qarax aan la aqoon lala beegsaday meel u dhaxeysa Buu’aale iyo Saakoow. Marka haddii Zenawi heshiis lala gelayo waxay ku fiicneyd iney la galaan iyagoon dadkoodii goyn sidoo kalana waddankooda burburin. Inkastoona inta badan dhegeysan laanta Afsoomaaliga ee BBC-da haddana waxaan filayaa iney yareeyeen colaaddii ay u qabi jireen Itoobiya. 

Bakhti-ku-afure waxaa qofka ka dhigi kara labo arrimood middood. Tan koowaad waa inuu yahay qof jaahil ah oo sidaas cibaado mooday. Ama qof munaafaq ah oo dadka tusaya inuu yahay nin karti u leh soonka oo xitaa aan kala jecleyn inuu helo waxuu ku afuro iyo in kale xitaa hadday bakhti tahay. Sidii qaadkii oo kale ayaa dadkan culumada sheeganaya waxay leeyihiin taageerayaal. Marka kuwa raacsan waxay la tahay in nimanka culumada u eg aysan usoo goyn karin cad liita xitaa haddii maskaxda ka dambeysa shirka tahay Maraykan iyo Itoobiya. 

Maxaa shacabka badankiisu u rabaan bakhti-cunid? Inkastoo dhibta aan kulligeen leennahay si dadban ama si toos ah haddana dadka badankiisa waxaa loo dhib geliyay in bal mar cadaabka laga baxo sidii qof gaajo nafta uga dhaceyso oo raba inuu bakhti nafta ku cesho. Sida dadka laga badan yahay oo kale oo intaas oo sano hadba qolo ku tumaneysay. Qofku marka dhibka noocaas ah uu ku jiro wuxuu iska cunayaa bakhti bal si nafta uu u badbaasho. Qof kaasoo kale kama filaysid inuu ka fekero wax sii fog. Laakiin inteenna kale waa innaga waxa abuuray xaaladda aan bakhtiga u cuneyno waana isla innaga waxa bakhtiga cunaya! Marka dadka qaarkiis, sida qofka bakhtiga nafta ku cesha aan dambi loogu raacaneyn ayaan lagu eedeyn karin soo-dhoweynta shirarka noocaas ah laakiin kuwa wax maleegaya, hadduu dagaalooge yahay waa bakhti-cune hadduu wadaad sheeganayana waa bakhti-ku-afure. 

Waxaas oo dhagar ah oo jira waxaan bakhti-ku-afure uusan xisaabta ku darsan tan Ilaahay. Markii Diseember dhamaadkeedii 2006-dii Tigreega lagu fasaxay Soomaaliya, waxay Maraykan iyo Tigree la ahayd inaan dib loo maqli doonin cid diin ka hadleysa laakiin seey rabeen arrimuhu uma dhacayaan. Ka warran haddii nimanka shirkaas tagay ay belaayo ka daran tii hore waddanka u horseedaan? Ma waxay nagu eedeyndoonaan inaysan helin talooyin ku aadan khiyaamooyinkaas? Nin caqli badnaa baa laga sheegay inuu yiri qofkii waqtigan jago iyo xukun raba (waa kun sano ka hor) waa inuu ahaadaa qof aan caqli lahayn. Fiiri meeriskii oo Carabi ah: 

ﻓﺈﻥ ﺃﺣﺑﺑﺗﻢ  ﻓﻴﻪﺍﺭﺗﻔﺎﻋﴼ ﻓﻜﻮﻧﻮ ﻋﺒﺎﺩﺍﷲ ﺑﻼ ﻋﻗﻮﻝ 

Hadday UN-ku Soomaali u daneynayaan intaas oo sano kuma fiirsadeen dhibka heysta. Sidoo kalana ma kala daadsheen kacdoonkii shacabka Soomaaliyeed. Bal mey sugaan maxkamadaha oo hadday ka darnaadaan dagaaloogayaasha markaas kaddib waxay rabaan sameeyaan? Yaa badbaadshay dagaaloogayaashii markii Xamar laga saaray? Yaa bakhti afuufay dowladda fadhiidka ah? Yaa hadda raba iney badbaadiyaan Zenawi? Arrintu ma aha shakhsi. Haddaad diin sheegatid dagaal u diyaargaroow. Haddaad diinta iska tuurtid saaxiib baad la noqoneysaa qofkaad rabtid waa haddii laguu baahanyahay. Waxaan u sheegayaa bakhti-ku-afure in haddii la rabo lagu meel gaari karo hadhoowna marka laga dhameysto la iska tuuri doono. Iskana jira iney idin ku dhacdo sidii uu sameeyey ninka Maraykanka madoow ah ee feerarka agaasimijiray, Don King. Habeyn feer xiise leh dhacayey ayuu wuxuu gaarigiisii limousine-ka ahaa ku keenay Joe Frazier oo markaas heystay suunka feerka  ciyaarna la lahaa George Foreman. Waxaa guushii raacday George Foreman. Don King wuxuu ka tagay Frazier oo isagu meesha keenay wuxuuna horay u sii qaaday kii badiyey, Foreman. Marka haddii maalmo uu cadowga ummadda madaxa idiin salaaxo waxaa laga yaabaa in waqti yar kaddib la idin tuuro oo kuwo kale la keensado.  

Cidda idin keentay waa la yaqaan sidoo kalana ciddaad wax la qeybsaneysaan waa dagaalooyagaashi la ogaa. Shacabka Soomaaliyeed waa idiin jeedaa. Maraykan iyo UN dantey leeyihiin waa la yaqaan. Marka horaba bakhti-ku-afur waxaan u arkaa falsafad khaldan laakiin dad badan baa u yaqaan in qof horay wanaag looga bartay ama looga filayey uu la soo shirtago waxaan loo joogin. Haddii khiyaamo qaran meesha soo gashana kuma jirto. Naguma cusba in la arko shacab badan oo Mbagathi u sacabinayey. Shirkii Caddan waa la ogaa. Haddana la yaab ma leh in la arko iyadoo meelaha laga leeyahay shir baa la gaaray. Marka shacabka waxaan ku leeyahay haddaad diinta ka raadgataan waxaan shaki lahayn in Maraykan faraha idin ka qaadayo marka diyaar ma u nahay? Teeda kale haddaan Ilaah diidno shaki ma leh in Maraykan iyo Tigree madaxa naga garaacayaan. Bal aan sugno heshiiskaas oo ah heshiiskii Deyniilihii labaad (koowaadku wuxuu dhacay 2006-dii. Waa kii Ashahaado-la-dirirka). Aan dib u xasuusanno Hiiraan. Ashahaado-la-dirir markii hore isu qabay inuu Tigree wadeey la yahay ayaa Tigreegu ku lahaayeen ka bax Baladweyne! Sabab? Bakhti-ku-afurayaal aan loo arag Ashahaado-la-dirir baa meesha soo galay. Marka intee sano la koolkoolin doonaa bakhti-ki-afurayaasha?

C/Waaxid C/hi Khaliif

London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com

Laguye Ergadii baa ka Didday Safiirka Itoobiya Maxaa sidii lo’ libaax aragtay “ergada” Soomaalidu uga dideen Akhri..

Faafin: SomaliTalk.com | June 11, 2008

BAARID | SEARCH


qaadGen. Cadde Muuse oo Amar ku bixiyey in Qof Qaadka Cuna aan Shaqo Laga Siin Shirkadaha Sahaminta Batroolka....
iyo Guddoomiyaha Degmada Ufayn oo caro ka mujiyey Cidda shaqada u qoreysa shirkadaha Sahaminta degaankaas... Akhri... June 2

Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS