SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL/RA'YI

Gudoomiya Isbaheysiga Dibu-xureynta Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ugu khudbeeyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Masar Xarunta Jamciyada Africa ee Magaalada Qaahira oo ah xaruntii ay ugu khudbeyn jireen Jaaliyadahooda madaxdii Africa ee Xurnima Doonka Ahaa.

Gudoomiyaha Isbaheysiga Dibu-xureynta Soomaaliya Sheekh sheekh Axmed oo Maalmahaan Booqasha Rasmi ah ku joogay Magaalada Qaahira ee Xarunta Dalka Masar ayaa Saacado Ka hor inta Uusan ka dhoofin Airporka Caalamiga ah Magaalada Qaahira Waxuu Khudbad xamaasad leh oo Gaaban Uga jeediyay Dad kor u dhaafaayo 500 oo Qof oo isugu Jiro Aqoonyahano,dhalinyaro,odoyaal,Caruur,Haween Kusoo dhaweeyay Alahu Akbar kuna macsalaameeyay Alahu Akbar oo Kana tirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku Dhaqan Dalka Masar iyo kuwa uga yimaaday dibada si ay u arkaan Sheekh Shariin Ama la kulmaan, xarunta Jamciyada Africa (Aljamciyah Al afriiqiyah) ee Magaalada Qaahira oo ah Xaruntii ay ka khudbeyn Jireen Madaxdii africa ee Xurnima Doonka Ahaa Sidii Nelson Mandela iyo Lomombe Xiligii uu Masar Ka talin jiray Aabihii Kacaanadda Carabta iyo Africa Jamaal Cabdi Naasir.

Gudoomiyaha Isbaheysiga Dibu-xureynta Soomaliya waxuu ugu horeyn uga Mahad celiyay Xakuumada Masar iyo Shacabkeeda Sida Wanaagsan ee losoo dhaweeyay waxuuna sheegay in ay u yimaadeen Dalka Masar Sidii ay ugu bandhigi lahaayeen Mas'uuliyiinta Masaarida Fikrada isbaheysiga ee ku aadan xal u helida Arimaha Soomaaliya iyo Sidii Dowlada Masaarida uga qayb qaadan lahayd Sidii looga saari Lahaa Dalka Soomaaliya Ciidamada Itoobiya waxuuna sheegay in xakuumada Masar ay ku Qanacday fikradaas Kadib Marki ay fahmeen Mas'uuliyiinta Masaarida aysan Ciidamada itoobiya xal aheen oo ay Yahiin Mushkilada ugu weyn ka taagan Dalka Soomaaliya, waxuuna Sheegay Shiikhu in ay isku afgarteen Mas'uuliyiinta Masaarida dhamaan Arimihii ay ka Hadleen.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxuu mar kale ku cel celiyay Mowqifkii Isbaheysiga dib-xureynta Soomaaliya ee diidan wada hadalo in lala furo DFKMG, Ayidoo Ciidamada Itoobiya dalka Soomaaliya ku Suganyahiin kadib Markii Dhowr su'aal oo arinkaas ku saabsan uga yimaadeen Sheekha dadweynihii kasoo qeeb galay dhegeysiga Khudbadaas, waxuuna sheegay in uusan hadalka Nuur Cade ee ku saabsan Dibu-heshiisiinta wax macno ah laheen inta ay dalka Joogaan Itoobiyanka oo ay ka wadaan Magaalada Muqdisho Xasuuqa,Barakicinta, kufsiga,xariga, waxuuna ku tilmaamay Mas'uuliyiinta xakuumada Soomaaliya Shaqsiyaad aan Xor ahayn oo ka mid Ah Shacabka loo baahanyahay in laga xoreeyo Gumeysiga Itoobiya.

Gudoomiya Isbeysiga Dibu-xureynta Soomaaliya Sheekh sheekh Axmed Waxuu amaan u jeediyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku Nool Dalka Masar, waxuuna Sooomaalida meel walboo ay joogaan Ka Codsaday in laga gudbo Khilaaf walboo kala fogeynaayo lagana wada shaqeeyo Midnimada Umada Soomaaliyeed dhamaantoodna Hadafkoodu noqdo sidii Dalka looga xoreyn lahaa Itoobiyanka oo ah Cadowga Soo jireenka ee Shacabiga Soomaaliyeed,Shariifka ayaa waxuu ku booriyay Soomaalida Halkaasi isugu timaaday in aysan Aduunka Ka sugin in uu Dalkooda u xoreeyo Maadama uu Indhaha ka qabsaday dhibaatadda ka tagan Dalka Soomaaliya ,waxuuna ugu baaqay in ay garab istaagaan Isbaheysiga Dib-xoreynta Soomaaliya oo u istaagay in uu Dalka Xureeyo.

Waxaa ayigana Halkaasi Kasoo jeediyay Hadalo Kooban oo guubaabin ah Gudoomiyaha Golaha Dhexe ee Isbaheysiga Dibu-xureynta Soomaaliya Mudane.Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Mas'uulka Arimaha dibada Ee Isbaheysiga Mudane.Yuusuf Dheeg waxeyna Labada Mas'uul Ka codsadeen Soomaalida in ay Shacabkooda ku garab istaagaan wax walboo karaankooda ah.

Kadib markii ay dhamaadeeen Khudbadihii Mas'uuliyiinta isbaheysiga dibu-xureynta Soomaaliya ayaa waxaa Halkaasi kusoo bandhigay Filin muujinaayo dhibaatada xasuuq ay Ciidamada Itoobiya Ka geesteen Magaalada Muqdisho Mudane.Sheekh yuusuf Xuseen jimcaale oo ka mid ah mas'uuliyiinta Sar sare ee Jaaliyadda soomaaliyeed Dalka Masar Taas oo keentay in ay dadku ilmeeyaan Kadib markii ay Daawadeen filkaas muujinaayey Xasuuqa Ka dhacay magaalada Muqdisho

Mid ka Mid ah Haweenka kasoo geeb galay khudbada Sheekh Shariif oo lugu magacaabo Faadumo Maxamed Cabdulaahi oo 5 Caruur ah wadatay ,ayaan weydiiyay Sababta ay u keentay Caruurteeda oo dhan waxeyna iigu Jawaabtay"waxaan u keenay Caruurteyda in ay arkaan Geesiga Soomaaliyeed Sheekh Shariif waxaan ilaahey ka baryaa in ay ilmaheyga Noqdaan Sidii Sheekh Shariif" ayey tiri Faadumo Maxamed Cabdulaahi.

Waxeyna Intaas ku dartay iyadoo hadalkeedii Sii wadata " Nasiib xumaa qofkii u jeedo Wadaaddkan hadalka Wanaagsan oo Tageereyso Cabdulaahi Yuusuf oo Maalin walba caytamaayo waxaan rejeynaa in uu ilaahey Nasiiyo aniga iyo Caruurteyda Cimri aan ku gaarno Sheekh Shariif oo Soomaaliya xakumaayo "ayey hadalkeeda kusoo koobtay.

Dhinca kale Maamulka Naadiga ardayda Soomaaliyeed ee Dalka Masar ayaa waxuu soo saaray Saacadihii ugu danbeeyay booqashada Wefdiga Isbaheysiga dibu-xureynta Soomaaliya bayaan uu ku Taageeraayo Isbaheysiga-dibuxreynta Soomaaliya iyo dadaalka uu ugu jiro sidii uu usoo celin Lahaa xornimada iyo Karaamadda Shacabka Soomaaliya.

Wefdiga isbaheysiga Dibu-xureynta oo ku laabtay Xuruntiisa Asmara ayaa waxey ay ku tilmaameen Raga Masaarida ah ee Arimaha Siyaasada ka faalooda Booqashadiisa Dalka Masar, lakulmida Dowlada Masar iyo in uu Sheekh Shariif Kula hadlo xarunta Jamaciyada Afrika jaaliyadda Soomaaliyeed ee Ku nool Dalka Masar, in ay tahay Guul usoo hoyatay isbaheysiga Dibu-xureynta Soomaaliya Waxeyna Arinkaas ku macneeyeen in Dowlada Masar Aqoonsatay Isbaheysiga Dibu-xuretna Soomaaliya una aragtay sheekh shariif in uu yahay Shaqsi u Dagaalaamaayo Xoriyada Shacabkiisa mudana in La  taageero.

Ismaciil saxaaf
Saxaaf@hotmail.com
Qaahira-masar

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 21, 2008


AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan, kana tarjumi meyso aragtida SomaliTalk.com.


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com