SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - Maqaallo

Hooy, ummadyahay jahligeeda ummaduhu ku qosleen?!!. 
 

Gabyaagii carbeed; Abuu Dhayib Almutanabbi’; (303H -354H) ayaa kolkuu ummadda carbeed la yaabay wuxuu yiri: Hooy, ummadyahay jahligeeda ummaduhu ku qosleen?!!”. Haddaba qoslo lagugu qoslaa wuxuu astaan u yahay liidasho xagga maskaxda ah oo lagugu qiray. Jahli (wax-aqoon-la’aan) ummad kolkuu ku habsado waxaa ummaddaa ugu soo dhuunta doqon nimo iyo quursi, waxay yiraahdaan ama sameeyaanna waxaa laga dhex akhristaa liidasho iyo dammannaan, markaa waa u dhammaatay, sagxaddana lagama xigol!. 

Marka koowaad, baryahan web-pages fara badan waxay aad u qaadqaadeen; “Gabre; ayaa laba jeer Cabdullaahi Yuusuf dharbaaxay”, waa run ama waa been midna oran mayo, oo tabinta dhacdadaa ayaan wax micne ah ila lahayn. Haddii la dharbaaxo, soo isagu ma galabsan?, soo isagu sooma raacin Gabre?, Nin ayaa soddohdi dharbaaxay –oran mayo wax rag loogu maahmaaho ma aha oo waa la simanyahay- gartii markii loo fariistay ayaa raggii nin ka mid ah odoyaashii waydiiyay; horta, maxay soddohdu u istaagtay meel ay gaadho gacanta wiilka ay sodohda u tahay (gabadheeda qaba)?. Horta, Gabre meel uu cid ka dharbaaxi karo, yaa soo fariisiyay?!-xaruntii Madaxtooyada soomaaliya. Gumaysi iyo Hormojaan maxay isu dharbaaxeen, lama yiraahdo?, oo waa dhagarqaba yaal is-edebsanaya. Soomaalida xalaasha ahna dharbaaxo wax ka mug wayn oo dib-u-xorayn ah ayaa maanta u taal. 

Marka labaad, fadheexadii (ceeb ama bayuur) ugu waynayd waxay dhacday (27/02/2008). Goor waabar ah ayaa Airport-ka Aadan–cadde –Muqdishow- waxaa soo maray Seyumo Mesfin oo diyaarad wata, wuxuu hore u sii qaatay; Abdullaahi Yuusuf, Nuur-cadde iyo Aadan-madoobe, dabadeed, Baydhaba ayuu afka uga shubay iyaga oo xog iyo xaal midna aan war u hayn. Warar kale waxay sheegeen in uu Baydhabo ku ballansaday. Is-araggu qaabkii la doono ha loo abaabulee, wax aan sheeko ama shaahid midna aan lagu maqal ama lagu arag ayaa dhacay. Wasiir arrimo dibadeed dal shisheeye ka socda oo qol ku xirtay raggii ugu sarreeyay wax dowlad lagu magacaabay, wali lama maqal, xataa, sheekooyinkii khiyaaliga ahaa ee “Alf layla wa laylah laguma xusin. Rag dal dhan oo siyaado leh (sovereignty) in ay ka taliyaan sheegta, ma dhici kartaa in; wasiir shisheeye ah (Seyum Mesfin) iyaga oo nool qol in uu ku ooto?. Mee, wasiirkii Arrimaha dibaddu?!. Allaylehe waxaa markhaati helay “Maxamed Qanyare” hadalkiisi ahaa; “nin xilkiisa u madax bannaan dowlad ku sheegga kuma jiro”. Habmaamuuska dawladaha (States protocol) ma ku jirtaa in heerkaa oo kale lagu qaabilo wasiir dawlad ka socda oo marti ah?. Marka kaliya oo sidaa oo kale ay dhici kartaa waa; dal gumayste ah oo wasiirkoodi dal ay gumaystaan amarro gaarsiin u yimid. Ragga maanta ku dooda dawlad baan nahay kama duwana dawladdii Dhaakiliyadda oo koofurta Talyaanigii (AFIS) ka dhisay 50-adii.  

Maya, xaal baan siiyay dowladdii daakhiliyadda, waayo himmad iyo ujeeddo ahaan waa ka heer sarreeyeen kuwa maanta dowladda sheegta oo silica ku nool. Dhan kale, warar baryaha socday waxay sheegeen in ku-xigeenka wasiirka koowaad “Saalim Caliyoo Ibroow” iyo afar wasiir lagu weeraray guri ay dagan yihiin oo ku yaal Muqdishow, caasimadda. Cawro waa iyagee ma iskaabulo qol irrid bannaan ah dagan baa?, wuxuu soo dowlad ma sheegan?!. 

Waxaan aad uga jiriiricooday; shirkii albaabadu u xirraayeen kolkii uu dhammaaday “Cabdullaahi Yuusuf” in wixii looga wada hadlay shirka isagu ka warramay oo uu yiri: “waxaan ka wada hadallay arrimaha dib u heshiisiinta iyo sidii amaanka loo sugi lahaa”. Xataa, Xuubsireed loogama harin hawshii uu yaboohsaday (afhayeen)!.  

Gacaliye akhriste, maxaa kuu baxay?, been iyo hadal aan meella haysan, haddii laguugu sheegay go’aankii Isbahaysiga dib-u-xoraynta soomaaliya oo ahaa: “inta xabashi dalka haysato waxa DKFS loogu yeero wada hadal la gali mayno”, hadda ma garaysatay; talo meeshii ka habboonayd la dhigay in ay tahay ma kuqanacday?. 

Waxaan maqli jiray “Maxamed Siyaad Barre(AUN) ayaa gobol kormeer ku tagay, dabadeed, dadkii gobolka markuu waraystay waxay ka sheegteen Guddoomiyihii Gobolka. Markuu isu dhagaystay labada dhinac oo xaqiiqsaday khaladku in uu guddoomiyaha ka socdo, wuxuu amray guddoomiyihii in uusan dayaraadda ka harin. Haataan waxaa la yiri: Seyum Mesfin wuxuu dayuuraddii ku sii qaatay  Nuur-cadde  Cajiib, soomaaliya, ma gobol Itoobiya ka tirsan baa, mise waa Jamhuuriyadii Soomaaliya oo madax bannaan?.Goor danbe, “Goobdoon” ayaa warkaa beeniyay ayaan maqlay, ha yeeshee, durba waxaan soo xusuutyay doqontii tiri; “Maxaa la iigaga farxi barriba waa lumi!. 

Casrul jaahiligii (Islaamka ka hor) waxaa Jasiiradda Carbeed ka hanaqaaday rag gabyaa ah oo miba midka kale ka daranyahay. Raggaa waxaa ka mid ahaa “Cantara Alcabsi” oo isku darsaday; geesi goobaha dagaalka ka tilmaanan iyo gabayaa codkar ah, laakiin, midabkiisa madow dhowr jeer lagu ciilay. Xilligaa oo Carab oo dhan jahli hareereeyay (wax-aqoon-la’aan) ayuu yiri:Laa tasqinii bi maa’ ilxayaati bi-dillatin...Bal isqinii bilcisi ka’s-alxandhali” oo macnaheedu yahay; [Anoo dullaysan ha iwaraabin biyaha nolosha...Balse, anoo gob ah iwaraabi koob dacar ah]. (Biyaha nolosha, wuxuu ulajeedaa biyo haddii la cabbo gadaashood aan la dhiman, waa tusaalayn). Karaamo darro in uu ku noolaado, xataa hadday noloshiisu dhammaad lahayn wuxuu ka doorbiday gob (xor ama nasab) isaga oo ah in dacar la cabsiiyo oo uu dhinto markaaba. 

Ugu dambayn nin caalim ah oo soomaaliyeed ayaa la dagay reer Ari fara badan dhaqda, kolkuu noloshooda u kuur galay wauxuu ogaaday salaad iyo cibaado rabbi toona in aysan shaqo ku lahayn oo ariga oo kaliya daba joogaan. Waxaa u muuqtay lexejeclada arigu in ay ka indho tirtay salaaddii (cibaadadii). Maalinkii dambe ayuu isugu yeeray raggii arigu la tagay; wacdi dheer ka dib wuxuu hadalkii ugu soo uruuriyay; warhooy “Ilma Julaasoow” arigiinna u tukada”, oo uu ulajeedo, Allihii ariga idin siiyay, haddaad cibaadadiisa ka jeesataan ogaada xaynta ariga ah in uu idin dhaafin karo!.  

Anna Waxaan lee yahay, ummadyaha jahligeeda ummaduhu ku qosleen, ogaada  cibaadada Alle haddaad ka jeesataan, dalkiinna iyo dadkiinnana daafici waydaan; maalin aan maatan ahayn in la is waydiin doono; “HORTA SOOMAALIYA HALKEE DEGI JIRTAY?!.

Falaa xawla walaa quwata ilaa billaaha.

Wa xasbuna Allaah wa nicmal wakiil…   
 
 Cabdiwali Sh. Maxamed

ifaqoon@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Mar 09, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com