SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - Maqaallo

SOOMAALIDU HOTRA WAA QOLAMA?
 

Si fiican u fiiri su'aashan: Soomaalidu horta waa qolama Qolama?

Haddaad ka fekarto waxyar, waxaa dareemaysaa in qabiileysiga, yaa reer hebel ah iyo afkaarta duugga ah ee laga dhaxlay dulliga qabyaalada, cuskatana jaahilayada ay gaartay heer aad u sareeya oo halis ah.
Soomaalidu markay soo gudubtay kani yuu yahay? tani yay tahay? reer hebel waayo? Arrintu hadda waxay gaartay in la yiraahdo: Soomaalidu Horta Waa qolama?

Su'aal Qaldan

Runtii, waa mid aad u qaldan marka laga eego meelo farabadan, waxay ka turjumaysaa heerka uu gaarsiisan yahay garshadeena ku aaddan macnaha dhabta ah ee uu xambaarsanayahay erayga 'Qarannimo'. Taas oo la oran karo waa mid aad iyo aad uga hooseysa xataa ummadihii noolaa casri jaahiligii- xilligaa oo aan dadku aqoon wax aan ka ahayn qabyaalladda- waayo waxaa laga helayaa xataa dadkaas kuwo badan oo ku muujiyey suugaantooda doonis qarannimo, inkastoo ay hafisay mowjaddii jahawareersaneyd ee ku dhisneyd reer hebel yaa ah ama jaahilyadaba.

Su'aashan inay qaldan tahay asal ahaanba waxaan ku caddaynayaa arrimahan soo socda:

1. Addunka aynu ku noolnahay maanta wuxuu ka koobanayahay qaramo, ama wadamo xor ah kuna noo yihiin dad ku qanacsan inay yihiin muwaadiniin walaalo, diyaaran u ha inay difaacaan wadankooda, walaalnimadooda iyo jiritaankooda. Kana dhiidhiya wax kasat oo dhaawci kara midnimadooda, taas oo ay ugu horeyso: Qabyaallada.
Waa su'aal qaldan waayo ma jiro nin maraykan la yiraahdo oo ay dadka maraykanku ka soo jeedaan,iwm. Wadankasta oo dunidan jira waxaa ku nool dad ku midaysan kuna qancsan inay yihiin qaran jira oo leh magac iyo maamuus ay uga duwan yihiin dayowga kale.

2.Bal eeg dowladaha dunida!
Tusaale ahaan , ka waran haddaan niraahno: Maraykan waa qolama? Way iska caddahay inay su'aal qaldan tahay, waayo qof walba wuu garanayaa in Maraykan uusan ahayn carruur u dhalay nin la yiraahdo maraykan , balse uu yahay qaran jira. Dhammaan wadamada dunnida oo aan ka midnahayna waa sidaa oo kale.

Waxaa nasiib darro ah anagoo joogna shan iyo toban qarni ku dhawaad(1429) markuu cagta mareyey nuurka islaamku wixii ka haray jaahilyada in aan maanta dib u qaadno raadkeedii.
Waa arrin welwel leh in aqoonyanno weliba ah barayaal sare (professors) ay la soo shir tagaan soomaalidu:carab ma'aha, ama waa carab , afrikaan weeye ama afikaan ma'aha iwm. Ayagoo weliba u tusaya dadka sidiiyoo ay tahay arrin sax in arka horaba lagaba dooddo arrimaha noocan ah.

Haddaba aqoonyahannada ama barayaasha sareba waxaan weydiin lahaa inta aydan ku degdegin su'aashan qaldan oo aan cilmiga ku dhisneyn iyo jawaabteedaba oo la mid ah. Ma illowdeen qabyaalad nooc kasta oo ay tahayba inay ku biyo shubato jaahiliya? ma illowdeen miraha ay dhasho qabyaalad nooc kasta oo ay tahay inay yihiin bur iyo baaba? Mase illowdeen in uu ku sheegay nabeggeena Muxammad sallaallahu caleyhi wasalam inay tahay " baqti oo kale oo ay urayso" uuna amray ummaddiisa inay " ka tagaan "
sidookale ma illowdeen guubaabadii abwaannada dareenak fiyow sida Cabdullaahi Sultaan timacadde markuu lahaa: Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane.

Aqoonyahannada waxaa looga fadhiyaa inay ka shaqeeyaan  ummada wanaageeda iyo siday u hiigsan lahayd horumar. Dadkeenu wuxuu hamuuun aad u ba'an u qabaa aqoon uu kula tartamo dadyowga kale uma ee baahna maanta in aqoonyahanakeenu u hadlo ama u fekero sidii casri jaahiligii. Casrigaa oo aan ka wada dheregsanahay heerka aadka u hooseeya oo uu gaaray fekerka dadka oo ay ku faani jiray waxyaalo maanta lag xishoodo kuna kici jireen falal aad u foolxun, sida inay ku duugaan ilmohooda nolosha.

Gebaggebo:

Su'aashan waxaa in badan ka habboonaan lahayd in aan is weydiino : Soomaalidu maxay tahay? Taas oo aan filayo in jawaabteedu ay fududahay una baahneyn inaan kutubtii Giriiga ama tii Roomanka iyo fartiiFaraaciinta aan ka soo xigto kuna xoojiyo dooddayda, kuwaas oo dhammaantood sugnaantooda mugdi aad weyn ku jiro. Amaan sameeyo cilmi baaris hiddaha (genetics) ah.

Jawaabtuna waa sidan :

1. Waa dadka dega geyiga Soomaalida.
2. Waa dadka ku hadla afka soomaaliga
3. Waa dad isku diin ah 100% muslim .
4. Waa dad isku dhaqan ah .
5. Waa dad walaalo ah meelkasta oo ay joogaan.

Abwaan C/qaadir Xirsi Yamyam asagoo tilmaamaya in dadka soomaaliyeed ay yhiin ul iyo diirkeed meelkasta oo ay joogaan lana kala saari karin wuxuu yiri:

Obokh iyo Hargeysiyo
Nugaal oogadediyo
Ardaayada shilaabiyo
Ilaa beesha Enefdhii (NFD)
Muqdishoo unuunkaa
Diin iyo Afkilaya ah
U eg anigu saan ahay
Eeddiyo ayeeyiyo
Oday qurihi wada dhalay
Ee alif kordhaban iyo
Hikaad keliya ku akhriya
Waa kala ab yaa yiri?

Afeef: Qormadan ulama jeedo inaan wax ku yeelo dareenka qof gaar ah ama ku far-fiiqaba, keliya waxaan ku muujinyaa fikraddayda ku aaddan qabyaaladda qaabkasta oo loo dhigaba.

Cali Aadan
calisomali@live.com

Faafin: SomaliTalk.com | Mar 09, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com