SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - Maqaallo

Khilaafka Madaxweynaha Iyo R/wasaaraha Muxuu Ku Saleysan-yahay .
 

BY Xaaji Maxamoud Maalin
moalinm2us@yahoo.com


HORDHAC

Madaxweynaha kuma filna awooda dustuurka uu siinayo wuxuu u baahan-yahay in loogu biiriyo tan xukuumada waa qodobka aas-aaska u ah sharci yaqaan RW. Nur Cade iyo MW.C/lahi Yuusuf

Xeeladii uu madaxweynaha kula dagaalamey R/wasaarihii hore Pro.Cali Maxamed ayuu doonayaa in uu kula dagaalo RW.cusub Mudane Nur Cade. Waxaa is weydiin mudan maxaa ka qaldan Madaxweyne C/laahi Yusuf hadii kii yimaado uu la dagaalamayo ?

Su'aashaan jawaabteeda ayaan weydiiyey Rugcadaa Somaliyeed oo xilal heer wasiir ka soo qabtey Dowladihii hore jawaabt teeda waxey noqotey Madaxweynaha kuma filna awooda dustuurka uu siinayo wuxuu u baahan-yahay in loogu biiriyo tan xukuumada. Waxaa intaa u sii dheer Madaxweynaha oo aad u dhibsadey Ammaanta faraha badan oo loo soo jeedinayo Nur Cade oo kaga imaaneyso Bulshada Somaliyeed iyo Beesha Caalamka.

Hadaba waxyaalaha farsamo ay isku hayaan maxey tahay?

Eedeynta Madaxweynaha

Madaweynaha wuxuu ku eedeynayaa R/wasaarihiisa inuu doonayo inuu soo nooleeyo kuwii aan ka adkaaney hadii ay ahaan lahaayeen Maxaakiim ama Qabiilo Dowlad diid ah qof kasta sidey doonto ha u qaadato waxaana aragtidaa la qaba Gudiga Amniga G/Banadir

R/wasaaraha wuxuu Qabaa

Magaalada Muqdisho oo fure u ah nabad la gaaro in nidaam dowlad-nimo oo shaqeyn kara aysan ka jirin oo soocelin kara kala dambeyntii iyo adeegyadii dadweyne waxa ciidanka lagu sheegayo ay yihiin maleeshiyo beeleed aan u hogaansameyn sharciga loona baahan-yahay in hada la diyaariyo!

waxyaalaha kale oo madaxweynaha ka careysiisey ayaa ka mid ah asagoo R/wasaaraha ka xirey daaqadii warbixinada looga soo gudbin jirey waqtigii Cali M.Geedi wuxuuna ku soo rogey amar Golahiisa Wasiirada oo ah "wuxuu soo saarey qoraal amar ah oo khuseeya Golahiisa Wadiirada wixii Go'aano ah ay gaaraan Xukuumada in aan loo gudbi karin Madaxweynaha. Wasiirkii ku dhaqaaqona weynayo Wasiirnimadiisa ,wixii warbixin ah uu madaxweynaha u baahdo R/wasaaraha ayuu kala soo xiriiraya"

Tan labaad ayaa eheyd in Golaha Wasiirada sida ay doonaan ka yeeli karin Wasaaradahooda wasaarad walba wixii qabaneyso si wadajir ah loo go'aaminayo ayadoo lawada dhan-yahay.

Tan sedaxaad ayaa eheyd arrimaha dibu-heshiisiinta Xukuumada ayaa si toos ah u wajaheyso inta uu wada xoojoodka socdo markii wax la isku waafaqo Golaha Barlamaanka ayaa go'aan ka gaarayo ayadoo la tashi lala sameynayo Madaxweynaha.

Hadaba markii intaa dhacdey Waxaa la soconaa in mooshin ay u soo gudbiyeen gudoonka Barlamaanka Xildhibaano taageersan Madaxweynaha oo kula dagaalamo R/wasaarihii ama gudoomiyahaii ka biyo diida sida uu wax u doonayo.

Hadaba qodobadaan ayaa ah kuwa u cuntami waayey Madaxweynaha taas oo u arkey in laga tilaabsadey awoodaha u baneynayo Dustuurka aan ku filneyn iyo R/wasaare Nur Cade oo asagana awoodaha dustuurka Xukuumada doonayo in aan cid kale ku faragelin.

Dowladda oo waqti badan ka dhumey ayaa iminka ka sii dhumayo mar hadii Madaxweynaha oo R/wasaare laba bilood jir ah mooshin ka diyaarinayo.

BY Xaaji Maxamoud Maalin
moalinm2us@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Mar 09, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com