SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Saameynta ay leedahay aqoonyahanada afrika ka qaxay

somaliaC/risaq maxamed xussen-

Eskilstuna, Sweden

habdirisak@hotmail.com


Hordhac

Baaritaan sanadle ah oo ay samaysay hayda ganacsiga iyo horumarka ee qaramada midoobey ayaa waxaa ay si aad ah uga hadashay saameynta ay leedahay aqoonyahanka tirada badan ee ka qaxay afrika. Haydu waxaa ay ku eedaysay wadamada qaniga ah iney afrika ka xaalufiyeen aqoonyahanadii kala duwanaa ee ay qaaradu u baahnayd.Xaalufintaas aqoonyahanka waxaa afka ingiriiska lagu yiraahdaa brain drain. Aqoonyahankaas oo ka qayb qaadan lahaa horumarka qaarada afrika. Hadaba maqaalkaan waxaa aan ku qaadaa dhigi doonaa arimaha dhaliyey qaxaas aqoonyahanada reer afrika iyo saameynta ay taasi ku yeelan karto horumarka qaarada.

Baaxada dhibaatada

Labaatankii sano ee ugu dameeyey waxaa aduunku aad uga hadlaayey laba dhibaato oo afrika saameyn weyn ku yeeshay. Labadaas dhibaato waxaa weeyaan: Cudurada faafa iyo dagaalada. Balse hadda waxaa ku soo biirtay dhibaato kale oo saddexaad taas oo ah dadkii aqoonyahanka ahaa oo Afrika si isdaba joog ah uga qaxaaya. Aqoonyahankaas waxaa ka mid ah dhaqaatiir, kalkaaliyayaal caafimaad, injineero, dhaqaale yahano, macalimiin iyo qaybaha kala duwan ee aqoonyahanada. Sida ururka ganacsiga iyo horumarka ee qaramada midoobey uu sheegay waxaa qaxay in ka badan kala bar aqoonyahnkii u dhashay wadamada Soomaaliya iyo gaambiya. Taas waxaa ay ku cadahay warbixin uu ururku ka qoray baaritaan uu ku sameeyey konton wadan oo sabool ah. Tusaale ahaan wadanka Zambia waxaa uu ilaa iyo intii uu xornimada qaatay wax soo baray dhaqaatiir gaareysa ilaa 600 oo dhaqtar.Maantana waxaa wadanka Zambia gudihiisa jooga ilaa in aan ka badnayn 100 dhaqtar. Waxaa iyana dhibtaas mid legi haysataa wadanka maali. Wadankan waxaa aad saameyn ugu yeeshay dhaqaatiirta usoo qaxda wadamada yurub iyo waqooyiga ameerika. Dhaqtarada reer maali ee jooga magaalada Manchester ee wadanka ingiriiska ayaa ka badan kuwa jooga gudaha wadanka Maali. Wadanka Kenya waxaa isagana bil walba ka taga ilaa labaatan dhaqtar iyo kalkaaliyayaal caafimaad.

Dhibaatadaan ah xaalufinta aqoonyahanka kuma koobna oo keliya wadamada qaarada afrika balse waxaa ay kaloo ka jirtaa qaarada aasiya. Tusaale ahaan sanadkii 2003-da waxaa wadanka Filibiin ka qaxay kalkaaliyaal caafimaad oo gaaraaya ilaa 25000. Kuwaas oo dadweynaha reer Filibiin ay baahi badan u qabeen. Markii la eego dhinaca xisaabaadka ilaa malyan barkiis oo dollar ayey ku kacdaa in hal dhaqtar si buuxda wax loo baro. Aqoonyahankan ka qaxaya afrika waa kuwo aan shilin ugu kacaynin wadamada horay u maray ee ay tagaan. Waxaa maalgelinta sameeyey wadankii uu aqoonyahanku ka yimid.

Maxaa dhaliyey in aqoonyahanku ka qaxo Afrika

Dhibaatooyinkaan soo socda ayaa ka mid ah waxyaalaha ku qasbay aqoonyahanka reer afrika iney wadamadooda ka qaxaan.

o Mushahar xubo iyo xaalada nalosha oo adag: Mushaharka ay qaataan tusaale ahaan dhaqaatiirka ayaa aad u yar kolka ay ka shaqeynayaan wadamada afrika ee ay u dhasheen. Taasoo dhalisa in ay mararka qaarkood adag tahay iney musharkaas ku noolaadaan.
o Shaqada oo aan wax horumar ah lahayn iyo weliba taageero xumo ka timaada xagga maamulka wadanka: Waxaa dhacda in aaney jirin wax horumar ahba in aanu sameyn aqoonyahankii maxaa yeelay dowladaba qorshaha uguma jirto iney maalgelin ku sameyso aqoonyahankii.
o Deganaansho laan ka jirta wadamadii ay aqoonyahanadu u dhasheen: Taasi waxaa ay dhalisaa in aqoonyahan badani doorto inuu reerkiisa la qaxo si aan waxyeelo usoo gaarin.
o Cadaalad xumo, eexasho qabiil ku dhisan ayaa kaloo ka mid ah waxyaalaha ku khasba iney aqoonyahano badani isaga tagaan wadamadii ay u dhasheen.

Saameynta dhabta ah

Maadaama aqoonyahanku yahay lafdhabarta wadan, waxaa lagama maarmaan ah in aaney ka tegin wadamadii ay u dhasheen ee wax soo baray. Dadka leh aqoonta kala duwan ee afka qalaad lagu yiraa: The human capital ama hantidii aadanaha ahayd, waa kuwo saameyn weyn ku leh horumarka wadan. Macalin wax ka dhiga machadka caafimaadka ee la yiraa Karolinska ee magaalada stockholm ayaa isagoo arinkaan ka hadlaaya yiri: Ka tegitaanka aqoonyahanada ee qaarada afrika waxaa ay khatar ku tahay jiritaanka wadamada halkaas ku yaal. Maxaa yeelay waxaa istaagaaya horumarkii wadanka. Kol haddii taasi istaagtona ma jirayo wax isbedel ahi. Barahaasi waxaa uu wadamada qaniga ah ku booriyey iney joojiyaan u yeerashada dadka aqoonyahanka ah ee reer afrika. Waxaa kaloo niyad jab badan keeneysa iyadoon aan rajo badan laga qabin iney aqoonyahanadaasi kusoo noqdaan wadamadii ay u dhasheen. Afrika dib ayey u socotaa ama waa taagan tahay aqoonyahankeediina waxaa uu ka qaybqaadanayaa horumarinta wadamada qaniga ah. Akhristow yaa eeda arintaas iska leh? Ma aqoonyahanka? Ma reer galbeedka? Mise dowladaha afrika?

Mahadsanidin

C/risaq Maxamed xuseen.Eskilstuna,Sweden.
habdirisak@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 30, 2008

qaasimWasiirka Macdanta iyo Biyaha Somaliland oo Lagu Eedeeyey Laaluush in uu ka Qaatay Shirkadaha Batroolka..

 


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com