SOMALITALK.COM xayaysiis
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOOMAALIYA

Mareykanka oo Duqeyn ku diley Aadan Xaashi Cayrow

Abuu Mansuur”Aadan Cayrow wuxuu ka tagay Macalimiin fara badan oo sii wadi doona Jihaadka

      Waxaa saqdii dhexe ee xaley [May 1, 2008] Diyaaradaha Mareykanka waxay  Duqeyn ka geysteen Guri ku yaal  Magaalada Dhuusa Mareeb ee Gobolka Galgaduud waxayna Saacadu ahayd 9-kii habeenimo ee Waqtiga Muqdisho , waxaa Gurigaas lagu waramey in ay ku jireen Madax ka tirsan Ururka Al-Shabaab oo la sheegey in ay shir ku lahaayeen.

Wararkii ugu dameeyey ee naga soo gaara Magaalada Dhuuso Mareeb waxay sheegayaan in Duqeyntaas ay ku geeriyoodeen Aadan Xaashi Cayrow iyo xubin sare oo ka tirsan Ururka Al-Shabaab oo lagu Magacaabo Shiikh Muxyadiin Maxamuud Cumar.

      Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab Shiikh Mukhtaaar Roobow Abuu Mansuur ayaa xaqiijiyey Geerida Labadaas Masuul ee ka tirsanaa Al-Shabaab mar uu  saakey qabtey shir-Jaraaid  wuxuuna sheegey in si gardaro Dowlada Mareykanka ugu soo xad gudubtey Dhulka soomaaliya isla markaana ay dileen Mujaahidiintaas , wuxuu sheegey in ragaas ay muddo raadinayeen Shahaado Ilaahna wuu haleelsiyey , wuxuu kaloo uu sheegey Abuu Manasuur in ragaas ay ka tageen rag iyaga badela oo sii wada halganka lagula jiro Mareykanka iyo Itoobiya.

      Abuu Mansuur wuxuu kaloo sheegay in dilka Masuuliyintaas uusan wax u dhimeyn dagaalka ay kula jiraan Gaalada iyo Dabadhilfkooda , wuxuu kaloo sheegey in ay sii laba jibaari doonaan Dagaalka ay ka wadaan dalka oo ay kula jiraan Ciidamada Itoobiya , wuxuu kaloo sheeay in saacadaha soo socda la dareemi doono sida loogu aari doono Mujaahidiintaas wuxuuna dilkan uu ku soo beegmey xili ay Dowlada Mareykanka ay soo saartey warbixin ku saabasa Ururlka A-l- Qaacida taasoo sheegaysay in Ururka Al- Qaacida uu sii laba jibaarey Howlihiisa uu Mareykanka uu ugu yeeray Argagixisada.

Dagaalka uu Mareykanka kula jira wuxuu ugu yeeray Argagixisada ayaa u muuqda mid Dowlada Mareykanka dhiiqo la sii galaya waayo Markii la diley Hogaamiyihii Ururka Al-Qaacida  ee Ciraaq Sarqaawi wuxuu Marekanka uu islahaa dagaalka Ciraaq Hoos ayuu u dhici doonaa hase  yeeshee wuu si laba jibaarmey ,sidoo kale markii Yuhuuda ay dishey Hogaamiii Xamaas ee reer Falastiin Shiikh Axmed Yaasiin  waxay Dowlada Yuhuuda ay islahayd Xamaas way wiiqmeysaa balse waxaa sii kordhey Awoodeedii sidoo kale Ururka Dalibaan ayaa isna u muuqda mid sii laba lixaadsadey oo gacanta u galey Gobolo dhowr oo ka tirsan Dalka Afgaanistaan iyadoo la og yahay in dalkaas ay joogaan Ciidamo fara badan oo tirsan Isbahaysiga NatO

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com



Diyaaradaha Dagaalka Maraykanka Oo Xalay Goor Dambe Duqeeyey Magaalada Dhuuso-mareeb

Duqayn ay Diyaaradaha dalka maraykanku u gaysteen magaalada xarunta u ah gobolka gal-gaduud ee dhuuso mareeb ayaa waxaa ku geeriyooday Masuuliyiin sar sare oo ka tirsanaa Ururka islaamka Al-shabaab iyagoo gantaal ku dhuftay gurigii ay ku jireen.

AC-21 nooca loo yaqaano ee diyaaradaha basaaska ee gantaalada xambaara ee laga leeyahay dalka maraykanka ayaa xalay waqti saqbadhkii dambe waqtiga lagu qiyaasay 3-dii habeenimo waxay gantaal ku dhufatay Guri la sheegay inay ku Jireen Shahiid -macalin aadan xaashi cayroow sh,muxayadiin axmed cali iyo xubno kale oo halkaasi ku geeriyooday

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

Sidoo kale Duqayntan ay diyaaradaha dagaalka marakanku duqeeyeen Gurigan ku yaalay magaalada dhuuso mareeb ayaa la sheeagayaa inay ahayd mid taraget ah islamrkaana loogu jeeday in lagu waxyeeleeyo masuuliyiinta mujaahidiinta dagaalka kula jirta Ciidamada ethiopia iyo siyaasada dowlada KMG ah .
Sida uu saxaafada u xaqiijiyey afhayeenka al-shabaab sh,muqtaar Abu-mansuur Rooboow ayaa sheegay inuu Ku geeriyooday Duqayntii xalay diyaaradaha maraykanku ku qaadeen magaalada Dhuuso mareeb macalin aadan xaashi cayroow oo ahaa nin si weyn Looga yaqaanay dalka soomaaliya iyo caalamkaba islamrkaana Xubin Fir fircoon ka ahaa Ururka al-shabaab.

Sh.Muqtaar Rooboow Abu-mansuur Oo Shaaca Ka Qaaday Inay Dagaalka Ay Kula Jiraan Ethiopia Labanlaabi Doonaan

Afhayeenka Ururka Al-shabaab Sh.Muqataar Rooboow Abuu Mansuur oo shir jaraaid ku qabtay dhinaca isgaarsiinta ayaa shaaca ka qaaday in geerida ku timid Mujaahid macalin Aadan xaashi cayroow ay gaalada Ku farxaysaa ay Uga aari doonaan islamrkaana ay laban laabi doonaan dagaalka ay kula jiraan Ciidamada ethiopia iyo siyaasada Dowlada KMG ah .

Abuu Mansuur ayaa Ugu Hanjabay Hogaaamiyaasha Sare Sare Ee Iyagu Ku Farxsan Geerida Shahiid Macalin Aadan Xaashi Ceyroow ay Naxdin Iyo Murugo Deg Deg ah La Kulmi Doonaan.

Sidoo kale Sh, Rooboow ayaa kaloo carabka ku adkeeyey inay Howsha Uu Ka Shahiiday Macalin Aadan Xaashi cayroow ay sii socon doonto oo uu ka Tegey ragii uu u tababaray slamrkaana dacwada Iyo jahaadku aysan Hakan Doonin Isagoo intaasi sii raaciyey Inay Joogaan Ardaydii Uu Soo Taba Baray Macalinku Iyo Waliba saaxiibadii Ay Mabda,a Diinta Islaamka Isku Dhaarsadeen.

'''Macalin Xaashi allaha U Naxariisto Labadii Hadaf Ee Uu Lahaa Mid Kamid ah ayuu Gaaray Oo Waxa Uu Nafatiisa Ka Gatay allaah Subxaana Watacaalaa "' ayuu yiri abu masnuur

Abu-mansuur ayaa Ugu Dambayntii Sheegay Inay Xaqa ku taagan yihiin islamrkaana ay ilaalin doonaan Diintooda iyo Sharaftooda islamrkaana laban laabi doonaan dagaalka ay kula Jiraan cadowga ilaahay waa siduu hadalka u dhigaye .

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  May 1, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com