SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Qoysaska Soomaaliyeed & Dhibaatooyinka uu Sigaarku ku hayo

Waxaa Dunida ku sii badanaya dhibaatooyinka faraha badan ee Sigaarka kuwa caba iyo kuwa lagu ag cabo oo ay qiyaastii noqonaysa inay ka badan yihiin kuwa lagu ag cabo oo weliba ay u badan yihiin Carruurta yar yar iyo Dadka da'da ah ama waayeelka ah Haddaba ,Aabaha Soomaaliyeed ee Sigaarka cabaa Carruurtiisu sidee bay noqon karaan Caafimaadkooda? Su'aashan ayaa waxay tahay mid is weydiin mudan Carruur fara badan oo Soomaali ah ayaa waxaa loola Cararaa Qolalka Gargaarka deg-deg ah ee Cusbitaalada Waaweyn ee Waddamadan reer Galbeedka, taasoo ay ugu wacan tahay Dhibaatooyin ka yimi Dhinacyada Sigaarka inta badan oo uu naqasku ku xirmo ama uu la seexan waayo.

Sigaarku waa dilaa keeni kara Cuduro kala gedisan sida TB,Cancer,Neefta(Asthma) iyo kale oo kala gedisan waxyeelo ba'anna u geysan kara Sambabada iyo Dhammaan qaybaha uu jirkaaga uu ka kooban yahay, Carruurta ayaa waxay u nugul yihiin inay si deg deg ah uga qaataan hawada Oxgeyn marka ay qaadanayaan halkaasina uu u raaco Naqaska Sigaarka.

Warshadaha soo saara Sigaarka ayaa waxaa ku dhaca waxa loo yaqaan Class Action oo ah Dacwooyin guud oo ka dhan ah Dhibaatooyinka uu Sigaarka u geystay Mujtamaca iyo Bulshooyinka ku Dhaqan dunida gaar ahaan Waddamada sida gaarka ahi u isticmaala ee reer Galbeedka oo maanta ay Soomaalidu ka mid tahay kuwa ugu horeeya ee Sigaarka ku dhex Caba Carruurta hortooda kaddibna ay Carruurtaasi ay noqtaan kuwa Xannuunsan .

Hay'ado fara badan ayaa waxay ku mashquulsan yihiin sidii ay Sigaarka u yareyn lahaayeen isticmaalkiisa ama ay uga joojin lahaayeen dunida dhibaatooyinkiisa oo sii badanaya darteed( Quitplane) ayaa ka mid ah iyo kuwa fara badan oo doonayo inay Xal u helaan sidii Bulshada Caalamku ay u fahmi lahayd Dhibaatooyinka uu Sigaarku ku hayo noolaha dunida.

Carruurta Soomaaliyeed waa inay helaan Waalid aan Sigaar Cabayn oo naftooda Xaq dhowraya daryeelkoodana Ilaalinaya iyo Caafimaadkooda ,haddii uu Waalidku Sigaarka Cabo waxaa hubaal ah in Carruurtu ay noqon doonaan kuwa Sigaarka Meherad ka dhigta iyo wixii kale ee ay raacsan karaan oo naftooda dhibaya noloshooda iyo waxbarashooduna ay noqon karto mid aan wanaagsanayn oo aayaheeda noqota mid lagu kharaaso .

Sidaa darteed, Carruurtu waa Madaxdii berrito waxaa haboon inay noqdaan kuwa Wanaagsan oo Caafimaad qaba dhaqan iyo diinba mudana in ay kugu deydaan ,haddii uu Waalidku Sigaarka ku hor Cabayo iyana waxay ku hor Cabdi doonaan Carruurtooda taasi waa wax hubaal ah oo hore loo arkay ,Dhisidda Bulsho Wanaagsan oo Caafimaad qabtaa ayaa waxaannu kaga deyan karnaa Nebi Maxamed Nabadgelyo iyo Naxariis korkiisa ha ahaatee (CSW), Qof waliba waxaa ka saaran mas'uul sidii u u badnaadin lahaa Carruurta.

Hooyooyinka Soomaaliyeed ayaa waxay mudan yihiin ammaan aad u fara badan sida ay ugu dadaalayaan Ubadkooda ugana badbaadinayaa Dhibaatooyinka uu Sigaarku u leeyahay bulshada gaar ahaan Carruurta , Sababtoo ah Hooyadu waa Macallinka Guriga sidaa darteed waxay had iyo jeer ku dadaashaa sidii ay u badbaadin lahayd Carruurta.


Maqaalkani waxaannu ku soo gabagabaynaynaa ," Sigaarku waa Dilaa Dadaw ka Digtoonaada" kala fogaada Ubadkiina iyo Qoysaskiina si aad uga badbaadaan Dhibaatooyinka uu Bulshada u leeyahay darteed, kala tasho Dhakhtarkaaga mar waliba oo weydii wixii Su'aala ee ku saabsan Halista uu Sigaarka u leeyahay Ubadkaaga aad la nooshahay iyo Mustaqbalkooda.

Eng. Cabdulqaadir Cumar Yuusuf(Daandurey)
Somalihungerhivprojectus2004@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 25, 2008

 

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS