SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
PUNTLAND - QAFAAL
Daabaco Boggan | Print

Waraysi la xiriira Raggii Loo Gacan Geliyey Itoobiya
Radio Australia oo Waraysi la yeeshay Maxamed Ismaaciil Cumar, Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee ONLF, Magaalada Sydney iyo Sh. Ciise Cabdow Iimaam Soomaaliyeed Dhegeyso ama
halkan (mp3)


Wareeysi British Broadcasting Corporation Somali La Yeelatay Gudoomiye Ku Xigeenka O.N.L.F


May 2, 2008: Siddeed (8) nin oo ka soo jeeda Dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya gumeysato ayaa ciidamada Puntland ka qabteen magaalada Galkacyo, waxaana loo dhiibey Itoobiyaanka oo kaxaystay, sidaas waxaa sheegay Cabdallah Jaamac Jibriil oo ka mid ah Odayaasha Puntland, gaar ahaan Gaalkacyo. Wararysi idaacada British Broadcasting Corporation
 Dhegeyso halkan ama halkan( mp3)


Dood dhex martay Guddoomiye ku xigeenka JWXO, Cabdirisaaq Xasan Hirmooge (Caddaani), iyo kusimaha Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Puntland Axmed Aaden Carab.
ka dhegeyso halkan ama
mp3


Sheekh Fu'aad Xaaji Nuur: Cawaaqibka ka iman kara ragga loo dhiibey Itoobiya Dhegeyso halkan ama mp3


Barnaamijkii Aljazera ka soo duubtay Dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya gumaysato.. Halkan ka daawo

Daawo halkan....


Taliyaha Qaybta Gobolka Mudug oo Qiray in Itoobiyaanku Dad ka kaxaysteen Gaalkacyo....

  • "Ciidanka Itoobiyaanku iyagaa qabsaday nimankaas weyna kaxaysteen, waa RUN" Kusimaha Taliyaha Qaybta G/Mudug G/sare C/shukri - May 3, 2008
  • "Dadka laga Afduubay Puntland "haddii ay dhacdayna wa arrin qarsoodi ah" Wasiirka Warfaafinta DGPL C/raxmaan bankax.. May 3, 2008

Gaashaanle Sare Cabdi-shukri Cabdullaahi oo ah kusimaha Taliyaha Qaybta ee Ciidamada Gobolka Mudug ayaa markii ugu horreysey si rasmi u qiray in dad Soomaaliyeed ay Magaalada Gaalkacayo ka kaxaysteen Ciidamo Itoobiyaan ah. Dadkaas oo ka soo jeeda Dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya Gumeysato.

"Ciidanka Itoobiyaanku iyagaa qabsaday nimankaas weyna kaxaysteen, waa RUN" ayuu yiri G/sare C/shukri oo waraysi May 3, 2008 siiyey Idaacad maxalli ah [RaadiyoHorseed] oo ka hadasha magaalada Boosaaso.

Kusimaha Taliyaha Qaybta ee Gobolka Mudug waxa uu intaas raaciyey "Itoobiya waa loo fasaxay Soomaaliya oo hawlgallo badan ayey ka fuliyaan, dalka oo dhan ayeyna ku jiraan, waxayna la mid tahay hawlagalladaas". Waxa kale oo uu C/shurki shaaca ka qaaday in dadkaas lala aadey Itoobiya.

Kusimaha taliyhu waxa kale oo uu shaaca ka qaaday in ciidamo Itoobiyaan ah ay markasta yimaadaan oo ay joogaan magaalada Gaalkacyo iyo Garoowe.

Laakiin markii la weydiiyey sida ay ku dhacday maamul meel ka jira in aan lagala tashan oo cid la iska kaxaysto (Qafaasho), waxa uu ku jawaabey "annagu ciidan ayaan nahay askar ayaan nahay wixii awaamiir nala siiyo ayaan qaadanaa".

Waraysigaas oo aan qoraal u rogney hoos ka akhri, ama

Su'aal: Maxaa ka jira in dad laga kaxaystay (Gaalkacyo)?

Jawaab: Warkaas Wallaahi anigu shalay galab (May 2, 2008) een... anigu magaalada waan ka maqnaa waxaan jirey BOOKH, xalay sagaalkii fiidnimo ayaan imid, markii aan imi ayaan arrintaas ka warhelay, kabacdina waxaan ogaadey inaysan arrintaas maamulka Puntland ama boolisku wax lug ah ku lahayn...  Itoobiya waa loo fasaxay Soomaaliya oo hawlgallo badan ayey ka fuliyaan, dalka oo dhan ayeyna ku jiraan, waxayna la mid tahay hawlagalladaas, waxaana u fasaxay baarlamaanka, ma hawlgeli kartaan cidi ma oran karto oo annaga arrimahaasi waa arrimo naga sarreeya oo maamulka in la weydiiyo u baahan.

Su'aal: In dad la kaxaystay ayaa la isku haystaa, ma la kaxaystay mase lama kaxaysan, ma jiraan in shan qof oo ganacsato ah oo la sheegay weliba inay ka shaqayn jireen kuuliga ama dhagaxa guryaha lagu dhiso (la kaxaystay)?

Jawaab: Annagu ma naqaan ganacsato iyo dhagxaan iyo waxa ay yihiin laakiin shalay [May 2, 2008] in la kaxaystay ayaan maqlay, waxay yihiin waxay u taallaa in la weydiiyo ciddii kaxaystay iyo dadkey u dhasheen, laakiin anigu ma garanayo waxay ka shaqayn jireen, waa ONLF ayaa la igu yiri, laakiin anigu ma aqaan dadku waxay ahaayeen.

Su'aal: Dad ayaa wexey leeyihiin dhinaca Garoowe ayaa loo soo kaxeeyey oo ciidamo Itoobiyaan iyo ciidamo maamulka (Puntland) ka tirasan oo isku dhafan ayaa soo kaxaystay, haddaba saraakiisha aad amartid iyo ciidamada aad amartid maku jiraan dadka Itoobiyaanka hawshaasi la sameeyey?

Jawaab: Anigu markii horena waa kuu sheegay, ciidanka Booliska Puntland iyo maamulka Puntland oo ku sugan magaalaad Gaalkacyo hawlgalkaas wax shuqul ah kuma ay lahayn, Ciidanka Itoobiyaanku iyagaa qabsaday nimankaas, weyna kaxaysteen waa RUN, ayagaa qabsaday, ciddii la qabsaday qaar kamida ayaana masuuliyadeeda iyo hagiddeeda lahayd, wax maamulka Puntland iyo ciidanka Boolisku shaqo ku lahayna annagaa taas cadayneyn.

Su'aal: Garoowe malala soo aadey (dadkaas la kaxaystay)?

Jawaab: Maya ee waxay aadeen dalkoodii ayey aadeen.

Su'aal: Itoobiyaanku iyagu xaggee ka yimaadeen, Gaalkacyo miyuu joogaa Itoobiyaan?

Jawaab: Mayee markasta wey yimaadaan, magaalada Gaalkacyo iyo Garoowe intaba waa joogaan

May 3, 2008: cadde Muuse oo jooga Addis Ababa oo ka hadlay Burcad badeedda kaddib markii ay su'aalo weydiisey Idaacada Codka Maraykaanka...
Dhegeyso ama mp3

Waa in magaalada Boosaaso laga joojiyo in xaafadaha la xirto waayo khad cagaaran Muqdisho ayaa ku baaba'day, waan idiinka digayaa taas.. Sidaas waxaa yiri wasiirka Amga DGPL, C/laahi Siciid May 3, 2008..
Dhegeyso ama mp3


Dad laga afduubay Puntland oo loo gacan geliyey Itoobiya "haddii ay dhacday wa arrin qarsoodi ah, haddee qarsoodi Soomaaliya meel kasta waxbaa iska socda oo dhacaaya", wasiirka warfaafinta DGPL, May 3, 2008
Dhegeyso ama mp3

Su'aal: Sidee ku dhici kartaa maamul meel ka taliya oo aan lala tashan in dad laga kaxaysto deegaanka, oo weliba ay dad Soomaali yihiin?

Jawaab: Taas waa arrimo siyaasadeed waxaad weydiineysaa,.. annagu ciidan ayaan nahay askar ayaan nahay wixii awaamiir nala siiyo ayaan qaadanaa, laakiin arrimahaas siyaasadda dadka ku shaqada leh waad taqaanaa ee weydii...

Bankax: Dadka laga Afduubay Puntland "haddii ay dhacdayna wa arrin qarsoodi ah"

Wasiirka Warfaafinta DGPL, C/raxmaan maxamed Saalax (Bankax) oo shir jaraa'id ku qabtay magaalaad Boosaaso (May 3, 2008) oo wax lag weydiiyey in waxa ka jira in dad laga afduubay Puntland loo gacan geliyey Itoobiya ayaa yiri "haddii ay dhacday waa arrin qarsoodi ah, haddee qarsoodi Soomaaliya meel kasta waxbaa iska socda oo dhacaaya".

Hadalkaas oo loo qaadatay in wasiirku ku muujinayey in DGPL aysan wax war ah ka hayn,ama awood u laahyn inay wax ka dheheen, hawlgallada ay Itoobiyaanku ka fulinayaan gudaha dhulka ay maamusho Puntland, waxaana taas si qeexan looga dheehan karaa jawaabta Wasirka (Bankax) oo ahayd sidan:

"Arrimaha ay odayaashu maalmahan ka hadlayeen ee ah dadka la afdubay, Dawladda Puntland dadkaas la qaaday sharci uga yaal oo Puntland xiriir uga leedahay dawladda Itoobiya in dadkaas la qaaday iyagoo jooga Puntladn ma ay jirto, arrin golaha wasiira la keenayna ma aha, arrin golaha baarlamaanka loo gudbiyeyna ma aha, arrin masuul dawladdu ka tahayna ma aha, haddii ay dhacdayna wa arrin qarsoodi ah, haddee qarsoodi Soomaaliya meel kasta waxbaa iska socda oo dhacaaya laakiin dowalad aahan anagu arrin aanu raali ka nahay ama aanu ognahay ama aanu kala heshiiney in dad dalka usoo qaxay qaab kasta ha u yimaadeen ama ha ahaadeen dad ka Ogaadeenya ama Soomaali galbeed, ama haka yimaadeen Koonfurta ama haka yimaadeen Woqooyiga Soomaaliya nin kasta oo yimaada Puntland  haddii uusan dadka iyo dalka dhib u keenin wuxuu la mid yahay muwaadiniinta dalka joogta." [Dhegeyso ama mp3]

Cadde Muuse oo Qiray in rag laga Qabtay Gaalkacyo...

Madaxweynaha DGPL, Gen. cadde Muuse oo April 27, 2008 la kulmay jaaliyaadda Soomaaliyeed ee London oo la weydiiyey in Puntland ay rag ka mid ah ONLF u dhiibtey Itoobiyaan, ayaa waxa uu Gen. Cadde sheegay erayo uu ku qiray in raggaas la qabtay, waxana uu yiri "Ma aanan ogeyn anigu, nimankanna waxaa laga qabtay Galkacyo, xaafadda Baraxley. Waxaan u malaynayaa inay ku lug lahayeen barnamijyadii dhawaan Al Jasiira laga siidaayey oo ku saab sanaa Killinka Shanaad kuwaasoo Amxaaradu ka carootay".

Erayayaas oo ka duwan kuwii beryahihii hore ka soo baxayey maamulka Puntland oo beeninayey in laba nin oo ONLF ka tirsan ay u dhiibeen Itoobiyaan - labada nin magacyadoodu waa Maxamed Axmed Caafi (Dhiirre) iyo Cabdi Nuur Maxamed Sooyaan. [Waxaa arrinta ragga loo dhiibey Itoobiya baaqyo ka soo saaray odayaasha G/bari iyo Waxgaradka, Aqoonyahanadda, iyo Siyaasiyiinta Puntland... Eeg halkan].

Cawaaqibka ka Dhalan kara Ragga Loo Dhiibey Itoobiya

Sheekh Fu'aad Xaaji Nuur oo kamid ah culimada Gobollaad Waqooyi Bari eeSoomaaliya (Puntland) ayaa ka hadlay cawaaqibka ama raadkaka dhalan kara dadka Soomaaliyeed ee loo gacangeliyey Itoobiyaanka.

Dood Dhex martay ONLF iyo Puntland

Itoobiya oo Xafiis ka furatay Garoowe....

Idaacada Codka Maraykanka ayaa dood ku saabsan ragga Itoobiya loo gacan geliyey waxay dhex dhigtay Guddoomiye ku xigeenka JWXO, Cabdirisaaq Xasan Hirmooge (Caddaani), iyo kusimaha Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Puntland Axmed Aaden Carab.

Intii doodu socotey waxaa kusimaha wasiirka la weydiiyey in Itoobiya xafiis ka furatay Garoowe oo uu magaaladaas joogo sarkaal Itoobiyaan ah oo la yiraahdo col. Xayle, waxa uu Axmed Carab qiray in Itoobiya xafiiskaas ka furatay Garoowe.

Axmed Carab oo arrintaas ka hadlaya waxa uu yiri: "Xafiisku bil m afurnayn, waana xafiiskii ay kawad xiriiri lahaayeen Puntlan diyo Itoobiya".

Magacyada Dhallinyaradii Gaalkacyo Laga Qabtay

Warar laga helayo Gaalkacyo dhallinyaradii (May 1, 2008) loo gacan geliyey Itoobiyaanka ayaa tibaaxay shan ka mid ah magacyadoodu lagu sheegay:

  1. Faarax Good
  2. C/yare Haybe
  3. Cabdinuur Siyaad Ismaaciil
  4. Cumar Sheekh Maxamed, iyo
  5. Kaabul

Labada nin ee Garoowe (April 22, 2008) loogu gacan geliyey Itoobiyaanka magacyadoodu waa:

  1. Maxamed Axmed Caafi (Dhiirre), iyo
  2. Cabdi Nuur Maxamed Sooyaan

Faafin: SomaliTalk.com | May 3, 2008

BAARID | SEARCH


"Ilaa La Soo Celiyo Gobolka Sool ma Suurta Gelayso in Shidaal La Soo Saarayo"
sidaas waxaa yiri Madaxweyne Xigeenka DGPL. Akhri

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS