SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
PUNTLAND - QAFAAL
Daabaco Boggan | Print

Waraysi la xiriira Raggii Loo Gacan Geliyey Itoobiya
Radio Australia oo Waraysi la yeeshay Maxamed Ismaaciil Cumar, Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee ONLF, Magaalada Sydney iyo Sh. Ciise Cabdow Iimaam Soomaaliyeed Dhegeyso ama
halkan (mp3)


Wareeysi British Broadcasting Corporation Somali La Yeelatay Gudoomiye Ku Xigeenka O.N.L.F


May 2, 2008: Siddeed (8) nin oo ka soo jeeda Dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya gumeysato ayaa ciidamada Puntland ka qabteen magaalada Galkacyo, waxaana loo dhiibey Itoobiyaanka oo kaxaystay, sidaas waxaa sheegay Cabdallah Jaamac Jibriil oo ka mid ah Odayaasha Puntland, gaar ahaan Gaalkacyo. Wararysi idaacada British Broadcasting Corporation
 Dhegeyso halkan ama halkan( mp3)


Dood dhex martay Guddoomiye ku xigeenka JWXO, Cabdirisaaq Xasan Hirmooge (Caddaani), iyo kusimaha Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Puntland Axmed Aaden Carab.
ka dhegeyso halkan ama
mp3


Sheekh Fu'aad Xaaji Nuur: Cawaaqibvka ka iman kara ragga loo dhiibey Itoobiya Dhegeyso halkan ama mp3


Barnaamijkii Aljazera ka soo duubtay Dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya gumaysato.. Halkan ka daawo

Daawo halkan....


Ururka Midowga Qurba Joogta Soomaaliyeed oo fariin adag u diray Ummada reer Puntland.

Ururka Midowga Qurba Joogta Soomaaliyeed, (USD) ee saldhigiisu yahay Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka, wuxuu aad uga xun yahay Canbaaraynayaana, dhacdada murugada leh ee ka dhacday Dhulka Puntland, in dad Soomaaliyeed oo Jooga dhulkoodii hooyo cadow loo gacan galiyo. Waxaan Tacsi gaar ah u diraynaa dhammaan eheladii iyo qaraabadii ay kadhasheen dadka la dhiibay, si guudna waxaan ugu tacsiyeynaynaa Ummadda Soomaaliyeed ee ka murugaysan ficilkaan tiiraanyada leh.

Waxaan aad ugu Mahad celinaynaa Culumada, Isimmada, Aqoonyahanka, Siyaasiyiinta, Ganacsatada iyo dhamaan Waxgaradka reer Puntland ee Baaqa Taariikhiga ah kasoo saaray 04/28/2008 Gobalka Bari. Baaqaas oo si toos ah u cambaaraynayey iibsigii Itoobiya laga iibsaday Maxamed Axmed Caafi (Dhiirre), iyo Cabdi Nuur Maxamed Sooyaan 04/22/2008 oo ahaa dad Soomaaliyeed. Sidaa si leeg waxaan ugu Mahad celinaynaa Abdalla Jaamac Jibriil oo Bisha May 2, 2008 BBC-da ka canbaareeyey isagoo ku sagan magaalada Gaalkacayo, sheegayna inay talaabo ka qaadidoon iibisaga sideeda dhalinyarada ah ee Gaalkacayo laga qafaashay loona dhiibay Gumaystaha Itoobiya 05/02/08.

___________________________
May 3, 2008 USD#0003
Minnesota USA

Ku : Isimada Maamul Goboleedka Puntland
: Culimada Maamul Goboleedka Puntland
: Siyaasiyiinta Maamul Goboleedka Puntland
: Aqoonyahanka Maamul Goboleedka Puntland
: Ganacsatada Maamul Goboleedka Puntland
: Shacabka Maamul Goboleedka Puntland
: Maamul Goboleedka Puntland
: Shacabka reer Soomaali Galbeed

Ka: Ururka Midowga Qurba Joogta Soomaaliyeed

UJEEDO: BAAQ

Ururka midowga Qurbajoogta Soomaaliyeed, kadib markuu ogaaday dhacdooyinka foosha xun ee soo noqnoqonaya ee ka dhanka ah Islaanimada, Soomaalinimada, Wadadhalashada, xiriirka, isdhexmarka, iyo ganacsiga, wuxuu ugu baaqayaa Ururku Isimada, Culimada,Aqoonyahanka, Siyaasiyiinta, Ganacsatada iyo dhamaan waxgaradka reer Puntland inay joojiyaan, is hor taagaana dadka Soomaaliyeed ee Maamulka Puntland kagadanayo Dowlada Itoobiya.

  • · Isimmadu waa dadkii dhisay islamarkaana dhidibada utaagay Maamulka Puntland, sidaa daraadeed waxaan ugu baaqaynaa inay go'aan cad kaqaataan dhacdadan foosha xun, kana soo saaraan go'aan ay u dhanyihiin oo ay ku hor istaagayaan inaan qof danbe oo Soomaali ah oo jooga dhulka Puntland loo dhiibin Itoobiya. Sidoo kale waxaan Isimmada ugu baaqaynaa inay Maamulka Puntland ku cadaadiyaan inay shuruud la'aana usoo celiyaan dadka Soomaaliyeed ee laga taxaabtay Ciida Puntland. Isimmada waxaan kaloo ugu baaqaynaa inay dowlada Itoobiya fariin u diraan inay joojiso falalka ka dhanka ah, Soomaalinimada, wada dhalashada, ganacsiga iyo daris wanaaga ee ay ka wado shacabka reer Puntland iyo shacabka Soomaali galbeed dhexdooda, soona celiso dadkii loo gacan galiyey shuruud la'aan.Sidoo kale inay u cadeeyaan inaysan reer Puntland diyaar u ahayn colaad ka curata shacabka reer Puntland iyo shacabka reer Soomaali galbeed dhexdooda, ficilkoodana loo fasiran karo isku dir.
     
  • · Culimada Soomaaliyeed ee jooga Puntland waxay ka midyihiin aasaasayaashii dacwada ka jirta Soomaaliya, miisaan wayna waxay ku leeyihiin bulshada dhexdeeda, waxaan ugu baaqaynaa inay cadeeyaan waxay diinta Islaamku ka qabto u gacan galinta qof muslim ah cadow aan bad baadin doonin. Sidoo kale inay Fataawa qoran kasoo saaraan, kuna cadeeyaan xukunka qofka dhiiba qof islaama wuxuu noqonayo.
     
  • · Siyaasiyiinta iyo Aqoonyahanka Puntland waxaan ugu baaqaynaa inay ka hor yimaadaan dhacdadaan ceebaysan ee aan qof damiir leh ka suuroobin. Waxaan ugu baaqaynaa inay ka hadlaan Saxaafada gudaha iyo dibadaba cadeeyaana Siyaasad ahaan dhibaatada ay mustaqbalka reebi karto dhacdadaanu. Waxaan u sheegaynaa Siyaasiyiinta inay arintani tahay fursad qaali ah oo soo martay, shacabka reer Puntland iyo ummada Soomaaliyeedna ay ku qiimayn doonaan barri mowqifka ay ka qaataan arintaan.
     
  • · Ganacsatada reer Puntland oo ah laf dhabarta dhaqaale ee Maamul Gobaleedka Puntland, waxaan ugu baaqaynaa inay dad waynaha u cadeeyaan faa'idada ganacsi ee laga helayo isku xirnaanta iyo isu socodka Shacabka Soomaali Galbeed iyo haduu ganacsigaas istaago khasaare intee le'eg ayaa ka imaan kara. Waxaan kaloo ugu baaqaynaa inay cadeeyaan inaysan raali kanoqon doonin inuu Maamul kushaqeeya canshuurta ay bixiyaan uu ka ganacsado dadka Soomaaliyeed.
     
  • · Shacabka reer Puntland ee nabada jecel waxaan ugu baaqaynaa inay ka dhiidhiyaan taxaabida laga taxaabayo dad Soomaaliyeed Guryahooda, hadii si kale loo dhigana iyaga martida u ah. Waxaan ugu baaqaynaa inay ku garab istaagaan cidkasta oo arintaas isu taagta sida: Isimmada, Culimada, Siyaasiga, Aqoon yahanka iyo Ganacsatada. Waxaan kaloo ugu baaqaynaa inaysan ka liidan lo'o gisida oo neefkii bahal ka qabsado aan uga harin ee inta kusoo rogmada qoob iyo qaylo iyo gees kaga soo rita. Waxaan idinku adkaynaynaa inaysin dhicin in qof 11aad laga hogaansado ciida Puntland.
     
  • · Maamulka Gobaleedka Puntland waxaan ugu baaqaynaa inay ixtiraamaan rabitaanka shacabka ay matalaan iyo inay ilaaliyaan sharciga iyo qaanuunka u degsan Maamul Gobaleedka Puntland. Sidoo kale waxaan u sheegeynaa inay ogaadaan inay ayagu qaadidoonaan masuuliyada Natiijada ka dhalata ficilka ay ku kacayaan. Gaar ahaan waxaan u sheegeynaa inay ayagu masuul kanoqon doonaan wixii dhibaato ah oo shacab reer puntland uga yimaada ama kasoo gaara arintan.
     
  • · Shacabka reer Soomaali galbeed waxaan ugu baaqaynaa in ay ogaadaan in aan shacabka reer Puntland iyo dhamaan ummada Soomaaliyeed raali ka ahayn, kana noqon doonin dhacdadan qalafsan. Waxaan ugu baaqaynaa Shacabka reer Soomaali galbeed inay ka feejignaadaan hagardaamooyinka cadowgu uga gol leeyahay inuu dabka isugu dhiibo ummada Soomaaliyeed, gaar ahaan labada shacab ee walaalaha ah.
Taliyaha Qaybta Gobolka Mudug oo Qiray in Itoobiyaanku Dad ka kaxaysteen Gaalkacyo
Ciidanka Itoobiyaanku iyagaa qabsaday nimankaas weyna kaxaysteen, waa RUN" G/sare C/shukri.. Akhri/dhegeyso

Ugu danbayntii waxaan xasuusinaynaa dhamaan qaybaha sharafta iyo ixtiraamka mudan ee aan soo xusnay , in xil layska saaro joojinta ka ganacsiga banii'aadamka qardhiga kow iyo labaatanaad, loona maro xalinta mushkiladan qaab waafaqsan shareecada Islaamka Dhaqanka, Aqoonta Siyaasada iyo Caqliga saliimka ah.

Xasan Maxamed (Xasan Dhooye)
Gudoomiyaha Ururka Midowga Qurba Joogta Soomaaliyeed
Minnesota USA
unitedsomalid@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 4, 2008

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS