SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - USA

Codkeena waxaa iskaleh Barack Hussein Obama, YES, WE CAN!

  • Abdulkadir Mohamud Mohamed (Abdulkadir Hindi)
    Boston, MA
    abdulkadirhindi@yahoo.com

Dalka Maraykanka waa dalka ugu hormarsan caalamka dhinac walba, waxaana lagu tilmaamaa in uu yahay quwada ugu weyn dunida hada aan joogno (Ilaahey mooyee). Dalkan wuxuu saameen weyn ku leehahay caalamka oo dhan sida dhinaca dhaqaalaha iyo siyaasadda. Marka dib loo eego todobadii sanadood ee hada la soo dhaafay waxaa dalka Mareykanka soo food saartay jahwareer ku yimid dhinaca dhaqaalaha, siyaasadda, nabadgalyada iyo xiriirka caalamka intiisa kale uu la leeyahay. Si kastaba ha ahaatee, waxaa sabab looga dhigayaa maamulkii jiray hab dhaqanka uu la yimid iyo wixii ka dambeeyey dhibaatadii haleeshay dalka Mareykanka Sebtember 11, 2001.

Dhibkaas oo ahaa musiibadii ugu weyneyd oo aan marnaba aysan ilaawi karin. Musiibadaas waxaa ku nafwaayay in ka badan 3000 oo qofood. Isla markiiba dalku wuxuu galay dagaal uu kaga aargudanayo arintaas cidii masuul ka aheyd iyo sidii uu u adkeyn lahaa nabadgalyadiisa. Waxaana lagu tuhmay in ay ka dambeeyeen musiibadaas urur loo yaqaan Al-Qa’ida uu hogaaminayo Osama Bin Laden. Islamarkiiba wuxuu ku duulay dalka Afganistan, halkaas oo ay xarun u aheyd urukii lagu tuhmayey in uu ka dambeeyey dhibkii dhacay Sebtember 11, 2001.

Maaamulkii Bush intaas kuma uusan ekaan ee wuxuu siiwaday in uu hadana duulaan balaaran ku qaado dalka Ciraaq, taas oo iyadana sababtay in ay ku nafwaayaan in ka badan 700,000 oo Ciraaqiyiin ah iyo kudhawaad 5000 oo ciidamadda Mareekanka ah. Waxaa is bedelay oo hoos u dhac ku yimid siyaasadiisii ama xiriirka uu la lahaa caalamka intiisa kale, maadaama inta badan gaashaanbuurtiisii aysan raali ka aheyn duulaankii Ciraaq. Duulaankii Ciraaq wuxuu sababay in ay kala go’aan dowladii markaas jirtay iyo shacabkii doortay, kadib markii ay soo shaac baxday in uu dagaalkaas uusan soo hoyi doonin guul laga gaaro danihii loo qaaday. Waxaa hoos u dhac ku yimid sumcadii uu ku lahaa dalka Maraykanka dunida Muslimka iyo caalamka intiisa kale. Intaas waxaa dheer in shacabka Mareykanka intiisa badan ay hadda daneynayaan in isbedel lagu sameeyo maamulka hada jira oo uu hogaaminayo George. W. Bush, maamulkaas intii uu jiray waxaa kor u kacay shaqo la’aanta iyo deynta dalka Mareykanka lagu leeyahay oo gaartay 1.19 trillion oo u dhiganta ama ka badan marka la isku daro deyntii lagu lahaa  42 madaxweyne oo uu dalkan yeeshay, laga soo bilaabo madaxweynihii ugu horeeyey George Washington. 

Doorashadii yaabka badneyd 

Shacabka Mareykanka hada waxay isu diyaarinayaan in ay doortaan Madaxweynihii 44raad ee soo mara dalkan. Labada xisbi ee ugu waaweyn dalkan oo kala ah Democratic party iyo Republican party oo inta badan ay ka soo baxaan qofka noqonaya hogaanka dalkan ayaa hada waxay ku loolamayaan in ay iska soo dhex saaraan xisbi walba qofka doorashada uga qeyb galaya tartanka dhici doono bisha November ee hada nagu soo aadan. Waxaa isugu soo haray xisbiga Democartic Party labo musharax oo kala ah qof madow iyo qof dumar ah, kuwaas oo waligood taariikhada Mareykanka aan soo marin in ay u soo dhawaadaan aqalka looga taliyo dalka mareykana oo loo yaqaan White House. Aqalkaas oo sanadkan laga yaabo in uu isu bedelo Black House ama Woman House, maadaama inta badan shacabka ay doonayaan in isbedel lagu sameeyo xisbiga hada talada dalka haya oo ah Republican Party.  

Waa Tuma Hillary Clinton? 

Hillary Clinton waa haweyneydii uu qabay madaxweynihii talada hayey Jan 20, 1993 ilaa  Jan 20, 2001 Bill Clinton, madaxweynahaas oo sumcad weyn ku leh dalka Mareykanka iyo caalamka intiisa kale. Hillary waa garyaqaan ka mid ah aqalka Senate-ka, lagana soo doortay gobolka New York. Waxay ku faantaa in ay leedahay 35 sanadood oo khibrad ah. Sidoo kale waxay ka mid aheyd Senate-kii ku garab istaagay Mr Bush in uu duulaan ku qaado dalka Ciraaq, ka dib markii ay u codeysay in uu duulaankaas sax yahay. Waxay ka mid noqotay Senator Hillary Cillinton xubnaha aqalka Senate-ka, kuwaas oo qeyb weyn ku leh guul-darada laga soo hoyey dagaalkii Ciraaq.  


Barack Obama

Waa kuma Barack Hussein Obama?  

Barack Obama wuxuu ku dhashay Honolulu gobolka Hawaii sanadka markuu ahaa 1961, waxaana kala dhalay nin madow Kenyaan ah iyo haweenay cadaan American ah. Wuxuuna ku barbaary gobolka Hawaii ilaa uu ka gaaro lix jir. Markii uu ahaa 6 jir ilaa 10 jir wuxuu deganaa asaga iyo hooyadiis iyo ninkii qabay hooyadiis oo Indonesian ahaa magaalada Jakarta ee dalka Indonesia. Barack Obama waxarashadiisa wuu ku dhameystay Jaamacada Columbia iyo Jaamacada Harvard qeybtaeeda laga barto sharciyadda. Obama wuxuu noqday 1997 ilaa 2004 Senator ka socda gobolka Illinois. Obama markale waxaa loo dhaariyey in uu noqdo Senator ka socda gobolka Illinois Jan 4, 2005 uuna ilaa iyo hada xilkaas hayo. Feberury 10, 2007 Barack Hussein Obama wuxuu shaaca ka qaaday in uu noqdo Madaxweynaha 44raad ee dalka Mareykanka, kaas oo ilaa iyo hada aan lagaga adkaanin rajadii uu ka qabay in uu fadhiisto xafiiskaas.  

Muxuu kaga duwan yahay Obama, Hillary? Marka lagu eego cabir uu heysto qof Muslim ah. 
 

  1. Barack Obama waxaan taariikhdiisa ku jirin in uu qeyb ka ahaa dhiigii ku daatay dalka Ciraaq laga bilaabo 2002 ilaa iyo hadana socda.
  2. Barack Obama wuxuu ka soo horjeedaa in maamulka Federalka uu aqablo waxa loo yaqaan (same sex marriage), laakiin ay u gaartahay go’aankeeda Goboladda Mareykanka.
  3. Barack Obama kuma jirto, mana ka muuqato cuqdad ama neceyb uu u qabo Diinta Islaamka. Intaas waxaa dheer wuxuu si cad u yiri “waxaan rabaa in aan meesha ka saaro argagaxa laga qabo diinta Islaamka”
  4. Barack Obama wuxuu balan qaaday in uu ka dhex abuuri doono isfahan dunida Muslimka iyo Reer Galbeedka.
  5. Barak Obama wuxuu ka soo jeedaa asal ahaan qoys Muslim ah.

In aan codkeena siino Barack Hussein Obama waa arin sax ah. Jaaliyadda Soomaaliyeed ee degan Mareykanka waxay qeyb ku leeyihiin wanaagii iyo xumaantii uu la yimaado qofka markaas talada dalka Mareykana haya, Jaaliyada Soomaaliyeed waxaa kale oo laga rabaa in ay ka qeyb qaataan hagaajinta iyo wanaaga dalka ay dagan yihiin. Codkaaga oo aad siisid Barack Hussein Obama wuxuu saameyn weyn ku yeelan karaa in uu isbedelo dhaqaalahaada, waxabarashadaada iyo horumarka mustaqbalkaaga. YES, WE CAN.

Abdulkadir Mohamud Mohamed (Abdulkadir Hindi)
Boston, MA
abdulkadirhindi@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 4, 2008

Goortii iigu Horeysay Sen. Barack Obama

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com