Maraykan
iyo Musaalaxada oo Weerar ku ah Muqaawamada
C/Waaxid
C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
_________________________________________________________________________________________
Ilaah
baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.
Sidaad
maqleysaan Maraykan wuxuu weerar ku yahay Muqaawamada. Maxay ka ba’sheen? Ma
iyagaa maraakiibtooda weerara? Maya. Baddaas u dhaxeysa Muqdisho ilaa
Raaskoombooni cidna maraakiib ma weerarto. Waxay ku hestaan Islaam.
“ATAQTULUUNNA RAJULAN AN YAQUULA RABBIYAALLAAH”?
Sida marar badan la sheego la yaab ma leh in niman askar iyo Ashahaado-la-dir
ahi waxyaalo aan fiicneyn ku kacaan laakiin waxaa dadkii ka yaabiyey niman
Musaalixo sheeganaya ood mooddo iney Amisom u shaqeeyaan. Musaalaxa waxaan ku
leeyahay Ilaahay wuxuu nooga digay dadka inta diintooda suuq geeyaan oo lumaan
usoo jeesta iney dadka lumiyaan. Markaas kaddib Ilaah ayaa na baraya cadowgeena.
Waxaa Ilaahay noo sii caddeynayaa sidii qolyihii Yuhuudda ahaa ay kalmadaha u
bedelijireen:
ﺃلم
تر إلى الذين أوتوا نصيبا من الكتاب يشترون
الضلالة ويريدون أن تضلوا السبيل
( 44 ) والله أعلم بأعدائكم وكفى بالله وليا
وكفى بالله نصيرا ( 45
) من الذين هادوا يحرفون الكلم عن مواضعه
ويقولون سمعنا وعصينا واسمع غير مسمع وراعنا
ليا بألسنتهم وطعنا في الدين ولو أنهم قالوا
سمعنا وأطعنا واسمع وانظرنا لكان خيرا لهم
وأقوم ولكن لعنهم الله بكفرهم فلا يؤمنون إلا
قليلا(46)
Isla suuraddan An-Nisaa waxaad mooddaa in
aayadaha 104 ilaa 109-laad ay la hadleyso kuwa cadowga la dagaalaya iyo kuwa u
dooda khaa’iniinta. Aayadda 104 waxaa Allaah leeyahay haka daciifina doonnida
qoomka (gaalada), haddaad tihiin kuwa dhaawac soo gaaray (xanuunsanaya) iyagaba
waa soo gaaray; waxaadna Ilaahay ka rajeyneysaan waxaysan ka rajeyneyn. Waa tan
aayaddii:
وَلاَ
تَهِنُواْ فِي ابْتِغَاء الْقَوْمِ إِن
تَكُونُواْ تَأْلَمُونَ فَإِنَّهُمْ
يَأْلَمُونَ كَمَا تَأْلَمونَ وَتَرْجُونَ
مِنَ اللّهِ مَا لاَ يَرْجُونَ وَكَانَ
اللّهُ عَلِيمًا حَكِيمًا
Soow aayaddaaas dhiirrigelin uma aha Muqaawamada?
Bal aayadaha soo socda oo ceebeynaya kuwa u dooday khaa’imiinta aan aragno.
Aayadaha soo socda waxaa Ilaahay ku bilaabayaa Isagoo nabigiisa (SCW) u
sheegayaa inuu noo soo dajiyey Kitaab xaq oo la rabo in dadka lagu xukummo;
uusanna u doodin khaa’imiinta. Nabi Muxamed (SCW) weligiis uma doodin
khaa’in laakiin waxaa loo socdo waa innaga ooy u horreeyaan dadka diinta
sheegta. Culumadu iyagaa booskii nabiga (SCW) jooga marka qofkii cilmi sheegta
isagaa khidaabku ku socdaa, kaddibna kulligeen. Ilaahay wuxuu leeyahay
dambidhaaf weydiiso Allaah waa Naxarisite Raxiim ah. Ilaah wuxuu leeyahay: ha ka
doodin (ha u doodin) kuwa naftooda khiyaanaya; Allaahna ma jecla qofka
khiyaamada badan oo dambiga badan. Allaah wuxuu noo sheegayaa qof dadka iska
qariya inuusan Ilaah iska qarin karin. Ilaah wuxuu leeyahay waxaad ka doodeysaan
(u doodeysaan) xaggooda ifka yaase ka doodaya xaggooda maalinta Qiyaame ama u
noqon wakiil. Waa kuwan aayadahii:
إِنَّا
أَنزَلْنَا إِلَيْكَ الْكِتَابَ بِالْحَقِّ
لِتَحْكُمَ بَيْنَ النَّاسِ بِمَا أَرَاكَ
اللّهُ وَلاَ تَكُن لِّلْخَآئِنِينَ
خَصِيماً 105 وَاسْتَغْفِرِ اللّهَ إِنَّ
اللّهَ كَانَ غَفُوراً رَّحِيماً 106 وَلاَ
تُجَادِلْ عَنِ الَّذِينَ يَخْتَانُونَ
أَنفُسَهُمْ إِنَّ اللّهَ لاَ يُحِبُّ مَن
كَانَ خَوَّاناً أَثِيماً 107 يَسْتَخْفُونَ
مِنَ النَّاسِ وَلاَ يَسْتَخْفُونَ مِنَ
اللّهِ وَهُوَ مَعَهُمْ إِذْ يُبَيِّتُونَ
مَا لاَ يَرْضَى مِنَ الْقَوْلِ وَكَانَ
اللّهُ بِمَا يَعْمَلُونَ مُحِيطاً 108
هَاأَنتُمْ هَـؤُلاء جَادَلْتُمْ عَنْهُمْ
فِي الْحَيَاةِ الدُّنْيَا فَمَن يُجَادِلُ
اللّهَ عَنْهُمْ يَوْمَ الْقِيَامَةِ أَم
مَّن يَكُونُ عَلَيْهِمْ وَكِيلاً
Musaalixadu dan
kama
leh Amisom. Dan kama leh ciidamada sheeganaya dowladda oo maalin kasta ka
tallaaba xuduud-beenaadka oo hub ka soo qaata weeararkana kusoo ah waddanka. Dan
kama leh badaha la gato. Waxaad uun hadalkooda maqleysaa markii Muqaawamadu
weerar ku qaadaan Amisom! Miyeysan u ekeyn sidii hore loo yiri kuwa u ah
afhayeen Amisom? Miyaadan Ilaahay nasuustaas noogu sheegin inaan la doodin
khaa’iniin? Haa, laakiin ma garan waxa Musaalixo rabto.
Hadda Musaalixadii waxaad mooddaa in iyagu Jihaadka jideeyeen. Waxay hadda
mooddaa iney leeyihiin fidnadii/shirkigii/gaalnimadii iyo caddaalad-daradii waa
dhammaatay, loomana baahna jihaad! Maaddaama la moodo in Musaalixadu Amisom iyo
Ashahaado-la-dirir u doodayaan ayaa dacaayaddooda waxaa ka faa’ideystay Cumar
Xaashi iyo Cabdi Qeydiid. Maaddaama Musaalixadii dhaheen waxa Muqaawamo waddo ma
ahan jihaad ayaa Cumar Xaashi ku dhiirraday inuu dhaho iyaga milatariga ah baa
hadda bilaabaya jihaadka xaqa ah! Ilaa hadda Musaalixo arrintaas
kama
hadlin. Wuxuu Cumar yiri ciidamadii xoogga dalkaa bilaabaya! Waa kuwee? Waa
Moorgan, Saciid-dheere, Cabdi Qeybdiid, janan bad-waxaasaa, Galaal,…, iwm. Bal
aan dhowrno caaqibada jihaadka Musaalixadu u ogoshahay Cabdi Qeydiid, Moorgan
iyo Salaad Cali Jeelle; ayna u diideen kuwii xaqa ku taagnaa meeshuu ku dambeeyo!
Waxaan aaminsanahay in Musaalixadu ay necebyihiin Salafiyada.
Kama
wado Salafiyadda Cusub. Waxaan Musaalixada ka urinayaa niman ay Xasan At-Turaabi
isku mabda’ yihiin. Xasan Turaabi waa ninkii xulufada ka dhigtay jamhadda
gaalada ah ee Koonfurta Suudaan isagoo ka cararay saaxiibkiisii madaxweyne Cumar
Al-Bashiir. Soow hadda ma aragtaan nimankii 2006-dii Muqaawamada ku dhexjiray oo
hadda sida Turaabi dhinaca saaray gaalo iyo gaalo-raacyo? marka laa yaab ma leh
kuwa Musaalxida sheegta iney dhinaca saaraan AShahaado-la-dirir iyo Amisom. Waa
nimankii nabi Muxamed (SCW) dookh xumada ku caayayey maaddaama uu isu quuray
inuu guursado gabar sagaal jir ah (waa hooyadeen Caa’isho Allaha Raalli ka
noqdee). Marka waxay rabaan in ay u culumeeyaan Cabdi Qeybdiid, Moorgan iyo
Cumar Xaashi. Waxaa kaaga daran waxay cudurkii ku taabteen odayaasha dhaqanka
iyagoo leh: dhulkii kale ee Soomaaliya waa nabad ee maxaa Xamar dagaalka loola
rabaa? Waxaan u sheegayaa odayaasha iyo ciddii dadkaas wax ka maqloow arrintu
saas maaha. Soomaaliya waxaa ugu dhib badnaa magaalooyinka Muqdisho, Kismaayo,
Baydhabo iyo Marka. Dhibku yuu ku soo haray? Muqdisho. Sabab? Amisom,
Ashahaado-la-dirir iyo Musaalaxaa joogta! Marka Ilaahay ka barya inuusan noo
keenin Musaalaxa iyo Amisom. Tan kaloo jirta waa, soow Xamar nabad ma noqon
2006-dii? Ilaah baa keenay guushaas laakiin sidee ku timid? Waxaa laga saaray
Ashahaado-la-dirir. Hadda Kismaayo, Baydhabo iyo Marka waxaa laga la’ yahay
Amisom iyo Ashahaado-la-dirir. Marka haddii Xamar laga saaro Ashahaado-la-dirir
iyo Amisom hal habeyn bey nabad ku noqoneysaa Ilaahay idanki. Bal waxaan rabaa
qofka Soomaaliga ah oo arrintaas muran ka keeni kara. Qofkii waxaan halkan ku
sheegay leh waa been ha iisoo diro warqad ama saxaafadda haka sheego in dhibta
heysta Xamar aysan ahayn Amisom iyo Ashahaado-la-dirir. Ama ay tahay Muqaawamada?
Waxaan Musaalixada iyo dadkey khaldeen u sheegayaa in xaqu cad yahay. Waa
runtiin Xamar waxaa jooga dad gobollo kale ka yimid! Waa kuwee dadkaasi? Waa
Amisom! Mise iyagu Xamar bey u dhasheen? Odayaashu hadal fiican haku hadleen.
Waxaa jooga Moorgan, Saciid-dheere, Cabdi Qeybdiid iyo Aadan-madoobe markaasaa
qof Mujaahid ah ku leedihiin gobol kaluu u dhashay? Yaan afku idin maroorin!
Mar horaba Maraykanku wuxuu filayey in Shariif iyo Cumar Xaashi Xamar
dagaal ka ridaan oo la isku dhammaado. Ilaahay fadligi taasi weli ma dhicin.
Cumar Xaashi oo quus ah ayaa Ilaahay u soo diray Musaalixada oo dacaayad ku
asqeysiisay Mujaahidiintii. Marka hadduu Cumar Xaashi dagaalkaas ridi waayo
waxaa toos u soo galaya Maraykan. Maraykanku waayadan waxay wadaan dacaayad ah
iney weeraryaan Soomaaliya. Ilaah baa nagu filin, Isagaana ugu nicmo badan
Wakiil. Haddii hal gantaal Soomaaliya Maraykanku ku rido waxay keeneysaa in
Muqaawamadu yihiin dadka daacadda ah ee waddanka difaacaya waxayna keeneysaa
inaan kulligeen raacno. Marka waddankeenna innagaa leh oo darsi baan siineynaa
qofkii soo haweysta haddii Ilaah idmo. Marka waad aragtaan in Musaalixo iyo
Maraykanba weerar ku yihiin Muqaawamo. Marka Muqaawamadu waxay leeyiin Xamar
waxaa nabadda u diiddan waa Ashahaado-la-dirir iyo Amisom. Waxay markhaati ka
dhigteen in 2006-dii markii ay Ashahaado-la-dirirka ka saareen ay Muqdisho nabad
noqotay. Musaalixadu waxaad mooddaa iney leeyihiin: Xamar waxaa dhibka ku ah waa
Muqaamawo. Hadday ka baxaan waxay Muqdisho la mid noqoneysaa magaalooyinka kale
ee Soomaaliyeed. Wax caddeyn ah mey keenin.
F.G. Waxaa la sheegaa markii Yurub qabsaneysay Shaam in niman culumo ah ay
isku heysteen mas’alo fiqi ah oo ahayd in haddii haweeney gar u soo baxo in
laga rabo iney xiirto ama cafiso! Waa ogtahay culumada iyo ducaadda fiicani in
markii nabiga (SCW) la weydiiyo acmaasha kuwee ugu kheyr badan in markuu ku
bilaabo Towxiid uu hadba camalkii markaas la rabo in la weyneeyo uu ku xijin
jiray. Sidoo kale marka dambiyada waaweyn la weydiiyo markuu shirkiga ku bilaabo
wuxuu ku xijin jiray hadba kii markaas la rabo in la weyneeyo. Sidoo kale waxaa
ducaadda meelaha muxaadarooyinka ka wada la rabaa markay Towxiidka iyo Shirkiga
xoogga saaraan ineysan iloowin waddankeenna oo diin lagu heysto. Waa
iney dadka ku boorriyaan iney iska jiraan khiyaamooyinka gaalada iyo
gaalo-raacyadu wadaan.
Ma Kenya Baa Xaqeennii Badda Noogu Maqan..
AKhri
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | April 15, 2009
|