SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Baarlamaanka DFKMG ee Soomaaliya oo Ansixiyay Kudhaqanka Shareecada Islaamka

  • Nuqulka: wareegtadii Golaha Wasiirada DFKMG ee Ansixinta Shareecada Islaamka iyo Wareegtadii guddiga Garsoorka iyo caddaalada ee DFKMG

Fadhi ay Golaha baarlamaanka DFKMG Sabti April 18, 2009 ku yeesheen xaruntii hore ee Gaadiidka Booliska ee magaalada Muqdisho oo uu shir guddoominayey guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha baarlamaanka DFKMG, Cismaan Cilmi Boqorre ayaa lagu ansixiyay in Dalka Soomaaliya lagu dhaqo shareecada Islaamka.

Waxaa fadhiga golaha hadal kooban ka soo jeediyay Wasiirka Caddaaladda iyo Garsoorka DFKMG, Sheikh Cabdiraxmaan Janaqow, oo xildhibaanadda u sheegay tallaabooyinkii iyo heerarkii uu soo maray nidaamka hirgalinta shareecada Islaamka.

Waxaa kale oo madasha ka hadlay ra'iisul wasaare ku xigeenta DFKMG, ahna wasiirka kalluumaysiga iyo khayraadka badda, Prof. Cabdiraxmaan Ibbi, oo sheegay in ay tahay in la soo dhaweeyo arrintan la xiriirta in baarlamaanku hirgaliyay ku dhaqanka shareecada Islaamka.

Waxaa markaas guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka DFKMG uu xildhibaanada weydiiyey su'aasha ah "in maanta la ansixiyo ku dhaqanka shareecada islaamka, gacanta taaga", markaas ayaa xildhibaanadu gacmaha taageen. Waxaa codeeyay 343 Xildhibaan oo ah dhammaan intii soo xaadirtay kalfadhigii Sabtidii April 18,2009. Sidaas ku ansaxiyeen in Soomaaliya lagu dhaqo shareecada Islaamka.

Arrinta ansixinta baarlamaanka waxaa ka horeeyey in golaha wasiirada DFKMG ay sidaas oo kale ansixyeen ku dhaqanka shareecada Islaamka.

14-19 bisha Febraayo 2009 ayay ahayd markii culimada Soomaaliyeed kulan ay Muqdisho ku sheegeen ay ku baaqeen in DFKMG hirgaliso laba qodob oo ahaa Ku dhaqanka Shareecada Islaamka iyo in ay dalka ka saarto ciidamada Shisheeye.

Hoos ka eeg wareegtadii Golaha Wasiirada DFKMG ee Ansixinta Shareecada Islaamka iyo Wareegtadii guddiga Garsoorka iyo caddaalada ee DFKMG

DAAWO VIDEO: Universal TV Kalfadhigii ansixinta Shareecada

Dhagayso Janaqow oo ka hadlay ku dhaqanka shareecada VOA- april 19

Faafin: SomaliTalk.com | April 18, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: