SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PUNTLAND

C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa Ku Guuleystey Madaxweynaha DGPL

Madaxweyne ku xigeenna waxaa loo doortay Gen. Cabdisamad  Cali Shire...


Dr. Faroole & Gen. Shire


Doorashadii maanta Jan 8, 2009 lagu qabtay Garoowe waxaa ku guulaystey C/raxmaan Maxamed Faroole. Wareegii u dambeeyey waxa uu Faroole helay 49 cod, halka musharaxa ku soo xigey oo ahaa Ilkajiir uu helay 17 cod.

Hambalyo faraabadan ayaa durbadiiba loo diray madaxweynaha cusub ee DGPL Dr. Faroole.

Madaxweynihii hore ee DFKMG, C/laahi Yuusuf ayaa khudbad ka jeediyey kaddib markii la doortay Faroole. Khudbadii C/laahi Yuusuf Dhegeyso (mp3)

Isreeb reebkii Doorashada Madaxweynaha DGPL iyo qaabkii codbixinta:

Wareegii koowaad ee doorashada Dr. Faroole waxa uu helay 25 cod, halka C/laahi Ilka jiir uu ka helay 14 cod, Nuuradiin Aadan 8 cod, Gen. Cadde Muuse 8 cod, Aadan Gaadaale 4 cod, Awaare 3 cod, Farjac oo aan wax cod ah helin iyo Eng. Nuur oo isagu ka tanaasuley musharaxnimada.

Waxaa wareegaas ku haray Awaare, Siciid Raage iyo Farjac.

Wareegii Labaad waxaa Dr. Faroole helay 30 cod, halka Ilkajiir uu ka helay 18 cod, Nuurudiin Aaden 11 cod, iyo Gen. Cadde Muuse oo helay 4 cod.

Halkaas waxaa ku haray Nuurudiin Aaden iyo Gen. Cadde Muuse.

Waxaa Wareeggii saddexaad codkii aqlabiyaddaa oo ah 49 cod helay Dr. Faroole, halka Ilkajiir helay 17 cod. Xildhibaanada codeeyey waa 66 xildhibaan. Sidaas ayaa C/raxmaan Maxamed Faroole waxaa loogu doortay madaxweynaha DGPL ee 4-ta sano ee soo socota.


Bidix: Cadde, Ilkajiir, Nurudiin, Farjac, Faroole, Gaadaale, Nuur, Awaare, Raage

Markii ay dhammaatay doorashadii Madaxweynaha ayaa waxa abilaabatay doorashada madaxweyne ku xigeenka, waxaana wareegii koowaad codadka ugu badan waxaa helay:

Cabdisamad  Cali Shire... 26 cod
Dr. Saleebaan Ciise Xagla-Toosiye... 19 cod
Cabdiraxmaan Xirsi Faarax.... 8 cod
Cali Baashi  Xaaji .... 6

Madaxweyne ku xigeenkii hore Xasan Daahir Afqurac ayaan helin wax cod ah, sidaasna ku haray.

Wareegii labaad ee madaxweyne xigeenada Cabdisamad  Cali Shire uu helay 34 cod, halka Dr. Saleebaan Ciise uu ka helay 22 cod, waxayn au gudbeen wareegga saddexaad. Waxaa markaas codka aqlabiyadiisii helay Cabdisamad  Cali Shire oo helay 43 cod, halka Dr. Saleebaan uu helay 23 cod. Sidaas waxaa madaxweyne ku xigeen ku noqday Gen. Cabdisamad  Cali Shire.

Xildhibaanada DGPL iyo Musharaxiinta oo Isugu Tegey Xarunta Doorashadu ka Dhacayso ee Garoowe...

Subaxnimadii (Jan 8, 2009) ayaa waxaa xarunta baarlamaanka DGPL ee Garoowe isugu yimid xildhibaanada DGPL iyo musharaxiinta u tartaamaya madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa. Meesha doorashadu ka dhacayso waxaa loo diidey weriyaashu in ay si toos ah wararka u baahiyaan, iyagoo maamulka Puntland uu arrintaas ku tilmaamay in ay la xiriirto xagga amaanka. Waxaana loo ogolaaday 15 weriye oo keliya in ay galaan xarunta waxaana loo sheegay in ay warka duuban kaaraan oo ay baahin karaan kaddib marka la doorto madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa. Caydaruus Xaaji Xersi oo ah taliyaha u xilsaaran ammaanka goobta doorashadu ka dhacayso ayaa amarkaas bixiyey, waxaana la diidey in telefoonada lala galo goobta doorashada. Waxaana laagu soo waramay in qaar weriyaasha laga tuuray qalabkoodii ay wax ku duuban lahaayeen, arrintaas oo lagu tilmaamay mid xadgudub ku ah xoriyadda.

Dhanka kale ammaanka dariiqyada magaalada Garoowe ayaa aad loo sugay ayadoo lagu dhex arkayey gawaari hubaysan oo ay wataan ciidamada DGPL.

Xarunta doorashadu ka dhacaysey waxa kale oo yimid madaxweynihii hore ee DFKMG C/laahi Yuusuf Axmed. Waxaana codka bixinaya 66 xildhibaan oo dooranaya madaxda DGPL ee 4-ta sano ee soo socota (2009-2012).

Qiyaastii (10 subaxnimo oo daqiiqado dhiman) ayaa xarunta baarlamaanka waxaa ka bilowday codbixintii madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa. Waxaana loo gudbey wareegii labaad ee doorashada.

Doorashada Puntland oo La Qabanayo Maanta... Janaayo 8, 2009

Maanta oo taariikhdu tahay Khamiis Janaayo 8, 2009 (oo ku beegan Muxarram 11, 1430), waxaa magaalada Garoowe lagu qabanayaa doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Dawlad Goboleedka Puntland.

66 xildhibaan oo uu ka kooban yahay Golaha Wakiiladda Puntland ayaa u codayn doona madaxweynaha DGPL iyo ku xigeenkiisa. 66 Xildhibaan waxay ka kala yimaadeen Gobolada: Bari/Karkaar (21), Sool/Cayn (15), Sanaag (11), Mudug (10) iyo Nugaal (9).

Musharaxiinta u taagan madaxweynaha waa: Maxamuud Muuse Xirsi (Gen. Cadde Muuse), Gen. Cabdullaahi Axmed Ilka-jiir, Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, Nuuraddiin Aaden Diiriye, Cumar Xaashi Farjac, Eng.Nuur Xasan Farax, Aaden Maxamed Ciise "Gaadaale", Siciid Maxamed Raage iyo Cali Cabdi Awaare.
 


Bidix: Cadde, Ilkajiir, Nurudiin, Farjac, Faroole, Gaadaale, Nuur, Awaare, Raage

Sidoo kale xubnaha u taagan madaxweyne ku xigeenku waa: Xasan Daahir Afqurac, Maxamed Xaaji Aaden, Saleebaan Ciise Axmed "Xagla-Toosiye", Muxiyaddiin Cali Yuusuf, Gen. Cabdisamad Cali Shire iyo Cali Baashi.

Musharaxiinta madaxweynaha ayaa midkiiba waxaa laga qaaday lacag dhan $5000 doolar, halka musharaxiinta madaxweyne xigeenka laga qaaday $2500 doolar. Lagactaas oo la sheegay in lagu fulinayo hawlaha doorashada.

Khudbadihii Musharaxiinta Madaxwqeynuhu ay ka jeediyeen Baarlamaanka DGPL, Jan 7, 2009: (CODKU WAA MP3)

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 8, 2009


MA KU QOSASHAY KHUDBOOYINKII MUSHARIXIINTA PUNTLAND

  • Qormadii Ustaad Dalboon

Sida aad la socotaan Arbacadii (Jan 7, 2009) oo ahayd maalintii ugu danbaysay ee ol olaha Doorashooyinka puntland,hadana ahayd maalintii ay musharixiintu soo bandhigi lahaayeen wax qabad kooda siyaasadeed iyo sida majaraha ay u qaban lahaayeen, Waxaase meesha ka marnayn in ay is baraan shacabka ay rabaan in ay Hogaamiyaan ayada oo musharax kasta ka waraamay taariikh noolaleed kiisa Iyo aqoontiisa, NIN BA CEESAANTIIS CEEL KEEN.

Waxaa xusid mudan in ay Musharaxiinta Jagada Madaxweyninimada Puntland Ay ahaayeen 9 Qof, waxayna kala ahaayeen

  1. Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde)
  2. Cabdullaahi Axmed Jamac (Ilkajiir)
  3. Cabdiraxmaan Maxamed Faroole
  4. Nuuradiin Adan Diiriye
  5. Cumar Cali Farjac
  6. Aaden Maxamed Ciise Gaadaale
  7. Siciid Maxamed Raage
  8. Nuur Xassan Faarax
  9. Cali Cabdi Awaare

Sidoo kale jagada Madaxweyna ku xigeenka ayaa waxaa u tar tamayey 7 Musharax oo ayaguna rag ah oo qof dumara ku jirin  waxay kala ahaayeen sidaan

  1. Xassan Daahir Afuqrac
  2. Muxyadiin Cali Yusuf
  3. Cabdisamad Cali Shire
  4. Saleebaan Axmed Ciise (Xagla Toosiye)
  5. Cali Baashi Xaaji
  6. Cabdiraxmaan Xirsi Faarax
  7. Maxamed Xaaji Aadan

Wakhtiga ayaa Daqiiqado isku guraya una sii siqaya is badal ay madaxa ku hayaan Dadweynaha ku sugan gudaha maamul gobaleedka Puntland iyo Dabadiisaba Haddii aan idin leexiyo hadaladii ay jeediyeen Musharixiintu oo iskugu jiray wax Qabad is badal siyaasadeed iyo Aqoontooda ama Tacliinta ay leeyihiin

Sidoo kale waxaan shaki ku jirin in ay dad weynuhu il gaara ku ee gayaan Wax Qabadka ayag oo inta badan fiirinaynin aqoonta uu leeyahay Musharaxu laakiin tixraaxaya wax qabad kiisa siyaasadeed taas ayaana laga dareemayey Sacabka Xildhibaanada u dhacayey dhanka wax qabad ka Wax qabad ka Musharixiintu soo bandhigeen ayaa ahaa sidan walow la oran karo wakhtiga ayaa ku yaraa oo Hal kii Musharaxba loo qabtay 15 Daqiiqo

(1) Musharax Nuradin: waxaa hadaladiisa ka mid ahaa: Waxaan Guno iyo lacag siinayaa ama maal galinayaa Xildhibaanada Gobalada laga soo doortay, iyo Dagma kasta ooay ka soo jeedaan Baarlaamnkana waxaan ku Xirayaa Baarlamaanada Caalamigaa, Aamaanka iyo Cadaaladda, Waxaan Codsanayaa in aad Codkiina i siisaan, Tahriibka, Burcad Baradeed ka, Si aan u ilaaliyo in aan wadanka la qabsan waxaan saddex Jibaarayaa Mushaarka Ciidamada, Waxaan dhisayaa Laamiyada Airport rada Iyo Maal gashiga shasheeye

(2) Abdilahi Ahmed ilka Jiir: waxaan dib u aruurinayaa Ciidamadii Somaliyeed markii la helo agabkii iyo dhaqaalihii Militariga ayada oo la iskugu Gayn doono Xiryihii horay u jiri jiray sida Gaas, ama Guuto Waxaan samaynayaa Bank si loo la dagaalamo musuq maasuqa Waxaana dar yeelayaa Xoolaha nool oo baadiyah ku dhibaataysan ka dib markii ay ka fogaadaan biyaha

(3) Abdirahman M Faroole: Hal ku dhigaygu waa nabad cadaalad Waxan balan qaadayaa in aan sameeyo Hay'ad Samafal oo u adeegta Dan yarta Sida Naafada Curyaamada ku waas oo nagu badan, Xiriirka Dowlada Federalka Waxuu ku dhisnaandoonaa sida uu yahay waa marka ay soo dhistaan Maamul u dhigma Puntland ama la mid ah

(4) Cadde Muse Xirsi : Waxaan wax ka qabanayaa in aan soo Celiso Gobalada naga maqan, 4 tii sano wax weyn ayaan qabanay Khaladaad kii aan galnay waan saxaynaa khalaadka waan sheegnay Waana sixidoonaa Maxjar ayaan dhisnay Airport Takada waan Saxiixay dhismahiida wax qabad kayag war qad ayaan ku qoray waa la akhrin Doonaa

(5) Cali Cabdi Awaare: Maraakiib dagaal waa in la helaa Ciidamada ayaan dhisayaa Golaha wakiilada iyo Xurunta Xildhibaanada Ayaa dhisayaa waana og tahay in aan tababar ku soo qaatay Mushaarka ayaan u kor dhinayaa iyo gunada Wasaaradaha

(6) Dr Adan Ciise Gaadaale Amaanka Soo celinta Gobalada maqan iyo Ilaalinta Badadaha, Tacliin in ay helaan Gabdhaha Puntland iyo dhismaha Hospitalo Ku waas oo tuulo kasta laga dhisidoono

(7) Siciid Mohamed Raage Amaanka iyo Caafimaadka

(8) Cumar Ali Farjac, waa musharaxii ka qosliyey Xildhibaanada iyo Isimada iyo dadweynihii goobtaas joogay, Xildhibaanadu wax ha barteen Jaamacadda ha aadeen, sharciyada ha barteen Specialy Law School,...Doorta qof u qalma .

(9) Nuur Hassan Faarax, Amaanka dhisida Ciidamada Ciidamada Badda waxaan ku jaheeyey badda, Cid kasta waxaan ku soo Dhaweynayaa in ay Maalgashadaan,

Waxaa soo koobay: Ustaad Dalboon

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 7, 2009

Golaha Wakiillada Puntland oo La Ansixiyay
Golaha cusub ee Wakiiladda DGPL oo ka kooban 66 xubnood magacyadooda halkan ka akhri...

Gen. Cadde Muuse oo soo Bandhigan Barnaamijkiisa Musharxnimo ee 2009-2012

BAARID | SEARCH


WARBIXINTA WAX-QABADKA DGPL EE SANADAHA 2005-2008
Dawlad Goboleedka Puntland ayaa soo saartay warbixin ka kooban 118 bog oo ku saabsan waxqabadkii muddadii afarta sano Halkan ka akhri (pdf)

yuusufC/laahi Yuusuf oo is casilay
Madaxweynihii DFKMG, C/laahi Yuusuf, ayaa  is casiley Dec 29, 2008 (1/1/1430), waxaana uu isla maanta gaarey magaalada Garoowe Akhri...


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS