SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Gabadh da'yar oo dhiban oo u baahan caawin iyo sawiro naxdin leh

Gabadhani yar waxaa ay qabtaa xanuun ka haleelay lugta, kaasi oo hayay muddo 9 bilood ah, magaceeda waxaa la yirahdaa XALIIMA XASAN CABDI CILMI waa 8 sano jir waxaana aan kula kulmay isbitaalka dhexe ee degmada Baledxaawo ee G/Gedo.

XALIIMA ayaa sida aad ka daawan kartaan sawirada naxdinta leh waxa ay ka xanuunsanaysaa Lugta Midig oo gabi ahaanba go’goday. Waxaana qeybo kamid ah jirkeeda lagu arki karaa caabuq iyo fashfash hareeyay dhamaan oogadeeda.



Taaha Iyo Warfaadka inantan yar ayaa waxaa laga maqli karaa deyrka hore ee dhismaha isbitaalka waxaana sida uu Aabaheed ii sheegay intaasi u sii dheer qandho ama xumad aan marnaba ka qaadin waana sababta keentay in ay warfaado oo ay ku halqabsato oraah aan soo jiidanayn dareenkaaga.

Dhab ahaantii qofkii booqda gabadhan ayaa waxaa isbedelayo dareenkiisa qof ahaaneed waayo bili’aadminada iyo islaanimada kuuma ogolaanayso in aad isha ku haysid xaaladeeda oo aad ku sifeyn lahayd mid u dhaxaysa nolol iyo geeri.

Mar aan isku dayay inaan la hadlo Xaliimo waa ay ii jawaabi waysay xanuunka hayay oo ahaa mid daran awgiis balse waxa ay ii haatisay gacanteeda oo si tabar la’aan ah ayeey ii taabatay.

Intii aan ku guda jiray booqashada gabadhan yar ee uu hayo xanuunkan daran ayaa waxaan la kulmay Aabaheed XASAN CABDI CILMI oo korjooge u ahaa, Aabe XASAN waxa uu iiga warbixiyay xanuunka haleelay dhalaankan yar, waxaana uu ii sheegay in uu gabadhiisa yar geeyay marar badan isbitaalo ku yaalla Gobolka Gedo, kuwaasi oo gabadha yar xaaladeeda caafimaad wax looga qaban waayay.

Sida uu ii sheegay Aabe XASAN waxay Dhaqaatiirta Gedo ay kula taliyeen in uu u qaado wadamada dibadda si ay daweyn uga hesho, taasoo uu Aabe XASAN tilmaamay in uusan awoodi karin in gabadhiisa uu caafimaad dibadda ah u qaado tabar dari xagga dhaqaalaha ah awgeed.

Gabadhani yar oo ka soo jeedo qoys sabool ah oo reer miyi ah ayaa xanuunkani waxaa uu ku haleelay dhul miyi ah oo u dhaw degaanka BUR CALAAN oo hoos yimaado Deg. Ceelwaaq ee Gobolka Gedo waxayna daryeel la’aan u taalay duurka muddo 7 bilood ah.



Ugu dambeyn XALIIMA aabaheed oo ah nin danyar ah oo ay tabari u runsheegtay ayaa waxaa uu ku calaacalay inuu wax u qaban lahaa gabadhiisa yar haddii uu wax u uhayn lahaa balse awoodiba majirto ayuu ku celcelinayay asagoo ilmo ay soo dhaafaysay mararka qaar.

Maadaama uu xanuunku yahay mid eebbe uu keeno muslimiintana la faray inay wanaagga isku caawiyaan, allaahna uu Quraanka Kariimka noogu sheegay “Isku kaashada wanaagga iyo taqwada alle ee ha isku kaashanina dambi iyo colaytan.

Haddaba Aabe XASAN waxa uu si naxariis leh kaga codsanayaa Umada Islaamka ah meel kasta oo ay ku noolyihiin sida jaaliyaddaha dibadda ee soomaalid, ururada kaalmada bixiya iyo weliba hay’addaha caalamiga ah ee daryeelka caafimaadka in ay gacan bini’aadanimo u fidiyaan gabadhaas walaashood ah ee dhibaatoonaysa.

FG: Fadlan lagama maarmo kaalmadaada ee wixii aad ku caawin kartid gabadhan yar kusoo hagaaji adigoo soo wacayo

FG: Wakiilka Ugaaska Nabadoon SHEEKH MAXAMED AXMED (XAADLE)
+25250444003
+25215810244

Ama Nabadoon C/LAAHI SHEEKH XASAN (DHIIN)
+25215394104
+254720288530

Baledxaawo Gedo, Soomaaliya

E-Mail: calicabdi_618@hotmail.com
 



Mahasanid

Maxamed Gaarane Aadan
+2525 (0) 996132
+2521 5598706
+254 (0) 722687097
gaarane68@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 6, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS