SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACADA BADDA SOOMAALIYA

Khilaaf ku saabsan Badda Soomaaliya oo soo Kala Dhexgalay Madaxweynaha DFKMG Sheikh Shariif iyo Ra’iisul wasaarahiisa

  • Axmed Walad Cabdalla oo Booqday Hargeysa iyo Garoowe
  • Mudaharaad ka dhacay Hargeysa oo dad ku dhinteen
  • Dr. Faroole oo fariin adag u dhiibtey Axmed Walad Cabdalla (Puntland waxay kalsoonida kala laabanaysaa DFKMG haddii aan…..)

p02203Warar laga helayo ilo wargal ah ayaa tibaaxay in khilaaf soo kala dhexgalay madaxda ugu saraysa xukuumadda DFKMG, gaar ahaan madaxweynaha DFKMG Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo ra’iisul wasaaraha Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Si rasmi ah looma shaacin waxa uu khilaafkaasi ku salaysan yahay. Laakiin warar laga helayo ilo wargal ah, oo weydiistey inaan la magcaabin, ayaa tibaaxay in khilaafka xubnaha sare ee xukuumadda FKMG uu salka ku hayo Badda Soomaaliya. gaar ahaan meesha laga samaynayo xarun lagala dagaalamo burcad badeeda.

Arrintan ayaa sii xoogaysay kaddib markii ay heshiis ku saabsan xarun loo samaynayo la dagaalanka burcad badeedka ay galeen wafti uu hoggaaminayey Sheikh Shariif , heshiiskaas oo DFKMG ay la gashay jabuuti, ayadoo uu jiray heshiis kaas la mid ah oo ay hore u wada saxiixdeen Cumar C/rashiid iyo madaxweynaha DGPL C/raxmaan Maxamed Faroole.

Qodob ka mid ah heshiiskii DGPL iyo ra’iisul wasaaraha DFKMG ay saxiixdeen Augsut 23, 2009 waxa uu dhigayaa sidan: “Waxay labada dhinac ku heshiiyeen maadaama ay burcad badeeda faro ba’an ku hayaan Puntland in gobalada Puntland laga dhiso xarun weyn oo ciidamada bada, loona dhameystiro agabka iyo qalabka, ayadoo beesha Caalamka lagala kaashanayo.” (EEG HALKAN – Heshiiskii Garoowe).

pl02203

DGPL iyo DFKMG oo heshiis saxiixanaya August 23, 2009

Wafti uu hoggaaminayay madaxweynaha DFKMG oo toddobaadkan tegey Jabuuti ayaa (September 10, 2009) waxay heshiis ku saabsan in xarunta la dagaalanka burcad badeedka laga dhigo Jabuuti la galeen dalka Jabuuti. Heshiiskaas waxaa xukuumadda FKMG u saxiixay ra’iisul wasaare xigeenka ahna wasiirka Kalluumaysiga Prof. Cabdiraxmaan Xaaji Aadan (Ibbi). (EEG HALKAN – Heshiiskii Jabuuti).

ibbi02
Jabuuti iyo DFKMG oo heshiis galay  Sept 10, 2009

Prof. Ibbi oo Jimcadii (Sept 11, 2009) laga waraystay arrimo la xiriira heshiiska uu saxiixay waxa uu yiri “Shirkani horta ma ahayn shir lagu sii talo galay, waa shir ka dhex dhashay imaanshaha madaxweyne Sheikh Shariif Xafiduhu-Laah, markii uu yimidna waxay abuurtay in labada Madaxweyne ka wada hadlaan Center-kan (Xaruntan) lagu tababarayo ka hortagga burcad badeeda in laga sameeyo magaalada Jabuuti, sagaal dal ayaana saxiixay, annaga ayaana ugu horaynay.” (Halkan ka dhegeyso).

Halkaas waxaa ka cad in ay jiraan laba sheshiis oo isku arrin ku saabsan (meesha laga hirgelinayo xarunta la dagaalanka burcad badeeda) oo ay kala galaan laba wafti oo ay kala hoggaaminayaan labada xubnood ee ugu sareeya xukuumada kumeel-gaarka ah.

Arrimaha la xiriira badda Soomaaliya waxaa muran ka taagnaa badanaa intii ay jirtey xukuumadda uu hoggaamiyo Sheikh Shariif. Sababtoo durbadiiba markii la dhaariyey xukuumada ayadoo aan waqti badani ka soo wareegin ayay Kenya la gashay heshiis ku saabsan xuduud badeedka Soomaaliya iyo Kenya oo la saxiixay April 7, 2009. Heshiiskaas oo muran weyn ka dhex dhaliyey xukuumadda iyo baarlamaanka FKMG, ugu dambayntiina ay baarlamaanku heshiiskaas ka dhigeen “Waxba kama Jiraan.”

Taas oo jirta ayaa madaxweynaha DFKMG waxaa laga soo xigtey in uu yiri “arrintaasi Baarlamaanku si khaldan ayey u fahmeen,” sida uu SomaliTalk u sheegay Wasiirka Tiknaloojiyada iyo Cilmi Baarista Dowlada Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cali Xagaa oo aan wareysi gaaban kula yeelanay Hoteel Kempinski ee caasimada dalka Jabuuti, September 11, 2009-ka, isagoo ka mid ahaa waftiga madaxweynaha DFKMG. Hadalkaas oo aad uga caraysiiyey xildhibaano ka tirsan baarlamaanaka.

Heshiiskaas oo baarlamaanku waxba kama jiraanka ka dhigay waxaa Qarammada Midoobay u gudbiyey ra’iisul wasaaraha DFKMG, asagoo ku lifaaqay warqad uu ku saxiixan yahay magaciisu. Ma jiro war rasmi ah laga hayo xafiiska ra’iisul wasaaraha oo lagaga hadlayo go’aankii baarlamaanku ka qaatay heshiiskii isfahamka.

Laga soo bilaabo sannadkii 2000 oo la soo dhisay Xukuumadii KMG ahayd waxaa xukuumad kasta oo soo martay Soomaaliya ay la kulmaysay khilaaf soo dhexgalayey madaxdeeda ugu saraysa, sida: Khilaafkii madaxweynahii xukuumaddii lagu soo dhisay Carta, C/qaasim Salaad Xasan iyo ra’iisul wasaare Cali Khaliif Galayr oo sababay in Galaydh ay baarlamaanku xilkii ka qaadeen isagoo dalka bannaanka kaga maqan. Khilaafkii madaxweynahii xukuumaddii lagu soo dhisay Mpagathi, Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo ra’iisul wasaare Cali Maxamed Geeddi oo sababay in Geeddi uu xilka iskaga tago. Khilaafkii ra’iisul wasaarihii bedeley Geeddi, Nuur Xasan Xusuun (Nuur Cadde) iyo madaxweyne C/laahi Yuusuf oo sababtay in Yuusuf xilka iskaga dego.

Wafti uu hoggaaminayo madaxweynaha DFKMG Sheikh Shariif ayaa la filayaa bishan September 2009 in ay tagaan New York oo ay kaga qayb galaan kulanka Guud ee 64aad ee Golaha Qarammada Midoobay. Sida laga soo xigtey safiirka Soomaalida u fadhiga UN-ta waxaa la filayaa waftiga Sheikh Shariif in ay tagaan Washington DC, Columbus iyo Minneapolis. Lama oga in waftigaasi ay jaaliyadaha Soomaaliyeed ee deggan Maraykanka ay si xaqiiqo ah uga warbixin doonaan arrimaha la xiriira badda Soomaaliya iyo heshiiska is afgarad ee Soomaaliya iyo Kenya ee baylahda ka dhigaya dhul badeed baaxad weyn oo ah badda Soomaaliya.

Madaxda DFKMG waxay si cad uga warwareegayaan in ay wajahaan oo jawaab sugan ka bixiyaan sababta rasmiga ah ee ay u difaacayaan heshiis aan wax dan ahi ugu jirin shacabka Soomaaliyeed.


Heshiiskii Puntland iyo DFKMG ee Agoosto 2009

Axmed Walad Cabdalla oo Booqasho ku tegey Puntland iyo Faroole oo farriin adag u dhiibay Walad Cabdalla

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Axmed Walad Cabdalla, ayaa Sabtidii (Sept 12, 2009) waxa uu booqasho gaaban ku tegey magaalada Garoowe, halkaas oo uu kula kulmay madaxweynaha DGPL, C/raxmaan Maxamed Faroole. Waxayna halkaas ku qabteen shir jaraa’id oo wada jir ah.

Shirkaas jaraa’id madaxweynaha DGPL waxa uu ku cadeeyey in Puntland ay tahay qayb ka mid ah DFKMG. Sida ay werisay Idaacada Codka Maraykanaka “Madaxweyne Faroole ayaa tilmaamay in Puntland ay ka mid tahay DFKMG ee somalia isaga oo xaqiijiyay inaanay ahayn dawlad madaxbanaan ee ay tahay Dawlad goboleed, waxaana uu xusay shirkii ay magaalada Gaalkacayo kula yeesheen wafdigii Ra’iisal Wasaaraha DFKMG ee Soomaliya Cumar Cabdirashiid, Faroole ayaa sheegay in ay shirkaasi ku xalliyeen mad madow badan oo ku kala dhex jiray xidhiidhka Dawladda Federalka ah iyo Maamulka Puntland.” Dhegayso (MP3) .

VOA waxa uu intaas raaciyey “Ergayga Gaarka ee Xogahaya Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia Axmedou Walad Cabdalla ayaa soo dhaweeyay hadalka Madaxweyne Faroole isaga oo tilmaamay in xaqiijinta ay Puntland xaqiijisay in ay ka mid tahay maamulka DFKMG ee Somalia uu horseed u yahay in la dhiiri galiyo isku duubnida loo baahanyahay  in lagaga gudbo dhibaatada dagaallada Somalia ragaadiyay.”

Waxaa jira warar laga helayo ilo wargal ah oo tibaaxay in madaxweynaha DGPL uu fariin adag u dhiibey Walad Cabdalla. Fariintaas oo ku saabsan: “Haddii aan DFKMG ka laaban heshiiskii (Sept 10, 2009) ay la gashay Jabuuti ee ku saabsanaa xarunta burcad badeeda, in markaas ay Puntland kalsoonida kala laabanayso dawladda uu madaxda ka yahay Sheikh Shariif.” Waxaa warku intaas ku daray in Walad Cabdalla yiri waxaan fariintaas gaarsiinayaa Sheikh Shariif ee iga warsug.

Sida ku qoraalkii hordhaca ahaa ee ka koobnaa 15-ka bog ee ku lifaaqnaa heshiiska isfahamka badda ee DFKMG ay u gudbisay Qarammada Midoobay April 14, 2009, Axmed Walad Cabdalla waxa uu ku lug lahaa diyaarinta dukumiintigaas ay Soomaaliya u gudbisay UN-ta ee ku saabsan xadaynta qalfoofka qaaradda ama dhulka badda hore u sii gashan.

Axmed Walad Cabdalla oo Booqday Hargeysa

Ergayga xoghaya guud ee QM Walad Cabdalla ayaa Khamiistii (Sept 10, 2009) waxa uu booqday magaalada Hargeysa halkaas oo uu kula kulmay madaxweynaha Somaliland Daahir Riyaale Kaahin.

Sida laga soo xigtey warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyaha Somaliland waxay Daahir Riyaale iyo Walad Cabdalla ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo wada shaqaynta labada dhinac.

Dhankiisa Axmed Walad Cabdalla waxaa laga soo xigtey in uu yiri Somaliland waxaan ka taageeneynaa dhanka horumarinta iyo la dagaalanka Burcad Badeedda.

Hargeysa oo rabshado ka dhacay ay ku dhinteen 3 qof

Mudaharaad ka dhacay magaalada hargeysa ayaa waxaa sabtidii (Sept 12, 2009) waxaa ku dhintay 3 qof, dhawr kalena waa ku dhaawacmaan.

Waxaa wararku tibaaxeen in dadja mudaharaadayey ay iska hor yimaadeen ciidamada ammaanaka, halkaas oo dadka mudaharaadayey tuurayeen dhagxaan iyagoo daqiiqyada ku gubey taayiro. Ciidamada ayaa furay rasaas.

Dadka mudaharaadayey waxa kale oo ay gubeen gawaarida Booliska. Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland , Abdulahi Osmail Ali , waxa uu weriyaal u sheegay in dadka mudaharaadayey ay adeegsadeen hub iyo bombaanooyin, waxayna dhaawaceen afar boolis ah ayuu yiri.

hargey1

Sida ay werisay AFP waxaa boolisku xireen saddex weriyey oo ka warbixinayey mudaharaadka, kuwaas oo kala ah Abdiqani Husein iyo Abdifatah iyo Abdiqani Abdulahi.

Talaadadii (Sept 8,2009) ayey ahayd markii ay boolisku xoog ku galeen xarunta baarlamaanka Hargeysa kaddib markii ay dagaalameen xildhibaanadu, ayey qortay AFP.

Waxaa wararku tibaaxeen in arrintu ay cakirantey kaddib markii dib loo dhigay doorashadii la qaban lahaa September 27. Daahir Riyaale waxa uu madaxweyne ka noqday Somaliland bishii May 2002. Waxana uu u taaganyahay sharaxaad cusub.

 Mudaharaadka Hargeysa Ka daawo VIDEO-ga Halkan….

  • Isha Sawirada iyo qaar ka mid ah akhbaarta: AFP, Radio Hormuud, VOA, BBC,  horseed, AP, Google video, Youtube, somaliland, Google news..

Faafin: SomaliTalk.com | Sabti, September 12, 2009

 

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Dhul-Badeedka Soomaaliya


Axmad Walad Cabdalla oo Muujiyay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay ee uu isagu Diyaariyay....



Faarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad.. iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka...
Akhri/Daawo


prof ibbi
Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay Akhri/Daawo...


wasiir
Kenya oo 2005 la soo Xiriirtay DFKMG ayadoo Doonaysay in ay wada hadal furaan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.


UN
Shirka Jaraa'id ee Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha - oo Sheegay Hadallo Daaha ka Rogay Arrimo ay Madaxda DFKMG ku dadaalayeen in aan shacabku ogaan:


caruusha
Isbarbar dhig Heshiisyadii Caruusha iyo Nairobi... Akhri..



Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda Soomaaiyeed -Yurub



DHAXALWAREEG ( Gabay Cusub) - Eng. Cibaar



"...haddii aad tagtid Archive-ka ama Libreeriga Congress-ka Maraykanka waad heleysaa EXACTLY BEARING-ka (jihada xadku u socdo) oo ilaa inta uu qalin gaaro ku tusaysa, waa wax record-kii meesha jiro (Diiwaan). Akhri..



Barnaamij ay ka qayb qaateen  Prof. Cabdi I.Samatar  iyo Eng. Maxamed Cali  oo ku saabsan dhul-badeedka Somalia
Dhagayso ama
Soo rog



Xasan Dhooye oo faahfaahiyay Heshiiskii Kenya & Soomaaliya
Q.1aad: Dhagayso ama soo rogo
Q.2aad: Dhagayso ama
soo rogo



Barnaamij ku saabsan xuduudaha badaha ee Radio Codka Beesha



ka hor daabacaadii cilmi-baarista


HESHIISKII IS AFGARAD

Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya: Af-Soomaali
| English Version



Waxaan ku baaqeynaa in Heshiiska badda ee dhexmaray dowladda Kenya & DFKMG loo soo bandhigo culimaa’uddiinka iyo qaanuunyahanno, kadibna baarlamaanka DFKMG.. Akhri