SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYA

DFKMG oo Ka Tanaasushey Dhul-badeed Soomaaliya oo Baaxaddiisu tahay 2.2 million kiiloomitir oo laba-jibaaran?

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Baadda oo Shaaca ka Qaaday in Xuduudda Badda Soomaaliya loo ogol yahay ay tahay 12 mayl oo keliya!

Haddii hadalkaasi hirgalo waxaa meesha laga saarayaa Xeerka Badda Soomaaliya u deganaa 40 Sano...

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda iyo Bey'adda (KKHBB) ee Dawladda Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya, Mr. Maxamed Macallin Xasan, oo Axaddii May 8, 2011 waraysi siiyey Idaacada Codka Maraykanka (VOA) ayaa shaaca ka qaaday qorshihii muddada dheer ay DFKMG ku dooneysey inay ka tanaasusho xeerkii Badda Soomaaliya u deganaa 40 sano, waa xeerka (Law No. 37 - Territorial Sea / Territorial Waters ee soo baxay 10kii September 1972).

Waxaa arrin aad looga xumaato noqotay hadalka cusub ee ka soo yeeray wasiirka ee ah sidan "Dhibaatada jirta waxay ahayd inkasta oo aan anaga lahayn xeerka Soomaaliya ee (19)72dii waxa uu qorayaa Territorial Sea (Waters) oo ah 200 nautical miles, haddana dunida nooma aqoonsanin xeerka caalamiga ah, waxay nagu yiraahdeen oo keliya 'Soomaaliya waxaan u aqoonsanahay 12 nautical miles oo keliya". Wasiirku waraysiga kuma caddayn uu arrintaas 12 mayl ka soo horjeedo.

  • FG: Haddii uu horgalo hadalkaas Wasiirka KKHBB waxaa shacabka Soomaaliyeed ku waayi doonaan baaxad badda oo qiyaastii ah:  2,158,506 km2 (waa qiyaastii 2.2 million kiiloomtiri oo laba-jibaaran - Xisaabtaas sida ay ka eeg dhanka hoose ee boggan).

Halkan ka dhegeyso Waraysiga Wasiirka KKHBB (VOA - May 8, 2011)

Wasiirka hadalkiisa sida ka muuqata waxa ay xukuumadda FKMG u ololaynaysaa in Qarammada Midoobey lagu wargeliyo in DFKMG ay ka tanaasuleen xeerka Law No. 37, ayna aqbaleen arrinta ah in badda Soomaaliya ku siman tahay 12 mayl, maadaama uu waraysiga ku sheegay in Golaha Wasiirada DFKMG ay ansixiyeen dukumiintiga uu  ka keenay UK, xilli uu Ra'iisul Wasaaraha DFKMG kusii jeedo Xarunta QM.

"Safar ayaan ku tegey UK, oo aan ugu tegey hawl gabagabo ahayd oo in muddo ah socotey, oo Ilaahay mahaddiis ah maanta noqotay in ay soo gabagabowdey, hawshaasi waxay ku saabsan tahay xadaynta badda Soomaaliya ay leedahay," ayuu yiri Wasiirka KKHBB.

"Marka hawsha aan qabtay waa qaybtii koowaad waxayna ku egtahay sida ku cad xeerka caalamiga ah ee Territorial waters ee Qarammada Midoobay ilaa ay ka dhammaanayso 200 nautical miles oo dhammaadkeedu yahay waxa la yiraahdo EEZ (Exclusive Economic Zone), oo aan keeno dukumiintigeeda iyo khariidadaheeda oo isla socda," ayuu yiri Mr. Maxamed Macallin, wasiirka KKHBB.

Hadalkaas (200 mayl-badeed oo ah EEZ) weeye kan muddo dheer oo ku siman 20 sano la raadinayey in xukuumad Soomaaliyeed laga saxiixdo, waayo xeerka Soomaaliyeed ee Law No. 37 / 1972 ee la loodin  waayey ayaa dhigaya in cabbirkaasi uu yahay 200 mayl-badeed oo ah TERRITORIAL WATERS. Labadaas arrimood faraq weyn ayaa u dhexeeya: EEZ waa aagga Dhaqaalaha, halka TERRITORIAL WATERS ay tahay dhul-badeed ka mid ah dhulkaaga oo leh xeer iyo qaanuun la mid ah kan beriga ama dhulka dalkaaga.

Wasiirka qudhiisa ayaa caddeeyey in dhibaatadaasi ay Soomaalida ku wajahnayd 20-kii sano ee ugu dambeeyey, waayo waxa uu yiri sidan:

"Waxaa markaas ummadda Soomaaliyeed ku soo baxday dhibaato weyn laga soo bilaabo sagaashameeyadii (1990-naadkii) xilligii dawladdii ay dhacday ilaa laga soo gaaray waqtiigan, baddeennii ay noqotay baylah, oo ay noqotay meel si sharci darro ah looga kalluumaysto, oo ay noqoto meel lagu daadiyo qashinka wasakhda ah ee nukliyeerka, oo ay noqoto meel la iskaga soo xad gudbo, oo cid kasta faraha la soo gasho ayadoo wax ogolaansho ah aan ka haysan ama weydiisanaynba mararka qaarkood marka ay dhacdo oo la yiraahdo war waa idin sidee miyaadan na ixtiraamayn, jawaabtu waxay ahayd anagoo raacayna xeerka caalamiga ah ee Qarammada Midoobay waxaan Soomaaliya u aqoonsanahay 12 nautical miles oo keiya- oo qiyaastii u dhiganta 22 kiilimitir keliya, inta kale oo ee soo hartay Soomaaliyeey nagalama hadli kartaan."

"Wixii ka baxsan 12 mayl Soomaaliyeen nagalama hadli kartaan," markii uu sidaas wasiirku yiri waxaa laga sugayey in uu arrintaas ku gacan sayro oo ciddii arrintaas ku tiri ka diido,  oo hordhigo xeerka xeerka noo deganaa 40 sano. Sidaas ma yeelin, mana dhehin ee waxa uu hadalka raaciyey sidan:

"Markaas waxaa bilowday markii aan xilka qabtay su'aalo badan oo la  i weydiiyey oo la leeyahay Maxamdow baddii maxaa laga samaynayaa, Maxamadow sidee la yeelayaa qolooyinkaa illigal fishing-ka samaynaya (kalluumaysiga sharci darrada ah), sidee loola dhaqmayaa oo looga hortegayaa qashinka lagu qubayo, oo dhibaatadiisii ummadda ay soo gaarayso, markaas waxaan bilaabay waxoogaa baaritaan ah in aan sameeyo, baaritaankii waxaa ka soo baxday inta aan la gaarinba ka hadalka Continental Shelf (Qalfoofka Badda), in aysan wax dukumiinti ah oo Soomaaliya ay leedahay ee u yaalla Qarammada Midoobay ee ku saabsan ilaa iyo EEZ-ka inta uu ku dhammaanayo 200 nautical miles in aysan jirin, marka waxaan u hawl galay sidii markii horeba  loogu hawl geli lahaa loona qaban lahaa hawsha asaasiga ah waayo Continental Shelf-ku wuxuu daba yaallaa hawshaan kale."

Waxaa muhiim ah in wasiirka la xusuusiyo: Soomaaliya waxaa Qarammada Midoobey u yaal, si cadna looga daalacan-karaa websiteka Qarammada Midoobey waa 200 nautical miles oo ah TERRITORIAL WATERS, marka ma heleysid wax la yiraahdo EEZ oo Soomaalida u yaal, waayo cabbirka inoo yaal waa Territorial Water oo ka duwan EEZ. Marka taas waa in la fahamsiiyo wasiirka, haddii aysan ula kac arrintu ka ahayn.

Musharaxa Madaxweynaha  Soomaaliya Mr Yassin Maaxi Maclin: Cabbirka Dhul-badeedka Soomaaliyeed waa 350 mayl badeed ma aha 12 mayl. AKHRI

Waxa kale oo layaab ah in wasiirku sheegay "Waxaan dooneynaa in 200 nautical mile in aan "communication" u gudbino wadamada aan deriska la nahay, sida Jabuuti, Yemen iyo Kenya, oo aan niraahno Soomaaliya waxa ay leedahay sida waafaqsan sharciga caalamiga ah waa intaan, xadkeeduna waakaas." Hadalka meeshaas laga dareemi karo ayaa ah in Kenya ay hadalka wasiirka adeegsato si markaas loogu sharciyeeyo baddii ay ku doodeysay, maadaama uu wasiirku qiray in aan Soomaaliya loo aqoonsayn 200 mayl, marka hadalkaas miyaan la dhehi karin waa casumaad cusub oo DFKMG u fidinayso Kenya.

Waxaa arrin aad looga xishoodo ah, lagana xumaado ah, in Dawladdii difaaci lahayd xeer Soomaalida u degganaa 40 sano ay maanta shacabka Soomaaliyeed la hor timaado hadal u dhigma xeerkaas maanta waa ka tanaasuleynaa maadaama aan adduunku noo aqoonsanayn ama yiraahdaan xeer maba lahaynba, ayadoo la ogyahay xeerkaas Law No. 37 / 1972 in Soomaalidu ay waayo hore u gudbisey QM, ilaa haddana uu ku jiro website-ka Qarammada Midoobey.

Koox qorayaal ah oo arrimaha Soomaaliyana aad wax uga qora ayaa bishii October 2010 waxa ay yiraahdeen "Mararka qaarkood waxaan aad uga daalaa in aan noqono kuwo Soomaalida danteeda ugu dooda si ka badan tan ay Soomaalidu iyagu dantooda ugu doodaan, waxay kuwaasi (madaxda Soomaalidu) si fudud u doonayaan in ay xuquuqda ay leeyihiin dalkooda u saxiixaan si fudud oo riqiis ah ayagoo ku bedelanaya arrimo aan aan meel fog ku salaysnayn ama aan xeel dherayn."

___________
Xisaabinta Baaxadda Badda ay Soomaalidu waayi doonto haddii uu horgalo qorshaha DFKMG ay ku doonayso in ay ka tanaasusho xeerka Soomaaliya u degganaa 40 sano ee law No 37.

  • 3,330 km * 370.4 km = 1,233,432 km2. (Waa in ka badan 1.23 million kiiloomitir oo laba jibbaaran) - Cabbirkaasi waxa uu ka imanayaa dhererka xeebta Soomaaliya oo ah 3,330 kiilomitir, waxaana dhanka badda loo soconayaa 370.4 kiilomitir oo u dhiganta 200nm oo territorial waters sida ku cad Law No. 37 / 1972)
  • 3,330  km* 277.8 km = 925,074 km2. (Waxaa cabbirka sare dheer marka aad taas sare aqbashid, waxa kale oo Soomaalidu ku waayi doontaa in ay ku doodaan in Territorial waters ay ka mid tahay 150 mayl ee dalalka xeebaha leh loo ogolaadan in loogu daray 2009)
  • Isku darka labadaas cabbir waa: 2,158,506 km2

Jawaabaha Dadweynaha: Jawaabtaada toos ugu qor Halkan (FG. fadlan jawaabta ku qor dhanka hoose ee bogga kuusoo baxa markaad RIIXDID HALKAN)

Akhri Qormadii: Dhul-Badeedka Soomaaliyeed: Been aan gabasho lahayn oo si joogto ah la idiinku sheego

Faafin: SomaliTalk.com | May 8, 2011


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


warbixin Un Report Somalia

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: