SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYA

"DFKMG Haka Laabato Hadalkii Wasiirka Kalluumaysiga" ee ku saabsanaa Badda Soomaaliya

  • Walaalayaal: Marka ugu horreysa waxaan rabaa in aan idiinla socodsiiyo, oo caddeeyo, in aanan kasoo horjeedin Dowladda FKMG iyo Baarlamaan KMG, waxna aanan ka qabin waqti kororsiga aay sameesteen danna aanan ka laheeyn madaxtinimada iyo jagada loo tartamayo. Waxa kaliya oo aan daneynayaa waa in Dowladda FKMG ay ka laabato hadalkii Wasiirka Kallumeysiga oo ah KHAYAANO QARAN. Waxaan halkan hoose idiinku soo gudbinayaa Baaq aan u diray Soomaalida oo idil si aay ula socdaan xaaladda badda Soomaaliya meesha aay mareyso.

Bashir Shekh Moxamed | bashirmohamud@yahoo.com | May 14, 2011 | Jawaabaha: Aragtida Dadweynaha


BAAQ KU SOCDA SOOMAALIDA OO IDIL

Law No. 37 on FAO  & UN Websites
Law on the Territorial Sea and Ports, 1972
- http://faolex.fao.org/docs/pdf/som4925.pdf

Source: FAO Legal Office
 

Law No. 37 on the Territorial Sea and Ports, of 10 September 1972
- http://www.un.org/Depts/los/

Source: UN.org

Waxaan Ummadda Soomaaliyeed la socodsiinayaa in ay dad badan ila soo xiriireen markii ay akhriyeen baaqii ku saabsanaa BANAANBAX NABAD AH oo halkan hoose aad ka arki kartaan faahfaahin kaamil ah, waxaayna dadkaasi i weydiiyeen goorma ayaa la sameen BANAANBAXAN?

Bacdamaa ay si joogto ah usoo ifbaxayaan qorsho hor leh oo ay wadaan Dowlado Reer Yurub ah oo ay leeyihiin waxaan Keenya ka caawimeynaa cabiridda badda:
http://www.thecommonwealth.org/news/ 34580/231326/271010kenyasomaliamaritimeboundaries.htm
http://somalitalk.com/2011/badda/difaac1.html

Waxaan Soomaalida oo idil ka codsanayaa mar kale ( Dowladda, Mucaaradka, Shicibka iyo Dowlad Goboleedyada) in ay sameeyaan hal maalin BANAANBAX NABAD AH oo ula jeedadeedu tahay in aan ka badbaadno qorshaha gurracan oo cusub oo lagu boobayo badda Soomaaliya. Sidaan qoraalladeydii hore idiinku sheegay, ee soo noqnoqoshada boobka badda Soomaaliya:-

http://www.somalitalk.com/2009/may/13/badda125.html
http://www.somalitalk.com/2011/badda/difaac4.html
http://www.somalitalk.com/2011/badda/difaac5.html

Waxaa ila qumman in aan hal mar usoo wada jeesanno xalinteeda.

Waxaan Soomaalida la socodsiinayaa in Dowlad kasta oo Soomaliya ka curata in DAD AAN SHAQSIYAD LAHAYN lasoo adeegsan doono, sababtuna ay tahay in la boobo kheyraadka baddayada dhex qotoma.

Walaalayaal,

HURDADA DHEER oo aan galnay aan ka toosno oo boobkan nalagu hayo aan ka gilgilano oo aan u caddeyno in aanaan RAALI KA AHAYN illeen tabar kale ma haynee.

Si aan u jaheyno BANAANBAXA, Wasiirka Kallumeysiga halla weydiiyo DOWLADDII ama URURKII u la shiray oo dokumentiga iyo qariidadaha usoo dhiibtay si aan ayaga qudhooda uga billowno banaanbaxa nabadda ah.

Waxaan Dowladda KMG iyo Xildhibaannada Baarlamaanka la socodsiinayaa in dhambaallada aan kala joogsiga lahayn oo isoo gaaraya aay aad u fara badanyihiin.

Ma rabo in Dowladda hadda jirta oo tabarta yar in aay faraha ka baxdo. Mana rabo in Banaanbax la sameeyo (In laga fursanwaayo mooyee).

Waxaan Dowladda KMG iyo Xildhibaannada ka codsanayaa in ay arrintan uu ku tillaabsaday Wasiirka Kallumeysiga sida ugu dhaqso badan looga laabto, sababtoo ah Ummadda Soomaaliyeed hadda waa la wada socdaan in arrintanii ay ka dambeyso qorshihii ahaa:-

Commonwealth experts help Kenya prepare for maritime boundary negotiations with Somalia.
http://www.thecommonwealth.org/news/ 34580/231326/271010kenyasomaliamaritimeboundaries.htm

Sida lala wada socdo arrintaan ay waddo Commonwealth iyo arrintii uu waday Carl Peter Salicath, waxaana taariikhdu markaay ahayd 11 Jennayo 2011 waxaan Xildhibaannada Baarlamaanka ka codsaday una soo jeediyay in aay qoraan labo warqadood :- "Haddii laba warqadood loo kalo qoro Norwey iyo Commonwealth, oo qoraalkaasi noqdo mid si rasmi ah uga soo baxay baarlamaanka Soomaaliya, waxaan markaas hubaa in ay dareemayaan in meesha wali ay joogaan dad nool oo aan raacin dadkii la kala diray...." http://www.somalitalk.com/2011/badda/difaac5.html

Waxaan hubaa haddii Xildhibaannadu saxiixi lahaayeen warqaddii ay soo diyaariyeen, in Wasiirka Kallumeysigu arrintan uusan galeen, sababtoo ah qoraalkaas waxaa ku jiray qodob sidaan u qornaa:-

"Waxaan mas’uuliyiinta Qarankana Ugu baaqaynaa In Si Wadajir ah looga hortago Mushruucan, Isla markaana uga digaynaa in ciddii iyadoo Mas’uul Soomaaliyeed ah, lagu helo inay gacan ka gaysanayso, ama fududaynayso arintan, Xildhibaanadda Golaha Shacabku waxay ka qaadi doonaan Talaabadda Ku Haboon ee Waafaqsan Axdiga federaalka KMG, Iyo Shuruucda Dalka."

Waxaan aad uga xumahay in labadaas warqadood aan la dirin.

Bacdamaa Ummadda Soomaaliyeed ay runta hadda wada ogtahay, waxaan soo jeedinayaa labo arrimood in ay hir galaan:-

  • 1) In Dowladdu ka noqoto warkii uu Wasiirka Kallumeysigu yiri.
  • 2) In Baarlamaanku joojiyo arrintan Dowladdu ansixisay ayagoon ka fiirsan.

Haddii labadaas arrimood fuli waayaan, waxaa lagama maarmaan noqonaya in BANAANBNAX NABAD AH la sameeyo taas oo aan ka cabsi qabo in uu isku badalo KACDOON bacdamaa ay shacabku qaatiyaan ka taaganyihiin 21 sano oo jahwareer ah.

Bashir Shekh Moxamed
bashirmohamud@yahoo.com

  • FG: Qoraaga, Bashiir Shiikh Maxamed, waana diblomaasi Soomaaliyeed oo ka soo shaqeeyay safaaraddii Soomaalida ee Stockholm xiligii uu safiirka ka ahaa halgamaagii weynaa ee ee Cabdulaahi Ciise Maxamuud (Alle ha u naxariistee). Sannadkii 1979-kiina waxa uu noqday sii hayaha (Chargé D'affaires) ee safaaradihii Soomaaliya uga furnaa waddamada Sweden, Denmark iyo Norway.

-----------

###

Faafin: SomaliTalk.com | May 14, 2011

Halkan ka akhri/Dhegeyso hadalkii Wasiirka Kalluumaysiga DFKMG

Jawaabaha: Aragtida Dadweynaha

  • "Somalia Prime Minister, Mohamed Abdulahi Farmajo’s Speech at UN Security Council"
    My government strongly welcomes this and believes if the country has strong national government with effective coast guards within a secure EEZ we can help to reduce or even stop piracy. The Transitional Federal Government is grateful for the operations of the EUNAVFOR and many other international navies in our seas. - REMEMBER, the TFG Prime minster used "EEZ", not "Territorial Waters"! READ

UN Meetings: May 10-11, 2011

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


warbixin Un Report Somalia

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: