SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYA

Farmaajo oo ku biiray Madaxda Soomaaliyeed ee Xagal Daacinaya Xornimada Dhul-badeedka Soomaaliyeed - Hadalkiisii UN

  • Xeerka Law No 37 waxaa websiteka FAO lagu daabacay October 21, 2000, websiteka Qarammada Midoobayna waxaa lagu daabacay July 23, 2001, waa xilliyadii la bilaabay in dukumiintiyada rasmiga ah lagu daabaco Internetka oo markaas curdin ahaa, xeerkaas oo qeexaya in badda Soomaaliya tahay Territorial Waters 200 mayl, halka ra'iisul wasaaraha DFKMG uu May 11, 2011 adeegsadey oraahda EEZ taas oo khalad cad ah....

Warbixin iyo Faallo SomaliTalk.com | May 14, 2011 | Jawaabaha: Aragtida Dadweynaha


Ra'iisul Wasaaraha DFKMG, Maxamed Farmaajo oo Arbacadii, May 11, 2011, khudbad ka jeediyey Golaha Ammaanka ayaa mar uu ka hadlayey burcad-badeeda iyo sida loo xugi karo ammaanka badda Soomaaliya waxa hadalkiisii ka mid ahaa: ammaan uu u soo jeediyey Qarammada Midoobay arrimaha xagga sharciga ee la xiriira burcad badeeda iyo in la sameeyo nidaam lagu maxkamadaynayo burcad badeeda. Kaddib waxa uu hadalka ku adkeeyey in xukuumadiisu ay aaminsan tahay in burcad-badeeda lagu yarayn karo ama lagu joojin karo ayadoo arrintaas (maxkamadynta) lagu darayo "Aagga Dhaqaalaha Gaarka ah" (exclusive economic zone) oo ammaankiisa la sugo.

Hadalka meesha aan qaban ee uu ra'iisul wasaaraha DFKMG adeegsadey waa oraahda "Exclusive Economic Zone" EEZ (Aagga Dhaqaalaha ee Gaarka ah), taas oo meel ka dhac ku ah xeerka u degganaa Qaranka Soomaaliyeed muddo 40 sano ah, Law no. 37 ee 1972 oo si cad u qeexay in Soomaaliya ay leedahay Territorial Waters (TS) oo ah dhul-badeed xeebta ka durugsan 200 mayl-badeed.

Kala duwanaanta u dhaxaysa EEZ iyo Territorial Waters waxaan ku faahfaahinay qormooyinkii hore, waxaanse halkan shacabka Soomaaliyeed ku xusuusinaynaa in  hadalka ra'iisul Wasaaraha, iyo qoraalka uu ku xusay oraahdaas, ay halis ku yihiin xornimada dhulka Soomaaliyeed. Waxaana arrin aan la qaadan karin ah in ra'iisul wasaaraha DFKMG oo magaca shacabka Soomaaliyeed ku matalaya Qarammada Midoobey in uu afkiisa ka yiraahdo oraahdaas.

Arrintaas waxay daba socotaa warkii wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka badda ee ahaa in adduunku ay u aqoonsan yihiin 12 mayl oo qura.

Hadalada xiriirka ah ee ku saabsan adeegsiga oraahda EEZ ee ka soo baxaya DFKMG waa arrin fajaciso ku ah shacabka Soomaaliyeed, waayo madaxdii difaaci lahayd dalka haddii ay ayagii xagal daacinayaan waa halis soo wajahday xornimada dhulka Soomaaliyeed.

Sidaas daraadeed waxaa horyaal shacabka Soomaaliyeed sidii ay qaddiyadaas uga hortegi lahaayeen. Baarlamaanka FKMG waxaa sidaas si weyn saaran masuuliyaddii ay u dhaarteen in ay danta dalka ilaalinayaan, arrintanina waa mid khusaysa xornimada dhul-badeedka Soomaaliyeed.

Waxaa xusid mudan in May 5, 2011 ay golaha Wasiirada DFKMG shir ku yeesheen Muqdisho, maalmo ka hor intii aan ra'iisul wasaaraha DFKMG uusan u ambabixin New York, waxayna sheegeen in uu jiro Dokumenti uu wasiirka Kalluumaysigu ka keenay UK oo  la xiriira cabbirka badda Soomaaliya oo ay ku sheegeen in "loo gudbin doono Qaramada Midoobey taasoo lagu diiwaangelin doono xaqa ay Somaliya u leedahay in waxa loo yaqaano Xuduuda Dhaqaale ee u gaarka ah Somalia(Exculisive Economic Zone) ay tahay 200 nautical miles oo u dhiganta 370.4 km." Waa markale oo ay DFKMG adeegsatey oraahda EEZ, ayagoo afka soo marin la' oraahda 'Territorial Waters'.

Waxaana warka DFKMG uu intaas raaciyey "Dokumentigan iyo khariidooyinka la socda waxaa lagu soo daabaci doonaa websiteyada QM iyo hay’adaha kale ee caalamiga ah, sida FAO."

Haddaba waxaa cajiib ah in labada meelood ee ay xuseen in lagu daabacayo cabirka cusub, in labadaas website hore loogu daabacay xeerkii badda Soomaaliya ee saxda ahaa ee dhigayey 200 nm territorial Waters (website FAO waxaa xeerka law no 37 lagu daabacay Oct 21, 2000, sidoo kale website UN waxaa lagu daabacay July 23, 2001)

Sidoo kale waxaa xeerkaasi ku jiraa website Qarammada Midoobay qaybta u qaabilsan xeerka badda.

Haddaba maadaama xeerkaas sharciga rasmiga ah ee badaha Soomaaliya uu ku jiro labada website, taas oo jirta ay DFKMG sheegtay in lagu daabaci doono xeerka cusub isla labadaas website, sow markaas taas macnaheedu ma aha waxay xukuumadda FKMG ku dadaaleysaa in ay suuliso xeerka rasmiga ah ee badda Soomaaliya, sidaasna ay Soomaalidu ku waayi karto Dhul-badeed Soomaaliya oo Baaxaddiisu tahay 2.2 million kiiloomitir oo laba-jibaaran.

FG: Xeerka Law No 37 waxaa websiteka FAO lagu daabacay October 21, 2000

FG: Xeerka Law No 37 waxaa websiteka UN lagu daabacay July 23, 2001

Qoraal ay May 14, 2011 faafisay ECOTERRA ayaa tibaaxay isku dayga cusub ee lagu faragelinayo cabbirkii badda Soomaaliya.

ECOTERRA: "EU's "Boots on the ground" ideas, the Indian lobbying for a naval operations in Somali waters under UN high-command and the renewed attempt to mess with the Somali 200nm EEZ, which was declared and established since Somalia signed UNCLOS under the condition that Somali Law No 37 of 1972, which rules the 200nm territorial waters of Somalia, would prevail, while risking with a new or "re-declaration" of the EEZ that all claims concerning illegal fishing of foreign fleets, for damages due to toxic dumping by foreign Mafias and the other atrocities committed in the Somali seas since 1991 could no longer legally be pursued..." MORE

Farmaajo @ UN SPEECH: As I previously reported to your Excellencies, the scourge of piracy cannot be defeated in the high seas. Its solution lies with bringing back the rule of law on land in Somalia. We are very grateful for the work carried out by Jack Lang, the UN Secretary General’s Special Adviser on legal issues related to piracy, which has highlighted the urgent need to establish effective judicial capacity for piracy trials. My government believes these courts should be in Somalia. My government strongly welcomes this and believes if the country has strong national government with effective coast guards within a secure EEZ we can help to reduce or even stop piracy. The Transitional Federal Government is grateful for the operations of the EUNAVFOR and many other international navies in our seas. READ HERE

Dhegeyso Farmaajo oo kahadlayarrinta baarlamaanka (Mar uu la hadlay Soomaalida Virginia, May 12, 2011)

Faafin: SomaliTalk.com | May 14, 2011

Halkan ka dhegeyso Hadalkaas, May 11, 2011 @ UN

UN Meetings: May 10-11, 2011

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


warbixin Un Report Somalia

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: