SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYA

Soomaaliyeey adduun weynuhu wuxu tartan ugu jiraa Badweynta Indiya

  • W.Q Maxamud Axmed
    Email: maash68@gmail.com

“Qarniga 21aad adduunku wuxu ku diriri doonaa gacan ku haynta biyaha Badweynta India,” Robert Kaplan, qoraaga buugga MONSOON.

Illaa iyo markii Ilaahay (SW) abuuray dunida, awoodda bani’aadamka, ilbaxnimooyinkooda, tarankooda, iyo dhaqaaqa ganacsigoodaba isbeddel joogta ah ayaa ku imanayey. Isbeddelladaas isdaba joogga ah ayaa waxay sabab u noqdeen in umadaha qaarkood horumar la taaban karo gaadhaan, horumarkaas oo aan ahayn mid waara laakiin cimrigiisu xaddidan yahay. Waddammada adduunku waa kala itaal roon yihiin, kala ilbaxsan yihiin, kala qanisan yihiin, waana sababta keentay in ay jiraan imminka 5 dal oo sheegta inay yihiin waddammada ugu awoodda roon adduunka, loona yaqaan 5-ta awoodda sare leh. Waxan rabaa inaan kuu bidhaamiyo in haatan xaqiiqadu 5 dal ka yar tahay oo ay isku soo hareen oo qudha Maraykanka iyo Shiinaha, inkastoo la yiraahdo Raashiya awooddeedu iyana kor bay u socotaa. Haddaba su’aashu waxay tahay, maxaan u soo qaatay cinwaanka ‘Soomaaliyeey adduun weynuhu wuxu tartan ugu jiraa Badweynta India? Hadii alla idmo waxan isku deyayaa anigoo tixraacyo soo qaadan doona inaan si habsami leh uga jawaabo su’aashan, iyo xiriirka ka dhexeeya quwadaha adduunka. Waxan istimaali doonaa caqiido ku salaysan saddex: Muruq+Maal+Maskax= Awood sare.

Dadka ku xeeldheer isbeddellada dhanka awoodeed, waxay saadaalinayaan 100% in dagaalka ugu weyn adduunku ka dhici doono sababo ku saabsan dhanka dhaqaalha (economic resources), oo adduunka siiba waddammada hore u maray waxa batay isticmaalka ay isticmaalayaan shidaal badan, waddammada iyagu hadda hore u maraya ayaa iyana kaalinta isa soo taagay oo raba qorkooda, saliiddii adduunka laga soo saarayey oo yaraatay, biya yari soo food saartay adduunka meelo badan, mirihii beeraha oo yaraaday, bay’addii adduunka oo isbeddel weyni ku yimi, cudurradii oo batay, iyo hubka atoomikada oo dalal badani yeesheen. Haddaba dagaalkaa dhaqaalaha khuseeyaa kuwa ugu weyni waxay ka dhacayaa Biyaha Badweynta India, iyo Qaaradda Qabow ee Antiarchtic-ga la yiraahdo. Waxan ku dheeraanaynaa qormadan sababta keentay in Badweyn-ta Indiya loo tartamo.

“Badweynta Indiya waa badda keliya oo aan xad la lahayn waddan ka tirsan 5-ta ugu awoodda roon adduunka sida: Maraykanka, Ingiriiska, France, Raashiya iyo Shiinaha. Badweynta Indiya way ka duwan tahay badaha kale ee adduunka. Sababtuna waxay tahay cimilada Badweynta India waa mid deggan oo la saadaalin karo…waxay badda weyn leedahay cimilada loo yaqaan ama dabaysha Monsoon-ka, dabayshaas oo 6 biloodba dhan u socota, una sahli jirtay waayadii hore in dalalka ku wareegsan Badweynta Indiya, ganacsigu u kala socdo si hawlyar, dadku isdhexgalaan si nabada. Ganacsigaa ayaa ahaa mid u kala goosha aasiya, geeska afrika, iyo waddammada bariga dhexe, si nabadaysan. Hase ahaatee, waxa carqaladeeyey ganacsigaa nabadaysan ilbaxnimadii reer galbeedka, oo markii Boortiqiis yimi Badweynta Indiya, waxa ku yimi dhibaato dadyowgii xiriirka ganacsi ka dhexayn jiray,” Robert Kaplan oo ahaa qoraa ayaa sidaa yiri.

Sida taariikhda lagu hayo, wixii ka horreeyey 15-aad ganacsigaasi waa ka socday Badweynta Indiya. Tusaale ahaan, Soomaaliya waxa xilligaas magaalooyin ganacsi ahaa: Muqdisho, Berbera, laasqoray, Saylac, Marka iyo meelo badan. Wakhtigaas dalka Shiinaha waxa ka talinaysay boqortooyadii Ming Dynasty, oo dhaqdhaqaaqeeda ganacsi ku sinnaa Badweynta India. Qarnigii 15-aad ka dib, maanta ayaa ugu horraysa Shiinuhu inuu dib ugu soo laabto Badweynta India, oo waxa taas soo dedejiyey waxa loogu yeedhay ka hortagga budhcad badeedda biyaha Soomaaya, kaasoo soo dedijiyey kaltankii loo geli lahaa Badweynta Indiya oo lagu waday awal inuu bilaaban doona qarnigan aakhirkiisa. Shiinuhu xad kuma laha Badweynta Indiya laakiin wuxu ka soo galaa koonfurta aasiya, sida Pakistan iyo Indiya oo iyaga laftoodu hadda ah dalal leh awoodda atoomikada, dhaqaalohooduna kor u sii socdo.

“Magaalada Kalkata ee dalka Indiya waxa loo aqoon jiray intii dhoweyd, magaalda fakhriga iyo masaakiinta. Kalkata waxa lagu xasuustaa Tarisa (Mother Teresa) oo ahayd qof ku xeel dheer adeegga bani’aadamka siiba dhanka carruurta. Kalkata waxay ku taallaa meel muhuum ah (strategy location), waxay ku taal waqooyiga Indiya, waxay ku dhowdahay Shiinaha, Bangaladish, Burma iyo dhawr daloo kale. Maanta tartanka Badweynta Indiya loogu jiro ayaa wax ka beddelay Kalkata, oo horumar xawli ku socda ayaa ka jira: dhismayaal, shirkado barabadan oo degey, iyo xagga ganacsiga oo koraya. Waa maxay sababtu? Ganacsigii reer galbeedu carqaladeeyey qarnigii 15-aad ayaa dib helay madax bannaani, waxan ganacsigaasi u kala socon doonaa: Shiinaha, Geeska Afrika, Bariga Dhexe, aasiyada kale ilaa Yurub qaarkeed,” Robert Kaplan ayaa idaacadda NPR waraysi saa ugu sheegay.

... Waxaa xusid mudan muranka hadda Kenya, Norway, iyo Barwaaqa sooranka Yurub ay wadaan, murankaas oo la rabo in lagu qaato badda Soomaaliya, waa qorshe ka mida tartankaa ka dhici doona Badweynta Indiya...

Soomaaliya waxay door weyn ku yeelanaysaa tartanka ka socda Badweynta Hindiya haddii la helo dad dhug iyo fahan u leh sida adduunku u tallaabsanayo. Dalka Soomaaliya xeebtiisu waa ilaa 3000 mile dherer ahaan. Maanta baddeennu waa baylah, dadkeennii waxay u dhimanayaan silic iyo gaajo, waxana ku sugan biyaha Soomaaliya 22 dal maraakiibtooda iyo ciidammadooda oo Maraykanku ugu horreeyo. Ciidammada badda Soomaaliya ku sugan waxa loo aaneeyey ka hortag Budhacad badeed, hase yeeshee arrintu saa waa ka weyntahay. Waxa kale oo xusid mudan muranka hadda Kenya, Norway, iyo Barwaaqa sooranka Yurub ay wadaan, murankaas oo la rabo in lagu qaato badda Soomaaliya, waa qorshe ka mida tartankaa ka dhici doona Badweynta Indiya. Maraykanka ayaa wuxu saldhig ka dhigtay dalka Jabbuuti, si uu tartankaas uga qayb ahaado, isagoo isticmaaliya maraakiib casriyaysan iyo taknoolojiyo uu adduunka kaga horreeyo.

Waxa hubaal ah in dalka Soomaaliya mustaqbalka dhow uu noqon doona dal qaniya oo ay ku xirnaadaa dalal badan oo Afrikaan ah maaddaaba xeebta u dheer aan leennahay. Tusaale waxaan u soo qaadanaynaa dalka Itoobiya. Itoobiya waa dal aan bad lahayn wuxuna magan u noqon doonaa Soomaaliya, waa haddii aan Itoobiya aanay ku guulaysan qorsha ah inay kala qoqobto Soomaaliya. Waxa ayaan darra ah, hoggaamiyayaasha maanta xilka haya, sida Sheekh Shariif, Shariif Sakiin, Farmaajo, Faroole, Siilaanyo, iyo wixii la halmaalaa, ma la socdaan meesha wax marayaan. Mase isweydiiseen waata nin kastoo Soomaaliya oo raba inuu reerkiisa ama gobol goonni ah u daneeyo, shaabbadda Meles Zenawi ugu soo dhufanayaa, yay ahayd horta in wax loo shaabbadeeyo? Itoobiya waxay dhowaan koronto soo gaadhsiisay Jabbuuti, mardhowna Somaliland iyo Puntland ayaad maqli doontaan Itoobiyaa korontada siisa. Waxaynu oran karnaa, ‘Soomaalidu waa dameer malab la saaray..’ mana oga khayraadka dhulkooda ka buuxa.

Tartankaas ka socda Badweynta Indiya, Soomaalidu waa ka huruddaa waxayna mashquul ku yihiin sidii qola waliba qolada kale u cuna qabatayn lahayd, sidii loo raalli gelin lahaa hay’adaha fakhriga (international aid groups), loo raalli gelin lahaa kuwa baa’binaya jiritaanka ummadda Soomaaliyeed, sidii nin walbi u taajiri lahaa oo ubadkiisa Baariis, New York iyo London u geysan lahaa. Soomaalidu waxay tiraahdaa: “hadii ilaahay geel ku siinayo, wiilkiisuu ku siiyaa, haduu adhi kula maagana, gabadhiisuu ku siiyaa,” qayrkeed Soomaaliyi way ka hadhay, haddii aanay u soo bixin dad daba qabta, oo dariiqa wada noolaanshaha iyo walaaltinnimada dib ugu soo celiya.

La soco qabyta 2aad ee qormada……

Maxamud Axmed

Email: maash68@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 24, 2011

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


warbixin Un Report Somalia

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: