SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYA

Cabasho ku saabsan Sharciyada Xaqdarada ah ee lagu Fulinaayo Xuduudaha dhulka iyo Badda Soomaaliya

"Haddii aan nahay Shacabka Soomaaliyeed waxaan Caalamka u caddaynaynaa in Xuduudaha dhulka iyo badda Soomaaliya uu yahay lama taabtaan, oo ayna tahay hanti ay Soomaali oo dhan ay wada leedahay, Go’aankeedana waxaa iska leh shacabka Soomaaliyeed. Waana ka soo horjeednaa in Cabbir iyo xeerar sharci darro ah lagu fuliyo Soomaaliya oo keliya."


  • KU: United Nation - E'mail
  • Ku: European Union -E'mil
  • Ku: Midowga  Africa - 'mail
  • Ku: Jaamacadda carabta  - E'mil
  • Ku: USA  -   E'mail

Ujeeddo: Cabasho ku saabsan Sharciyada Xaqdarada ah ee lagu Fulinaayo Xuduudaha dhulka iyo Badda Soomaaliya

  • Soomaaliya Waxay Xornimo Buuxda qaadatay July 1, 1960. Waxaana markaas loo sameeyey Xuduudo dhuleed iyo mid badeed ah, taaso Soomaaliya ay xaq u lahayd.

Dalalka Bariga Afrika, oo ay Soomaaliya ka mid tahay, markii ay heleen xorriyadda waxay dib u eegeen xeerarkii ay dejiyeen gumaystayaashii. Xeerarkaas dib loo eegay waxaa ka mid ahaa xeerka badaha oo xadaynayey in badaha dhulka dalalkaasi ay xaqa u leeyihiin ay tahay ilaa 3 nautical mile (5.6km) oo keliya. Haddaba, sannadkii 1963 ayaa dalalka Madagascar iyo Tanzania waxa ay fogaantii badda (ballaca) ka mid ah dhulkooda ee ahayd 3 nmi ay ka dhigeen 12 nmi (22km). Halka dalalka Kenya, Mauritius iyo Seychelles ay ballacii 3nmi ee badahooda ka dhigeen 12 nmi, sanadihii 1969, 1970 iyo 1972 siday u kala horeeyaan.

Xeerka Qarammada Midoobey ee Badaha Adduunka ee UNCLOS waxa ay Soomaaliya saxiixday 10kii December 1982. Soomaaliya waxay xeerkaas dhaqan gelisay 24kii July 1989. (Fiiri map-ka Kore)

Xeerka Badaha Adduunku wuxuu si rasmi ah Qarammada Midoobey uga dhaqan galay 16kii November 1994. Waxaa socota inay Qarammada midoobay ka shaqaynaysay sidii Badaha Adduunka sharci loogu samayn lahaa, waxay qaadatay labaatan sanadood (1970-1994) in la dhaqan galiyey xeer oranaya: Waddan kasta wuxuu xaq u leeyahay (370 km) oo ka bilaabanaysa xeebta baddiisa inuu isagu leeyahay ku takri falkeeda. Xilligaas waxaa jirtay dowladdii Soomaaliya oo wax ka saxiixday.

Shirweynihii Qarammada Midoobey ee 10kii December 1982 lagu qabtay magaalada Montego Bay ee dalka Jamaicaayaa waxaa 117 dal saxiixeen sharciga Qarammada Midoobey ee Badaha Adduunka. Waxana uu Xeerkaasi si rasmi ah u dhaqan galay 16kii November 1994. Dalal badan ayaa xeerkaas saxiixay, oo ay Soomaaliya ka mid tahay, kaddibna dhaqan geliyey. Waxaa Xeerka Qarammada Midoobey ee Badaha Adduunka loo soo gaabiyaa UNCLOS (United Nations Convention of the Law of the Sea).

Waxaa kale oo dalalka xeebaha leh loo ansixiyey in ay leeyihiin xuquuqda gaarka ah ee kalluumaysiga iyo khayraadka badda ilaa meel xeebta dalkaas u jirta 200 nautical miles (370 km). Waxaa kale oo xeerkaasi xuquuq u siinayaa in dal kasta oo leh xeeb badda gudaha usii gashan uu gaar u lahaanayo xuquuqda batroolka, gaaska iyo khayraadka kale ee ku jira badda ilaa 200 nmi (370 km) meel ka durugsan biyaha xeebta dalkaas - toosna ugu beegan xeebta (macne weyn ayaa ku jira hadalka ah "toos ugu beegan xeebta").

Fogaanta badda ee xeebta ka durugsan ilaa 200 nmi (370 km) waxaa loo yaqaan Aagga Gaarka ah ee Ganacsiga (EEZ), waana aag ganacsi ahaan ay khaas u adeegsan karaan dalalka leh xeebaha.

Xeer Lambar #37/1972 - Xeerka Badaha Dhulka Soomaalida

Dawladdii Soomaaliya si ay xaqiijiso ilaalinta xadka baddeeda, waxay soo saartay Sharci Lambarkiisu ahaa Xeerka 37aad oo ka soo baxay Mogadishu, 10kii September 1972: Sharcigaas oo loo yaqaan Xeerka Badaha iyo Dekedaha Soomaalida waxaa ka mid ahaa qodobadan:

Qodobka 1aad: Badda dhulka Soomaalida (Somali Territorial Sea) waxaa soo hoos gelaya qayb badda ah oo gaareysa 200 nautical miles oo ka mid ah xeebta Qalfoofka Qaaradda. Badda dhulka Soomaalida waxay hoos imanaysaa Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaliya ee xorta ah. Dembiyada lagu galo xadka badda dhulka Soomaaliya oo ay galaan kuwa saaran maraakiibta ee la xiriirta caafimaadka iyo ammaanka shacabka waxaa lagu qaadayaa sharciga Soomaaliya.

Qodobka 2aad: Meesha cabbirka laga bilaabayo waa meesha ugu hoosaysa xeebaha Soomaaliya (xigmad weyn ayaa halkaas ku jirta).

Qodobka 6aad: Kalluumaysiga Badda Dhulka Soomaalida iyo u kala gooshinta xamuulka iyo dadka ee dekedaha Soomaaliya waxay khaas u tahay maraakiibta sita Calanka Soomaalida iyo markiibta u haysta fasax/sharci.

Qodobka 9aad: Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya dalalka aysan aqoonsanayn maraakiibtooda looma ogola in ay maraan Biyaha Soomaaliya. Ciddii ku xad gudubta arrintaas, Soomaaliya waxay ka qaadeysaa tallaabadii ku haboon.

Qodobka 10aad: Maraakiibta dagaalku ma soo mari karaan badda ku xeeran dhulka Soomaalida haddii aysan ogolaansho ka haysan Dawladda Soomaaliyeed.
iyadoo ay jiraan xeerarkaas badaha Caalamka iyo kan xeerarka Soomaaliya u gaarka ah ayaa Qaramada midoobey iyo waddamada Commonwealth waxay ku xadgudbayaan Shuruucda Badaha Caalamka iyo xeerarkii u gaarka ahaa Soomaaliya, Waxayna badda Soomaaliya u samaynayaan cabbir Cusub oo aan waafaqsanayn Shuruucda badaha caalamka iyo kan Soomaaliya. Arintaasna waa xadgudub cad oo lagu samaynayo Xuduudaha badaha Soomaaliya.

http://www.thecommonwealth.org/news /231326/271010kenyaSoomaaliyamaritimeboundaries.htm

COMMOWEALTH ma lahan awood aay ku masaxdo ama ku tirtirto sharciga badaha ee Soomaaliya uga diinwaangashan Qaramada Midoobay, laakiin khayaanada aay wataan ayaa waxay tahay iyagoo adeegsanaya Shakhsiyaad Somali ah, rabana inay si dadban u yiraahdaan Sharcigii badaha ee Soomaaliyeed, iyagaa iskood isaga tanaasulay oo cid ku Khasabtay ma jirto.

Haddii aan nahay Shacabka Soomaaliyeed waxaan Caalamka u caddaynaynaa in Xuduudaha dhulka iyo badda Soomaaliya uu yahay lama taabtaan, oo ayna tahay hanti ay Soomaali oo dhan ay wada leedahay, Go’aankeedana waxaa iska leh shacabka Soomaaliyeed. Waana ka soo horjeednaa in Cabbir iyo xeerar sharci darro ah lagu fuliyo Soomaaliya oo keliya. (fiiri map-ka, shaxda iyo Buugaagta muujinaysa xeerarka Badaha caalamka).

Qaramada Midoobay waxay Texgelisaa Xeerarka Xuduudaha iyo Badaha waddamada caalamka oo dhan ilaa aan Soomaaliya ka ahayn, sabatoo ah Soomaaliya ma lahan Dowlad awood badan oo u doodad Xuquuqda Shacabkooda. Dhibaatadaas Soomaaliya ka jirta darteed ayey UN ka faaideysanaysaa oo Soomaaliya ku fuleynsaa xeerar xaqdaro ah.

Haddii aan nahay Shacabka Soomaaliyeed waxaan UN –ka iyo Wadamada Commonwealth ka codsanaynaa inay naga joojiyaan Xaqdarada ay Soomaaliya ku wadaan, nagana joojiso sharciyadaan xaqdarada ah oo Soomaaliya oo keliya lagu fulinaayo.

Soomaaliya uguma horeyso wadamada fashilmay, ee waxaa jira wadamo badan oo sida Soomaaliya oo kale dhibaatooyin uga dhacay. UN-ka iyo Caalamka waa u gurmadeen, iyadoo aan lagu xadgubin Qaranimadooda iyo Xuquuqda Xuduudahooda, waxaana lala xaliyey dhibaatooyinka ka jira wadamadaas, sidoo kalena dib u dhiska iyo Nabadgelyada ayaa aad looga taageeray,

Haddii aan nahay Shacabka Soomaaliyeed waxaan xaq u leenahay in la tixgeliyo Qaranimadeena iyo Xuduudaheena dhul iyo bad. Sida loo texgeliyo waddamada kale ee Caalamka. Waxaan kaloo xaq u leenahay in nala garab istaago iyadoo la tixgelinaayo Diinteena, Dhaqankeena iyo Dastuurka noo degsan.

Shacabka Soomaaliyeed waa ka baxayaan dhibka ay hadda ku jiraan, waxaana jiri doonta xisaabtan iyo dabagal ay Soomaaliya samayn doonto, taasoo ku saabsan Sharciyada xaqdarada ah iyo wadamadii ka dambeeyey.

Bashir Shekh Moxamed

Diplomaasi hore ee Soomaaliyeed.

bashirmohamud@yahoo.com

English Version: Ka akhri Halkan

"Shicibka Soomaaliyeed waxay ugu dambeenta la xisaabtami doonaan kuwa xadgudubka ku sameynaya JIRITAANKA QARANNIMADA SOOMAALIYEED..."

  • Qoraaga (Bashiir Shiikh Maxamed), waa diblomaasi Soomaaliyeed oo ka soo shaqeeyay safaaraddii Soomaalida ee Stockholm xiligii uu safiirka ka ahaa halgamaagii weynaa ee ee Cabdulaahi Ciise Maxamuud (Alle ha u naxariistee). Sannadkii 1979-kiina waxa uu noqday sii hayaha (Chargé D'affaires) ee safaaradihii Soomaaliya uga furnaa waddamada Sweden, Denmark iyo Norway.

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 3, 2011

"NO to any threat infringing on the sovereignty of Somalia, especially concerning the 200nm territorial waters, given since 1972, and the 200nm EEZ (Exclusive Economic Zone / UNCLOS) already in place since 1989" (ecoterra - 03. September 2011)....

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


warbixin Un Report Somalia

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: