SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYA

Dawladda Norway oo Joojisay Qandaraaskii ay Shirkad Gaar looga iibiyey Markab Militari oo ka hawl geli lahaa Xeebaha Soomaaliya

Shirdon M. Abdikarim: "Soomaalida Norway waxa ay hadda ammaan gaar ah u jeedinayaan Dowladda Norway, gaar ahaan wasiirka arimaha dibadda sida uu arintaas u maareeyey."

"Heshiiska waxaa shirkadda reer Norway la soo galay sarkaal hore u ahaan jirey Wasiir , laakiin hadda ah lataliyaha gaarka ah ee madaxweynaha DFKMG" ilo wargal ah oo ku sugan Norway...

  • Faafin: SomaliTalk.com | Janaayo 23, 2011

Dowladda Norway ayaa joojisay qandaraaskii Soomaaliya loogu dhoofin lahaa markabka militeri ee KNM Horten ee laga iibiyey shirkad si gaar loo leeyahay ee heshiiska la gashay Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ah, waxaa sidaas lagu caddeeyey warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Norway.

"Waxaa is bedeley sababtii asaaska markii hore looga dhigay qandaraaska. Norway alaab iyo adeeg militari uma dhoofin karto meel colaadi ka jirto," sidaas waxaa yiri wasiirka Arrimaha dibadda ee Norway,  Jonas Gahr Støre..

Warku waxa uu xusay in Markabka militariga Norway ee KNM Horten laga iibiyey shirkadda Clear Ocean oo markaas sheegtay in waxa keliya oo markabka loo adeegsan doono ay tahay arrimo madani ah (in ay ilaalinayso kalluumaysiga Soomaaliya). Waxaa taas ka dambeeyey in Wasaaradda Arrimaha Dibadda hadda lasiiyey akhbaar cusub. Taas oo ah in shirkaddu ay qorshaynayso in markabka hubayso si ay adeeg la xiriira xagga amaanka uga fuliso xeebaha Soomaaliya, arrintaas oo u baahan laysanka dhoofinta. Sidaas ayaa lagu joojiyey laysankii ayaa warbixintu tibaaxday.

Waxaa jira warar laga helay xubno sare ku sugan Norway oo tibaaxaya in heshiiska Shirkadda reer Norway ee labaxday Clear Ocean uu la soo saxiixday mid kamid ah lataliyaasha gaarka ah (hadda) ee madaxweynaha DFKMG, oo xilligaas ahaa wasiir, safarrona ku tegey Norway intii u dhaxaysey 2009-2010.

Qandaraaska shirkaddaas oo ah toban (10) sano. Kaddib shirkaddu waxay Markabka dagaalka militariga Norway (ee KNM Horten ) kaga iibsadeen lacag dhan 45 million. Waxayna durbadiiba sheegtay in ay hubayn doonto markabka oo sidoo kale iibsanayso maraakiib kale iyo diyaaradaha qummaatiga u kaca. Hadda Dawladda Norway ayaa is hortaagtey qandaraaskii markabka Militariga.

Soomaalida Norway ayaa ka dhiidhiday in shirkad gaar loo yahay oo heshiis la gasho saasi lagu eedeeyo musuqmaasuq gacanta loo geliyo illaalinta iyo maareynta kheyraadka badda ee bulshadda Soomaaliyeed u dhexeeya. Waxayna hadda soo dhaweeyeen go'aanka cusub Norway.

Shirdon M. Abdikarim oo tirsan jaaliyadda Soomaalida Norway oo 19-kii Janaayo 2011 warsaxaafadeed ka soo saaray qandaraaskaas, isla markaasna xiriir la sameeyey Wasaaradda Arrimaha Dibadda Norway ayaa tibaaxay sida ay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Norway u diiday yihiin qandaraaskaas.

Shirdoon ayaa ku xeel dheeraaday sida jaaliyadda Soomaalida-Norway ay uga soo horjeedaan shirkad gaar loo leeyahay oo isku qarinaysa magaca la dagaalanka burcad badeeda. Waxana uu Shirdon M. Abdikarim sheegay in ay soo dhaweynayaan in Dawladda Norway ay hadda arrintaas is hortaagtey "Soomaalida Norway  waxa ay hadda ammaan gaar ah u jeedinayaan Dowladda Norway, gaar ahaan wasiirka arimaha dibadda sida uu arintaas u maareeyey," ayuu yiri.

  • FG. Arrinta ay Dawladda Norway is hortaagtey waa markabka Militariga ee ay ka iibisey shirkadda Clear Ocean. Laakiin waxaa muhiim ah in lagu baraarugsanaado in heshiiskii DFKMG iyo shirkadaas gaarka loo leeyahay aysan weli DFKMG war ka soo saarin ama ka laaban. Waxaana xusid mudan in ra’iisul Wasaaraha DFKMG uu sheegay in Janaayo 27, 2011 uu soo bandhigi doono dhammaan heshiisyada ay DFKMG la gashay shirkadaha shisheeye (heshiisyada muuqda iyo kuwa qarsoon, waa sidii uu hadalka u dhigay’e).

DFKMG oo Sheegtay in ay xiriirka u jarayaan Shirkadda SARACEN

Wasiirka Amniga DFKMG, C/xakiim Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa Isniintii (Jan 24) waxa uu sheegay in ay dhici karto in Soomaaliya ay ka laabato ogolaanshihii ay hore u siisay shirkadda Saracen ee ku saabsanaa tababarka militari ee shirkaddu ay DFKMG u tababari lahayd ciidamo. Waxana uu sabab arrintaas uga dhigay in Saracen ay ku lug leedahay Calaashood-u-shaqaytayaal, waa sida ay qortay AP.

Warbixinta kuma xusna ama Wasiirka Aminga ee DFKMG kama hadlin heshiiska ay shirkadda Clear Ocean oo sheegtay in ay adeeg miliatri u qaban doonto DFKMG.

Dhanka kale warbixin dheer oo ay Axadii qortay jariidadda New York Times (Qoraal ay cinwaan uga dhigtay "Somalia May Cut Ties to Mercenary Firm") ayaa tibaaxay in in Wasiirka Warfaafinta DFKMG uu Axadii sheegay in ay u badan tahay in DFKMG ay xiriirka u jarto Saracen International, shirkaddaas oo jariidaddu ku tilmaantay Calooshood u shaqaytayaal xiriir la leh Blackwater.

"Hadda waxaan si guud uga fekereynaa in heshiiskaasi uusan ahayn wax wanaagsan," ayuu yiri C/kareem Jaamac, wasiirka saxaafadda DFKMG oo intaas raaciyey "Ma dooneyno in ay wax ku darsanao Blackwater," isagoo xusaya hawlgalkii qeyru-masuulka ahaa ee Blackwater ka fulisey Ciraaq oo dad shacab ah ku dhinteen, ayey qortay NYTimes. Waxa kale oo jariidaddu sheegtay in dalalka deeqda bixiya ee Maraykanku ka mid yahay in ay su'aal geliyeen xiriirka DFKMG iyo Saracen.

Wasiirka Saxaafadda ayaa hore u soo saaray warsaxaafadeed uu ku cadaynayey xiriirka DFKMG iyo shirkadda SARACEN... AKHR HALKAN.

Shirkadaha Africa Oil, Range Resource iyo Lion Energy oo sheegay in wax laga bedeley heshiis ay la galeen Puntland, oo loo kordhiyey waqtiga ilaa Jan 2012

Warbixin ay fafisay hay’adda wararka ee Reuters ayaa tibaaxday in shirkadda Africa Oil Corp. ay sheegtay, ayadoo ay la jiraan shirkaddaha Range Resource Ltd. iyo Lion Energy Corp., in wax laga bedeley heshiis ay kula jireen Puntland, waxaana warbixintu sheegtay in Puntland ay wakiil u ahayd wakaaladda Batroolka iyo Macdanta ee Puntland heshiiskaas oo ku saabsan wax-soo-saar wadaagga sahaminta bartoolka ee dooxada Dharoor iyo dooxada Nugaal.

Warku waxa uu sheegay in shirkadahaas loo kordhiyey waqtiga sahaminta oo loogu daray 12 bilood oo ka bilaabanaya January 17, 2011 ilaa January 17, 2012. Waxaana heshiiskaas ka mid ah in Africa Oil ay tahay in ay ugu yaraan hal ceel ka sahamiso oo ka qodo Dharoor ugu dambayn marka la gaaro July 27, 2011. Waxaana la doonayaa in ay ceelka labaad ka sahamiso dooxada Nugaal ugu dambayn September 27, 2011.

Hore ayey shirkadda Africa Oil u sheegtay in ay sahamisay Dooxada Dharoor xilligii Cadde Muuse, laakiin ilaa hadda ma aysan shaacin wixii natiijo ahaa ee ay ka heshay aaggii ay baaritaanka ku samaysay.


Eeg warsaxaafadeedka Wasaaradda Arimaha dibadda ee Norway. http://www.regjeringen.no/ (ama hoos ka akhri)


http://www.regjeringen.no/


Press release , 21.01.2011

No export licence for KNM Horten

Source: http://www.regjeringen.no/

The Ministry of Foreign Affairs has decided not to grant an export licence for the former Norwegian support vessel KNM Horten. “The basis on which a licence was to be granted has changed. Norway cannot export goods or services for military use to conflict areas,” said Foreign Minister Jonas Gahr Støre.

KNM Horten was sold to Clear Ocean on the basis of information provided by the company at the time. The company originally stated that the vessel would be used exclusively for civilian purposes. Since then it has given the Ministry of Foreign Affairs new information. The company now plans to arm the vessel so that it can provide security services off the coast of Somalia, which requires an export licence.

The matter has been dealt with in close consultation with the Ministry of Defence.

The Ministry of Foreign Affairs emphasises that the Norwegian authorities have had no connection with any dealings between Clear Ocean and the Somali authorities at any time. The Ministry has conveyed this both to the company and to the Government of Somalia.

Minister of Foreign Affairs Duty Press Officer: +47 23 95 00 02


Nei til eksportlisens for KNM Horten

Source: http://e24.no/makro-og-politikk/article4000217.ece


Foto: Rakke, Morten

Utenriksdepartementet har besluttet ikke å gi eksportlisens til det tidligere støttefartøyet KNM Horten. Dermed går salget av fartøyet, som skulle brukes i Somalias farvann, i vasken.

Annonse

NTB

Publisert: 21.01.11 19:19, Oppdatert: 22.01.11 23:26

– Forutsetningene er endret. Norge kan ikke eksportere materiell eller tjenester til militær bruk i konfliktområder, sier utenriksminister Jonas Gahr Støre (Ap) i en pressemelding.

Det er nye opplysninger fra kjøperen om planer om å bevæpne fartøyet for å tilby sikkerhetstjenester utenfor kysten av Somalia som utløser krav om eksportlisens. Selskapet som ville kjøpe fartøyet, Clear Ocean, opplyste først at det ville benytte fartøyet til rent sivile formål.

45 millioner kroner

De første opplysningene gikk ut på at skipet – som selskapet skulle betale Forsvaret om lag 45 millioner kroner for, skulle brukes til fiskerioppsyn utenfor Somalia.

Forsvaret bestemte allerede i 2008 at fartøyet skulle selges, etter å ha vært i drift siden 1977. Senere er det blitt kjent at skipet skulle bevæpnes og bistå somaliske myndigheter i kampen mot pirater.

Oppsyn

UD skriver at saken er håndtert i full overensstemmelse med Forsvarsdepartementet. Det blir også understreket at norske myndigheter ikke på noe tidspunkt har vært involvert i forholdet mellom Clear Ocean og somaliske myndigheter.

Kjøpernes plan var å kjøpe inn fra seks-åtte skip, seks helikoptre og ett overvåkingsfly. Selskapet har undertegnet en tiårig fiskerioppsynskontrakt med somaliske myndigheter for blant annet å beskytte fiskeflåten mot piratangrep.
 

Faafin: SomaliTalk.com | January 23, 2011


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


warbixin Un Report Somalia

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: