SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYA

Shirkad laga leeyahay Norway oo Heshiis Cusub oo 10 Sano ah la gashay DFKMG, si ay u "ilaaliso" Kalluumaysiga Soomaaliya

Shirkaddaas oo Militariga Norway ka iibsatey Markab, sidoo kalena  iibsaneysa 6 helicopter, 8 markab, iyo diyaarad hawada wax ka sawirta...

"Kani waa qandaraas khaas ah. Waxaan nahay shirkadda keliya ee gaarka looleeyahay ee adduunka ka jirta ee maarayn doonta kalluumaysiga... " Sidaas waxaa yiri mulkiilaha shirkadda..

Warkan oo ku soo beegmay xilli Xubnaha Baarlamaanka DFKMG ay ku kala qaybsameen in Sharci Ciqaabaya loo sameeyo Burcadbadeedka, ayadoo qaarkood ku doodaya "Burcad Badeeda waxay Dagaal kula jiraan Maraakiibta Guranaya Khayraadkii Ummadda Soomaaliyeed"

  • Tarjumadii: SomaliTalk.com | January 18, 2011

    Waxay si rasmi ah shirkaddaasi u haysataa qandaraas toban (10) sano ah oo ay la gashay Dawladda Soomaaliya (DFKMG) si ay u difaacdo markiibta kalluumaysiga ee Soomaaliya, halka xaqiiqo ahaan ay arrintu ku saabsan tahay hawl-gal ka dhan ah burcad-badeedda, sidaas waxaa qortay jariidad ka soo baxda Norway...

    Shirkaddaas oo loo bixiyey magaca Clear Ocean waxaa leh sakaalka ka tirsanaan jirey ciidamada Svein Johnsen (49-jir) iyo qof jaalkiis oo magaciisa la qariyey, waxayna markabka dagaalka militariga Norway kaga iibsadeen lacag dhan 45 million.

    Markabka dagaalka waxaa kale oo dheeraad ka ah siddeed markab oo kale, iyo lix diyaaradaha qummaatiga u kaca ee loo yaqaa Helicpterada, iyo hal diyaarad ah oo kuwa hawada sare wax ka sawira (surveillance). Waxaana labada nin deyn ku qaateen 40 million oo dheeraad ka ah lacagta sare si ay ugu iibsadaan qalabkaas militari...


"Shirkad laga leeyahay Norway oo sheegatay in ay qandaraas la gashay DFKMG ay ku ilaalinayso Kalluunka Soomaaliya"

Shirkad laga leeyahay dalka Norway oo la magac baxday "Sifaynta Badweynta" (Clear Ocean) ayaa iibsatey markab dagaal oo ay lahayd dawladda Norway, markabka oo lagu magacaabo "Horten" waxay shirkaddu ka soo iibsatey wasaaradda Difaaca ee dalka Norway, ayadoo ujedada shirkaddaasi ay tahay in ay samayso shirkad ilaalisa kalluunka oo ka hawl gasha Soomaaliya, waxaa sidaas warbixinta ku bilowday jariidadda Dagens Næringsliv (DN) caddadkeedii Taalaada, Janaayo 18, 2011.

Qorshaha shirkaddaas ayaa ah in ay iibsato maraakiib kale oo tiradoodu tahay lix markab, iyo lix diyaaradaha qummaatiga u kaca ee loo yaqaa Helicopterada, iyo hal diyaarada oo kuwa wax sawira ah (surveillance) iyo shaqaale tiradoodu dhan tahay 150 oo ka hawlgeliya maraakiibta.

Shirkaddaasi waxay fulin doontaa in ay waardiye ka qabato aagga kalluumaysiga ee xeebta Soomaaliya, islamarkaasna ay maraakiibta ka difaacayaan burcad-badeeda, ayadoo hawshaas u fulinaysa xukuumadda Soomaaliya, ayey qortay jariidaddu.

"Kani waa qandaraas khaas ah. Waxaan nahay shirkadda keliya ee gaarka looleeyahay ee adduunka ka jirta ee maarayn doonta kalluumaysiga, oo cayrin-doonta burcad-badeeda, iyo guud ahaan difaacda biyaha taas oo aan hawshaas u qabanaayno Dawladda Soomaaliya, sidaas waxaa yiri Svein Johnsen oo kamid ah laba nin oo wadaaga shirkaddaas Clear Ocean, oo u waramayey jariidadda ka wax ka qorta  ganacsiga ee DN.

Waxana uu intaas raaciyey waxaa kale oo dhici karta in ay maraakiibta reer Norway ka difaacaan burcad badeeda haddii sidaas ay weydiistaan mulkiilayaashaa maraakiibta reer Norway, ayey qortay jariidadda DN.

Jariidadda oo halkaas faahfaahinaysey waxay qortay: sakaalka ka tirsanaan jirey ciidamada Svein Johnsen (49-jir) iyo qof jaalkiis oo magaciisa la qariyey ayaa markabka dagaalka ee KNM "Horton" waxay Norway kaga iibsadeen lacag dhan 45 million. Labada nin waxa intaas dheer 40 million oo kale oo ay deyn qaateen si ay ugu iibsadaan diyaarad iyo helikobtarro iyo qalab kale.

Warbixin dheeraad ah oo ay qortay jariidada kale ee NewsInEnglish (Norway) oo warkaas sii xoojisey ayaa waxaa ka mid ahaa: Ciidanka Badda ee Norqay waxay Markabka Horten ka iibiyeen nin hore u ahaan jirey milatari, islamarkaana noqday kabtan Qarammada Midoobay oo magaciisu yahay Svein Johnsen, iyo qof jaalkiis ah oo magaciisu majhuul yahay, waxayna markabka u isticmaalayaan la dagaalanka burcad badeedda.

Johnsen waxa uu jariidadda DN u sheegay in ganacsigooda cusub ee ladagaalanka burcad-badeedda oo uu ugu yeeray Sifaynta Badweynta (Clear Ocean) waxaa kamid noqonaya markabka dagaalka iyo siddeed markab oo kale oo cusub, 6 diyaaradaha qummaatiga u kaca iyo diyaarad hawada sare wax ka soo sawirta si ay u ilaaliyaan xeebaha badda Soomaaliya.

Maraarkiibta waa la hubaynayaa,ayuu yiri, diyaaradaha qummaatiga u kacana waxaa loo adeegsan doonaa in lagu ogaado meelaha ay ku sugan yihiin burcad-badeedda.

Waxay si rasmi ah shirkaddaasi u haysataa qandaraas toban (10) sano ah oo ay la gashay Dawladda Soomaaliya (DFKMG) si ay u difaacdo markiibta kalluumaysiga ee Soomaaliya, halka xaqiiqo ahaan ay arrintu ku saabsan tahay hawl-gal ka dhan ah burcad-badeedda,ayey qortay Jariidaddu.

Ninka kamid ah labada mulkiile ee u hadlayey shirkaddan Clear Ocean ee qandaraaska cusub lagashay DFKMG, waxa uu ku andacoodey in maraakiibta shirkadda ay ku hubaysnaan doonaan nooc hub ah oo burcad badeedda ku joojin kara meel fogaan ahaan u jirta laba kiiloomitir, "Haddii burcad badeeddu istaagi waayaan kahor inta aysan u soo gaarin meel u jirta 800 mitir, halkaas ayaa lagu joojin doonaa,"ayuu Johnsen u sheegay jariidadda DN, asagoo ku andacoodey inay diyaar tahay maalgelintii shirkadda Clear Ocean.

Ingebrigtsen oo ka tirsan Wasaaradda Difaaca Norway waxa uu sheegay in uusan wax muran ah ka qabin qorshaha hawlgalka markabka Horten, markabkaas oo xitaa mar ahaa markabka Boqortooyadda Norway. "Waxaan ku faraxsanahay in markabkaas lagu iibiyey qiime wanaagsan,’ ayuu yiri sarkaalka ka tirsan wasaaradda difaaca Norway oo intaas raaciyey "Wixii hadda ka dambeeya qaabka loo bedelayo shaqo kuma lihin, laakiin waxaan rajaynaynaa in loo adeegsado aag wanaagsan."

Shacabka Soomaaliyeed ayaa shaki weyn aad uga qabey Norway maadaama ay garab siinaysey heshiiskii Is-afgarad ee ku saabsanaan badda Soomaaliya ee dhexmaray DFKMG iyo Kenya. Markii Is-afgaradkaas ay baarlamaanka DFKMG fashiliyeen waxaa soo shaac baxayey qorshe ay qayb ka tahay xukuumadda FKMG oo lagu doonayo in lagu baab'iyo xeerkii Law No. 37 ee badda Soomaaliya ee dhigayey in dhul-badeedka Soomaaliya uu ahaa 200 maly-badeed sannadkii 1972, islamarkaasna aan laga hadlin kordhintii badda ee 350 mayl-badeed, taas oo shacabka Soomaaliyeed u arkaan in ay qorshahaas qayb ka yihiin Norway iyo Barwaaqasooranka Yurub, sida ay hore qoraalka uga soo saareen Saraakiishii Mileteriga Soomaaliya ee ku sugan Italy.

Warkan ka soo cusboonaaday heshiiska dhexmaray shirkadda Norway iyo DFKMG ee ku saabsan in shirkadda reer Norway ah ay ilaaliso kalluunka Soomaaliya ayaa ku soo beegmay xilli Xubnaha Baarlamaanka DFKMG ay ku kala qaybsameen in Sharci Ciqaabaya loo sameeyo Burcadbadeedka, islamarkaasna ay maraakiib faraadan oo militari ay dhooban yihiin xeebaha Soomaaliya.

Hoos ka akhri warka xildhibaanadda Baarlamaanka DFKMG oo qaarkood ku doodaya in "Burcad Badeeda waxay Dagaal kula jiraan Maraakiibta Guranaya Khayraadkii Ummadda Soomaaliyeed".

  • Officially, they have a 10-year contract with the government of Somalia to protect Somalia’s fishing fleet, while in reality it will entail anti-piracy operations. Read More...

Isha Warka sare ee Norway:

Warbixintii DFKMG ee safarkii Ra'iisul Wasaaraha DFKG xubno waftigiisii ka mid ahaa: waxaana la filayaa in Wasiirka Arrimaha Dibadda, Wasiiru Dowlaha Xafiiska R/wasaaraha iyo guddoomiyaha G/Banaadir inay u sii dhoofaan dalka Norway si ay uga qeyb galaan shir ay soo qaban qaabiyeen dalalka Norway, Sweden iyo Denmark kaasoo looga hadli doono arrimaha Dalka Soomaaliya gaar ahaana Siyaasada, Amniga, Gargaarka Bani’aadaminimada iyo sidii taageero dhaqaale loogu fidin lahaa hay’addaha dowladda Federaalka xilliga KMG ah. AKHRI....


Xubnaha Baarlamaanka oo ku kala qaybsamey in Sharci Ciqaabaya loo sameeyo Burcadbadeedka

Burcad Badeeda waxay Dagaal kula jiraan Maraakiibta Guranaya Khayraadkii Ummadda Soomaaliyeed

Sannadkii la soo Dhaafey waxay Qafaasheen 53 Markab iyo Badmaaxiin Gaareysa 1181 waxay lacag MadaxFurasho ay u heleen 238 Milyan oo Doolar


Kulan Talaadadii (Jan 18, 2011) ay isugu yimaadaan Xubnaha Baarlamaanka uuna shir Gudoominayey Gudoomiye ku xigeenka Kowaad ee Baarlamaanka Cabdi weli Cali Shiikh Ibraahim Muudeey ayaa si weyn looga doodey Sidii Sharci Ciqaab ah loogu sameyn lahaa Kooxaha Burcad badeeda ee waayadaan Dambe Qafaalasho Dhinaca Maraakiibta ka wadey Xeebaha somaaliyeed .

Dooda oo aad u kululeyd ayaa waxaa muuqdey in Barlamaanka uu ku kala qaybsamey Sharcigaas gaarka ah ee loo sameynayo kooxaha Burcad badeeda qaar baa soo jeediyey in xiligaan aan loo baahneyn in loo sameyo Sharci Ciqaabaya kooxaha burcad badeeda halka kuwa kale ay soo jeediyeen in xiligaan ay tahay xiligii ugu muhiimsanaa in Burcad badeedka loo sameeyo Sharci maadaama ay ku jiraan waxay ugu yeereen qaadicu Dariiqnimo aad u weyn maadaama ay wadada u galeen Maraakiibtii mareysey Xeebaha Soomaaliya isla markaan ay ku xadgudbeen Biyaha wadamo kale ayna jabiyeen Shuruucdii Badaha ee Caalamku degsadey.

Qaar ka mid Xildhibaanaa Baarlamaanka ayaa sheegey ama afka ku balaariyey in Kooxaha Burcad Badeeda ay yihiin kuwo dagaal kula jira Maraakbta shisheeye ee Badda Soomaaliya sida sharcidarrada uga jilaabanaya islamaarkaan sannooyinkii la soo dhaafey ay badda ku shubayeen suntan Halista ah ee ay ka soo harto Warshadaha reer Galbeed, waxayna ka digeen in xilgaan loo sameeyo sharci Ciqaabaya Kooxaha Burcad Badeedka.

Xildhibaanno kale ayaa sheegey in kooxaha Burcad ay sameeyeen Wadamada reer galbeed waayo mar hore ayey joojin lahaayeen Howlaha Burcad badeednimada iyagoo sheegey in Maraakiibta fara badan ee ku sugan Xeebaha soomaaliyeed ay ku hoos wataan Howlo kale oo ku saabsan kaluumeysi iyo in ay badda soomaaliya ku duugaan Sunta Niyuukleerka .

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xayd wuxuu sheegey in kooxaha Burcad Badeed ay dagaal kula jiraan Maraakiibta shisheeye ee guranaya Khayraad ummada Soomaaliyeed marka looma baahna in xilgaan la sameeyo sharci Ciqaabayaa Burcada Badeeda Xildhibaan kale ayaa soo jeediyey in sharciga Ciqaabta ee la sameynayo lagu darro Maraakiibta shisheeyey ee sida sharcidarada uga Kuluumeysanya Xeebaha Soomaaliya iyadoo markii dambe Gudoomiye ku xogeen uu soo jeediyey in guddi loo saaro Sharcigaas waxayna Xubnaha isugu jiraan Ragg Diinta Islaamka ku xeel dheer iyo sharciyaqaano wax ka yaqaan shuruucda badaha waxayn kala yihiin Muuse Nuur Amiin , Cumar Xasan Subeyr,Maxamed Maxamuud Xayd , Shiikh Axmed Cabdulaahi Xuseen Fanax, Shiikh Cabdi Khaaliq iyo Shiikh Cabduqaadir Shiikh Cali.

Sannadkii la soo dhaafey ayaa lagu tilmaamey sannadkii ugu Afduubka Badnaa Maraakiibta mareysey Xeebaha soomaaliya waayna Burcad badeedka Qafaasheen 53 Markab iyo Badmaaxiin gaareysa 1181 Badmaax waxaana Gacantooda ku dhintey 7 Badmaax ayaa lagu yiri warbixin ay soo saartey Hayada Badaha ee Caalamiga IBM waxayna Burcadadeedka haatan gacanta ku hayeen 28 Markab oo ay la socdaan Badmaaxiin gaareysa 638 Badmaax waxay kooxaha Burcad Badeed Madaxfurasho Lacageed u qaateen 238 Milyan oo Doolar .

Dhinaca kale waxaa Xilkii Xildhibaanimo iska Casiley Xildhibaan Jaylaani Cali Kadiye ka dib markii uu sheegey in uusan xilkaa wadi Karin isla marrkaana wuxuu sheegey in 2009 uu hore ugu gudbiyey istiqaaladiisa Gudoomiyaha Baarlamaanka.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | January 18, 2011


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


warbixin Un Report Somalia

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: