SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MARAAKIIB

Maraakiibta Shisheeye ee Kusugan Xeebaha Soomaaliya iyo "La Dagaalanka Burcad-Badeedda"....

  • Tarjumadii iyo Faalladii: SomaliTalk.com | Febraayo 2009

    Xeerka Qaramada Midoobey ee Badaha Adduunka waxa uu dhigayaa in fogaan ka durugsan xeebta oo ah 22 km (12 nmi) oo dhanka badda ah ay ka mid tahay dhulka dalkaas xeebta leh. Waxaa intaas sii dheer in dalka xeebta leh uu leeyahay xuquuqda gaarka ah ee kalluumaysiga iyo khayraadka badda sida batroolka iyo gaaska ilaa meel biyaha xeebta dalkaas u jirta 370 km (200 nautical miles). FG: Waxaa xusid mudan, marka laga hadlayo 370 km oo badda xeebta ka durugsan, in fogaantaasi ay ka bilaabaneyso 22 km ka dib, waayo 22km ee badda ku dhow xeebta waxaa loo aqoonsan yahay inay ka mid yihiin dhulka berriga ah ee dalkaas. Tixraac.


    Sh. Shariif waxa uu yiri "la dagaalanka burcad-badeedku waa arrin lama huraan ah, laakiin wada shaqaynta labada dal, Soomaaliya iyo Maraykanka, ayaa noqon karta xal wanaagsan." Feb 11, 2009

    Qaybta 1aad.

HORDHAC:

August 19, 2008 ayaa magaalada Jabuuti waxaa heshiis ku dhex maray DFKMG (garabkii ra'iisul wasaare Col. Nuur Cadde) iyo Ururka Dib u xoraynta Soomaaliya, garabka Jabuuti (ARS-J) oo uu ka mid ahaa Sheikh Shariif Sh. Axmed. Heshiiskaas oo ay dhex-dhaxaadiyeen Qaraamada Midoobey (QM), waxaana qoraal soo dhaweynaya heshiiskaas soo saaray  Septermebr 4, 2008 madaxa Golaha Ammaanka ee QM, waxaana qoraalkaas lagu amaanay wakiilka QM ee Soomaaliya Axmed Walad Cabdalla iyo xubnaha kale ee QM Soomaaliya oo ka qayb qaatay heshiisiintaas. Heshiiskaas oo dhigayey in 275 xubnood lagu daro baarlamaanka DFKMG oo laga dhigo 550. Waxaa durbadiiba soo baxday in heshiiskaasi khilaaf dhex dhigay madaxdii sare ee DFKMG (Madaxweyne iyo Ra'iisul wasaare).

September 20, 2008, Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, Axmed Walad Cabdalla oo ka hadlayey shir jaraa'id magaalada Jabuuti ayaa yiri: "waxaan doonayaa inaan mar kale Indhaha Qaramada Midoobey, qaybta Nabadgelyada Amaanka gaar ahaan kuwa joog-tada ah, (kusoo jeediyo) khatarta burcad badeeda sii kordheysa, waxayna dhibaato ku haysaa dhaqaalaha Gobolka, gaar ahaan Jabuuti, Yaman iyo Kiiniya, waxaana sare u kacay qiimaha caymiska maraakiibta iyo beeca shidaalka, circa ayey isku shareereen, rabshadaha ka dhacaya Muqdisho iyo burcad badeeda wey isku xiran yihiin".

September 24, 2008 dawladda Ruushka ayaa xeebaha Soomaaliya waxay  u dirtay markabka dagaalka ee lagu magacaabo Neustrashimy si uu ula dagaalamo burcad-badeedda Soomaaliyeed.

October 1, 2008 safiirka Soomaaliya u fadhiya Ruushka, Maxamed Xandulle ayaa warbaahinta Ruuska waxa uu u sheegay in madaxweynahii DFKMG, Cabdullaahi Yuusuf Axmed, uu militariga Ruushka u ansixiyay in ay burcad badeedda kula dagaalamaan badda iyo dhulka Soomaaliya. Laakiin hadal taas ka duwan waxaa sheegay guddoomiye xigeenka baarlmanaaka DFKMG.

October 2, 2008 Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka DFKMG, Prof. Maxamed Cumar Dalxa ayaa reer Galbeedka si kulul ugu cambaareeyey burcad badeeda Soomaaliya, isaga oo tilmaamay in reer Galbeedku lacago farabadan siiyaan burcadda marka ay maraakiibta qafaashaan, taas oo uu ku tilmaamay in la cayilinayo burcadda. Waxana uu intaas ku daray "Dowladaha reer Galbeedku waxaa ay xeebaha Soomaaliya ujoogaan oo keliya in ay gurtaan (ama xadaan) Khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya oo uu ku jiro kalluunka".

October 7, 2008 Golaha Ammaanka ee QM ayaa isku raacay Qaraar lambarkiisu ahaa Resolution 1838 (2008), kaas oo ku baaqay in "dalalka danaynaya ammaanka badaha ay ka qayb qaataan hawlaha lagula dagaalamayo burcadda badweynta ku aadan xeebaha Soomaaliya, gaar ahaan in ay halkaas u diraan maraakiibta iyo diyaaradaha militari, hab waafaqsan sharciga caalamiga ah." Maalintaa waxaa su'aalo la xiriira Soomaaliya la weydiiyey Safiirka Shiinaha, Zhang Yesui, su'aalahaas oo ahaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey maadaama ay ka hadlayeen burcad badeedda Soomaaliya "in ay soo hadal qaadeen dhibaatada sunta haraadiga ah ee lagu duugey xeebaha Soomaaliya iyo kalluumaysiga sharci darrada ah, oo ay Soomaalidu ka cabanayaan" ayey weydiisey InnerCityPress. Safiirka Shiinuhu si deg deg ah ayuu jawaabta su'aashaas uga gudbey isaga oo muujiyey in aan la soo hadal qaadin arrinta sunta & kalluumaysiga xad-dhaafka ah. [Daawo]

October 9, 2008 ayaa dalalka ku bahoobey NATO waxay isku raaceen in ay maraakiibta ciidanka u diraan xeebaha Soomaaliya si ay ula dagaalamaan burcad-badeedda. Waxay NATO xilligaas sheegeen in toddobaad gudihiis ay ilaa toddoba markab u dirayaan xeebaha Soomaaliya. Waxaa durbadiiba soo baxay hadallo is khilaafsan oo ka soo baxayey DFKMG oo ku aadan ogolaanshada iyo diidmada ciidamada shisheeye ee imanayey badda Soomaaliya.

October 13, 2008 ayaa Dr. Maxamed Jaamac Cali, oo ahaa xoghayaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo xiriirka caalamiga ah ee DFKMG, waxa uu sheegay: in kasta oo Soomaaliya dooneyso inay cirib siibto burcad-baddeeda "Haddana kuma faraxsanin in NATO ay keli la noqoto qoraalkeeda muujinaya in ciidamada isbahaystay aysan aqoonsanayn Dawladda Federaalka Soomaaliya." Waxana uu intaas raaciyey: ku dhawaaqida NATO waxa keliya oo ay caawin doontaa kuwa sida sharci darrada ah uga kalluumaysta biyaha Soomaaliya. "Waxaan beesha caalamka weydiisaney in ay anaga nagu garab siiyaan in aan dib u habayn ku samayno ciidankayaga badda oo (markaas) awood u yeelan doona in ay burcad badeedda ka cirib tiraan xeebaha Soomaaliya. Laakiin NATO waxay go'aan iska gaareen iyaga oo aan la soo socodsiin dawladda Soomaaliya oo masuulka ka ah xeebta Geeska Afrika," ayuu Dr. Maxamed Jaamac Cali waraysi ugu sheegay APA.

October 18, 2008, waxaa sidoo kale Prof. Dalxa, guddoomiye xigeenka baarlamaanka DFKMG oo ka hadlayey Nairobi uu sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya aan lagala tashan in maaraakiibta shisheeye ay burcad-badeedda kula dagaalamaan xeebaha Soomaaliya, arrintaasina ay ka hor imaneyso xornimada Soomaaliya. "Maraakiibta shisheeye wax fasax ah uma haystaan in ay burcad-badeed kula dagaalamaan Soomaaliya. Sharci noocaas ah Soomaaliya ma leh. Waa in anaga nagala tashado inta aan arrintaas lagu dhaqaaqin," ayuu yiri Dalxa.

October 19, 2008 hadalka Prof. Dalxa mid ka soo horjeeda waxaa sheegay ra'iisul wasaarahii DFKMG, Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho. Waxana Nuur Cadde yiri "Ciidamada NATO ogolaansho buuxda ayey u haystaan in ay burcad-badeedda kula dagaalamaan baddayada, waayo DFKMG ayaa sidaas ka dalbatay Qaramada Midoobey."

October 21, 2008 waxaa lagu soo waramay in toddoba markab oo ay leedahay NATO, oo ka socda lix dal, ay gaareen Jabuuti iyaga oo kusii jeeda xeebaha Soomaaliya.

December 16, 2008 ayaa waxaa cirka isku shareeray khilaafkii Nuur Cadde iyo C/laahi Yuusuf ee ka soo bilowday heshiiskii Jabuuti (DFKMG & ARS-J). Maalintaas C/laahi Yuusuf waxa uu ra'iisul wasaare u magacaabay Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma-Dheere). Laakiin Gacma-Dheere waxa uu is casiley December 24, 2008. Waxaa markaas bannaanka u soo shaac baxay khilaafka madaxda sare ee DFKMG  oo gaarey heer aan wax laga qaban karin.

December 29, 2008 ayaa waxaa xilka madaxweynanimada DFKMG iska casiley C/laahi Yuusuf Axmed, waxana uu markaas aadey Puntland, kaddibna ka sii aadey Yemen. Iscasilaadii Yuusuf kaddib, waxaa January 28, 2009 xildhibaanada Baarlamaanka DFKMG lagu kordhiyey 200 oo xildhibaan oo ah garabka ARS-J.

January 15, 2009 ciidamadii Itoobiya ayaa 749 maalmood kaddib waxay ka baxay magaalada Muqdisho oo ay galeen Dec. 28, 2006. Intii ay ciidamadaasi dalka ku sugnaayeen waxaa cirka isku shareeray burcad badeedda, waxayna ciidamadii Itoobiya iska caabin xoog leh kala kulmeen Muqdisho.

January 30, 2009 waxaa madaxweynaha DFKMG loo doortay Sh. Shariif Sh. Axmed. Madaxweynaha cusub markii la doortay, xafladdi dhaarta Jan 31, 2009, wixii ugu horeeyey ee ka hadlay waxaa ka mid ahaa burcad badeedda Soomaaliya. Sidoo kale waraysigii ugu horeeyey ee Sh. Shariif uu siiyo Warbaahinta Maraykanka, ABC, waxa uu kaga hadlay burcad badeeda (Warbixin kooban oo waraysiga ABC waxaad ku arki doontaan dhanka hoose ee qoraalkan). Nuur Cadde oo filayey in uu xilkaas qaban doono, uma suurta gelin, waayo xildhibaanada codeynayey waxaa ku jirey 200 oo ka socdey ARS-J. Waxana uu sidaas ku waayey ra'iisul wasaaranimadii DFKMG.

February 13, 2009 Madaxweynaha DFKMG, Sh. Shariif Sh. Axmed, waxa uu ra'iisul wasaaraha DFKMG u magacaabay Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo uu dhalay madaxweynihii labaad ee dawladdii Soomaaliya Cabdirashiid Cali Sharmaarke,  Allaha ha u naxariistee, oo la diley Oct 15, 1969.

Ciidamada Ku Sugan Badaha Soomaaliya

Qiyaastii 20 ilaa 30 Maraakiibta Dagaalka oo ka yimid 14 dal ayaa la rumaysan yahay in ay ku gaaf wareegayaan xeebaha la olloga ah Soomaaliya ee Badda Cas iyo Badweynta Hindiya. Maraakiibtaas tiradooda rasmiga ah iyo meelaha ay ku sugan yihiin lama oga - arrimo la xiriira xagga ammaanka awgeed - sidaas waxaa qortay PostChronicle.

Xeebta Soomaaliya dhererkeeda waxaa lagu qiyaasaa 3333 km, oo ka soo bilaabanaysa Jabuuti oo gaareysa Awdal ilaa Raas Casayr ilaa Raas Kambooni.

Haddaba waxaan qaybtan ku eegeynaa dalalka ilaa hadda la ogyahay ee maraakiibta u soo diray Soomaaliya iyo waqtigii maraakiibtaasi tageen xeebaha Soomaaliya.

MARAAKIIBTA RUUSHKA:

Dawladda Ruushku waxay ka mid ahayd dalalkii ugu horeysey ee maraarkiibta dagaal u soo dira xeebaha Soomaaliya (sida shaaca laga qaaday).

Ruushku waxa uu bishii September 2008 xeebaha Soomaaliya u dirtay markabka dagaalka ee loo yaqaan Neustrashimy (ma-cabsade) si uu "maraakiibta ganacsiga uga difaaco burcad badeedda". Intii uusan markaabsi gaarin xeebaha Soomaaliya waxa uu October 11, 2008 ku hakaday magaalada Tripoli, Libya si uu sahay iyo shidaal uga sii qaato. Dabayaaqadii October ama horaantii November 2008 ayaa markabkaasi tegey xeebaha Soomaaliya. January 7, 2009 ayaa markaabkaas waxaa lagu bedeley markabka kale ee loo yaqaan Admiral Vinogradov, waxana uu markabkaasi xeebaha Soomaaliya gaarey isagoo ay la socdaan dooni ah kuwa wax jiida iyo laba markab oo kuwa shidaalka qaada ah. Kaddib waxaa ruushka markabkaas ka daba keenay ama kusoo biiriyey laba markab oo kale oo uu ka soo diray badda madow (Black Sea). Warar ay faafiyeen warbaahinta ayaa lagu sheegay in shaqaalaha saarnaa markabka Neustrashimy ay la soo derseen xanuun ka dhasha nafaqa darada, taas oo ay si kulul u beeniyeen saraakiisha Ruushku, sida ay faafisay RIA Novosti.


Markabka Neustrashimy ee Ruushku u diray Soomaaliya. Sawirka: Wikipedia

MARAAKIIBTA MIDAWGA YURUB (EU)

Dalalka Midawga Yurub waxay bishii December 2008 xeebaha Soomaaliya u direen ciidamo Cirka iyo Badda, kuwaas oo bedeley maraakiibtii NATO. Wajiga koowaad oo ka bilaabanayey December 2008 ilaa March 2009 waxaa ka qayb qaadanaya qiyaastii toban dal oo reer Yurub ah, oo ay ku jiraan Greece, France, Germany iyo Britain. Markabka dagaalka ee FDS Karlsruhe oo laga leeyahay Jarmalka ayaa bishii December 2008 waxa uu xeebaha Khaliijka Cadmeed kula dagaalamay burcad soo weerartay.


Markabka Jarmalka ee Karlsruhe. Sawirka: GoogleImages

MARAAKIIBTA IIRAAN:

Koox Maraakiib ah oo ah kuwa dagaalka ee Iiraan ayaa gaarey Badda Cas si ay ula dagaalamaan Burcad Badeedda Soomaalida, sidaas waxaa December 20, 2008 sheegay Raadiyaha ay maamusho dawladda Iiraan, sida laga soo xigtey Fars News Agency. Warkaasi waxa uu soo baxay dhawr toddobaad oo keliya kaddib markii dalalka reer Yurub ay bilaabeen in ay maraakiibtii ugu horweysey ee dagaal u diraan xeebaha Soomaaliya. Wararku waxay xilligaas sheegeen in maraakiibta Iiran ay ku biirayaan maraakiib dagaal oo aaggaas ku sugnaa oo ka kala yimid EU, US, India, Russia, Malaysia  iyo dalal kale.


Markab reer Iiraan, Sawirka Googleimages

MARAAKIIBTA SHIINAHA

Saddex markab oo ah Maraakiibta Dagaalka ee Shiinaha ayaa waxay Xeebaha Soomaaliya yimaadeenbishii Janaury 2009, taas oo ah markii ugu horeysey taariikhda ee dawladda Beijing (Bakiin) ay maraakiibteeda dagaalka u dirto meel ka baxsan biyaha dalkeeda.


Markab Shiine ah markii Dec. 26, 2008 loo diray xeebaha Soomaaliya. Sawirka: Xinhua

Saddexda Markab Dagaal ee Shiinuhu u diray Xeebaha Soomaaliya, si ay ula dagaalamaan burcadda, waxaa wararku tibaaxeen in ay yihiin maraakiibta ugu casri san ee ay leedahay dawladda Shiinuhu. Markabka DDG-169 Wuhan oo kamid ah maraakiibtaas Shiinaha oo miisaankiisu yahay 7,000 tonnes, waxa uu ku qalabaysan yahay 16 gantaal oo lagula dagaalamo maraakiibta, 48 gantaal oo ah nooca sagxadda laga gamo oo cirka loo diri karo, iyo hubka meesha dhaw laga ridi karo iyo diyaarad qumaatiga u kacda.


Markab Shiine ah markii Dec. 26, 2008 loo diray xeebaha Soomaaliya. Sawirka: Xinhua

MARAAKIIBTA HINDIYA

Dalka Hindiya waxa uu bishii October 2008 Soomaaliya u diray markab dagaalka ee lagu magacaabo INS Tabar, markabkaas oo loogu talo galay inuu waardiyeeyo doonyaha/maraakiibta laga leeyahay Hindiya ee aaggaas maraya. Markabkaas Tabar waxaa November 18, 2008 weerar ku soo qaaday doonta laga hago burcadda Soomaaliyeed, waa sida ay sheegeen ciidamada Badda ee Hindiya, waxa markabkaasi ku jawaabey inuu rasaas ku furo doonta oo halkaas doontii kudejiyo (Taas oo warar ka daba yimaadeen, sida hoos ku qoran). Bishii November 2008 Hindiya waxay markabka INS Tabar ku bedeshey markabka kale ee INS Mysore. Waxaana sannadkan 2009 markabkaas ay ku sii bedeleen markabka kale ee INS Beas.


Markabka INS Tabar ee India ay u dirtay xeebaha Soomaaliya. Sawirka: GoogleImages

Ciidanka Badda ee Hindiya waxay sheegeen in November 18, 2008 ay dajiyeen dooni ay ku tilmaameen Hooyada doonyaha burcadda Soomaalida, waxayna sheegeen in ay doontaas ku dajiyey meel 528km (285 nautical miles ) koonfur kaga aadan Salalah ee dalka Cumaan. Waxaana Hindiya ku adkaysatay in marka hore doontaas rasaas lagaga soo furay oo ay is-difaacayeen.

Laakiin, waxaa durbaadii xaqiiqo noqotay in doontaasi ahayd dooni kalluumaysato oo laga leeyahay dalka Thailand, sida uu xaqiijiyay mulkiilahii doontaas oo magaciisa la yiraahdo Wicharn Sirichaiekawat. Doontaas oo magaceedu ahaa Ekawat Nava 5, waxa uu mulkiilahu sheegay in doontaas oo qalab kalluumaysi geyn lahayd Cumaan ay markii hore soo weerareen laba doonyood oo kuwa dheereeya ah oo ay leeyihiin burcad badeed. Doontaas oo markaas ay burcaddu weerarayaan ayaa markabka Hindiya doontii qudheeedii dajiyey. Waxaa ka soo badbaadey hal nin oo shaqaalahii ahaa oo lix maalmood kaddib laga helay Gacanka cadmeed, waxaana la waayey 14 shaqaalahii ahaa.

Arrintaas ayaa ku soo beegantay xilli dawladda Thailand ay dhexdeeda isku buuqsanayd. Waxaa xilligaas bishii November 2008 ay kooxo dawladda Thailand ku kacsani la wareegeen labada garoon ee caalamiga ah ee Bangkok, kuwaas oo dawladda qiilqiil geliyey. Sidaas darteed uma muuqan in muran doontii ay Hindiya dejisay ay meel dheer gaartey.


Nov 18, 2008. Dooni ay ciidanka Hindiya ku dejineen xeebaha Somalia oo gubaneysa. Sawirka: GoogleImages

MARAAKIIBTA MALAYISA

September 7, 2008 waxaa xeebaha Soomaaliya gaarey saddex markab oo kuwa dagaalka ah oo laga leeyahay dalka Malaysiya si ay ula dagaalamaan burcad badeedda. Saddexdaas markab oo ah KD Pahang, KD Lekiu iyo KD Sri Inderapura.


Markabka KD Lekiu ee Malaysiya ee loo diray Somalia. Sawirka: GoogleImages

Markab dagaal oo laga leeyahay dalka Malaysia ayaa waxa uu January 1, 2009 diyaarad kuwa qumaatiga u kaca u diray markab xamuul oo laga leeyahay Hindiya si diyaaradaasi uga difaacdo burcad badeed Soomaaliyeed oo markaas weeraray markabka Hindiya oo marayey Gacanka Cadmeed, sida wararku tibaaxeen.

MARAAKIIBTA TURKIGA:

Baarlamaanka Turkiga ayaa Talaadadii (Feb. 10, 2009) waxa uu ansixiyey in dalkaasi uu maraakiibta dagaalka-badda u diro xeebaha Soomaaliya si ay ula dagaalamaan burcad badeedda Soomaalida. Waxaana la filayaa in dabayaaqada bishan (February 2009) in Turkiga uu markabka ugu horeeya ee xeebaha Soomaaliya u dirayo uu noqdo markabka lagu magacaabo TCG Giresun (F-491).


Markabka TCG Giresun (F-491) ee Turkiga ee loo dirayo Soomaaliya. Sawirka: Googleimages

MARAAKIIBTA JAPAN

Dawladda Japan ayaa lagu wadaa in bisha March 2009 ay ugu yaraan laba markab oo kuwa dagaalka ah u dirto aagga xeebaha Soomaaliya si ay maraakiibta ganacsiga ee reer Japan uga waardiyeeyaan burcadda. Labada markab ee lagu wado in Japan u diro waa Sazanami (oo ah 4,650-ton ) iyo Samidare (4,550-ton ). Waxaa la filayaa in maraakiibtaas la diro kaddib marka uu baarlamaanka dalkaasi ansixiyo, waayo xeerka hadda u dhigan Japan waxa uu dhigayaa in ay is-difaaci karaan  maraakiibtooda, balse xeerkaas waxaa la doonayaa in la khafiifiyo xannibaadda adeegsiga hubka.


Markabka Samidare ee Japan ee la filayo in lo diro xeebaha Soomaaliya. Sawirka: GoogleImages

XOOGAGGA LAGU MIDEEYEY MAGACA  (CTF-151)

Ciidanka Badda Maraykanka (U.S. Navy) waxay January 8, 2009 shaaca ka qaadeen in la asaasay hawlagal ciidanka badda oo loogu magac daray CTF-151 (Combined Task Force 151) oo loogu talo galay in lagula dagaalamo burcad badeedda ka qawlaysata Badda Cas iyo Bad-weynta Hindiya ee ku xeeran Soomaaliya. Waxaana hawlgalkaas laga hagayaa Markabka San Antonio oo ay weheliyaan laba markab oo kuwa diyaaradaha xambaara ah iyo laba markab oo kuwa ciidanka badda ah. Hawl galkaas CTF-151 waxaa ka qayb qaadanaya ilaa 20 dal. Waxaana madax looga dhigay Admiral Terence McKnight oo ka tirsan ciidanka badda ee Maraykanka.

Ciidanka Maraykanka oo Badda Cas ka Qabtay 16 Soomaali ah oo Looga Shakiyey Burcad badeed.. (Feb 11/12, 2009)


Sawirka Lewis & Clark oo ay faafiyeen militariga maraykaanka - Jan 29, 2009: AP

Tiro gaareysey 16 Soomaali ah ayaa ciidamada badda ee Maraykanku waxay ku qabteen laba doonyood oo kala duwan, waxaana dadkaas oo looga shakiyey burcad badeed lageeyey markabka Maraykanka ee USNS Lewis & Clark, kaas oo ah markab hubka qaada oo loo rogey xabsi-badeed, sidaas waxaa qortay shabakada telefishanka ABC. Labadaas dhacdo ayaa ahaa:

  1. Abaracdii Feb. 11, 2009 ayaa markabka dagaalka ee Marayknka ee Vella Gulf waxa uu qaybtay 7 Soomaali ah oo looga shakiyey burcad badeed, kaddib markii uu gargaar dalbaday markabka ganacsiga ee lagu magaaco Polaris oo sita caalanka Marshall Islands, kaas oo sheegay in burcaddu isku dayday in markabka soo fuulaan oo ay jaranjaaradii ka tuureen, oo markaas qaylo dhaan dirsadeen, sidaas ayaa Maraynaku raggaas ku qabtaytay.
  2. Dhacdada labaad ayaa ahayd Khamiis Feb 12, 2009 kaddib markii uu qaylo dhaan dirsaday markabka MV Premdivya oo laga leeyahay dalka Hidiya oo sheegtay in burcad soo weerartay, markaas ayaa diyaarad ka soo duushay markabka Vella Gulf waxay rasaas "digniin" ah ku ridey 9 nin oo Soomaali ah oo isku deyey in ay cararaan. Markii la soo qabtay waxaa lagu daray 7-dii hore loogu hayey markabka dagaalka.



Sawirada Soomaalida la qabtay Feb 11, 2009. Sawirada: ABC

Sidoo kale, Khamiistii, Feb 12, 2009, Diyaarad kuwa qummaatiga u kaca oo ka duushay markab dagaal oo laga leeyahay Spain (oo lagu magacaabo Victoria) ayaa rasaas digniin ah ku riday burcad badeed isku deyayey in ay afduubtaan markab marayey badda la ollogga ah Soomaaliya. Bishii Janaayo 2009 ayaa dalka Spain waxay badda Soomaaliya u dirtay markabka dagaalka ee Victoria.

Filim laga Duubay Soomaalida lagu qabtay badda Soomaaliya:  Daawo..


Nin ka damida dadka lagu qabtay badda Soomaaliya. Sawirka: Video AP
DAAWO: SOOMAALI LAGU XIRAY MARKAB KORKIIS

Ciidamada Badda ee Denmark oo Rag Looga Shakiyey Burcad-badeed Soomaaliyeed ku wareejiyey Holland (Feb 10, 2009)

Afhayeen u hadlay Ciidmada badda ee Holland ayaa sheegay in ay Talaadadii (Feb. 10, 2009) la wareegeen shan nin oo looga shakiyey burcad badeed Soomaaliyeed oo ilaa bishii Janaayo (2009) ay gacanta ku hayeen ciidmada Denmark. Waxaa raggaas lagula kala wareeegey dalka Baxrain. Waxaana laga yaabaa in shantaas nin la geeyo dalka Netherlands (Holland) si dacwad loogu oogo.

Video: Doon lagu sheegay Burcad badeed Soomaaliyeed oo rasaas lagu furayo, oo gubaneysa: Halkan ka daawo.


Denmark oo qabatay 5 "Burcad badeed soomaali ah" Jan 2, 09. Sawirka: AFP
DAAWO: Markab Danish ah oo Qarxinaya Doon "burcad"

January 2, 2009 ayey ahayd markii shanta Soomalida ah la sheegay in ay isku dayeen in ay qafaashaan markab ka diiwaan gashan dalka Holland. Laakiin diyaarad ka soo duushay markabka Absalon ee Denmark ayaa rasaas "digniin" ah waxay ku furtay dooni ay wateen ragga looga shakiyey burcad badeedda. Sidoo kale waxaa markabka laga ridey aaladda loogu talo-galay xaallada degdeg ah ee wax ifisa oo ay ku rideen doonta "burcad-badeeda", markaas ayaa doontii "burcadda" waxaa qabsaday dab, taas oo ragga looga shakiyey burcad-badeedka ku khasabtay in ay badda ku boodaan. Markaas ayaa Markabka Denmark waxa uu badda ka soo qabtay raggii Soomaaliyeed. Waxaa nimankaas lagu hayey markabka Denmark wixii ka horeysey Talaadadii (Feb. 10, 2009) markaas oo lagu wareejiyey ciidmada badda ee Holland.


Markabka Absalon ee Denmark. Sawirka: timstimes

Markab Ruush ah oo Qabtay Saddex Doonyood oo Soomaaliyeed oo Looga Shakiyey Burcad badeed (Jimce, Feb 13, 2009)

Markabka Ruushka ee Pyotr Veliky (Peter the Great) ayaa xeebaha Soomaaliya ka qabtay saddex doonyood oo lagu sheegay burcad badeed. Wakaaladda Wararka Ruushka, Interfax, oo soo xiganeysey saraakiil ciidmada badda Ruushka, ayaa sheegay in markabkaasi qabtay 10 nin oo saarnaa doonyahaas.


Markabka Peter the Great ee Ruushka. Sawirka: Googleimages

shariif

"Burcad badeedda waxaa lagula dagaalami karaa dawlad Soomaaliyeed oo xoog leh"

"Welwelka Caalamka ka haya Burcad-Badeedda, iyo afkaarta khaldan ee loo nisbaynayo diinta, waxaan ka qaban doonaa waxyaabo la taaban karo, anagoo ku wajahayna hab fikri ah oo diini ah iyo dhaqankii ummadda Soomaaliyeed ee saliimka ahaa ee ku salaysnaa diinta Islaamka," ayuu yiri Sheikh Shariif Sh. Axmed khudbadiisii ugu horeysey markii loo dhaariyey madaxweynaha DFKMG, Xafladii Dhaarta, Jabuuti, Jan 31, 2009.

Sidoo kale, Sh. Shariif waraysigii ugu horeeyey ee uu siiyo warbaahinta Maraykanka, gaar ahaan ABC, February 11, 2009, waxa uu kaga hadlay burcad-badeedda, isaga oo sheegay in ciidamada badda ee Soomaalidu ay waardiyeyn doonaan badda, halka ciidamada ammaanka ee qaranku ay ka hawl gelayaan berriga.

Sidoo kale, Sh. Shariif waraysigii ugu horeeyey ee uu siiyo warbaahinta wararka u faafisa Qaramada Midoobey ee Afrikada Bari ee loo yaqaan IRIN, February 12, 2009, oo weydiisey "Waxaa jira cudud militaro oo aad u xoog weyn si ay burcad badeedda ugala dagaalamaan xeebaha Soomaaliya. Ma u malaynaysaa in taasi tahay habka ugu wanaagsan ee dhibaatadaas lagula dagaalami karo? Waxa uu ku jawaabey:  "Waxay ila tahay habka ugu wanaagsan ee lagula dagaalami karo burcad badeedda Soomaaliya in ay tahay in la helo dawlad xoog leh oo shaqaynaysa oo awood u leh qaadista xilka ammaanka dhulka iyo badda. Laakiin sidoo kale waan fahmi karaa marka maraakiibta la afduubayo in dalalku aysan iska taagnayn iyaga oo faraha ka laabanaya. Sababtaas weeye tan ay xooggaga shisheeye ee badda jooga ay ficilka u qaadanayaan."

Waxaa warbixintu tibaaxday in burcad-badeedda Soomaaliyeed ay u qafaalan yihiin ama haystaan ilaa toddoba markab oo ay saaran yihiin shaqaale gaaraya ilaa 123 oo loo haysto madax furasho. Taas oo Sh. Shariif ku baaqay in dadkaas la siidaayo, sida ay sheegtay ABC.

Sh. Shariif waxa uu yiri "la dagaalanka burcad-badeedku waa arrin lama huraan ah, laakiin wada shaqaynta labada dal, Soomaaliya iyo Maraykanka, ayaa noqon karta xal wanaagsan."

Warbixintu waxay xustay in Sh. Shariif ka mid ahaa maxkamadihii Islaamiga ee 2006 markii ay qabsadeen Muqdisho ay yaraatay Burca-badeeddu. Laakiin, ayey tiri warbixintu, dhibaatada burcad badeedda uu dhaxlay waa mid aad uga duwan tii hore ay u xallin gaareen. Burcad badeeddu waxay bilaabatay kaddib markii kalluumaysatadii Soomaaliyeed ay afduubeen doonyo iyaga oo dhahaya waxay baddooda ka difaacayaan sida sharci darrada ah ee looga kallluumaysanayo. Waxay taasi isu bedeshay in lacag badan oo madax furasho la qaadanayo si fal-dembiyeed ah.

"Sannadkii 2006 dhibaatadu sida ay hadda tahay waa ka yarayd; waxaa sahlanaa in lagu socdaalo xeebahaas oo la yiraahdo "Joojiya (burcad nimada)," sidaas waxa ayiri Ken Menkhaus oo ah macallin wax ka dhiga Davidson College oo ku taal North Carolina, USA, oo 25 sano ka shaqeeyey arrimaha Soomaaliya. Waxana uu intaas ku daray "Waa ganacsi maafiyo hadda. Arrintu aad ayy saraysaa." Waxana uu intaas ku daray "Waa arrin aan macquul ahayn in laga fili karo dawladda cusub ee jilicsan in ay burcad badeeda joojiso sannadka soo socda."

Khamiistii (Feb. 12, 2009) ayaa waxaa madaafiic lagu garaacay markab ku xirnaa dekeda magaalada Muqdisho. Markabkaas oo lagu magacaabo Global Progress waxaa la sheegay in uu hub u sidey "DFKMG" iyo AMISOM. Waxaa wararku sheegeen in 3 qof ku dhinteen madaafiicdaas, waxaana la dhaawacay 7 qof. Kusimaha Maareeyaha Dekeda Muqdisho, Axmed Xasan Wataac, waxa uu sheegay in markabkaasi qalab militari u sidey ciidamada AMISOM.

Burcadda waxaa keenay adeegyada bulashada oo aan jirin iyo kalluumaysiga sharci darrada iyo sunta la duugayo

Ra'iisul wasaaraha DFKMG, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, waraysigii ugu horeeyey ee uu siiyo warbaahinta reer Galbeedka, gaar ahaan hay'adda Reuters, Feb 16, 2009, waxa uu kaga hadlay burcad badeedda iyo xalkeeda.

cumar

"Kooxaha hubaysan iyo Burcad badeedda xeebaha Soomaaliya waxaa si fudud loo xallin karaa haddii la wajaho arrimaha asaaska u ah oo ah dawlad la'aanta, iyada oo aysan jirin saldhigyadii adeegga bulshada iyo shaqo la'aan baahsan oo haysata dhallinyarada."

Waxana uu intaas ku daray "ma oranaya burcad badeedda hadda ayaa hore laga joojin karaa. Waxay ila tahay in la yaran karo. Waxaana xaqiiqo ahaan isku dayi doonaa in aan asaasno oo xoojino hay'adaha dawladda." Waxa kale oo uu yiri waa in beesha caalamku wajahaan wax ka qabashada kalluumaysiga sharci darrada ah iyo haraadiga sunta halista ah oo lagu duugo biyaha Soomaaliya, kuwaas oo sabab u ah in qaar kamida burcad badeedu ay markii hore hubka u qaateen.

Arrimahaas is daba socda waxaa ka horeeyey warbixinno sheegayey in xeebaha Soomaaliya laga soo bilaabo 1991, burburkii qaran, in shirkado iyo dalal shisheeye ay ku duugayeen Sun. Waxaa taas garab socdey in si xad dhaaf ah xeebaha Soomaaliya ay shirkado iyo dalal shisheeye u xaalufinayeen khayraadka badda, sida kalluunka. Prof Dalxa hadaladisii waxaa ka mid ahaa  "Dowladaha reer Galbeedku waxaa ay xeebaha Soomaaliya u joogaan oo keliya in ay gurtaan Khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya oo uu ku jiro kalluunka".

La soco Qaybta Labaad. Insha Allah


Burcad Badeedda Soomaaliyeed ee Haysata Markabka Masaarida oo Sheegtay in aysan Markaabkaas Dhawaan Siidayn doonin... Sawirro Qarsoodi ah oo Laga Qaaday Burcad-Badeeddii Haysatay Markaabkii Sacuudiga... Akhri...

walad cabdalla
Hay'adda Human Rights Watch oo Axmed Walad Cabdalla ka Dalbatay in uu Ka Laabto Hadal uu ka Sheegay Weriyaasha Soomaaliyeed - Waxa kale oo hay'addu dalbatay in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo eedaynta in ciidamada AMISOM ay dad shacab ah ku laayeen Muqdisho... Akhri..

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 12, 2009 | Edited: Feb 13, 2009


qaddaafiMadaxweynaha Liibiya oo ka hadlay (Burcad-badeedka Soomaaliya) waxa uu yiri "Waxay jawaab u tahay Cir-waynaanta Reer Galbeedka, kuwaas oo soo weeraray oo weliba si ku dul-noolaansho ah u adeegsadey khayraadka badda Soomaaliya si sharci darro ah," ayuu yiri.
"Ma aha Burcad-badeed, waa is-difaacid. Waa difaacid cuntada carruurta Soomaaliyeed," ayuu yiri Col Gaddafi.
Akhri: Qaddaafi oo Difaacay Burcad-Badeedda Soomaaliya..

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS