SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - HRW

Hay'adda Human Rights Watch oo Axmed Walad Cabdalla ka Dalbatay in uu Ka Laabto Hadal uu ka Sheegay Weriyaasha Soomaaliyeed...

  • Human Rights Watch waxay Axmed Walad Cabdalla ka Dalbatay inuu Degdeg uga Laabto Hadal uu Weriyaasha Soomaalida ku Barbar Dhigay Raadiyihii Kiciyey Xasuuqii Rwanda. Waxa kale oo hay'addu dalbatay in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo eedaynta in ciidamada AMISOM ay dad shacab ah ku laayeen Muqdisho...

    Tarjumadii SomaliTalk.com | Feb 8, 2009

Qoraal dheer oo ay soo saartay hay'adda u dooda xuquuqal Insaanka ee Human Rights Watch ayaa si kulul ugu jawaabey Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey u Qaabilsan Soomaaliya, Axmed Walad Cabdalla, hadalkiisii uu ku beeniyey in ciidamada AMISOM ay Muqdisho ku laayeen dad shacab ah dhacdadii Febraayo 2, 2009, taas oo hay'addu dalbatay in loo sameeyo Guddi baaritaan madax bannaan oo soo baara.

Waxa kale oo Hay'addu ay Axmed Walad Cabdalla ka dalbatey in uu degdeg uga laabto hadalkiisii uu weriyaasha Soomaalida ee ka warbixiyey dhacdadii (Muqdisho ee Feb 2) uu ku barbar dhigay Radio Mille Collines, oo ahaa raadiyihii  loo adeegsadey sidii loo kicin  lahaa shacabka reer Rwanda sannadkii 1994 si ay uga qayb qaataan xasuuqii lagu diley dad gaarayey ilaa 800,000 oo qof.

Haddaba, qoraalkii hay'adda Human Rights Watch oo SomaliTalk.com ku tarjumtey Af-Soomaali waa kan hoos ku qoran:

Soomaaliya: Rabshadaha Cusub Waxay Keenayaan Baahida Loo Qabo Baaritaan Madax Bannaan

Sarkaal Sare oo ka Tirsan Qaramada Midoobey oo Hadal Qeyru masuuliyad ah kaga jawaabey arrin ku saabsan Warbaahinta Soomaaliya

FEBRUARY 5, 2009

(New York) - Dhacdo cusub oo ku saabsan Ciidamada Midawga Afrika ee Muqdisho taas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 13 qof ayaa waxay muujineysaa sida degdega ah ee loogu baahan yahay baaritaan madax-bannaan oo lagu sameeyo ku xad gudubka sharciga-dagaalka ee dhammaan ciidamada ku sugan Soomaaliya, sidaa waxaa maanta (Feb 5) yiri Hay'adda Xuquuqul Insaanka u dooda ee Human Rights Watch. Waxa kale oo hay'adda Human Rights Watch ay sarkaalka ugu sareeya Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ugu baaqeysaa in uu sida ugu dhaqsaha badan uga laabto hadalkiisii uu weriyaasha Soomaalida ee ka war bixiyey dhacdadaas uu ku barbar-dhigay dhacdadii xasuuqii Rwanda.

February 2, 2009 waxaa bombaano-dariiq ay haleeshay gaari sidey ciidamo reer Uganda ah oo ka tirsan hawlgalka Midawga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), waxaana halkaas ku dhaawacmay ugu yaraan hal (askari), sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan AMISOM. Warbaahinta maxalliga iyo kuwa kale waxay ku warbixiyeen in ciidamada Midawga Afrika ay taas kaga jawaabeen rasaas aan loo meel deyin oo ay ku fureen dadka shacabka ah ee aagga ku sugnaa. ilo wargal ah oo lagu kalsoon yahay oo warbixin siiyey hay'adda Human Rights Watch waxay sheegeen in bombaanada dariiqa iyo rasaastii ku xigtey ay ku dhinteen ugu yaraan 13 qof oo Soomaali ah, waxaana dhaawacmay ugu yaraan 15 qof oo kale. Inta badan dadka dhintay, ama dhammaantood waxay ahaayeen dad shacab ah, waxayna ku dhinteen rasaas la furay.

Saraakiisha AMISOM iyo Wakiilka Khaaska ah ee Soomaaliya u qaabilsan Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Axmed Walad Cabdalla, waxay beeniyeen in Ciidamada Midawga Afrika ay dileen dad shacab ah, laakiin lama samayn wax baaritaan ah oo madax-bannaan.

"Ciidamada AMISOM waxay xaq u leeyihiin in ay iska difaacaan weerarka, laakiin waxaa waajib ku ah in ay taas u sameeyaan si waafaqsan sharciga dagaalka," sidaas waxaa tiri Georgette Gagnon, oo ah agaasimaha Africa u qaabisan hay'adda Human Rights Watch. Waxayna uu intaas ku dartay "Xaqiiqo la'aanta ku xeeran toogashada shaacabkaas waxay hoosta ka xarriiqeysaa sida degdeg ah ee loogu baahan yahay baaritaan madax-bannaan oo lagu sameeyo eedaynta fal-dembiyaaskaas oo lagu sameeyo dhammaan ciidamada ku sugan Soomaaliya."

Hay'adda Human Rights Watch waxay ku celcelisey baaq in Golaha Ammaanka ee Qaraamada Midoobay ay agaasimaan Guddii madax bannaan oo baaritaan sameeya, kaas oo soo baara oo soo ogaada tacadiyada ugu badan ee ay geysteen dhammaan ciidamada ka qayb qaatay iska hor imaadyada Soomaaliya.

Tani ma aha markii ugu horeysey ee ciidamada AMISOM lagu tilmaamay in ay si aan loo meel deyin u weerareen Shacab Soomaaliyeed. Bishii September 2008 ayey ahayd markii dad goob joogayaal ah, weriyaal iyo xubno u dooda xuquuqul Insaanku ay hay'adda Human Rights Watch u sheegeen in ciidamada Midawga Afrika ay weerar lagu soo qaaday kaga jawaabeen in si aan loo meel deyin ay madaafiic ugu garaacaan aagga Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho. Suuqa Bakaaraha waxa uu muddo dheer ahaa meel ay ku xoog weyn yihiin muqaawada ka soo horjeedey Dawladda Federaalka Kumeel Gaarka ah (DFKMG). Kooxaha muqaawamada ee fadhigoodu ahaa Suuqa Bakaaraha waxay si joogto ah shacabka ugu adeegsadeen gaashaan marka ay si aan loo aaba-yeelin madaafiic ugu weerarayaan qaybaha kale ee magaalada.

Ciidamada tirada iyo taagta yar ee Midawga Afrika waxay Muqdisho ku sugnaayeen laga soo bilaabo 2007, waxayna haysaan hawlgal kooban oo ah in ay ilaaliyaan amaanka meelo muhiim ah iyo in ay waardiyeeyaan saraakiisha dawladda taagta daran ee Federaalka Soomaaliya. Ciidamadaasi tiro ahaan uma dhawaan 8,000 ee asal ahaan loogu talo galay, hadda tiro ahaan waxay ka yar yihiin 3,000 oo ah ciidamo ka yimid Uganda iyo Burundi. Ciidamadii Ethiopia ee garabka siinayey dawladda kumeelgaarka ah waxay Muqdisho ka baxeen bishii Janaayo 2009, taas oo AMISOM ka dhigeysa ciidamada keliya ee ku sugan Muqdisho marka laga reebo kooxaha muqaawamada.

Sarkaalka ugu sareeya Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, Axmed Walad Cabdalla, waxa uu si caro leh uga jawaabey eedaynta in ciidamada Midawga Afrika ay dad shacab ah rasaas ku fureen dhacdadii February 2, 2009. Waraysi uu February 3 siiyey Idaacadda Codka Maraykanka, Walad Cabdalla waxa uu yiri: "Waxa dhacay waxaa weeye in indhaha laga leexinayo waxa ka socda halkan, waana sida caadiga ah in warbaahinta loo isticmaalo in la soo celiyo sidii Radio Mille Colline*, in la soo celiyo xasuuqii Rwanda." Hadalkaasi waxa uu weriyaasha Soomaalida ee ka warbixiyey dhacdadii (Muqdisho ee Feb 2) barbar dhigay arrintii sumcad-xumada lahayd ee Radio Mille Collines, kaas oo loo adeegsadey sidii loo kicin  lahaa ka-qayb-galayaashii xasuuqii Rwanda ee sannadkii 1994. Waxa kale oo Axmed Walad Cabdalla uu soo-jeediyey in la soo saaro go'aan muddo hal-bil lagu joojinayo in aan wax akhbaar ah nooca ay doonto ha ahaatee aan laga soo tebin iska hor imaadyada Soomaaliya.


Halkan ka soo rogo waraysiga Axmed Walad Cabdalla ee VOA (mp3)

ama

Halkan ka dhegeyso


Hay'adda Human Rights Watch waxay tiri hadalka Walad Cabdalla waxa uu gaar ahaan  ahaa mid dhiilo wata, sababta oo ah in badan oo ah weriyaal Soomaaliyeed waxay halis geliyaan naftooda iyo hab nololeedkooda si ay uga warbixiyaan dhibaatada dalkooda. Maalintii ka dambeysey markii sarkaalka Qaramada Midoobey (Walad Cabdalla) uu hadalkaas yiri, waxaa dad hubaysan oo aan la aqoon ay toogteen oo dileen agaasimihii raadiyaha madaxa bannaan ee Horn Afrik, Saciid Tahliil Axmed, isagoo ku sii socdey meel lagu qabanayey shir jaraa'id ee Magaalada Muqdisho. Laga soo bilaabo horaantii 2007 oo ahayd markii iska hor imaadka Soomaaliya uu cirka isku shareeray waxa kale oo la diley ugu yaraan 10 weriyaal Soomaaliyeed, in badan oo ka mid ahna waxaa lala beegsaday weerar toos ah, taas oo Soomaaliya ka dhigeysa meesha adduunka ugu halista badan ay ka soo wajahdo weriyaasha.

"Weriyaasha Soomaaliyeed waxaa dhibaato aad u xoog weyn ka soo gaartey inay sii wadaan ka warbixinta dhibaatada Soomaaliya," ayay tiri Gagnon. Ayadoo intaas ku dartay "Qaramada Midoobey waa in ay samayso isku day kasta oo ay ku taageereyso warbaahinta Soomaaliyeed ee madax bannaan iyo bulshada rayadka ah xilligan aadka u adag, ma aha in ay weriyaasha barbar dhigto kuwo galay fal-dembiyeedka dagaal."

Iska hor imaadkii, ay ka qayb qaateen ciidamada Ethiopia iyo DFKMG oo dhinac iyo kooxaha hubaysan ee Muqaawada oo dhanka kale ah, kaas oo soo bilowday horaantii 2007, waxaa lagu asteeyey in si xoog leh loogu xad gudbey xeerka Xuquuqul Insaanka ee Caalamiga ah iyo shaciga bini'aadaminada oo ay ku xad gudbeen dhammaan dhinacyada uu ka dhexeeyey iska hor imaadku. Bixitaankii ay ciidamada Ethiopia ka bexeen dhawaan, oo ay weheliso kordhinta Dawladda Kumeelgaarka oo lagu soo daray hoggaamiyaashii ka soo horjeedey ee qunyar-socodka ah ee ka dhacay Jabuuti, waxay (hadda) iska hor imaadka ka dhigeysaa mid leh waji cusub oo aan la hubin. Kooxaha muqaawamada ee hal-adag oo ku negaadey inay ka soo horjeedaan DFKMG waxay ku dhaarteen in ay ciidamada AMISOM ka saari doonaan dalka. Weerarkii February 2 waxa uu ahaa weerarkii labaad ee iyaga lala beegsado sannadkan (2009).

Halkaas waxaa ku dhamaaday tarjumadii qormadii Human Rights Watch.

* Muxuu ahaa Raadiye Radio Mille Colline?

Radio Mille Colline, oo loo yaqaan RTLM, (oo ah Raadiyaha uu barbar dhig ahaan u soo qaatay Axmed Walad Cabdalla) waxa uu ahaa raadiye sii daynayey dhambaalo xambaarsan nacayb muddo bilo ah ka hor intii uusan dhicin xasuuqii Rwanda. Waxa uu ahaa raadiye khaas loo leeyahay, laakiin xiriir la ah dawladda. Muddo bilo ah ka hor xasuuqii, waxa raadiyaasi u sheegayey Hutus-ka ku dhaqan dalka oo dhan in Tutsis-ku ay doonayaan in ay dalka la wareegaan, waxaana arrintu ahayd ama dil ama ha-lagu dilo. Markii uu xasuuqii bilowday waxa raadiyahaasi ahaa kii agaasimayey sida xasuuqa loo fulinayo. Waxa uu magacaabayey dadka ay tahay in la laayo, waxa uu baahinayey meelaha ay Tutsi-gu ku dhuumanayeen, waxana uu dadka ku dhiiri gelinayey in ay bannaanka u soo baxaan oo wax dilaan.

Mid ka mida hadalladii laga akhriyey raadiyahaas waxaa ka mid ahaa: "In aan iyaga cirib tireyno waxaa caddayn u ah in ay yihiin koox hal meel kasoo wada jeeda. Waxaad eegtaan hal qof, qaab dhismoodkooda iyo sida uu jirkoodu u egyahay, waxaad eegtaan sankooda quruxda badan, kaddib jebiya. Dhameeya, cirib tira, ka xaaqa dalka, sababta oo ah ma jiro meel lagu dhuunto, ma jirto dhuumasho."

Arrintaasi waxay keentay in muddo 100 maalmood ah sannadkii 1994, la xasuuqo qiyaastii 800,000 oo qof oo ah Tutsis iyo weliba kuwii isku deyey in ay qariyeen ahaa Hutus. Waxaa webiyada Rwanda buux dhaafiyey meydad la googooyey. Waxaa Xasuuqaas lagu tilmaamaa in Qaramada Midoobey ay hawshoodii gabeen.

Axmed Walad Cabdalla oo ka tirsan Qaramada Midoobey ayaa raadiyahaas Rwanda waxa uu barbar dhigay weriyaasha Soomaalida ee ka war bixiyey eedayn loo soo jeediyey in ay ciidamada Midawga Afrika ee Qaramada midoobey taageerto ay laayeen dad Shacab Soomaaliyeed. Taas oo ah arrinta ay Human Rights Watch ka dalbatay Walad Cabdalla in uu hadalkaas degdeg uga laabto.

Tarjumadii: SomaliTalk.com
Tixraac: http://www.hrw.org/
English Version: Read Here


Feb 4, 2009: Qoraal uu Axmed Walad u Diray Soomaaalida Qurbaha Ku Nool....

Qoraal ku qornaa AfSoomaali oo Axmad Walad Cabdalla u diray Jaaliyadda Somaliyeed ee Qurbaha Ku nool ayaa hadaladiisii waxaa ka mid ahaa: "Waxaa jira muran ku saabsan shilkii dhacay Isniintii la soo dhaafay Muqdishu, kaas oo hadda baaritaankii su uu socdo, oo si nasiib-daro ahna ay ugu dhinteen dad Soomaaliyeed. Naf-gowyntu waa arrin aad looga xummaado, Aniguna waxaa tacsi u dirayaa qoysaskii iyo qaraabiddii ay ka baxeen dadkaasi. Dad badan oo goob-joogayaal ah ayaa ku qanacsan in shilka looga danlahaay in ay leexiso dareenka kulan madaxeydka Midowga Afrika, hase ahaatee arrintu sida ma noqon. Madax badan oo Carab iyo Afrikaan-ba leh ayaa si isa soo tareeysa shaki u gelinaaya xaqiiqnimada ku saabsan sida ay war-baahinta qaarkeed wax uga sheegayaan dhacdadaan." Akhri qoraalka oo dhan...


Feb 7, 2009: Agasimahii Ideecada Radio Caabudwaaq injneer cali xasan bulxan oo dhaweyd dhawac loogu gestay magalada Caabudwaaq bartamaheda..

Agaasimahii Ideecada Radio Abudwaaq ayaa kooxo hubeysan eey Feb 7 rasaas ku fureen bartamaha magalada Abudwaaq ayadoo anaan la garaneyniin kooxaha dhaawaca ugeysatay injineer cali xasan bulxan . dhawaca injineer cali xasan bulxan ayaa waxaa loo qaaday magaalada galgacyo ee gobalka mudug.

Ma ahan markii oogu horeysay ee lala beegsado dil qof saxafi soomaaliyeed ah dilka iyo dhawacyada wariyaasha ayaa caadi kanoqonaya dalka soomaliya labo malin kahor ayeey aheyd markii lagu dilay magalada muqdisho Agasimahii Ideecada Horn Afrik Alaha unaxariistee saciid Tahliil Axmed .

Cabdiraxmaan Diiriye Nuur | Nuure1000@hotmail.com | Nairobi Kenya


Axad Feb 8, 2009: Ciidamada AMISOM iyo Kooxaha Hubaysan oo Madaafiic ay Is-weydaarsanayeen dad ku laayey Suuqa Bakaaraha

Kooxo hubaysan ayaa saakay (Feb 8, 2009) waxay weerar ku qaadeen fariismo ay ciidamada AMISOM iyo kuwa DFKMG ku leeyihiin Kullayihiii hore ee Jaalle Siyaad iyo agagaarka cisbitaal Digfeer ee degmada Hodon ee magaalada Muqdisho. Arrintaasi waxay keentay in ciidmada AMISOM ay madaafiic ku jawaabaan. Halkaas oo madaafiicdii la is weydaarsanayey qaarkood ay ku dhaceen Suuqa Bakaaraha, halkaas oo ay ku dhinyteen ugu yaraan 3 qof oo shacab ah, dad kalena waa ku dhaawacmeen. Akhri Madaafiic lagu garaacay Villa Somalia.


Ahmedou Ould Abdullah “Waxaan ugu baaqaya dhammaan dadkiinaan qurba-joogta ah in aad la hadashaan…”
Warqad kusocota Qurbo joogta Soomaaliyeed....
Akhri...


qaddaafiQaddaafi oo Difaacay Burcad-Badeedda Soomaaliya..

Qaddaafi: Burcadda-Badeedda Soomaaliya waa hab la isaga difaacayo cir-weynida Wadamada Reer Galbeedka...
Akhri...

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 8, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS