SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Axmed Walad Cabdalla “Dembiilayaasha wax ku afduubaya baddaha baa Muqdisho garoonkeeda haysta”
  • Heshiiskii Shirkii Jabuuti oo Jahwareer culus soo food saartey

Wakiilka Qaramada Midoobey oo Maamul Goboleedka Puntland ku eedeeyey Burcad badeedda...

Axmed Walad Cabdalla “Dembiilayaasha wax ku afduubaya baddaha baa Muqdisho garoonkeeda haysta”

Amp; Axmed Walad Cabdalla ayaa shir jaraa’id ku qabtey Guriga Ummada ee caasimada dalka Jabuuti, waxaa uuna shirkiisa jaraa’id ku sheegey in maamul goboleedka Puntland ay ka dambeeyaan burcad badeeda sii xoogeysaneysa ee Soomaaliya, islamarkaana loo isticmaalayo qaab ganacsi qabsashada Maraakiibta, iyadoo lagu doonayo in loo adeegsado doorashooyinka soo socda ee Puntland.



“waxaan doonayaa inaan mar kale Indhaha Qaramada Midoobey, qaybta Nabadgelyada Amaanka gaar ahaan kuwa joogtada ah, khatarta burcad badeeda sii kordhesa, waxayna dhibaato ku haysaa dhaqaalaha Gobolka, gaar ahaan Jabuuti, Yaman iyo Kiiniya, waxaana sare u kacay qiimaha caymiska maraakiibta iyo beeca shidaalka, circa ayey isku shareereen, rabshadaha ka dhacaya Muqdisho iyo burcad badeeda wey isku xiran yihiin” ayuu yiri Axmed Walad Cabdalla.

Amp Axmed Walad Cabdalla waa mas’uulkii ugu horeeyey oo si cad u sheega in Burcad badeedu ay lug kuleeyihiin mas’uuliyiinta maamul Goboleedka Puntland iyo dadka ku nool deegaanadaasi.

Walad cabdalla wuxuu markii ugu horeysey isku xirey burcad badeeda Badaha Soomaaliya wax ku af-duubata iyo kuwa ku hanjabey inay soo ridayaan Diyaaradaha ku soo dega Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade “Dembiilayaasha wax ku afduubaya baddaha baa Muqdisho garoonkeeda haysta”.

Heshiiskii Shirkii Jabuuti oo Jahwareer culus soo food saartey

  • Qodobada sida weyn loo hadal hayo ee lasyku mariwaayey ayaa ah qaabka jadwalka bixitaanka Ciidamada Ethopia, “in Muddo 30 cisho gudahood ah, kana bilaabaneysa 1-da October 2008, ciidamada Itoobiya waxay ka guurayaan magaalooyinka gudahooda, wejiga labaad ee ciidamada Itoobiya dalka uga baxayaan waa in lagu dhameystiraa 120 maalmood gudahood, kana bilaabaneysa 19-ka Augost 2008 “,

Mudo 12 saac gudahood ayaa laba hakad oo waaweyn ay la soo gudboonaatey wadahadaladii u socdey dhinacyada TFG iyo ARS, kadib markii Safiirka Ethopia iyadoo aan la fileyn si cad uga soo qayb galey shirka, saacadihii hore ee shirka oo lagu balansanaa 10:00Am subaxnimo,, halkii ay wadahadaladu uga socdeen Gudiyada siyaasada labada dhinac uu fariistey, , imaanshiyaha Safiirka ayaa waxaa ka soo horjeestey xubnaha Is-bahaysiga dibu-xoreynta Soomaaliya, waxaana la balamey in 10:00 Pm Hbeenimo laysugu yimaado Hoteel Kempiniski, kadib markii uu ka madax adeygey Safiirka Ethopia isku day la doonayey in laga saaro shirka.



Qoraal daraaf ah oo aan wali la sixiixin, isalamarkaaana xambaarsanaa 4 qodob oo waaweyn oo mid kasta qodobo hoosaadyo leh, lana doonayey inay kala sixiixaan TFG, ARS, Midowga Afrika iyo Qaramada midoobey oo laga soo saarey shirkii maalmahaan uga socdey dhinacyadda TFG iyo ARS, ayaa gunaanadkii heshiiska oo lagu balansanaa in la soo gebagebeeyo 11:00 Pm ee 19/09/2008 oo Hoteel Kempiniski ee Caasimada dalka jabuuti, laysku mariwaayey in la sixiiixo, kadib markii Safiirka Ethopia uu soo xaadirey goobta shirka lagu sixiixi lahaa.

Dowlada Ethopia ayaa la sheegey in qodobo ka mid ah qodobada heshiiska ay ka biyo diidsan tahay, waxayna xiriiro kala duwan la soo sameysey diblamaasigeeda jooga Jabuuti iyo mas’uuliyiinta DFKMG ee shirka u matalayey sida aan ku helney ilo wareedyo kala duwan oo joogey goobta shirka lagu hakinayey..



Iyadoo aan si dhab ah loo dareemin in ay jirto arintaas ayaa waxaa goobta shirka yimid inta badan gudiyada iyo diblamaasiyiinta caalamka oo shirku furitaan keliya uu ka dhiman yahay ayaa waxaa goobta yimid Sheekh Shariif, taasoo lagu dareemey imaashiyaha Gudoomiyaha Is-bahaysgiga, waxayna keentey in kazoo qaybgalayaashii shirka iyo xubnihii labada dhinac ee yimid iska daba wareegtaan, waxaana aakhirkii la sheegey in Ra’iisul wasaare Nuur Cade uu ka soo hor jeestey in uu yimaado goobta shirka.



Qodobada sida weyn loo hadal hayo ee lasyku mariwaayey ayaa ah qaabka jadwalka bixitaanka Ciidamada Ethopia, “in Muddo 30 cisho gudahood ah, kana bilaabaneysa 1-da October 2008, ciidamada Itoobiya waxay ka guurayaan magaalooyinka gudahooda, wejiga labaad ee ciidamada Itoobiya dalka uga baxayaan waa in lagu dhameystiraa 120 maalmood gudahood, kana bilaabaneysa 19-ka Augost 2008 “, iyadoo lagu sheegey sababaha ay u diidayaan in ay isa soo hoosgalayaan dhismaha Gobolka Banaadir iyo guuritaanka Ciidamada Ethopia taasoo DFKMG aysan u arag in wax dan ah ugu jirin.

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com, +253624079

qaabka uu u qornaa heshiiskii baaqdey hoos ka eeg sida uu u qoran yahay.

HESHIISKA JOOJINTA COLAADAHA HUBEYSAN EE DHEX MARAY DOWLADDA FEDERAALKA KMG SOOMAALIYA IYO ISBAHEYSIGA DIB U XOREYNA SOOMALIYA

Joojin Baasaboorkii hore ee Soomaaliya & Isticmaalka Baasaboorka Cusub (E-Passport) iyo Diyaarado ay DFKMG kala noqotay fasaxii duulimaadka

19 SEPTEMBER 2008

Iyadoo la raacayo heshiiskii Jabuuti ee 19 Ougost 2008, laga bilaabo 19 September 2008 dhinacyada TFG iyo ARS waxay go’aansadeen

1)- Joojinta colaadaha iyo kor u qaadista wacyiga dadka, xabad joojin, guuritaanka ciidamada Itoobiya,

A- in ay ka waantoobaan arrin kasta ee abuuri karta colaad cusub
B- in ay joojiyaan borobagaandada labada dhinac iyagoo adeegsanaya warbaahinta gudaha iyo dibedda
C- waxay ugu baaqayaan taageerayaasha labada dhinac iyo dadka Soomaaliyeedba inay u hogaansamaan taageeraana joojinta colaada hubeysan, si loogu daneeyo maslaxada umadda Soomaaliyeed.

2)- xabad joojin

A- Laga bilaabo 19 September 2008, waxaa lagu dhawaaqay dhowrista xabad joojineed, waxayna hir galeysaa laga bilaabo 1-da October 2008-09-20
B- Bilowga hore, ciidamada ku soo celinaya amarka iyo kala dambeynta Muqdisho iyo meelaha kaleba waxay diyaar ku noqonayaan muddo 45 cisho gudahood ah, taasoo dibna loo cusbooneysiin karo mudada, howlgalka ciidamadaasna wuxuu bilaabanayaa 1-da October 2008.

3)- guuritaanka ciidamada Itoobiya

A- muddo 30 cisho gudahooda ah, kana bilaabaneysa 1-da October, ciidamada Itoobiya waxay ka guurayaan magaalooyinka gudahooda
B- wejiga labaad ee ay ciidamada Itoobiya dalka uga baxayaan, waa in lagu dhameystiraa muddo 120 maalmood gudahood ah, kana bilaabaneysa 19-ka Aogust 2008.

4)- Mas’uuliyadda

A- Mas’uuliyadda goobaha ay baneeyaan ciidamada Itoobiya waxaa amnigooda la wareegaya ciidamada AMISOM oo kaashanaya ciidmada TFG-da iyo ciidamada ARS-ta, inta ciidamada nabad ilaalinta ee Q/midoobay ay ka imaanayaan dalka howshaasna waxaa lagu fulinayaa muddo 90 maalmood gudahood ah oo ka bilaabaneysa 1-da October 2008

B- Wejiga TFG-da, AR-ta waxay diyaarinayaan ciidamo nabadgalyo Booliis oo tiradoodu dhan tahay 10,000 (Toban kun), si ay u ilaaliyaan ammaanka iyo nabadgalyada Muqdisho iyo UMPOS waxaa laga codsanayaa inay daboosho baahida dhaqaale ee ciidanka mudada halka bil ah ee October 2008.

C- Laga bilaabo 19-ka September 2008, laguna kordhiyo 15 maalmood, gudiga wadajirka ee arrimaha nabadgalyada iyo gudi hoosaadyadiisu waxxay ka howlgalayaan Soomaaliya si ay u dhaqan galiyaan xabad joojinta guud.

D- Gudiga wadajirka ee arrimaha nabadgalyada wuxuu u howlgalayaa baahida kaalmada Bani’aadaminimo iyo gaarsiinteedaba

E- Tafaasiisha ku saabsan arrimaha farsamo ee heshiiskani waxaa diyaarinaya gudiga wadajirka nabagalyada muddo 30 cisho gudahood ah, kana bilaabaneysa saxiixa heshiiskan.

Dowlada Federaalka Ku meel Gaarka  | Isbahaysiga Dibu-xoreynta Soomaaliya

Midowga Afrika        |    Qaramada Bidoobey

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 20, 2008

DFKMG: Joojin Baasaboorkii hore ee Soomaaliya & Isticmaalka Baasaboorka Cusub (E-Passport) iyo Diyaarado ay DFKMG kala noqotay fasaxii duulimaadka Waraaqihii DFKMG

 

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS