w w w . S o m a l i T a l k . c o m
AAFADA BAD-GARIIRKA
Daabaco Boggan | Print



Qaylo Dhaantii Culimada Iyo Waxgaradka Ee Waxyeeladii Badgariirkii Tsunami Ee Xeebaha Soomaaliya 

Taariikhda, 26 dec 2004 oo waafaqsan 13/11/1425 | Faafin: Jan 13, 2005

Horudhac. 


Burburkii Xaafuun oo bas beeshay

26 december 2004, masiibooyinkii loogu magacdarayTsunami ee ku habsaday xeebaha badwaynta India ee Somalia kuwaas oo sababay khasaare naf iyo maalba leh kuna fiday xeebaha u dhaxeeya tooxin Gobolka Barri, ilaa Xarardheere Gobolka Mudug, oo lagu qiyaasay ilaa 800km, Tsunami oo dadkii dhibta goobjooga ka ahaa ku tilmaameen masiibo badeedii ugu horaysay uguna wayneyd ee ay arkaan dadka xeebaha dagani, waxaa ugu darnaa meelihii ay wax yeeshay magaalooyinka ku fidsan xeebaha Gobollada Bari, Nugaal iyo Mudug iyadoo ay jiraan warar iska daba imaanaya oo sheegaya meelo kale oo badwaynta Indiya kamid ah oo waxyeelo ka jirto. 

Kuwani waa tuulooyinkii wax ku gaareen intaanu wararkooda hellay,

  1. Galhagoog
  2. Dhinawda (Qoryawayn)       
  3. Garacad
  4. Kulub
  5. Ilo
  6. Ilfoocshe
  7. Gaarcad
  8. Doomaaryo
  9. Jiifle
  10. Gaala ooddo
  11. Ayl
  12. Dharinbaar     35 guri
  13. Qulule             43 guri
  14. Marranyo        44 guri
  15. Qundhood      35 guri
  16. Xaafuun           oo magaaladii guud ahaan ay biyuhu dardareen,  wax degaan ah oo la isku halayn karaan ka harin.
  17. Baarmadoobe
  18. Foocaar          ugu yaraan 26guri  ka dumay, 
  19. Garan
  20. Banderbayla. 36 cariish iyo 70 daarood 3 masjid oo mid jaamic yahay,
    Dhinowda ilaa ilfoocshe   680 guri ugu yaraan

Intaa maahan magaaloyinka iyo tuulooyinka waxgaareen ee waa ka badanyihiin,  

Xajmiga Khasaaraha: 

Iyadoo wali lagu jiro xog ururin balaaran oo ka imanayso jihooyin kala duwan ayaa haddana waxaa noo suuroobay in aan xog sugan ururino, iyadoo aanay jirin cid cadayn karta in khasaaruhu intaa ku koobanyahay, ama si dhab ah u xadidi karta xajimga kala duwan ee khasaraha 

 

# Nooc Tiro Faahfahin
Background Information
1 Qoysaska ku dhibaatoobay 16,720 Qoys qiyaastii Oo isugu jira degaan, kalumaysato, iyo xoogsadayaal
2 Dhimasho iyo waayitaan 46 Qof inta la hubo 46 waa inta la hubo dhimashadooda. 252 qofna ilaa hatan ayaa la, la,yahay waxaana lagu tirin karaa dadka dhintay
3 Dhaawac 283 Qof Dadka la arkay waxay u badantihiin dad ay biyuhu madaxa uga dhaceen ama qar iyo guri midkood la dhaceen.
4 Guryaha baaba’ay iyo kuwa wax gaareen 1,975 Gurri ugu yaraan Badanka guryaha xeebahu way burbureen, qaarna waxaa ka taagan dhinac
5 Xaalada Caafimaad –   Waxaa ka dhashay cudarad ay ka midyihiin shubanka, isxoq, indha xanuun ba,an, neefqabatoon, iyo cudurada ka dhasha nadaafad darrada
6 Biyo La’aan 1 Ceel   + 120 Ceel Gscmeed qiyaastii Ceelasha degaanadaas oo dhami waxay ahaayeen gacan ku qod iyo xaarxaar, sidaa daraadeed waxaa dusha ka maray mawjadihii oo ceelashaii dhulka la simay
7 Xarumo Caafimaad Wax shaqeeya majiraan Guud ahaan tuulooyinkaasi ma laha musqulo fiican sidaasaa waxaa isku darsamay bulaacadihii, ceelashii iyo daadkii taasoo sababtay cudurro badan

Qiimaynta khasaaraha

 Waxaa lagu qiimeeyay khasaraha dhaqaale .

Qalabka baaba,ay ma dhaawacmay ee kaluumaysiga
# Nooca Tiro Qiimo shay(USD) Wadar

(USD)

8 Doonyo kaluumaysi(standard) 1,331 1,783 2,373,173
9 Marine engine ( matooro) 1,527 1,747 2,667,669
10 Compressor ( gumburusoorro) 58 18,000 1,044,000
11 Haamaha ogsigiinta lagu quuso, Oxygen cylinders 2,364 504 1,191,456
12 Shabaagado Nets – gill 19,141 94 1,799,254
13 Shabaagadao Trap net 100,854 8 806,832
14 Shabag aargoosato iyo xargahooda Lobster net 92,706 69 6,396,714
15 Shabag aargosato oo qofeed 22,396 27 604,692
16 Diving glasses 23,602 20 472,040
17 Flippers 23,611 42 991,662
18 Baroosin iyo xargahoodaoo doomeed 2,450 170 416,500
19 Baroosinka shabaqa oo xargahooda watta 21,625 21 454,125
20 Buoy 23,474 56 1,314,544
21 Baabuur qaboojiyayaal ah 2 26,000 52,000
Qalabka kale
22 Baabuur caadi ah 3 6,000 18,000
23 Radio 10 1,700 17,000
24 Guryo 1,975 1,500 2,962,500
25 Barkedo (Water reservoirs) 250 300 75,000
26 Maacuunta guryaha la daganaa ku baaba,ay 1,975 guri maacunntod 93 183,675
  Wadar guud    
                     23,840,836.

 

Qiimaynatan waa kabadan karaa khasaaruhu maxaa yeelay malin walba waxaa soo cusboonaanaya, khasaare aan horay loo ogayn 

Goobaha dhibaatadu ugu darnayd.

Meelah aadka ugu waxyeeloobay waxaa ugu darnaa magaalooyinka xaafuuneee gobolka bari  iyo kulub gobalka mudug degmadiisa jariiban oo dhamaanteed la waayay ilaa haatan ciida ka hoosaysa  

Gurmadyada la sameeyey; 

Ilaa hadda inta la ogyahay  jihooyinka tagay waxaa ugu muhiimsan haydaha samafalka lagu magacabo, waxayna gaarsiiyeen mucaawino kooban oo aan dabooli karin dhibaatada meesha ka jirta, hayadahaas aan sheegnay waxaa ka mida kuwa UN-ta WFB, UNICEF, oo gaarsiiya raashin iyo daawo, haydaha gudaha sida Shilkon. Dadwaynaha oo aad uga qayb qaatay gaar ahaan magaalada Gaalkacyo Iyo Dowlad goboleedka puntland oo haydaha meelahaas booqday hogaaminaysay, inkastoo aysan dawladu wax dhaqaale ah gaynin meelahaas masiibooyinku ka dhaceen. Sidoo kale waxaa jira in reer-guuraagu xoolo nool ugu deeeqay dadka ay masiibadu ku dhacday, kuwaas oo wax wayn ka taray meelaha qaarkood sida gobolka Mudug.

Dadyaowga degan magaalada Xaafuun ayaa waxay arkeen diyaarad ay leeyihiin Germany oo ciidanka ah in ay timid magaaladaa taas oo waday 4 ( afar) kartoon oo biyo ah, iyo hal kartoon oo khudaar ah, isla markaasna idaacadahu sheegeen in ay halkaas mucaawino la geeyay. 

Dhibaatooyinka horyaal gargaarka,

Wadda xumo daran oo ka jirta meelaha qaarkood siiba magaalada xaafuun oo aan lahayn wax wado ah oo laga galo mana jirto diyaarado loo helayo oo cirka wx uga daadiyo, sidoo kale waxay u baahanyihiin in doonyo wax loogu geeyo mana sahlana, waxaa kaloo ka jira degaanada qaarkood Fogaanta degaanka oo sababaysa in aan dagdag wax loola tiigsanin , Tasiilaadaka oo yar awgiis. 

Baahida taagan.

Baahidda degdegga ah waxaa ugu daran in lala gaaro,

·        Cunto degdeg ah sababtoo ah baahi aad u daran ayaa ka jirta meesha

·        Daawo, iyo dhakhaatiir maxaa yeelay waxaa ka dhashay goobahaas cudurro aad u fara badan

·        Hoy ku meelgaar ah, waayo dadku ma haystaan meel ay ka galaan qoraxda iyo dhaxanta 

Baahida heerka labaad,.

 daryeelka iyo dib u dejinta dadkaas walaalaha ah ee ku tabaaloobay mawjadaha badwanta hindiya,

·        Dib u  dhisida guryihii  dumay

·        Magaaliyinka qaar oo ay khasab tahay in laga sameeyo meelahoodii meelo aan ahayn, maxa wacay suuroobi mayso in meelahoodi laga dhiso waxyeello awgeed.

·        Qodid ceelal biyood oo lamhuraan u ah noloshooda.

·        Dhisida iyo habaynta wadooyinka gala magaalooyinkaas si gargaarku u gaaro

·        Dib u soo celinta hab dhismeedkii nolosha xeebaha wax gaareen, oo ay daruuri tahay in loo helo kaluumaysatadii iyo xirfadlaydii qalab kaluumaysi oo u suuro galiya dib u bilaabida shaqadoodii

·        In loo sameeyo xarummo caafimaad iyo waxbarasho.

Sidaa daraadeed waxay baahida heerka labaad u baahantahay daraaso iyo sahan ( feasiblity study ) lagu sameeyo qiimayn run ah oo ku wajahan baahidan taagan, waxa dabooli kara, sidoo kale waxay u baahantahy guddi aad ay u sarayso tayadiisa aqooneed, mihnadeed, maamuus iyo kartiyeed, bulshaduna aamini karto. 

Gabagabo .

Waxaan ugu baaqaynaa ummada soomaliyeed ee walaalaha ahi ay wada dareemaan, isuguna yeeratto, una aragto in aysan u kala tagin dhibtaas , sidoo kale waxaan Beesha caalamka, Ummaddaha Islaamka ,Dawladaha Carabta iyo Shucuubtooda, Dawladda dhexe ee Soomaliya, Dowlad goboleedka Puntland ururada samafalka, dadka khayrka jecel ay ka codsanaynaa in ummadda Soomaaliyeed

Sidoo kale waxaan ka codsanaynaa culumaaudiinka soomaaliyeed iyo waxgaradka ummada inay hawshaan u istaagan, una dareemaan waajib sharci oo saaran,   

Culimada, isimada Iyo Waxgaradka baaqada diray. 

  • 1.  Shiikh C/Qaarid Nuur Faarax
  • 2.  Ugaas xasan ugaas yaasiin
  • 3.  Beeldaaje cali faarax
  • 4.  suldaan c/salaam suldan maxamud
  • 5. Dr Axmed Xaaji C/Raxmaan
  • 6. Shiikh Axmed Daahir Xassan
  • 7. shiikh Yuusuf maxamed heeryo
  • 8. Shiikh  Daahir Aw Cabdi.
  • 9. Dr C/Qaadir Maxamed C/Llaahi
  • 10. Shikh Xasan Maxemed Ibraahim
  • 11. sh bashiir jaamac kite
  • 12. Shiikh Jaamac C/Salaam
  • 13. C/casiis Guureeye Faarax
  • 14. Maxamed  C/Raxmaan Ilaaq
  • 15. C/Raxmaan Maxmuud Warsame
  • 16. DR C/Casiis Cabdi Faarax
  • 17. Dr Maxamed Warsame
  • 18. Captain C/Rabi Aadan Galool
  • 19. Pailot C /Risaaq Axmed-Nuur

Guddiga Xiriirka Iyo Hawlgallada ( xafiiska gargaarka masiibooyinka soomaaliyeed) 

  1. Suldan C/Salaam Suldan Maxamuud      gudoomiye
  2. Shiikh Bashiir Jaamac Kitte                       
  3. Maxamed Jaamac Xaashi
  4. Ibraahim Barkhadle Cawl 

Xiriirkaa- gudigan afarta ah

Tel-002525823422-/2525727001. ( ibrahim) 

kala xiriir:Xafiiska:  dacwah@hotmail.com

Wabilaahi tawfiiq

Soomaaliya: Gargaar Degdeg ah -  Aafada Badgariirka
»Dahabshiil oo bixisay $5000 ee ugu horeysey Mucaawinada
»Dalsan mucaawanada la bixiyo waxay ku dari doontaa 2%
»Amal, Dalsan iyo Dahabshiil: Khidmo la'aan ku dir caawinaada
»Farriin ka timid Shiikh Cumar Faaruuq | Koonfur Afrika
»Warbixin:Shiikh C/Qaadir Nuur Faarax | Garoowe
»Warbixin:Ugaas Axmed Bille Xasan Gaboobe | Muqdisho
»Ku waano Qaadasho aafada Badgariirka
»Mucjisooyinka lagu arkay aafada Badgariirka
Dhammaan ka akhri halkan, kana qayb qaado mucaawinada

Faafin: SomaliTalk.com |  Janaayo 13, 2005

Sawirada qaar kamid ah: Yahoo search

 
 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH



HTML CD