w w w . S o m a l i T a l k . c o m
AAFADA BAD-GARIIRKA
Daabaco Boggan | Print



  • Qaramada Midoobey oo Adduunka ugu Baaqday In $13 million oo  Gargaar Degdeg ah lala Gaaro Soomaaliya
  • Shiinaha oo Aafada Badgariirka Soomaaliya ugu Deeqay $100,000 oo Doolar

Dadkii dhibaatada kasoo gaartey Badgariirka | Sawirka | VOA

Qaramada Midoobey oo Adduunka ugu Baaqday In $13 million oo  Gargaar Degdeg ah lala Gaaro Dadkii ku Tabaaloobay Aafada Badgariirka Soomaaliya

Haya'dda Qaramada Midoobey (QM) ayaa adduunka ugu baaqday in mucaawino degdeg ah lala gaaro 54,000 oo Soomaali ah oo ku tabaaloobey aafadii badgariirka ee ku habsatey xeebaha Soomaaliya ee kulaalaya badweynta Hindiya. Waxana ay QM shaaca ka qaaday in dadkaas tabaalaysan ee Soomaalida ah ay u baahan yihiin gargaar degdeg ah oo kabadan $13 million oo doolar.

Afhayeenka barnaamijka Horumarinta ee QM ee Soomaaliya, Sandra Macharia, ayaa VOA Arbacadii (Jan 5) u sheegtay in meelaha ay ku dhacday aafada badgariirku ay uga sii horeeeyeen abaaro xoolihii xaalufiyey iyo daadad qaaday intii xoolahii ka haray, kaddibna ay badgariirku sii kordhiyeye dhibkii awalba dadkaas haystey.


Shiinaha oo Dadkii ay Saamaysay Aafada Badgariirka Soomaaliya ugu Deeqay $100,000 oo Doolar

  • Tarjumada SomaliTalk.com | Jan 5, 2005

Dawladda Shiinaha ayaa mucaawino degdeg ah u fidisay dadkii Soomaaliyeed ee ku tabaaloobey aafadii badgariirka, mucaawinadaas oo ah $100,000 oo doolarka Maraykanka ah, taas oo loogu dhiibey DFKMG ee Soomaaliya, sida ay shaaca ka qaaday safaarada Shiinahu ku leeyahay Nairobi, Kenya.

Safiirka Shiinaha u fadhiya Nairobi, Guo Chongli, ayaa mucaawinadaas waxaa uu maalintii Talaadada (Jan 4) u dhiibey Madaxweynaha DFKMG, Cabdullaahi Yuusuf Axmed, oo jooga Nairobi, isuna diyaarinaya in uu ku laabto Soomaaliya.

Cabdullaahi Yuusuf waxa uu sheegay in uu dhambaal tacsiyadan ah ka helay madaxweynaha dalka Shiinaha, Hu Jintao, kaas oo ahaa dhambal noociisa ah kii ugu horeeyey kaddib aafadii badgariirka ee saamaynta weyn ku yeelatay Soomaaliya.

"Aad ayaan ugu mahad celineynaa dawlada Shiinaha iyo madaxweynaha Shiinaha qudhiisa" ayuu yiri Cabdullaahi Yuusuf oo intaas ku daray in uu rajaynayo in xiriirkii mudada dheer soo jirey ee labada dal uu sii socon doono.

"Shiinuhu waa dawladii ugu horeysey ee mucaawino lacageed nasiisa. Saxiibka rasmiga ah waa saaxiibka xilliga baahidu jiro. Dadka Soomaaliyeed weligood ma hilmaami doonaan Shiinaha oo had iyo jeer caawino la garab taagan mar kasta oo Soomaalida ay dhibaato soo wajahdo" ayuu yiri cabdullaahi Yuusuf.

Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu xaqiijiyey siyaasadii hore ee Soomaaliya ee ku aadanayd Shiinaha inay sideedii tahay, taas oo uu yiri in Soomaaliya taageersan tahay hal-wadan-oo-Shiine ah, asaga oo yiri Shiinuhu aadduunka waa ka hal wadan, Taiwana waa qayb Shiinaha ka mid ah oo aan sinaba looga goyn karin, "Soomaaliya weligeed ma bedeli doonto meesha ay ka taagnayd arintaas", ayuu yiri Cabdullaahi yuusuf.

Dhankiisa waxa uu Safiirka Shiinahu, Guo Chongli, tacsi uu ka wadey Dawlada iyo dadka Shiinaha u diray Soomaaliya oo ah dalka ay Afrika ee dhibaatada ugu weyni ka soo gaartey aafadii badgariirku.

"Waxaan rajayneynaa in caawinaadani ay wax tarto dadka Soomaaliyeed ee ay dhibaatadu saamaysa si ay uga gudbaan dhibaatada, dibna ugu dhistaan guryohooda" ayuu yiri Safiirku.

ISHA WARKA: http://www.fmprc.gov.cn/chn/

Tarjumadii SomaliTalk.com | Jan 5, 2005

Soomaaliya: Gargaar Degdeg ah -  Aafada Badgariirka
»Dahabshiil oo bixisay $5000 ee ugu horeysey Mucaawinada
»Dalsan mucaawanada la bixiyo waxay ku dari doontaa 2%
»Amal, Dalsan iyo Dahabshiil: Khidmo la'aan ku dir caawinaada
»Farriin ka timid Shiikh Cumar Faaruuq | Koonfur Afrika
»Warbixin:Shiikh C/Qaadir Nuur Faarax | Garoowe
»Warbixin:Ugaas Axmed Bille Xasan Gaboobe | Muqdisho
»Ku waano Qaadasho aafada Badgariirka
»Mucjisooyinka lagu arkay aafada Badgariirka
Dhammaan ka akhri halkan, kana qayb qaado mucaawinada

Faafin: SomaliTalk.com |  Janaayo 5, 2005
 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH



HTML CD