SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DARAY
Daabaco Boggan | Print


Cali Daray waxa uu boggan si taxane ah ugu soo tebin doonaa macluumaad ummada war gelin u ah. Waxaana qoraaladaa Axad kasta lagala socon karaa bogga www.Somalitalk.com/daray . Qormadii toddobaadkana hoos ka akhri.


Ka Taxadar Aqoonsi Xaddida

Qore: Cali Daray
alidaray@yahoo.com
alidaray@gmail.com

LINK: www.Somalitalk.com/daray

January 23, 2005

Mahad dhamaanteed Allaa leh, nabadgalyo & naxariis nabi Muxamed (scw) dushiisa ha ahaato.

Dhowrkii sano ee la soo dhaafay waxaa sii kordhayey danbiyada la xiriira xaddida aqoonsiga. Warbixin ay soo saartay wasaarada ganacsiga ayaa sheegtay in aqoonsi xaddida ay tahay dambi aad u faafaya oo gaaray dad lagu qiyaasay toban milyan sanadihii la soo dhaafay. Sidoo kale, CBSnews.com waxay qortay in afartii il-biriqsiba hal qof laga xado aqoonsiga. Ma qiyaasi kartaa mudadii aan qoraalkaan qorayey inta qof ee laga xaday ama laga xadi doono aqoonsigooda (markii la tixraaco tira-koobka CBS News). Waxaa la tilmaamaa in dadka badankood aysan ka war heyn in aqoonsigooda la xaday ayna ogaadaan goor dambe oo loo geystay magac iyo sharaf xumo. Haweeney ka tirsan bogga ITRC (waa hay'ad caawisa dadka aqoonsiga laga xaday) ayaa sheegtay in aqoonsi xaddidu noqotay damibigii qarniga ayna sii kordheyso sanadba sanadka ka dambeeya. Waxaan isku dayayaa inaan wacyi galiyo dadka Soomaaliyeed sidii ay isaga ilaalin lahaayeen in aqoonsiyadooda & sharciyadooda laga xado iyo siyaabaha looga hor tagi karo.

Waa Maxay Aqoonsi Xaddida?

Aqoonsi xaddida waa markii qof aqoonsigiisa & magaciisa la xado loona isticmaalo si tuugnimo ah, bangigiisa lagala baxo lacag, ama credit card-kiisa lagu gato wax uusan war u heyn amaba raali ka aheyn. Aqoonsi xaddida waxey kaloo noqotaa markii qof aqoonsigiisa lagu furto bangi akoon, credit card ama telefan cusub. Tuugada dambiyadaan suubisa markey qof aqoonsigiisa xadaan isla markiiba waxay isku dayaan inay lacag badan ka amaahdaan bangiyada, credit card-yo cusub dalbadaan, ama dhibanaha laga xadey sharciga credit card-yadiisa inay ku gataan alaab tiro badan oo qaali ah. Waxaa kaloo dhici karta in tuugada ay galaan dambiyo lagu muteysto xabsi ayagoo isticmaalaya magac & sharci uu qof kale leeyahay, deedna dhibaha sharciga laga xaday laga yaabo in maxkamad la soo hor taago.

Wiil Soomaaliyeed ayaa ii sheegay in aqoonsigiisa laga xaday, dambi uusan galina lagu eedeeyey.  Anigoo sheekada wiilkaas soo guurinaya ayaan ugu yeerayaa Cawaale maadaama uusan rabin in magaciisa aan sheego. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Cawaale warqad u timid tasoo ku eedeyneysa in balantii maxkamada uu imaan waayey, laysinkana laga xanibayo, hadii lagu arko gobol hebel [gobol dariskiis ah] la xiri doono. Cawaale markuu la xiriiray dembi-baarihii [detectivekii] baarayey dacwada ayaa ku yiri Cawaale hadii aad inoo imaatid wax walba waan xalin karnaa. Cawaale waxey noqotay inuu shaqada fasax ka qaato oo uu safar galo. Markii uu gaaray maxkamadii ku eedeysay dambiga, wuxuu la kulmay askarigii hadda ka hor xiray Cawaale iyo dembi-baarihii dambiga loo xil saaray inuu baaro. Markey arkeen labaduba intey yaabeen ayey yiraahdeen Cawaale ma adigaa? Cawaale markuu tusay sharciyadiisa ayey yiraahdeen qof kale ayaa aqoonsigaaga isticmaalay. Waxay tusiyeen sawir uu Cawaale yaqaan. Waxay u sheegeen in ninka sawirkaan leh dhowr bilood ka hor lagu qabtay gobolkaas asagoo laysin la'aan ah, gaari aan ceymis laheyna sita. Ninkaan wuxuu askarigii qabtay u sheegtay Cawaale magaciisa, taariikhda dhalashadiisa iyo social security-giisa. Ninkaas habeen ayaa la xiray ka dibna waxaa lagu xukumay inuu maxkamad yimaado. Dembi-baarihii ayaa Cawaale ku yiri aqoonsigaaga siduu ku helay tuugaan. Cawaale wuxuu yiri waan aqaan qaraabo ayaan nahay qolna waan wada daganaan jirnay. Dambi baarihii ayaa Cawaale u sheegay in dambiga laga saari doono record-kiisa uusana ka welwelin. Dhowr bilood ka dib ayaa Cawaale dalbaday shaqo gaari kaxeyn ah. Shaqadii waa loo diiday oo waxaa la yiri hadda ka hor ayaa gaari ceymis la'aan ah lagugu qabtay. Dambi baarihii ayuu la xiriiray mar labaad oo uu ka codsaday in diiwaankiisa laga saaro. Cawaale waxaa mar kale laga balan qaaday inuusan ka welwelin oo magaca diiwaankiisa laga saaro dambigan ninka kale galay. Cawaale dhibkan waxaa u geystay nin ay qaraabo ahaayeen oo qol wada daganaayeen. Ogow hadii loo baahdo aqoonsigaaga iyo magacaaga ayaa la isticmaali karaa ayadoo sharciyadaada aysan jeebkaada ka bixin.

Sidee loo heli karaa Aqoonsigaaga?

Inteena badan waxaan si fiican u ilaalinaa jeebabkeena iyo boorsooyinka yaryar ee lacagta iyo sharciyada aan ku qaadano. Waxaa laga yaabaa rasiid (receipt) dhulka kaaga dhacay inaadan wax weyn u arag. Tuugada aqoonsiga xadda inta badan ma rabaan dhowrka dollar ee jeebkaaga ku jira balse waxay damcayaan sidii ay ku heli lahaayeen aqoonsigaaga & sharciyadaada ama kaararka bangigaaga. Ma u maleyneysaa inay adag tahay inaad qof telefonkiisa, cinwaankiisa ama magaciisa heshid. Aad ayey u fududahay. Buugga loo yaqaan White Pages ayaaba ka heli kartaa qof walba oo telefan guri leh magaciisa, cinwaankiisa iyo telefankiisa, balse tuugada aqoonsiga xadda waxyaalo intaas dheer ayey si fudud u helaan. Hadey helaan magacaaga, taariikhda aad dhalatay iyo Social Security numberka (nambar kuu gaara oo lagugu aqoonsado), cinwaankaaga, telefankaaga, iyo waxyaalo kale oo adiga kugu saabsan, si tuugnimo ah ayey u isticmaali karaan. Akhbaartaas markey helaan waxaa dhici karta inay suubsadaan ID (teesaro) ama leysin been ah oo cinwaan been ku yaal. Markey helaan taas, waxay dalban karaan credit card cusub, & lacago deymo ah ayagoo sheeganaya qofkii aqoonsiga lahaa sharcigiisa [ama credit-kiisa] laakiin cinwaan kale oo tuuga suubsaday. Badanaa dadka laga xado aqoonsiga cinwaanadooda waa la badalaa si biilalka u imanay aysan u tagin cinwaanka saxda uusan dhibanaha u ogaan in magaciisa lagu shaqeysanayo.

Waxaa kaloo loo heli karaa aqoonsigaa in laga qaato meelaha qashin qubka ah. Tusaale ahaan, hadii aad tuurtay bank statement, warqaaha bangiga kuu soo diraan oo akhbaarta akoonkaaga ku qoran tahay, ama warqada loo yaqaan pay stub, oo ah jeega aad shaqada ka qaadatay xaanshida ka soo horta taasoo kulmisa akhbaarta meeshaad ka shaqeysid, cinwaankaaga, mushaarkaaga, social security-gaaga iyo banigaaga (hadii aad leedahay direct deposit). Waxaa kaloo laga yaabaa inaad qashinka ku dartid waraaqaha bills isbitaalada lagaaga soo diro kuwaasoo akhbaar badan ku qoran iyo waraaqaha xayeysiinta ah ee bangiyada diraan ee loo yaqaan preapproved credit card application. Dhowrkaan waraaqood hadii aad qashinka ku dartid waxaa dhici karta in tuug helo. Tuugada waxey suubiyaan waxa loo yaqaan "dumspter diving" oo ah [qashin quusid] in tuuga faagto qashinka la qubay si uu u helo waraaqo ama rasiidyo ay ku qoran yihiin qof akhbaartiis. Tuugada qeyb ka mid ah ayaa isku deyda inay email kuu soo diraan ama guriga kaasoo wacaan ayagoo sheeganaya inay yihiin ama kaala soo xiriiraya xafiiska dhakhtarkaaga, bangigaaga, ama shirkada telefankaaga ama shirkad [telemarketing] aad horey wax uga gadatay oo dooneysa akhbaartaada si ay wax kale kaaga gado. Waxaa kaloo jira meelo badan oo akhbaartaada laga heli karo balse insha'alaah qoraalada dambe ayaan si gaar ah ugu xusi doonaa.

Isticmaalka Internetka iyo computer-ada yaala meelaha shacabka u furan ayaa sidoo kale u fududeeya in tuugada xaddo aqoonsiyada iyo sharciyada dad badan oo isticmaalada computeradaas. Sidoo kale, waqtiga canshuur celinta oo hadda lagu guda jiro ayaa la sheegaa in tuugada ay fursad u tahay maadaama waraaqo sharcigaaga ku qoran yihiin meelaha lagu hilmaami karo ama si fudud looga heli karo xafiisyada canshuur celinta suubisa.  Qoraalada dambe ayaan ku soo qaadan doonaa toban waxyaalood oo la isaga ilaalin karo in aqoonsigaaga la xado ama sharcigaaga dayac xumid darteed banaanka laga helo.

Wixii talo iyo tusaale ah ama khalad saxitaan iigu dhaaf emailka sare.

Qore: Cali Daray
alidaray@yahoo.com
alidaray@gmail.com

LINK: www.Somalitalk.com/daray

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 23, 2005


HTML ku baro AfSoomaali... GUJI....

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD