SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DARAY

Dhowr Waxyaalood ood kaga Taxadari kartid in Aqoonsigaaga la xado

January 30, 2005

Mahad dhamaanteed Allaa leh, nabadgalyo & naxariis nabi Muxamed (scw) dushiisa ha ahaato.

Qoraalkii hore waxaan ku soo qaadanay siyaabaha & meelaha laga xadi karo aqoonsigaaga iyo dhibta kaaga imaan kara hadii sharcigaaga si xun loo adeegsado.  Qoraalkaan waxaan tilmaamayaa dhowr waxyaalood oo aad isaga ilaalin kartid in aqoonsigaaga la xado oo magacaaga wanaagsan loo badalo mid dambiile ah adigoon war u heyn.  Waxaa muhiim ah in qof walba ka taxadaro arrintan, maadaam ay sahlan tahay in akhbaartaada la helo.  Waxaa mudan in la sheego inaysan macquul aheyn in gabi ahaanba aad is ilaalisid ama qarisid magacaaga iyo aqoonsigaaga adigoo taxader ula jeeda. Dhowrkaan waxyaalood waa ka hor tag iyo inaad yareysid fursada loo heli karo in aqoonsigaaga la xado. 

1.    Ilaali Social Security Number-kaaga

Social Security Number – waa nambar adiga kuu gaar ah oo lagugu aqoonsado.  Noloshaada ayaaba ku xiran mararka qaarkood.  Meel walba oo aad dan ka yeelatid ayaa waxaa dhici karta in lagu weydiiyo nambarkaas hadii aadan sheegina inaan wax laguu qaban. Kaarka Social Security-ga guriga uga tag si uusan kaaga dhumin oon cid kale u helin.  Sidoo kale, waraaqaha nambarkaas ku qoran yahay ayagana ilaali.  Nambarkaas waa aqoonsigaaga ugu muhiimsan waligiisna wuu ku daba soconayaa marka waxaa fiican inaad ilaashatid.  Ha siinin cid walba oo ku weydiisa social securty-gaaga ilaa aad ogaatid dantooda iyo sababta ay u rabaan ma ahee. 

 2.  Jeex-jeex akhbaartaada

Waraaqaha credit card-yadaada, bangi statement-gaaga, rasiiydada iyo waraaqaha kale ee akhbaartaada ku qoran yihiin jeex-jeex.  Ha ku darin qashinka ilaa aad "shred" ku suubisid yaci gabalgabal u jarjar si aan loo akhrisan akhbaartaas.  Ogow inay macquul tahay in qashinka aad tuurtay la faagan karo si loo helo akhbaartaas.

3.     Dalbo Credit Report-gaaga

Credit Report waa warbixin ku saabsan nafsadaada; bangiyada kuu furan, credit card-yada aad leedahay ama aad horey u lahaan jirtay, biilasha aad bixisid, deemaha lagugu leeyahay, shirkadaha aad mucaamalaadka la leedahay ama hadda ka hor mucaamalaad la yeelatay.  Tusaale ahaan, hadii aad bangi furatay ama credit card dalbatay, akhbaartaas waxay galeysaa warbixinta credit report-gaaga ilaa dhowr sano xataa hadii aad xirtid akoonkaas.  Warbixinta credit report-ga waxaa kaloo la socda dhibco (score) lagu qiimeynayo sharaftaada iyo inaad aamin gashid.  Laga yaabo inaad maqashay hebel credit-kaa ka gubtay.

 Warbixintaan aad ayey muhiim u tahay oo shirkad walba ayaa fiirisa dhibcahaaga kuna qiimeysa sharaftaada inta aysan shaqo kuu qaban ama kusiin credit card.  Waxaa laga yaabaa inaad maqashay qof leh telefan wey ii diideen inay isiiyaan maxaa yeelay credit ma lihi oo hebel ayaa magaciisa iigu soo furay.  Tani micnaheeda ma ah in qofkaas uusan sharaf lahey laakiin waxaa dhici kara dhowr waxyaalood in loogu diiday.  Laga yaabo in credit report-giisa ayasan gaarsiisneen dhibco sare oo qofka aan lagu aamini karin inuu biilka telefanka bixiyo lana weydiiyo inuu dhigo lacag dabaaji ah.  Waxaa kaloo dhici kara inuusan (credit report) warbixinba laheyn maadaama uusan bangi ama credit card hore u yeelan.  Dadka Soomaaliyeed tan dambe ayey u badan tahay inay ku dhacdo.

 Marka waxbixinta credit report-ga waa muhiim waxaana fiican ugu yaraan inaad hal mar sanad walba dalbatid si aad u ogaatid akhbaarta waxbixintaada.  Hadey jiraan wax cusub oo ku saa’iiday sida akoon cusub oo magacaaga lagu furay, waxaa ka heleysaa warbixintaas.  Congress-ka mareykanka ayaa dhowaan saxiixay sharci u ogolaanaya in dadka credit report-gooda ay lacag la'aan ku helaan hal mar sanad walba.  Hadii aad rabti inaad warbixintaada eegto lixdii bilood ama afartii bilood mar, waxay noqoneysaa inaad bixisid lacag.  Gobolka aad degan tahay ayey ku xiran tahay laakiin badanaa kama badna dhowr dollar.  Credit Report-yada waxaa laga dalbadaa sadex agency oo kala ah Equifax, Experian, iyo TransUnion. 

Credit Report bilaash ah ka dalbo halkan:  Free Annual Credit Report  (annualcreditreport.com) ama wac 1877-322-8228.  Maadaam uu sharciga kuu ogol yahay inaad credit report bilaash ah heshid sanad walba hal mar, waxaad suubin kartaa labo siyaabood.  Agency walba waxaad ka dalban kartaa warbixinta ay kaa hayaa hal mar, laga yaabo inay isku mid noqdaan balse badanaa wey kala duwan yihiin, ka dibna waad isu barbar dhigi kartaa markaad ka wada heshid.  Hadii kale, afar biloodba mar ayaad agency ka codsan kartaa warbixintaada sidaasna waxaad ku heleysaa sadex report afar jeer sanadkii.  Agency walba waxaad ka helaysaa hal report oo bilaash ah sanadkii hal mar, wixii intaas ka badan waa lacag. 

Waayadaan dambe waxaa credit report-yada fiiriya shirkadaha caymiska gawaarida galiya si ay u ogaadaan dhibcaha qofka ay gaariga caymiska u galinayaan.  Waxaa dhici karta inay kugu qaaliyeeyaan hadii dhibcahaaga hooseeyaan ama ogaadaan inaad biilasha la daahi jirtay.  Markaad guri kireysaneysidna shirkada guriyahay wey oo baarayaana warbixinta credit report-gaaga si ay u ogaadaan kalsoonidaada iyo aaminaantaada. 

Agecy-yada halkan kala xiriir: 

Equifax

Experian

TranUnion

4.  Credit Card vs Debit Card 

Credit Card - Waxaan u maleynayaa in dadka badankiis ay yaqaanaan ayna leeyihiin Credit Card.  Markaad credit card wax ku gadatid, lacagta aad wax ku gadaneysid waxay ka imaneysaa bangiga kaarka ku siiyey, ka dibna bangiga wuxuu kuu soo dirayaa biil ah lacagtii aad wax ku gadatay.  Waa inaad biilkaas ku bixisid mudadii laguugu tala galay hadii kale ribo ayaa ku fuuleysa.  Ribada lagu saaranayo intay tahay waxay ku xiran tahay bangiga credit cardka ku siiyey iyo heshiiska aad saxiixday.  Credit Card-kaaga kuma xirna akoonka bangigaaga caadiga ah.  Hadii lagaa xado credit cardka ama nambarka la xado oo wax lagu gato adigoon ogeyn, lacagtaas waxay ka baxday bangiga kaarka ku siiyey laakiin adigaa magacaaga lagu qaatay oo mas'uul ka ah, biilna laguu soo dirayaa.  Sharciga u qoran credit kaaryada waa inaad war galisid in lagaa xaday kaarka oo wax aadan ogeyn lagu gatay, bangiga wuxuu kuu raacan karaa $50 kaliya (badanaa hadey cadaato inaadan adiga isticmaalin wey cafiyaan) Waxaa shardi ah inaad ogeysiisid bangiga labo bilood gudahood.  Credit cardka hadii lagaa xado oo lacag gaareysa kumanaan wax lagu gato, adiga waxaad mas'uul ka tahay $50 dollar kaliya iyo inaad lixdan casho gudahood bangiga war gelisid.  Ayaaga doonanaya oo soo helaaya cidda tuugnimada suubisay.

Debit Card - Waa kaarka u eg credit cardka ee bangiyada bixiyaan.  Waa Check Card wata calaamada shirkadaha bixiya credit cardyada (Visa or Master Card logo).  Credit Card ahaan ayaa loo isticmaali karaa balse ma ah credit card.  Waa loogu waci karaa credit card inta badan credit card ma ah ee waa Credit Card loo isticmaali karo sida check booga.  Dadka qaar ayaa u yaqaan "Fake Credit Card"  credit card been ah.  Markaad kaarkaan wax ku gadatid lacagta aad isticaaleysid waxay ka imaaneysaa banigaaga adiga aad leedahay.  Biil dambe iyo ribo ka baqi meysid oo lacagta akoonkaaga ayaa lagala baxay daqiiqada aad wax gadatay.  Laakiin dhibta jirta ayaa ah, hadii kaarkaan lagaa xado ama nambarkiisa la isticmaalo, lacagtaas waxaa laga xaday akoonkaaga.  Bangiga hadaad u dacwootid, baaris ayuu suubinayaa inta uu baarista wadona adigey lacagta kaa maqan tahay.  Hadii dambiga la xalin waayo, adigaa meesha wax ku la' oo lacagtaadii ayaa maqan.  Bangiga waxna kuuma celinaayo.  Sharcigii $50 ahaa kuma qabanaayo maxaa yeelay waa Debit Card ma aha credit card.  Waxaan u maleynayaa waad garatay farqiga u dhexeeya Credit Card iyo Debit Card.  Midna akoonka shirkada ayuu ku xiran tahay debit cardkana akoonkaaga ayuu ku lifaaqan yahay.    

Waxaa la tilmaamaa inay fiican tahay inaad isticmaashid credit card hadii aad alaab badan aad gadaneysid ama meel ka dalbaneysid siiba Internetka.  Hadii aad alaab dalbatid oo aad isticmaashid credit card, hadeysan alaabtaas ku soo gaarin ama aadan ku qancin, waad celin kartaa.  Bangiga credit cardka ku siiyey ayaad ogeysiineysaa biilka markuu yimaadona waad diideysaa.  Hadii aad Debit Card isticmaashid, isla daqiiqada aad wax gadatay ayey lacagta akoonkaaga lagala baxeen.  Hadii uu dhib gadaal ka yimaado, waxaad la mucaamalooneysaa shirkadii waxa kaa gaday.  Hadii aad ay kaa diidaan inaad celisid, bangiga wax kuuma qaban karo. 

Waxaa laga maarmaan ah inaan wax ka iraahdo Islaamka wuxuu ka qabo isticmaalka credit cardyada iyo ribada.  Ribada waa xaraan aan diinteena ku banaaneyn.  Qofkii ribada isticmaala Ilaahey ayuu dagaal kula jiraa sida diinta ay inoo tilmaantay.  Qoraalka dambe ayaa ku soo qaadanayaa culumada waxay ka yiraahdeen isticmaalka credit cardyada iyo macaamiishooda.  

5.  Hubi in statement-ga bangiga & credit cardka uu saxan yahaya

Bil walba iska hubi in ay saxan yihiin akhbaarta ku qoran waraaqaha bank statement-ga iyo credit card-yada.  Hadii aad ku aragtid wax khalda ama is daba maris ah ama macaamil-ganacsi oo aadan ogeyn, bangiga la xiriir oo ka dacwoow.

6.  La soco sanduuqa boostadaada

Hadii sanduuqa boostadaada uu yahay mid furan oo aan xirneyn waxaa fiican inaad la socotid waraaqaha kuu yimaada inay dhan yihiin iyo inay kala dhiman yihiin.  Waxaa dhacda in waraaqaha bangiyada ka yimaada oo ay ka mid yihiin credit cardyada, lagala baxo sanduuga boostada ka dibna la isticmaalo ayadoo qofkii loo diray uusan u war heyn.  Hadii aad ka shakido waraaqaha kuu yimaada la xiriir meelaha aad waraaqaha ka sugeysay oo hubi inay soo direen.  Sidoo kale markaad waraaqo direysid ha ka dirin gurigaaga sanduuqaas iska furan ee boostada ka dir.  Hadii ay dhacdo inaad safar aadaysid oo mudo dheer aad maqnaaneysid aadna weydo cid aamin ah oo boostada kuu sii furta, la xiriir boostada dariskaaga ah kana codso inay kuu sii hayaan wixii waraaqo ah oo kuu yimaada. 

7.  Hadii guriga lagaa soo woco.......

Hadii email ama telefan lagugu weydiiyo akhbaartaada ha bixin.  Ka shaki haduu qof guriga kaa soo woco asagoo ku weydiinaaya akhbaartaada, magacaaga, taariikhdaa dhalatay, iyo social security-gaaga am cinwaankaaga.  Ha siin akhbaartaas maadaama aadan garan karin qofkaas wuxuu yahay.  Laga yaabo in qofkaas uu ka socdo shirkad jirta oo xiriir idinka dhexeeyaan balse ceeb ma aha inaad tiraahdid isku key sheeg, magaciisa iyo telefankiisa ka qaado, ka dibna adiga la xiriir waa haduu saxan yahay magaca iyo telefanka uu ku siiyey, laakiin akhbaartaada si fudud ha u dhiibin. 

8.  Telefankaaga ka diiwaan gali Do Not Call List

Waligaa miyey ku soo waceen kuwa wax xayeysiiya?  Adigoo hurda habeen saqda dhexe, ama waqti qado ay tahay ama adigoo dibadda la hadlaya?  Inteena badan wey nagu dhacday arrintaan ayaan filayaa.  Waxaa taas ka daran oo aan la yaabay in wadanka Hindiya la iga soo wacay oo qof aan fahmi waayey luuqadiisa oo rabo inuu wax iga gado!  Waxaan ku iri hurdo ayaad iga jaftay, telefankeyga mar dambe ha soo wicin oo liiska iga saar, waana isa saaray.  Maalintaas maalintii xigtay ayaan iska diiwaan galiyey liiska loo yaqaan Do Not Call List oo sharci ka dhigaya inaan gurigaaga la soo wici si wax lagaaga gado.  Hadaad rabtid diiwaanka is gali si aysan kuugu badan telefanada doonaya inay wax kaa gadaan.

9.  Meel dhigo nambarada kaararka bangiyada

Meel gooni ah ku qoro kaararka bangiyada iyo telefanadooda si haday dhumaan ama la xado kuugu sahlanaato inaad bangiga war galisid.  Nambaradaas ha ku xifdin computerkaaga hadii uu ku xiran yahay Internetka ama meel ay dadka kale arki karaan. 

Hadaad dhib la kulantid

Hadii aad u maleysid in sharcigaaga si tuugaysi ah loo isticmaalay, la xiriir sadexda agecy ee credit report-gaaga hayaa ee kor ku qoran.  Dacwo ka suubi xafiiska booliska.  La xiriir bangiyadaada iyo shirkadaha credit card-yadaada una sheeg in sharcigaaga si xatooyo ah loo isticmaalay.  Ka dalbo inaysan wax macaamiil ganacsi suubin la hadal la'aantaada.  Warqad u qor ama la xiriir sadexda agency ee credit report-ga kana codso inay Alert galiyaan file-kaaga si hadii uu qof isku dayo inuu magacaaga isticmaalo bangiyada loola xiriiro booliiskana loo war galiyo.  Sidoo kale, qareen la xiriir hadey macquul kuu tahay.

Intaas ayaan kusoo gaabinayaa.  Xadidda aqoonsiga waa arrin dhib badan waana in laga taxaradaa.  Xiriirka hoose ka daawo haweeney laga xaday aqoonsigeeda.

CSB Early News: Haweeney laga xaday aqoonsigeeda

Wixii talo iyo tusaale ah ama khalad saxitaan iigu dhaaf emailka sare.

Qore: Cali Daray
alidaray@yahoo.com
alidaray@gmail.com

LINK: www.Somalitalk.com/daray

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 30, 2005


HTML ku baro AfSoomaali... GUJI....

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD