SomaliTalk.com
ALLAH IS GREAT

 DAREENKA DADWEYNAHA

| Quraan | Siiro | Saxaabo | Salaat |   Zakaat | Halal  | Hajj | isxisaabi

Dareenka Dadweynaha iyo Toddobaadkan

 
mohamud.jpg (11221 bytes)WD. Maxamuud Yuusuf Garre

Yusuf22@lycos.com 

April 28, 2003    

Qodobada Toddobaadkan: 

  • Shaar Guduud oo shaarkii Bedeshay
  • Siilaanyo iyo Riyaale Kumaa Madaxweyne ah?
  • Xaaji Muuse iyo Col.Cabdullaahi Yusuf Waa Laba Madaxweyne

Xaaji Muuse iyo Col. Yeey Waa Laba Madaxweyne

Col.Cabdullaahi Yusuf Axmed wuxuu sheegtaa inuu yahay Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, sidoo kale hogaamiye-kooxeedka Xaaji Muuse Suudi Yalaxow ayaa u muuqda inuu yahay Madaxweynaha Beesha Mudulood.

Hadalo kul kulul ayey in dhowaalaba is dhaafsanayeen labadan Madaxweyne, waxaana jira xurguf siyaasadeed oo u dhaxeysa labadan Madaxweyne taasoo salka ku haysa Muuse Suudi oo horay u sheegay in Jagada Madaxweynenimada ay xaq u leeyihiin beesha Hawiye halka Col. Cabdullaahi Yusuf rajeynayo in loo doorto Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya bisha Juun ee soo socota.

Cabdullaahi Yusuf wuxuu horay u sheegay inuu isu soo sharaxayo doorashada Madaxweyne-nimada balse Muuse Suudi ayaa qaba in beeshiisa Mudulood xaq u leedahay jagadaas isla markaana isaga Xaaji Muuse ah yahay Madaxweynaha mustaqbalka ee Soomaaliya.

Labadan hogaamiye-kooxeedba waxey xiriir la leeyihiin dowlada Itoobiya, waxeyna awood ciidan ku kala leeyihiin degaamadooda. Hadaba waxaa la oran karaa waa labada nin ee ugu fursada wanaagsan  qabashada jagada Madaxweyne-nimo ee Soomaaliya.

Balse su'aashu waxey tahay ma yihiin hogaamiyeyaal kasoo bixi kara mas'uuliyada ay xambaarsan tahay jagada ay doonayaan? Hadiise Xaaji Muuse loo doorto Madaxweyne Soomaaliyeed ma awoodi doonaa inuu nabad ka dhaliyo gobolka Banaadir meel kaleba yeelkeede. Hadiise Cabdullaahi Yusuf loo doorto Madaxweyne ma awoodi doonaa inuu Muqdisho yimaado oo uu xafiis ka furto iyadoo uu Xaaji Muuse meesha soo fadhiyo?

Jawaabaha su'aalahan idinkaan idiin daayey!!!

Siilaanyo iyo Riyaale Kumaa Madaxweyne ah?

Abaabulkii doorashada ka dhacday Somaliland wuxuu ahaa mid la amaanay, intii ay doorashadu socotayna wax carqalado ah ma aaney dhicin taasoo ay ku amaanan yihiin shacabka gobolada Waqooyi (Somaliland).

Ku dhawaaqidii doorashada ayaa qaadatay waqti ka dheer kii loogu talo galay taasoo dhalisay shaki ay horayba u qabeen qaar kamida xisbiyada kuwaasoo rumeysnaa in xisbiga talada haya UDUB  ku shuban doono doorashada.

Gudigii doorashada waxey ku dhawaaqeen in xisbiga talada haya ee UDUB uu ku guuleystay doorashadii iyagoo sheegay inay kaga sara mareen xisbiga KULMIYE codad dhan 80.

Natiijadii Gudiga Doorashadu soo saareen ayaa ah sidan:
KULMIYE UCID UDUB VALID VOID TOTAL
205,515 77,433 205,595 488,543 10,096 498,639
41.22%  15.53% 41.23% 97.98% 2.02% 100.00%

Axmed Siilaanyo oo hogaamiya xisbiga Kulmiye markiiba wuu diiday natiijadii doorashada, waxeyna xisbiga KULMIYE 27 April soo saareen natiijo ka duwan tii gudiga doorashada taasoo ay ku muujiyeen in ay iyagu ku guuleysteen doorashadii waxeyna soo bandhigeen natiijadan:
KULMIYE   UDUB
205,648  205,572

Arday Reer Somaliland ah oo u dabaaldegey Guusha Xisbiga Udub 
Boqolaal Ardayda Reer Somaliland ah oo wax ka Barata Jaamacadaha Hindiya ayaa u Dabaaldagay Guusha Xisbiga Udub. GUJI...   22/4
Iyagoo muujiyey in ay 76 cod ka horeeyaan xisbiga UDUB ee Madaxweyne Daahir Riyaale. Ilaa hada ma jiraan ifafaale muujinaya in Axmed Siilaanyo iyo xisbigiisa KULMIYE aqbali doonaan natiijadii doorashada.

Hadaba mala oran karaa arimahani waa bilowgii bur-burka Somaliland?

Dad badan ayaa ka cabsi qaba in is qabqabsigan sababo dagaalo qabiil oo dib uga soo cusboonaada gobolkaas. Arintu si kastaba ha ahaatee waxaa muuqata in shacabka Somaliland ku jiraan xaalad tijaabo ah, waana arin u taala shacabkaas iney ka gudbaan tijaabadan iyo iney ku guul dareystaan oo ay kusoo biiraan Soomaalida colaadu caadada u noqotay.

Shaar Guduud oo Shaarkii Bedeshay

Hogaamiye-Kooxeedka Maxamed Nuur Shaarguduud ayaa kamid ahaa xildhibaanadii dowlada KMG ee lagu soo dhisay Carta. Shaarguduud wuxuu kamid ahaa hogaamiyeyaashii aadka ugu dhowaa Madaxweyne Cabdiqaasim bilowgii dowlada. Balse Shaar Guduud ayaa ka gedooday DKMG kadib markuu helay lacago iyo balan qaadyo kaga yimid dowlada Itoobiya.

Shaar Guduud ayaa mudooyinkii lasoo dhaafay xiriir aad u dhow la lahaa dowlada Adis Ababa wuxuuna ka qeyb qaatay gumaadka beesha uu ka dhashay ee Raxan Weyn. 

Dowlada Itoobiya oo markii horeba ogeyd in Shaar Guduud yahay nin aan la aamini karin daacadna u ah hadba ninkii lacag badan ayaa bilowday iney iska hor keento isaga iyo Ku-Xigeenadiisii ururka RRA taasoo ay dowlada Itoobiya taageertay Sheekh Aadan Madoobe iyo Xaabsade kuwaasoo Baydhabo ka hantiyey Shaar Guduud.

Dhacdadan ayaa sababtay in Shaar Guduud bedesho shaarkii soona xirto Shaar Buluug ah isagoo mar kale xulufo la noqday Dowlada Kumeel Gaarka ah, saxaafadana u sheegay   sida uu uga soo horjeedo fara gelinta dowlada Itoobiya ku hayso arrimaha Soomaaliya.

Ma qarsoona in Shaar Guduud yahay nin aan la aamini karin balse waxaan sugeynaa goorta uu Shaar Buluug bedeli doono shaarkan Buluuga ah ee uu iminka xiran yahay.

I  I  D  H  E  H

QORMADII  HORE WAXAA KAMID AHAA:

  • Cabdiqaasim Madaxweyne Debeda Ku Magac Roon
  • Meeye Ciidankii Qaranka Soomaaliyeed?
  • Morgan Kama Quusto Kismaayo   
  • GUJI HALKAN......

WD. Mohamud Yusuf Garre
Yusuf22@lycos.com 

AFEEF: Qoraaladan waa kuwo u gaar ah qoraaga ku saxiixan, kana tarjumi mayaan aragtida SomaliTalk.com.

XUSUUSO CINWAANKA QORAALKA..... WIXII JAWAAB AHNA KU HAGAAJI QORAAGA.... 

FAAFIN: SOMALITALK.COM

QORAALADII HORE EE MAXAMUUD Y. GARRE:
  AKHRI HALKAN iyo HALKAN


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...

WARARKA UK
Britain oo Soo saaray Sharci Cusub 
London: waa sharci ay UK ku xadideyso xuquuqda Qaxootiga soo gala Wadankeeda  .. GUJI 13/1