SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  MUQDISHO

Deeqa Maxamed Muuse oo Caafimaad ahaan loogu qaaday wadanka Austria.

Waxaa dhawaan dalka Austaria caasimaddiisa Vienna loo qaaday gabar Soomaaliyeed oo da'deedu tahay 18-jir kaddib markii dhibaato ay ka soo gaartay kufsi ay u gaysteen 4-nin oo dabley ah waqti ay ku sugnayd Deegaanka Mayle oo ka tirsan degmada Jarriiban ee gobolka Mudug.

            Gabadhaas oo lagu magacaabo Deeqo Maxamed Muuse waxa ay muddo la xanuunsanaysay dhibkii ka soo gaaray kufsiga kaddib markii caafimaad ahaan loogu qaaday Magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso, kaddibna waxaa la keenay Muqdishu waxayna takhaatiirtii baartay caafimaadkeeda ay qireen in gabadhaasi aan waxba looga qaban karin dalka ayna u baahan tahay caafimaad dibadeed, kaddib markii si gaar ah dhib uga soo gaaray labada ib ee Saxarada iyo Kaadida oo isku furmeen.

            Dadaal dheer kaddib ayaa Deeqo Maxamed Muuse u suuro gashay in la geeyo wadanka Austria, wuxuuna xiriirka gudaha iyo dibadda uu socday laga soo bilaabo bishii Juun ilaa iyo waqtigaan, Deeqo oo la filayo in la qalo 10-ka bishan ayaa intii ay ku jirtay Isbitaalka waxaa ku socday baaris guud ee caafimaad waxaana maalin walba Isbitaalka ku soo booqanayay dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Austria.

            Deeqo Maxamed Muuse ayaa waxa ay mar ku sigatay in ay cabto Sun kaddib markii ay ku dhibtootay dhibkii ka soo gaaray Kufsiga sidoo kale waxay ku sigatay in dib loogu celiyo baadiyaheeda kaddib markii reerkii hayay ay u caal waayeen, hase yeeshee Saxaafadda gaar ahaan  wab-site ka Somalitalk.com, ayaa waxa ay reerkii hayay gabadhaasi u sheegeen in ay gargaar u waydiin doonaan walaalahood ku nool dibadda, waxayna gabadhaas sawiradeeda iyo qoraaladeeda ku soo baxeen  web site kaas iyadoo  waqtiyadan dambe shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dibadaha  ay gacan siiyaan dadka Soomaaliyeed ee la il daran cudurada aan waxba looga qaban karin dalka gudihiisa.

            Deeqo Maxamed Muuse aakhiritaankii waxaa codsigeeda ka jawaabay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Austria , dowladda Austria, iyo gabadha ku caanka ah ee Waris Diiriye.

            Deeqo Maxamed Muuse waxay u mahad celisay Wariye Amiin Yuusuf Khasaaro oo ay sheegtay inuu ahaa ninkii ugu horreeyay ee daah fura ama daboolka ka qaaday dhibaatadii gabadhaas ka soo gaartay kufsiga isagoo warbixintii ugu horraysy uu ku qoray websiteka Somalitalk.com, sidoo kale waxay u mahad celisay Yaasmiin Mayoow oo iyadana wakiil uga ah website ay leeyihiin urur u dooda haweenka oo lagu magacaabo 4 somaliwomen iyadana waxay websitekaas ku soo bandhigtay dhibaatadii lixaadka lahayd ee loo gaystay gabadhaas, waxay kaloo u mahadcelisay dowladda Austria oo iyada u ballan qaaday in ay bixineyso  wixii kharash ah ee ku baxaya qaliinka gabadhaas, Deeqa waxay kaloo u mahad celisay Weris Diiriye oo iyadana gacan ka gaystay bixisayna  wixii tashiilaad ah oo ay u baahnayd gabadhaas, waxay kaloo u mahad celisay Maxamed Cabdi Shiino oo isna ahaa ninkii xiriirinaayay dowladda Austria iyo Deeqo Maxamed Muuse, sidoo kale waxay sheegtey in ay  hilmaami doonin Caasha Cumar iyo Axmed Hiilweyne oo ahaa labadii qofood ee gacanta ku hayay gabadhaas inta ay ku sugnayd Muqdisho, maadaama hooyadeed iyo Aabbaheed ay jireen dhulka Baadiyaha ah, waxay kaloo u mahadcelisay C/samad C/qaadir Hanad oo ah wariye u shaqeeya I daaacadda HornAfrik oo isna ka mid ahaa dadkii gacanta ka gaystay in ay hesho gabadhaasi gargaar caafimaad, waxa kaloo ay u mahadcelisay dhammaan intii wax u soo dirtay gabadhaasi gaar ahaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudihiisa iyo dibaddiisa.


Waxaan Codsanayaa Caawino Soomaalinimo... Guji..

            Deeqo Maxamed Muuse waxay aad uga naxday geeridii lama filaanka ahayd ee ku timid Maxamuud Cabdi Fiidoow oo isaga ka yimid Sweden una yimid inuu Deeqo guddoonsiiyo lacago ay ugu deeqeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadankaasi, hase yeeshee markii uu Deeqo lacagtaasi guddoonsiiyay damcayna in uu u laabto dalka Sweden ayaa wuxuu ku geeriyooday shil baabuur oo ka dhacay agagaarka Afgooye waxayna leedahay Deeqa ILAAHAY Jannadii firdowsaad ha kaa waraabiyo

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 6, 2005

Wararkii hore ee Deeqo Hoos ka akhri


Jaaliyadda Sweden oo deeq soo gaarsiiyey Deeqa Maxamed Muuse 

  • Aug 22, 2005

Jaaliyadda soomaaliyeed ee ku dhaqan  wadanka Isweden ayaa dhawaan deeq lacageed soo gaarsiisay gabar soomaaliyeed oo ku dhibaateysan Magaalada Muqdisho laguna magacaabo Deeqo Max’ed Muuse, deeqdaan oo gaareysay 360 doolar ayaa waxa ay jaaliyadda soomaaliyeed ugu talagaleen in gabadhaasi kaga baxdo dhibaatada haysata wallow aysan dabooli Karin marka la fiiriyo dhibka la gaarsiiyey   waxaana deeqdaani loo soo dhiibay nin lagu magacaabo Cabdi Fiidow oo ka mid ah dadka soomaaliyeed ee degan wadanka Isweden.

Ma ahan markii ugu horeysay ee jaaliyadda soomaaliyeed ee Isweden ay deeq soo gaarsiiso dadka soomaaliyeed oo qaarkood la il daran cuduro kala duwan qaar koodna ay ku dhaceen masiibooyin ay sababeen dagaaladii sokeeye, iyadoo dhawaan jaaliyaddaasi ay deeq soo gaarsiyeen gabar yar da’deedu tahay 3 jir oo buro uga soo baxday qaybta taranka gabadhaasoo lagu magacaabayay Xaliimo Hirre Xuseen oo iyadu dhawaan loo qaaday dalka Ostaria halkaas oo haatan lagu daaweenayo.

 Cabdi Fiidow oo ka hadlay xafladdii gudoonsiinta deeqdaasi ayaa waxa uu sheegay in dadka soomaaliyeed ay haatan wax badan fahmeen ayna garteen in dadkooda ay u gargaaraan ee la il daran cudurrada kala duwan isagoo sheegay in uu aad uga naxay dhibka loo gaystay Deeqo Max’ed Muuse waxa uuna u soo jeediyay jaaliyadaha kale  in ay gacan siiyaan dadka dhibaateysan ee ku sugan gudaha dalka soomaaliya.

 Deeqo oo ka hadashay xafladda gudoonsiinta deeqdaas ayaa waxa ay u mahadcelisay intii isku soo howshay deeqdaasi waxayna u soo jeedisay shacabka soomaaliyeed in ay gacan ku siyaan sidii loogu qaadi lahaa dibadda looguna soo daaweyn lahaa, sidoo kale waxay u mahadcelisay intii iyana wax u soo dirtay.

 Deeqo oo ka dhalatay beelaha la hayb sooco ayaa waxa dhibkaan u gaystay afar nin oo dabley ah mar ay Geel ku raaceysay Tuulada Meyle oo ka tirsan degmda Jariiban ee Gobolka Mudug waxayna Deeqa u adeegsadeen beenaad iyagoo isku jeexay  labada ib ee saxarada iy kaadida, waxaana horey loo geeyay isbitaalka degmda Garoowe oo uu wax ka qaban waayay kaddibna waxaa loo gudbiyay isbitaalka Boosaaso waxayna sheegeen in aysan waxba ka qaban Karin , intaa kaddib waxaa loo soo gudbiyay Magaalada Muqdisho waxaana lagu sameeyay afara qalliin ah waxayna natiijadii aakhiritaankii takhaatiirtu ay sheegeen in aan waxba looga qaban Karin dalka gudihiisa waxayna takhaatiirtu u soo jeediyeen shacabka soomaaliyeed in gabadhaasi gacan lagu siiyo sidii loo badbaadin lahaa nolosheeda.

kala xiriir taleefonka reerka

2521-225030 ama 2521-654676

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail:
amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 22, 2005


Deeqo “ Ragga qaarkood naxariisdaranaa”

waxay u baahan tahay  Gacan Banii’aadanimo

Nolosho xiiso la’aa, waayuhu xanuun badanaa, marka ruux ku xakaaro oo ku xujoobo Adduunka.


Deeqo Max’ed Muuse

warqada oo weyn... Guji...

Deeqo Max’ed Muuse oo ah gabar Soomaaliyeed oo 18-jir ah oo daryeel caafimaad loo keenay Magaalada Muqdisho dhawaan, ayaa xiligaan waxay quudka ku cuntaa Suuliga (Musqusha) dhexdeeda, sababo la xiriiira markii la isku furay labada marin ee kaadida iyo saxarada awgeed oo wixii ay cuntaa kuma hakanayaan, Deeqo ayaa waxaa tacadigaan u gaystay 4-nin oo reer Miyi ah.

Deeqo Max’ed Muuse oo xiligaa ku nooleyd Miyiga Meyle oo ka tirsan degamada Gaalkacyo waxay ahayd goor barqo ah oo ay Deeqo la joogtay xiligaas geel aan sitaas u badnayn.

Waxaa u yimid 4 Nin oo ku hubeysan qoryo gacmeedyada loo yaqaano AK-47 waxay damceen in ay handadaan iyagoo wax ka raadinaya si ay kufsadaan, hase yeeshee Deeqo taas way ka madax adeegtay, nasiib-darase Raggii 4-ta nin ahaa xoog bay wax uga raadiyeen, Deeqo gabarnimadeedii markii ay wax ka qaadi waayeen ayay  jeexista bikrada Deeqa u adeegsadeen Beynaad, taasoo keentay dhaawac halis ah iyo isku furan ku yimid labada ib ee saxarada iyo kaadida.

Waxyeelada loo geystay Deeqo iyo dhiig bixii soo gaaray waxay keeneen inay miyir daboolanto oo suuxdo, 4-habeennimo ayay reerkoodii ogaadeen kaddibna way soo baadi goobeen waxayna dul yimaadeen Deeqo oo naftii ku daba yartahay, Reerka Deeqo oo sabool ahaa ayaa aad uga walaacay dhibka daran ee loo gaystay gabadhooda, deegaanka oo aysan ka dhaweyn goob caafimaad ayaa tacadigii waxaa maqlay reer ay waa wada deggenaan jireen oo ay saaxiibo ahaayeen, Hooyada qoyskaas oo lagu magacaabo Caasho ayaa deegaankaas ka soo kaxaysay Xamarna loo keenay si loola tacaalo dhibaatadii loo gaystay gabadhaas.

Deeqa Muuse Max’ed waxaa loo geeyay dhaqaatiirta cilmiga u leh arrimahaa oo kale oo ay ka mid ahaayeen Dr. Bashiir Shiikh Cumar oo ka howlgala Isbitaalka SOS iyo Dr. C/Casiis oo isna ka howlgala isla Isbitaalkaas, labadaba waxay caddeeyeen in gabadhaas aan Soomaaliya waxba looga qaban karin, iyagoo intaas waliba raaciyay in gabadhaas ay u baahan tahay dhaqaatiir dibada ah, Hooyo Caasho Cumar Maxamed oo ayadu keentay Magaalada Muqdisho waxay sheegtay in ay goosatay inay reerkoodi ku celiso iyo Tuuladii Meyle maadaama aysan waxba ka qaban karin, hase yeeshee dad baa igu dhaliyay inaan saxaafadda wargeliyo si ay gurmad uga hesho ummadda Soomaaliyeed iyo Hay’adaha gargaarka.


Amiin Yuusuf oo Waraysanaya Deeqo Max’ed

Waxay u baahan tahay gacan soomaalinimo iyo mid Bini-aadannimo  si ay mar kale ugu soo laabato rajadeedii nololeed, Deeqo markii aan ka qaadayay wareysiga waxay dabadda ku wadatay xafaayad iyadoo ka xun nolosha ay ku jirto, waxayna dadka Soomaaliyeed iyo dadka ku nool dunida ka codsatay in ay siiyaan gacan Bini-aadannimo. Deeqo waxay ka dhalatay beelaha laga tirada badan yahay oo aan hubeysnayn. Hooyadeed iyo Aabbaheed waa dad aan waxba haysan oo xoolihii yaraa oo ay haysteenna ay ka baabi’isay abaaro, waxayna  ka codsanayaan dadka soomaaliyaad ee ku nool dalka iyo dibada iyo intii ay ku jirto damiir Banii’aadanimo  in gabadhooda iyadoo caafimaad qabta inay u soo laabato.

  • Taleefonka tooska loogala xiriiri karo::
    Deeqa Muuse Max’ed waa: 252-1-225030 ama 252-1-654676

waxaa wareystey Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail ; amiinkhasaaro@hotmail.com
             amiinkhasaaro@yahoo.com

kala soo xiriir
Taleefonka reerka
252-1-225030
252-1-654676

Taleefonka Amiin
252-1-218180
252-1-655533

LINK: http://www.somalitalk.com/deeqo/

Faafin: SomaliTalk.com | June 10, 2005 | Update: Jun 24, 2005

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD