MAXKAMADAHA ISLAAMIGU MA ISLAAM BAA???
ISLAAMKU WAA DIIN IYO DAWLADD.
Bismi –llaahi. Dadka
Soommaaliyeed, wax-walba oo qiimo leh , ayaa ka burburay,
kaas oon ku koobnayn, Dawladda, dalka iyo dadka oo
kaliyaa sida dad badani u haystaan, balse waxuu brburku
saameeyay diintii muqaddaska ahyd oo waxaa soo gaartay
dhibaatooyin aan ka yareen kuwa soo gaaray dhinacyada
kale,
Dhibaatada Diinta soo
gaartay 14 sano ee baabba’a iyo baadida lagu jiro, waa
mid dhinacyo badan ,Waxaanse maanta ku eegayaa qormadaan
waxa loogu yeero MAXKAMADAHA ISLAAMIGA AH, Waxaanan si
deggan u falan-qaynayaa, Bal in maxkamadahaasi yihii
kuwo run ahaan ku sifoobay magaca loo la baxay oo ay
islaamka waafaqsanyihiin, iyo in uu yahay magac been ah
oon Islaamku ka beri-yahay.
Waxaynu wada ognahay Jabhadaha
tiro beelay ee magacooda uu ku wada-jiro xarafka S, oo
ka taagan Somali, Somalinimadu ka beri tahay
maxkamaduhuna masidaas oo kale bay u sitaan magaca
Islaamka??
Waxaan u guda-gelayaa
mawduuca si uuna innoga baahin in ay Caddayno arimahan:
1- Aragtida Nidaamka
Ismaamka iyo xukunka
2- Aragtida Islaamka
iyo Xaaladda Somalia.
Markaa kadib ayay
kala cadaan-doona dhinaca aan u ridayno Jawaabta
su’aasha cunwaanka u ah mawduuca.
Waxaanse hormarinayaa
wax-yar oo hordhac ah oo aan ku iftiimiyo nidaamka Eebe
u dejiyay Arladaan aan ku noolahay haadaan nahay
Bani-Aadamka, iyo makhlooqaad kale oo fara badan oo
qaarkood Alle innoo sheegay, sida noolaha berida, kan
badda, dhirta, dabaylaha, roobka, barafka, biyaha ,
kulka iyo waxa dhulka dushiisa saaran sida buuraha iyo
hoostiis kuwa ku jira sida macaadinta…iwm.
Waxaa kale oo Eebe ku
abuuray dhulka waxyaalo aan la inno sheegin. Kuwaa danbi
waxaa ka mid ah qaar la doonayo in Cilmi-baaris joogta
ah wadno si ay u ogaano, waana tana Banii Aadamku ku
kashifayo oo uu ku ogaanayoo taarikhdiisa da’da wayn,
mar-walba waxyaalo cusub oo ka baranayo Caalamkan aa ku
noolahay, waxaa la yiri waxa Alle uumay wax aad
taqaanaan iyo wax aydaan aqoon, taas macnaheedo ma aha
ma barab kartaan.
DHULKA IYO
KHILAAFADIISA:
Markii Eebe dhulka
taagay, wuu islaaxiyay, wax kasta oo nolosho u
baahantahayna, wuu u dhamaystiray, marka soo
doonay-boqorku- in dhulka uu sidaa u hagaajiyay, waxaas
oo khalqi ahna ku abuuray, in uu u sameeyo khaliif. Oo
ay macnihiisu yahay WAKIIL EEBE.
Caza wa jalla, markuu
arintaa u sheegay Malaa’igtiisii u dhowayd, way yaabiin,
oo waatay yiraaheen : Eebaw, ma dhulka sidaas aad u
wanaajisay ayaad u dhiibaysa, oo aad u wakiilan-haysaa ,
kuwo halleeya oo dhiigana quba?
Waad la socotaan
jawaabtii Eebe ku aamusiiyay, oo ahayd : wax aydaan
ogayn baan ogahay.
Kaddibna Aabehayn Nabi
Aadam baa la abuuray, kaddibna waa tii Imxixaanka laga
qaaday Isaga iyo maLaa’igtii, oo waxaa looga qaaday
aqoonta waxayaalo dhulka xirir la leh, waana kii Abbe
halkaas guushii tartanku ku raacday.
Kaddibna la faray
Malaa’igtii in ay u sujuudaan Aadan salaan iyo ixtiraam
ahaan. Ibliisna diiday sarayntaa Aadam la siiyay,
halkaana ku hoogay, Aadanna loo caleemo-saaray, haddan
isticmaalo luqadda maanta, KALIIFkII DHULKA, ama
wakiilkii Ilaahay, amase BOQORKII dhulka. ( al.baqara
Aayadaha 29-37 ).
WAAJIBKA
KHILAAFADDA
Waxaan wada ognahay,
in haddii madaxnimo loo doorto qof ay la socoto,
mas’uuliyadd, haddaba waa maxay mas’uulidda Nabi Aadam
laga saara dhulka ?
Waa mas’uuliyad ku
wajahan Banii Aadanka, oo looga ilaalinayo Dhulka
FASAHAADKA, oo ah wixii kharibayaa, oo dhibaato u
gaysanaya noolaha iyo waxaan noloolaynba. Dhibkaasina
wuxuu ka imaanayaa Aadamaha oo qur ah, khalqiga kale oo
dhan way u hoggansanyihiin nidaamka loo dajiyay dhulka ,
wax tacaddi ah iyo xumaan ah ka iman-maayo xaggooda. Waa
Mas’uuliyad ama waajib la saaray Aadamaha oo ku wajahan
isla Aadamaha. Waajibkaas wuxuu leeyahay laba dhinac:
A- waa cibaadu Alle:
oo Eebe lagu raali-gelinayaa. Oo tani waa mid
Makhluuqaadka kalana la saaray, laakin Ikhtiyaar lama
siinin, oo iyagu si AUTOMATIC ah bay Alle u caabudaan,
Aadamigase waxaan la siiyay awood uu amarka ku yeelo ama
uu ku diido. Oo waa Ikhtiyaar leh, waana meesha sarto ka
quruntay.
B- Waa Cammiraadda
dhulka iyo dhismihiisa, oo waxay ku wajahantahay, sii
hor-u-marinta, waxa nolosha Aadamiga sahlayaa ama sii
qurxinhaya
C- Waa ka ilaalinta
dhulka fassadka Oo iyana waxay ku wajahantahay Aadamaha,
oo waa dadka waxaa laga celinayaa in ay ku tacaddiyaan
nolasha Arlada iyo oonka ku noolba,
Saddexdaas oo la
mideeyay ayay ku salaynsantahay, khilaafadda Aadamaha ee
Arlada, waana waxa loo yaqaan AMAANADA, ee uu Ina Aadam
xambaaray Alle horti makii khalqiga kale wada diideen.
Khilaafaddaan oo Aadan
ka soo bilaabatay, waa mid la joogteeyay, oo soconaysa
ilaa Alle ka dhaxlo dhulka iyo waxa saaran korkiisa (waan
qiyaamaha).
Intii Nabi Aadan ka
danbeesay Mas’uuliyadda arlada waa la sii kala
dhaxlayay, jiilba jiil buu u sii gubinayay, markii qolo
fasahaadkeedu bataba Nabi baa loo soo bixiyaa ku
toosiyaa waddada saxda ah ee ay ku liibaanayaan Aakharo,
kuna islaaxinayaan noloshooda adduun.
markay diidaanna waa
la rogaa, qolo kalana waa lagu beddalaa. Nabiba Nabi-baa
daba joogay ilaa laga gaaro Nabigii Ugu Danbeeyay
Moxamed( SCS), oo loo soo dhiibay Nidaamkii ugu
danbeeyay ee khilaafadda Arlada oo ah ISLAAMKA.
ARAGTIDA ISLAAMKA EE
XUKANKA:
Nidaamkan cusub waxa
Eebe soo dijiyay, waqti Aadamuhu meel sare ka gaaray
xagga tirada, Caqliga, Ilbaxnimada farsamda. Sidaa
darteed wuxuu kaga duwan-yahay Nidaamyadii ka horeeyay
arimaha soo socda:
1- Waa nidaam CAALAMI
ah ( International system) oo aan quruun gaar ah khaas
ku ahayn sidii kuwii ka horeeyay.
2- Waa Nidaam
waqti-walba iyo meel.kasta ku dabaqmi-kara, Haddan si
kale u iraaho, sidaa uu ugu habboonaa in lagu dhaqo
Bulshadii joogtay casrigii Nabiga ( SCS) ayuu ugu
habboon yahay in lagu dhaqo dadyawga ka danbeeya ilaa
laga gaaro qiyaamaha.
3- Waa Nidaam isugu
jira DIIN IYO DAWLADD, oo ah laba aan midna midka kale
la’aantiis aanuu sura geli karin. Haddaan sii macneeyo,
waa hal nidaan oo labo waji leh, sida lacagta labadeeda
dhinac. Waa Khilaafadddii arlada ee socotay Aadan laga
soo bilaabo, ee ahayd Alle raalli-gelinti iyo islaaxa
nolosha dhulka.
4- Waa Nidaam
labaddiisa dhinac xaqiijinnaya Aduunka maciishadd wanaagsan,
Aakharana janno.
5- Waa Nidaam si
caddalad ah, ay geedkiisa u harsan karaan kuwa Muslinka
ah, iyo kuwa aan ahaynba. ( sinan ).
6- Waa Nidaam
damaanad-qaadaya XORIYADDA qofka Aadamaha, dhinac
walba,
SHARCIGA ISLAAMKA:
Nidaamka islaamka,
maa daama uu yahay mid Banii Aadamka oo dhan loogu
talo-galay, oo waliba la jaan-qaadaya casri kasta, waxaa
loo soo dejiyay qawaaniin lagu habaynayo labadii dhinac
ee diinta iyo dawladda, waxaana la yiraahaa qawaaniintaa
Rabbaaniga ah SHARIICA Oo macnaheedo yahay jidayn, oo
kala jideesa waxa qofku xaq uu leeyahay iyo waxa waajib
loogu leeyahay, waxa loo ogolyahay iyo waxa laga reebay.
Waxayna u kala
baxdaa qawaaniinta Islaamiga ahi ( Shariica) saddex
qaybood oo waa-wayn oo kala ah:
1- CIBAADAAT:_
oo ah kuwa qofku Aakhiradiisa ku suubbinayo.
Mas’uuliyaddeeduna waa mid shakhsi ah oo qof-qof loo
leeyahay. ( individual responsibility ) oo waxay ku
sasbsan tahay xiriirka addoonka iyo rabbigiis, sida
Salaadda, soonka xajka—IWM:
2- MUCAAMALAAT:
waxay khusaysaa waxa la xiriira masaalixda dadka iyo
macaashkooda, sida gancsiga, shaqada, shirkadaha…IWM, Oo
dadka macaamilayaa ayaa u leh xiriyadd buuxda wixii
danahooda u soo jalbinaya, marka laga reebo wax- yar oo
dhibaato u keenaya, oo laga reebay sida Ribada dulsaarka
ah, Khayaanada, ka beensheegidda badeecadaha… iwm.
3- CUQUUBAAT:
oo waxa ay ku jahaysantahay Dhawridda iyo ilaalinta
danaha guud ee Bulshada, waxaana lagu magacaabaa XUDUUD,
oo macnaheedu yahay ta kala saaraysa danta gaar iyo tan
guud. Waxay u dhigantaa, waxa loo yaqaan PENAL CODE,
waxayna llaalisaa NAFTA, MAALKA, SHARAFTA, AMNIGA
GUDAHA IYO KAN DIBADDA..IWM.
Qaybtaan
Mas’uuliyaddeda waxa iska leh oo ay khaas u tahay
Dawladda ( Government responsibility).
DAWLADDII ISLAAMKA
UGU HORAYSAY:
Sida la wada yaqaan,
Nabigeenii suubana (SCS) Dacwada Diinta , wuxuu waday
muddo 20 iyo xoogaa sana ah. Tobankii sano ee hore,
wuxuu joogay Makka , wuxuu waday Nidaamka islaamka
dheniciisa kawaad, oo ah Dacwo iyo cibaaado, sababtuna
waxay ahayd Reer Makka oo diiday in rumeeyaan Nabiga scs,
Muslimiintuna waxay ahaayeen tiro yar oo ducafa ah oo
la cadaadiyo, oo qaarkood laba jeer lafahooda ula
carareen geeska Africa ( Al-Xabasha - Tigre).
Tubankii sano ee danbi,
SCS wuxu deganaa Madiina, markii uu halkaa u Guureen(
Higra).waxuu ku daray dhinicii labaad ee Nidaamka
Islaamka ee ah Dawladnimada.
Madiina waxuu ka
dhisay scs dawladd nidaamkeeda lagu saleeyay shareecada,
iyo wixii heshiisyo ah ee lagu ilaalinayo danaha qaybaha
kala geddesan ee Bushda,
Nabigu scs Marka uu
Madiina salka-dhigay, wuxuu Macaahado, iyo heshiis u
sameeyay qaybahan soo socda:
1-
Al-aws oo ah qabiil Carab ahoo reer Madiina ah.
2-
Al-khazraj oo ah iyana qabiil kale oo Carab ah. Labadaan
reer waa kuwa Nabiga ku martiqaaday magaaladooda Midiina.
Waxaana lagu magacabay Ansaar, ama u gargaarayaal
3-
Waxaa kale oo diganaa Jaaliyado Yahood ah , oo laga tiro
badanyahay, Laakiin haysta xoog dhaqaale iyo mid
siyaasadeedba.
4-
Asxaabtii Rasuulka scs ee reer Makka, oo lagu amray in
ay u guuraan Madiina, waxaana lagu magacaabay
Muhaajiriin.
Afartaan qaybood baa ugu mahimsanaa reer Madiina ,
inkasta ooy jireen Aqilliyaad kale, sida Nassarada iyo
mushrikiinta.
Duulalkaas Wuxuu SCS u dejiyay Dastuur qoraal ah oo
caddaynaya xuqqoqda iyo waajibaadka qaybahaas Mujtamaca,
Haddan Dastoorkaa qoddobbadiisa ,waxa ka soo qaadanno
waxaa ka mid ahaa:
1-
Dadku waa Ummadd midaysan oon la kala qaybin karin,
waana muwaadiniin kulligood.
2-
Dadku waxay ka SIMANYIHIIN xuquuqda iyo waajibka.
3- Waxaa la iska
kaashanayaa iska-difaacidda dulmiga iyo Gar-darada
4- Kuwa aan Muslinka
ahayn, waxay leeyihiin diintooda iyo maalkooda oo loo
damaanad- qaaday, mana lagu khasbayo diinta Islaamka.
5-
Dawladda waxay u gaargaaraysaa kuwa aan muslinka ahayn
sida ay ugu gargaarayso kuwa muslinka ah markii laga
gar-daran-yahay.
6-
Umadda waxaa ka reeban in ay caawiyaan Cadawga dawladda.
7-
Qofna loo qaban maayo danbi qof kale gaystay.
8-
Nabadda, amniga,iyo xoriyadda .dhaqdhaqaaqa waxaa sugaya
Dawladda.
9-
Mujtamaco wuxuu ku dhisanyahay Iskaashiga khayrka iyo
Alle ka cabsiga, mana la isu kaashanaayo dulmi iyo Alle
caasi.
10-
Waa Taan uga dan-leeyahay eh : DAWLADDA WAXAA MADAX KA
AH NABI MOXAMED SCS. Wixii khilaaf ka dhasha qodobada
SAXIIFADDAN, waa sidii loogu magac bixiyay, waxa
garsoore ka ah isaga csc.
Saxiifaddan dastuuriga ah ee Nabigeenno SCS saldhigga
ugu dajiyay Dawladdii ugu horeysay ee Islaamiga ahayd,
waxaa lagu tilmaama in tahay tii ugu horaysay ee lagu
moojiyo, si caddaan ahna loogu qeexay waxa maanta loo
yaqaan Mabaadi’da XUQUUQDA AADAMAHA..
Waxaa ka marag-kacaya taas in xattaa Ra,iisnimada
Dawladdaa Madiina , in qaybihii bulshadaasi u gaarteen
isaga SCS, isaga oon oron anigaa Alle isoo diray oo
wax-walba iska leh, sidii waagaa Caalamka ka socotay,
ilaa haddana meelaha qaarkood ka socota.
DHISMAHA HAY’ADAHA DAWLADDA:
Dastoorkaa kaddib wuxuu markiiba ku dhaqaaqay SCS
taagidda hay’adaha dawladda. Waxaa la sameeyay
haya’adda Maailyadda oo yaqaan ( baytul-maal)
Gashaandhigga ( Jihaad) Garsoorka ( Cadalad) diinta (
Dacwa).... iwm.
Inkasta oo uu scs madax ka wada ahaa haya’adaha dawladda,
haddana wuxuu kaashan jiray Asxabtiisa, siiba mid kasta
hawsha ku habbon-yahay Arimaha maamulka la xiriirana,
wuxuu ka la tashan jiray iyaga, waxaana la tixgelin
jiray khibradda iyo takhasuska. Wixiise Waxyi ku yamaado,
waxaa loo fulin jiray sida uu ku yimid oo tashi kama
fura. Markii ay Asxaabto rc, arkaan arin si aragtidooda
ka duwan , u maamulayo Nabigu scs, way waydiin jirayn:
Nabigii Allaw ma waxyibaa mase Ra’yi ? haadday
jawaabtiiso noqoto waa Ra’yi,-waana u badnaan jirtay-
markaasay taladooda soo jeediyaan, sida qaalibka ahna
wuu qaadinjiray scs.
Goboladda waxaa loo magacaabaa wakiillo lagu soo xulay
aqoon, karti iyo daacaddnimo.
Hadduu scs safar u baxo, Madiina qof buu u magacaabaa ku
sime ah.
Sidaas
bay ku socotay.
Sidaas
bay ku hirgashay, ooy ku taabbu-qaadday Dawladdii
Islaamka ee uu scs, dhisay Midiina, Muddo sedeed sano
aan ka badnayna, waxay dagaal la’aan ku furteen Makka
Mukaramah. Toban sano markay u buuxsantay Dawladdaan
wxayawoodidii ku hanatay dhulka loo yaqaan Jaziiradda
Carabt aoo dhan.
Intii uu noolaa scs, Dadku waxay xur u ahaayeen wixii
macaamul iyo macaash ah, wixii aan Alee xaaraamayn,
Dawladdu mas’uul waxay ka tahay, aminiga gudaha iyo
kan dibadda, garsoorka iyo fulinta qawaanintta oo ku
dabaqan shareecada Alle ku qeexay Kitaabka iyo
tusaalooyinka Nabiga scs qawl iyo ficil oo Sunnaha., si
dadka iyo dawladdaba looga ilaaliyo wax dhibaato u
keenayaa.
KHULAFAAU-RAASHIDIIN:
Markii Alle oofsaday scs, halkii bay ka sii-wadeen
khulafadiisii raashidiinta ahaa : Abu-Bakar, Cumar,
Cismaan iyo Cali,-- dhammaantod Alle raali ha ka noqdo
eh- hawshii, iyaga oo raacayaa raadkiisii scs.
Dawladda
dhulkeedii wuu sii ballaratay, mas’uuliyaddii way sii
waynaatay. Hay’adihii way kordheen, laakiin nadaamkii,
mabaadi’dii iyo shuruucdii waxba iskama beddelin,
sababta oo ah waxaa Nabigu scs uga tagay Nidaam
dhamaystiran oo buuxa, oo xaqiijinayaa Liibaanta
Aakhiro iyo tan adduunba.
FAAFIDDA ISLAAMKA:
Islaamku waxuu ku faafay dunida dacalladeeda oo idil,
xaggaa bariga wuxuu gaaray Dalka Shiinaha, xaggaa
galbeedkana waxauu gaaray kunfurta iyo bartamaha Europ,
waxaa dhismay dawladu waa-wayn oo gaarsiiyay Aadamaha
Xadaarad iyo Il-baxnimo, oo iftiinkeeduna wali u baxayo
Caalamka,
Islaamku
wuxuu dunida ka ahaa quwadda ugu wayn (supper-pawer )
waqti ka badan 13 qarni. Waxaa xukunka kala daxlay
khilaafadu is-daba jooga, Raashidiintii, waxaa ku xigay,
khilaafaddii Amawiyiinta, waxaa ku sii xigay tii
Cabbaasiyiinta, tii Amawiyiinta ee Al-Andulus( spain)
tii Faddimiyiinta, tii Cusmaaniyiinta oo ah khilaafaddii
Islaamka tii ugu danbaysay, oo reer Galbeedkuu
baabi’iyeen dagaalkii kawaad ee Caalamka, kaddib markii
iyaga iyo Gemany laga adkaaday.
Caalamka
Islaamku Dagaalkaa kaddib wuxuu gacanta u galay-guud
ahaan- Gumaystayaashii reer Europe, halgan kharaar
kaddib, waxaa dhashay dawladu lagu dhisay hab ku
salaysan qawmiyadu iyo jinsi oo ah kuwa hadda jira oo
gaarayaa 50 dal wax ka badan, waxaana ku nool dad kor u
dhaafay hal Milyaardi iyo rubuc muslimiin ah.
Taarikhdaa is-daba joogta Nidaamka Islaamku isma bedelo,
si kasta oo duruufto isu beddesho, oo wuxuu ku
salaysanyahay labdii dhinac ee ahaa DIINN IYO DAWLADD,
waana Nidaam rabaani ah, oo sidaas ahaanaya ila Aduunka
la soo duubo.
Haddaba xaaladaa Soomaaliya ka jirta iyo waxa lagu
magacaabo MAXKAMADAHA ISLAAMIGA XAGGII BAY KA GELAYAAN
NIDAAMKA ISLAAMIGA AH EE EEBE AADAMAHA U SOO DIJIYAY,
NABIGEENII SUUBANAANA U qotomiyay dhidibada tiirarkana
ugu Aasya DAWLADDII ugu horasay Madiina 15 QARNI KA HOR???.
Qaybta 2aad halkan ka akhri.....
Waa:
Sheekh, Dr. Abdi Dhaan-wade. Sweden.
Email:dhaan_wade@hotmail.com
LINK:
http://www.somalitalk.com/dhaanwade/
Afeef:
Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | April 10, 2005