SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
DHISMAYAASHII - SOOMAALIYA
W/Q: Xasan dhaaleey
dheel10@hotmail.com
Muqdisho, Soomaaliya


Xaggee Ku Dambeeyeen Dhismayaashii Soomaaliya:::
Waa barnaamij taxane ah oo ku saabsan meeshii ay ku danbeeyeen hay`adihii dalka, dhismayaashii qadiimka ahaa iyo kuwii bilicda samaa, safaaradihii shisheeyaha kuwa burbursan iyo kuwa badqaba. Waxaana barnaamijkaas soo tebin doona Xasan Dhaaleey oo jooga magaalada Muqdisho, emailka lagala xiriiri karono waa: dheel10@hotmail.com

Waa Sidee Xaalada ay ku Sugantahay Tuuladii Caalamiga ahayd ee Istadio Muqdisho

Garoonka caalamiga ah ee istadio muqdisho [Stadium Mogadishu] waxaa dhidibada loo tagay oo uu howl galay dabayaaqadii 70aadkii, waxuna kamid ahaa Garoomada ugu caalamisan Qaarada africa, istadio muqdisho waxaa ay ka koobneyd garoomo dhowr ah sida, kan Basketka, laliska, teeniska dheer, juudoowga iyo karateyga, Hotel aad uqurux badan iyo Garoomo lagu almiinteeyo.

Mar aan booqday Qeybaha kala duwan ee garoonka waxaan lakulmay waxyaabo farabadan oo aan aad ula yaabay sida gaawiri dhowr midab leh oo lagu baranayo wadista Baabuurta, sidoo kale waxaan gaaray bartamaha Gaaroonka Kubada cagta, waxaa isheydu qabatay Tarabunkii Quraxda badnaa oo saqafkiisii sare oo gabi ahaantii dhulka ku soo dhacay, markaasi, waxaan milicsaday dhinaca Koofureed ee garoonka markiiba waxaan si dhab ah u eegay muuqaalka saacada Garoonka oo aad u bur bursaneyd hase yeeshee waxaa taagan oo kaliya qalfoofkeedii waxaana indhaheyga soo jiitay hadal ku qornaa saacada hoosteeda halku dhig ahaa (DAL DADKIISA AYAA DHISA).

Intii aan dhex taagnaa garoonka sidoo kale waxaa ka mid ahaa wax yaabihii aan kala kulmay raxan Ari ah oo dhex daaqeysa garoonka gaar ahaan goobtii ciyaaryahanadii ugu cansanaa dalkeena eey ku hardami jireen, markiiba waxaan dareemay ineey ku adagtahay shaqsi kasta oo yaqaanay heybadii iyo bilicdii uu lahaa garoonkaasi iney ku adkaaneyso in laga dhaadhiciyo in istadio Muqdisho ay isku rogtay goob baadiyo ah misne xoolihu ay daaqsin uraadsadaan kuna foofaan.

Waxaa harqiyay qashin baaxad weyn, dhir kala duwan oo uu ugu badanyahay geedka loo yaqaano (RABOWGA) oo ah geed lagu arkayay soomaliya sanadihii ugu danbeeyay.


Suuqa Ganacsiga Muqdisho, sannadkii 1882

Sawirka: E.Cerulli, Somalia, Scritti Vari Editi ed Inediti, Vol. 1., Fig. XIV. Istituto Poligrafico dello Stato, P.V., Rome, 1957 (5)
ISHA: http://www.swan.ac.uk

Waxaa dhamaan xididada loo siibay Tubooyinkii Biyaha iyo xargihii korontada ee garoonka, sidoo kale albaabadii garoonka barbaa xiran, iyadoo qaar kamida jaranjarooyinkii laga soo fuulayay garoonka uu dushooda tiintiin farabadani ka baxay, gees waliba oo garoonka ah waxaa kaaga muuqanaya burbur baahsan iyo dhaawac xoog leh oo uu ka dhaxlay sharci daradii ku habsatay dalka.

Waxaan iyana ka dhicin oo dhinacooda ay ka gartay dhibaatadu hoolalkii waa weynaa ee Basketka oo mar iyadoo burbursan noqotay Dugsi hoose dhexe iyo garoonkii kale ee juudoowga iyo karateyga oo sida muuqata isu rogay qashin qub, waxaa qashin iyo biyo wasaqeysana dhex ceegaagaan garoonkii Dabaasha oo isna iskii dhaawac u ah.

Garoonka istadio muqdisho waloow uu ahaa garoon aydhismihiisa gacan kageysatay Dowladii shiinaha isla markaasina waqti iyo maal fara badan loo huray ayaa iminka aan heysanin daryeel.

Sikastaba ha ahaatee xal uhelista iyo dib udhiska garoonka istadio muqdisho waxa ay ka mid tahay waxyaabaha looga fadhiyo dowlada dhawaan laga rajeynayo xarunta Nairobi ee wadanka kenya, halkasoo uu kasocdo ku dhawaad laba sanadood shirka dibu heshiisiinta soomaliyeed

W/Q: Xasan dhaaleey
dheel10@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | October 3, 2004



Petronas Towers
Dhismaha adduunka ugu dheer ee ku yaal Kuala Lumpur

::MA OGTAHAY::

Ma ogtahay in Dhismaha adduunka ugu dheer uu ku yaal magaalada Kuala Lumpur ee dalka Malaysia, waxaana dhismahaas la dhamaystiray sannadkii 1998, magaca dhismahaasi waa Petronas Towers (waa dhisme mataano ah sida ka muquata sawirka midig), joogga dhismahaasi waa: 1,483 feet (ama qiyaastii 452 miter), waxana uu ka kooban yahay 88 daqab oo is dul saaran. Waxaana dhismahaas laga dhisay Concrete (shamiinto) iyo Steel (bir). Qiimaha ku baxay waa $1.6 billion. ISHA: PBS.org: http://www.pbs.org/wgbh/buildingbig/ .

Taasi waxay ku tusineysaa tartan adduunku ugu jiro dhismayaasha bilicsa san...

"DAL DADKIISA AYAA DHISA"

Daabacaad: SomaliTalk.com | October 3, 2004

Isha Sawirrada: Google search |

  QAYBTA 2aad 

URL: www.SomaliTalk.com/taariikh

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
. Muqdisho iyo Maridda Waddooyinka

. Nolosha Dhabta ah ee Muqdisho


. XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO




HTML CD