SOMALITALK.COM DALSAN
Home | SIIRO | SALAT | ZAKAT | RAMADAN | Feedback

| Allah Is Great

w w w . S o m a l i T a l k . c o m
DIRIDHABA - HARGEYSA:
Daabaco Boggan | Print

Cadde Muuse Ma Sidaasi Ayey Ka Ahayd? kol haddii dubbiyo waran duunkayga lala dhacay yaa dabarka igu xidhay

Qalinkii MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
Hargeisa, Somaliland
Mobile: 00-252-2-406745

E-mail:
diridhaba@gmail.com
Web: www.Somalitalk.com/diridhaba



 
Samirkiyo dulqaadkiyo
naxariista badan bay
dadku igu ogaadeen
nafta aad sugaysaan
ma awoodahaygaa
yamyam iyo qadaad weyn
xataa caanaleydii
booc uga tukubayaan
markaan diiri waayaa
laysii qodqodayaa"

"Doofaarka ficil li'I
naar loogu daayimi
kol haddii dubbiyo waran
duunkayga lala dhacay
yaa dabarka igu xidhay
horta maan dagaallamo
anigu maan is daafaco

 
Ma Cayaayo Madaxweyne Beeleed ay reerkiisu u calleemo saareen hagida hawl maalmeedka gobol maamulka Puntland, balse ciwaanka Qoraalkani wuxuu ka yimid fajac iyo amakaag aan ka qaaday Weraysi ay laanta afka Soomaaliga Ee British Broadcasting Corporation la yeelatay Mr. Cadde Muuse dadka qaarkoodna u yaqaaniin Janeral Cadde Muuse.
 
Akhristow laba sanno iyo badh ka hor markii Cadde Muuse oo u ahaa Jabhad dagaal kula jiray Ninkii isaga uga horeeyey jagada hogaanka Gobolka Puntland waxaa dad badani moodi jireen nin aad u aftaham ah, badana yaqaana wuxuu doonayo inuu ku dhaqaaqo, balse runtii waxaan hadda u arkay Mr. Cadde Muuse nin la buun buuniyey balse aan ahayn wixii la moodaayey, Nin Xikmadaha Soomaalida aad uga caan ah oo la yidhaahdo Cigaal Shidaad ayaa laga haya Xikmad ahayd "Kurtinyahow ma waxaad noqotay mise waxaan ku mooday, waxaan ku mooday libaax weyn oo laba ii kala jaraaye, balse waxaad noqotay kurtin madaw oo habeen cidla'a dhexda ii gallay"
 
Nin dhalashadiisu tahay jarmal aadna uga faaloodo kana mid ah dadka looga danbeeyo Cilmiga fayloosafiga oo lagu magacaabo Edmund Huseri ayaa waxaa ka mid ahaa kelmadahiisa keydsan ee aadka loo isticmaalo " Qofka loo tilmaamay ama lagu doortay hogaanka Bulsho ha ku qiimayn qarrad weynidiisa ee ku qiimeeya weedhiisa iyo warmahiisa" akhristow waxaan uga jeeda Cadde Muuse waxaan moodi jiray marka aan magac ahaan maqlo Oday dadkiisa la jecel waxay doonayaan, ka daandaansi yar dhagar qabahii meesha uga horeeyey, balse waxaan arkay Nin xitaa iska dhaaf wax kale eh wuxuu ku hadlaayo aan garanayn, isagoo ka hadlaya dhiigga ka qubanaya Deegaanka Majayahan, "Inamo yar yar oo gadooday ayaa waxan samaynaya" balse malaha ma moodayo Cadde in uu ka la maaganyahay Beesha dhan ee wersengeli Aargoosi iyo dirsooc isagoo ka dhigay inamo yar yar, wuxuu sidoo kale beeniyey khariidada caalamiga ah ee dhex taalla Xarumaha ururka Midnimada Afrika oo uu yidhi Gobolka Sanaag Beel ayuu ku qaybsamay, waxaan isweydiiyey runtii Cadde Muuse ma garaad xumo ayey tahay mise dhallo biyaysan ayuu waraabsana, Nin gabyaa Soomaaliyeed ah ayaa waxaa laga hayaa xikmadahiisa
 
Kolbaan diririyaa sida cirkoo di'i kaliishiiye
Meeshay daruuro u tahaan dood ka dhaliyaaye
Dabuubtaan la yeedhana ragbaa doorsha abidkiiye
Waa daabac aan go'in midkaan dacal bilaabaaye
Hadba xarafka igu soo degaan demin wareerkiiye
Dux markaan ka garan waayey baan daayeyoo dhigaye
Xaluunbaan dikriyey sida wadaad Diin u haajiraye
Daad-xoorta iyo Mawjaddaan kala dabbaalaaye
Dacartaan qalbigu hayn karayn daartay feedhaha'e
 
Horta Mr.  Cadde Muuse arrinta uu yidhi iyo midda Maleeshiyaadka taabacsani wadaan waxaa weeyaan Aanu sayd calayne yaan saadku na qaban, taasina maaha mid faa'iido usoo jiidaysa eh waxay runtii meesha ka saaraysa shakigii ay Somaliland Beesha Caalamka ugu baaqaysay inaanay collaad jeclayn balse haddii lagu qasbo ay xuduudaheeda difaacanayso, balse Waxaan doonaya inaan qoraalkani kula hadlo Beesha uu matalo Mr. Cadde Muuse oo inbadan carrabka ku adkaynaysay inaanay jeclayn colaad horleh oo dhex marta Somaliland Waxaan maandhayaal idin leeyahay Fidma wadahu intuu dhawyahay ayaa la iska qabta, haddii aydaan lahayn xiniinye aad Cadde Muuse runta ugu sheegtaan waxaa ka go'an shacabka Somaliland inay Daahiriyaan goobahii dhibaca dhaawacu ku dhacay, dulqaad badan ayaanu muujinay haddaanu nahay reer Somaliland Madaxweynahaygii ayaa dulqaad uga soo baxay maalin cad Laas Canood, Ciidankayagii ayaa hadh cad daandaansi lagu soo qaaday, balse waxaan filaya arrinku inuu hadda qarka u saaranyahay halkuu abwaanku ka yidhi:
 
Shilka dhacay shullaha lays-dhigiyo; Shaambaddii nacabka'
 Shiilcastii rasaastiyo madfaci; Laysku shebekeeyay
 Shulug iyo dharaartii halligan; Shacabku dhiillaabay
 Ragga ficilku waa kala shidaa; Shaahid iyo qayb'e
 Shaki male inay hanaddo kacay; Sharaf mutaysteene'
 Sharaddooda nimankii huree; Shidayay baaruudda
 Shacni baa dadkoodu u hayaa; Shaal iftiin badane'
 Taariikhda shiigiyo intay; Dunidu shiilmayso
Shucaaciyo ilayskoodu waa; Shay-aan damahayne'
 Kuwa shiishka loo qoray ragguu; Gabaygu shaandheeyay
 Inay toodu shulux hoose tahay; Gaambis shalay beermay'
Ama sheegatadi duul ka hadhay; Sow shir furan maaha???
 
Waxaan u sheegaya reerka uu ka soo jeedo Cadde Muuse inay maanta dharaar tahay balse dharaar kale calaal iyo ceeb danbe aanay furnayn, wixii ka yimaadda nimanka ka amar qaatta Cadde Muuse oo habeen iyo dharaar maatada ku laynaaya Aagga Majayahan inuu dulqaadkii dhamaaday waxaa ka yimaaddan ay shacab ahaan masuuliyadeeda qaadan doonaan.
 
guntii iyo gebo-gebadii waxaan ku soo gooyey tixdii abwaanka:
 
Ninka shaalka nabadda-u-xidhee; Shiriya maamuuska
 Marti gaajo shiishiyo ninkii; Shaadhyara quudsha'
 Shiikh guuna sebi shiiqayiyo; Shidhix gammuur dooba'
 Shebbed gabadha habar shaambisiyo; Shiriso waayeela'
Nin shacbigu wuxuu qabo ogoo; Sheedda kala jooga'
Shacni bay murtidu leedihiyo; Shaxan tilmaameede'
 Nin higgaadda shubisteed bartiyo; Shicirka dawgiisa'
Nin sharraxa wuxuu damacsanyoo; Shacabku qiiroodo'
 Oo waxa shafkiisaa fadhiya; Shaaca ka caddeeya'
Ninkaasaa Suldaan lagu sharfaa; Loo shintiriyaaye''

 Mar haddii hunguri kuu shushubo; Maanka sharaftiisa'
 Shukaankaaga weecdaa hadduu; Shilin adduun raaco'
Sharaftiyo xilkaagaba haddaad; Shaadh la tolay mooddo
 In Saldanadda shuush kaa galaa; Sow shaki la' maaha???

Waraysigii Cadde Muuse ka dhegeyso Halkan....

MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

HARGEISA, SOMALILAND.

E-mail: diridhaba@gmail.com

Mobile: 00-252-2-406745

Faafin: SomaliTalk.com | April 10, 2006

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraga ku saxiixan

N.B: Haddii aad jeceshahay hogaamiyayaasha adduunka iyo xulashadooda soo booqo web link: www.somalitalk.com/diridhaba

TUUGTII KARACHI MA SAFIIRO AYEY DALACEEN: MUUQLAY WAR-LAY MA LAGU WARAMAY

TAARIIKHDA DALKA CIRAAQ..... GUJI
 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD