SOMALITALK.COM DALSAN
Home | SIIRO | SALAT | ZAKAT | RAMADAN | Feedback

| Allah Is Great

w w w . S o m a l i T a l k . c o m
HARGEYSA
Daabaco Boggan | Print

WARBIXINTII MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

  •  SAFARKAYGII HARGEISA, NASASHADII MADAARKA JIBOUTI, IYO DAREENKAYGA GUUD

Waxaa Safar dheer iiga bilawday Magaalada Karachi ee xarunta waddanka Pakistan 16 Febraury ee sannadka aynu ku jiro ee 2005 aniga oo ku sii jeeday Waddankii Hooyo ee Somaliland, habeenimadii waabaragii hore ee maalinimada khamiistu soo galaysay abaaro saacadda Magaalada Dubai markay cago-cagaynaysay 4:00 subaxnimo ayaa Diyaaradda Caalamiga ah ee Daallo Airlines waxay igala kacday Gegida diyaaradaha caalamiga ah  ee Magaalada Dubai iyadoo ku sii wajahnayd Xarunta Jamhuuriyadda Jibouti ee Jibouti, runtii iyada oo safarkaygu markii hore ee aan ka soo ambabaxay Xarunta Ganacsi ee Waddanka Pakistan uu u muuqday mid qarbo qarbo ahaa oo aan ula jeedo nafta oo si aan xadid lahayn u xiisaynaysay nacawdii macanayd iyo laydhii udgoonayd ee dhulkii hooyo ayaa waxaa afkaygu gabay juuqda maadama oo dadka aan diyaaradda la socday wada ahaayeen dad ajanabi ah, nafayduna aad u xiisaynaysay in maruun aan afka la helo qof luuqdii qiimaha badnayd ee afka Soomaaliga ku hadlaysa.

Akhristow waxba yaanan hadal kugu daaline Duuliyahii sare ee diyaaradda Daallo hogaanka u hayey ayaa seddex Saacadood ka dib abaaro saacadda beriga afrika markay tilmaamaysay 8:00 subaxnimo wuxuu ka kiciyey rakaabka diyaaradda intii hurday hurdada kuwii  kalana wuxuu ku war geliyey in diyaaraddu muddo gaaban ay fadhiisan doonto madaarka Magaalada Jibouti, waxaa jidhkayga ka booday jidhiidhici aan la koobi karayn, tiif inbadan oo qalbigayga iyo maskaxdayda ku  raaktay ayaa xaqiiqdii ay dareemeen saaxiibo badan oo wakhti koobna ee diyaaradda aan rakaabka u ahaa agtayda fadhiyey aanu ku saaxiibnay, waxaan indhaha si dareenleh ula raacay hareeraha madaarka Magaalada Djibouti waxanay naftaydu aamintay in muddo ku dhaw 5 sanno ka dib ay ruuxdaydu ku soo laabatay beriga afrika.

Muddo hal saac iyo badh ah ayaanu ku nasanay Madaarka Caalamiga ah ee jamhuuriyadda Jibouti, waxyaabaha naftayda ka yaabayey intii aan ku sugna Jibouti waxay ahayd iyada oo ciidamada cirka ee dalka maraykanku si toos ah u adeegsanayaan madaarka caalamiga ah ee magaalada Djibouti, iyadoo aad arkayso markay diyaaraddu kula tegto, noocyada F16 iyo diyaaradaha dagaalka Maraykanka oo si hoos ah u dul heehaabaya madaarka Magaalada Jibouti, qaarkoodna aabay qabsadeen khariiraddii ay diyaaraddaha  ganacsigu ku soo degeyeen, runtii qosol badan iyo farxad badan oo naftayda saaqday awgeed ayaa waxaa iga dareemay rag badan oo aanu isku baranay intii aan nasashada ku ahaa madaarka, waxaanay igu boobeen su'aalo kala gedisan aniga oo dareenkaygu aanu joogin ayaan runtii si qunyar ah uga jawaabaayey, waxyaabaha naftayda ka yaabiyey qaddarkii aan ku nasanaayey madaarka magaalada Jibouti waxaa ka mid ahaa iyada oo si weyn loo hadal hayey doorashada Madaxtooyada Dalka Jibouti oo la quudaraynaayo inay dhawaan  ka dhici doonto Waddanka Jibouti, Nin dhalinyaro ah oo kuwa ka shaqeeya Madaarka jibouti ayaa wuxuu ku boobay hadalo dadkii watay Basaboorada Dalka Jibouti ee aanu wada soconay, isaga oo dhoola cadaynaya ayaa wuxuu yidhi "Mudane Ismaciil doorkani cidi la tartami mayso!!" isaga oo kaftan uga dhigaayey dadka la filaayo inay codkooga siiyaan isbahaysatada mucaaridka ee dalka Jibouti.

Waxba yaanan hadal idinku daaline waxaa Madaarka Jibouti aniga iyo Rakaab aan tiradooda ku qiyaasay 20-neeyo qof oo ku kala socday Magaalooyinka Hargeisa iyo Muqdisho naga soo qaaday diyaarad yar oo ah kuwa loo adeegsado magaalooyinka Beriga Afrika ka dib markay diyaaradda Boeing-ta ah ee daallo ay ku dhigto jibouti, Duuliyahii diyaaradda ayaa nagu war geliyey in ay diyaaraddani cago dhigan doonto Madaarka Caalamiga ah ee "Egal International Airport" Muddo 35 daqiiqo ah ka dib


Hargeisa City

Runtii markaasi ayaa waxaa igu bilawday dareen ka xoog badan kii hore ee aan qabay, muddo 30 daqiiqo ah ka dib waxay diyaaraddu hawada u kor heehaabto 40 Feet wax ka baxsan ayuu duuliyahii wuxuu hoos u dhigay jooga sare ee diyaaraddu ku socotay, xaqiiqdii dhidid waaweyn ayaa iga soo booday, bu'da indhahaguna waxay u balaqmeen si aan cadad iyo qiyaas lahayn, muddo toban daqiqo ah ka dib saacadda afrikada beri markay tilmaamaysay abaaro 9:30 Subaxnimo ayaa waxaa dhinaca galbeed ee daaqadaha diyaaraddii yarayd ee na wadday ka soo baxay hawo muddo badan nacawdeedu iigu danbaysay, naftayda ayaa is bedeshay, waxaanan gallay dareen ka duwan kii hore aan u qabay, waxaan dareemay Madaarka Hargeisa oo lagu sameeyey dayactir aad u fiican, markaan dhulka cagaha dhigay ayaan arkay shaqaalaha diyaaradda Daallo oo waji farxad ku jirto ku soo dhawaynaya dadka "Ku soo dhawaada dhulkiina Hooyo" Ilaahay ayaan toban jeer u mahad naqay aniga oo si dareenleh u lahaa "alxamdulilah, alxamdulilah" waxaan usoo dhaafay dhinaca dhismaha Madaarka loogu tallo gallay dadka soo degay, waxaan qabay wergelin hore oo ahayd in laga qaado dadka 30$ dollar oo dal dhis ah, markaan soo saaray ayaa waxaanu indhaha isku dhufanay nin aanu is naqaanay oo madaarka ka shaqaynaaya wuxuuna igu qaabilay sallaan naxariis badan ka muuqato, salaan ka bacdi ayuu arkay gacantayda oo haysa lacagtii madaarka laga bixinaayey wuxuuna ii sheegay inaan jeebka ku rito maadama oo aan arday ahay wuxuu iga qaaday Passportkii isaga oo si farxad iyo rayn rayn ku jirto iigu soo gudbiyey terminalka hore ee laga baxo ee Madaarka hargeisa, albaabka ayaa waxaa tagan askari wuxuuna igu qaabilay weji furan isaga oo igu yidhi "Ku soo dhawaw Hargeisa Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland" .

  
Madaarka caalamiga ah ee Magaalada Hargeisa (egal int airport)

Waxaan hore usoo dhaafay gaydhka wayn ee Madaarka looga baxo dibadda, waxaanan indhaha la raacay dad badan oo tubna Madaarka hortiisa oo badankood quudaraynaayeen ehelkooga oo imanaayey, waxaanu indhaha isku dhuftanay  nin aanu saaxiib ahayn ehelna ahayn oo madaarka igaga horymid, si deg deg ah ayaa la iigu qaaday shandahadii iyo alaabtaan watay iyadoo gaadhi tagsi ah la iigu raray, waxaan soo qaaday jidka dheer ee ka soo kicitama Madaarka caalamiga ah ee Hargeisa waxaan indhaha la hellay Hotelka casriga ah ee Ambasaddor oo markii aan waddanka ka ambabaxay shan sanno ka hor iska daa dhisme eh aan seeskiisu taagnayn, Magaalada Hargesa waxaan ka dareemay dhaq dhaqaaq ganacsi oo farabadan hareeraha waddooyinka waxaa tobna meherado iyo goobaha lagu iibiyo qaadka oo si weyn ugu battay aragti ahaan indhayga, dadku si farxadleh ayey isku dhex qaadayeen wallow aan kaftamo ah aragti ahaan aan dareemay Ragga oo ay ka muuqato madaw badan iyo dumarka oo aad moodo xuural cayn cadaanka awgeed oo aabad mararka qaarkood is odhanayso malaha dadkani isku jinsi maaha!!  waxaan su'aal la beegsaday raggii igu soo dhaweeyey Magaalada aniga oo Su'aalay innay isiiyaan axwaasha Waddanka waxaanay iigu jawaabeen kelmad caan ah oo runtii dadka noogu yimaadda Pakistan aan ka maqli jiray Hargeisa waa nuuraysa balse waxaa jira horumar la'aan xagga dawladda Sare ah, runtii anigu ma dareemin horumar la'aanta ay saaxiibaday ii sheegeen, waxaan indhaha la raacay dadka jidka aan maraayey dhex laafyoonaaya waxaanan arkay dad qurux badan oo si fiican u lebisan, dhibaatada keliya ee indhayga qabanaysay waxay ahayd Geedka Qaadka oo faro baas dalka ku haya, iyada oo la ii sheegay in yar iyo weyn bahalkaasi gelinka danbe yar iyo weyn loo wada fadhiisto, Gunta iyo geba-gebada aniga oo jecel inaan dib u dhigto warbixino badan oo caasimadda Somaliland Hargeisa aan ka soo diri doono oo taabanaya dhinaca Siyaasadda, Dhaqaalaha, Bulshada, Caafimaadka, gacansiga iyo dhinac walba ayaan ku qeexi kara Hargeisa Magaalo Degen, Ganacsi badan la ciir ciiraysa wallow la ii sheegay in dekedda Berbera dhaq dhaqaaqeeda ganacsi gabaabsi yahay sababta oo ah sida la ogsoonyahay Xoolahii noola ee ka dhoofi jiray oo muddo aad u dheer xanniban, Aan ku qeexi karo Magaalo wadne u ah Waxbarashada oo aad arkayso ardayda oo si rucub rucub ah wakhti kasta iyagoo buugaag iyo qalimaan watta u dhex laafyoonaya waddooyinka Magaalada Hargeisa, Dadka ayaa badidood waxay afka ku hayaan doorashada Baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland oo dhawaan Xukuumaddu ku dhawaaqday inay dib uga dhigtay wakhtigii loogu tallo-galay oo ku beegnayd 29 March ee sannadkani 2005, indhaygu ma qaban dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed oo xiisadaysan sidaan filaayey balse hadana afka dadka kama maqna, waxaanu ballan sanahay maalmaha soo socda dad masuulyiin ah oo aan jecelahay inaan hasaawi gaar ah kala yeesho hadaanta Siyaasadeed ee Geyiga Somaliland.

WAA WARBIXINTII MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

HARGEISA, Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland.


KARACHI, PAKISTAN.

E-mail:
diridhaba2001@hotmail.com

LINK: www.somalitalk.com/diridhaba

Faafin: SomaliTalk.com | Mar 21, 2005

TAARIIKHDA DALKA CIRAAQ..... GUJI
 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD