SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - 1425
 
Daabaco Boggan | Print

  • JAALIYADA SOOMAALIYEED EE WADANKA AUSTRALIA KUNOOL IYO QAABKII AY U CIIDEEN. 
  • SIDEE LOOGA CIIDAY WADDANKA PAKISTAN
  • Xaflada lagu qabtay magaalada muqdisho

JAALIYADA SOOMAALIYEED EE WADANKA AUSTRALIA KUNOOL IYO QAABKII AY U CIIDEEN. 

Mohamed wali (xiish)

  Melbourne, Australia
 xiish3@hotmail.com

Waxay ummada muslimiintu sagootiyeen bishii barakaysnayd ee  Ramadaanka.  waxa ay bilaabeen Muslimiinta kunool wadanka Australia soonka maalintii sabtida  oo kubeegneeyd 16/10/04.  Inkasta oo ay jireen tiro aan badnayn  oo ayagu bilaabay maalintii kahoreeysay sabtida oo Jimcihii ahayd.    Intii lagu gudo jiray bishii barakaysnayd waxaa  kadhax muuqatay Jaaliyada  Muslimiinta ah ee kunool  magaalada Melbourne dareen aad u sareeya gaar ahaan biloowgii tobankii danbe ee bishii barakaysnayd.   

 
Dareen kaasoo kadhashay weeraradii iyo duulaankii gardarada ahaa ee lala beegsaday Mulimiinta kunool Magaalada Faluujah ee wadanka Ciraaq, taa soo laga dareemayay maalmihii danbe in Masaajida looga duceeynayay in ilaahay gargaar siiyo dadkaas Muslimiinta ah ee gardarada lagu leeynayo. 

Dhanka kale Jaaliyada soomaaliyeed  markii loo eego bishii barakaysnayd wuxuu ahaa soonkii ugu qaboobaa ee soomara ayada oo xili kulul uu kusoobeegmay laakiin kulaylkii uu dib u dhacay.

 
In badan  oo Soomaali ah ayaa ay kamuuqatay farxad in tii lagu guda jiray bishii barakaysnayd ayaga oo odhanayay " Ilaahay waxaan kabaryeeynaa in uu soon walba sidaan oo kale nooga dhigo".
 
Magaaalda melbourne  oo ay kunool yihiin tiro badan oo Soomaali ah ayaa waxaa laga ciiday maalintii Axada ahayd, ayada  oo uu marwalba jiro khilaaf  laxiriira biloowga bisha iyo dhamaystirkeeda ayaa waxaa muuqatay in biloowgii lakala soomay laba maalmood laakiin ciidii lawada ciiday halmaalin.  Wadanka Australia gaar ahaan jaaliyada muslimiinta ah ayaa waxa ay leeyihiin Dalad wayn oo uxilsaaran arimaha muslimiinta, daladaas oo lagu maga caabo ( ISLAMIC COUNCIL OF AUSTRALIA). ayaa waxa ayagu marwalba kageeysta gacan in ayna imaanin khilaaf wayn oo soo kala dhex gala Muslinnta gaar ahaan marka ay imaato in loo dabaal dago maal maha ciidada ee ay Muslimiintu leeyihiin. 
 
Maalintii axada ahayd ayaa ay ciideen Muslimiinta ayada oo ay kusoo beegantay maalin fasax ah  oo axad ah, marka loo eego maalmaha shaqada oo kaduwan dalalka muslimiinta ah oo ayagu fasax galo maalinta Jimcaha.  Badanaa ciidaha lagu ciido wadamada Muslimiinta way kaduwan yihiin ciidaha lagu ciido wadamada gaalada. 

Waxaa kamuuqatay farxad wajiyo badan oo aan kula kulmay barxada wayn ee Misaajidka Heidelberg west ee magaalada Melbourne. Misaajidkaas oo ay kusoo tukadeen tiro aad u badan oo Soomaali ah, ayaga oo isu hambalyaynayay, isuguna tahniyadeeynayay. " Ciid mubaarak. Ilaahay hanaga aqbalo" " Ciid mubarak wakul caam wa antum bikhayr".

 
Waxaa ii suurta gashay in aan su'aalo waydiiyo dhoowr qof oo aan kula kulmay barxada wayn ee Misaajidka Heiderlberg west. Waxaa kamid ahaa hooyo soomaaliyeed oo magaceeda codsatay in aan labaahin waa sidan sida ay u cabirtay dareenkeeda " Waxaa in ilaahay kabaryayaa in uu nagu gaar siiyo caafimaad sanadkan sanadkiisa, Meel lagu ciido ma ha halkan waxaa wanaagsan in aad ku ciidid wadankaadii hooyo, oo aad farxada laqayb satid ahelkadii iyo qaraabadaadii, laakiin intii aan tukano un baan guryahaanagii kulaabanaynaa, ciiduna saas maha, ee waa inaad aadaa qaraaba salaan, iyo aad raadsataa dad aad farxada laqabsatid laakiin  meeshaan joogno kama muuqato arintaas" waa sida ay u tiri hadalka hooyadaa Soomaaliyeed ee kamid ahayd dadkii aan kula kulmay Misaajidka wayn ee Heidelberg West.  
 
Waxaan ilaahay kabaryeenaa in uu nagu gaar siiyo soonkan soonkiisa, ciidan ciideeda caafimaad iyo barwaaqo .    AAMIIN, AAMIIN,.
  Mohamed wali (xiish)
  Melbourne, Australia
 xiish3@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | 15/11/2004

SIDEE LOOGA CIIDAY WADDANKA PAKISTAN

Warbixintii Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
diridhaba2001@hotmail.com
Karachi, Pakistan

Iyadoo Aalaba Waddanka Pakistan uu ka danbeeyo Maalin dunida Islaamka maalmaha barakaysan ee diinta Islaamka, Sida Ciidaha iyo Ramadaanta ayaa Maalintii Axaddii ee bisha November ku beegnayd 14, waxaa Musliiminta ku dhaqan waddanka Pakistan oo tiradooda lagu qiyaaso 150,000,000 (boqol iyo konton milyan oo qof) ahna 99% Muslimiin, u dareereen Salaadda Ciidda ciidul Fidri iyagoo ku kala tukanaayey goobo kala duwan sida masaajidda, garoomada, iyo meelaha ka baxsan magaalooyinka.

Magaalada Islamabad ee xarunta Pakistan ayaa misaajidka weyn Faisal Masjid waxaa halkaasi iskugu soo baxay 8:00 arroornimo iyada oo qabaw farabadan ka dhacayo Caasimadda Islamabad kumanaan reer Islamabad ah si ay salaadda ciidda halkaasi ugu tukadaan, iyada oo uu kala qayb gallay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan Mudane Janeral Pervaz Musharaf, Ra'isal Wasaaraha dalka Pakistan Mudane Shaukat Casiis, Wasiirka Arrimaha dibadda pakistan Mudane Mahamoud Kasuri iyo wasiirka Warfaafinta ee dalka Pakistan Mudane Sheikh Rashiid, Madaxweyne Musharaf oo khudbad gaaban u jeediyey shacabka Pakistan iyo Muslimiintii iskugu soo baxday masaajidka Faisal Masjid ayaa wuxuu ugu hambalyeeyey ciidani dhamaan muslimiinta dunida oo dhan gaar ahaanna shacabkiisa Pakistaniyiinta isaga oo u rajeeyey barwaaqo, bash bash iyo in dunida islaamka uu ilaahay iskaga soo dhaweeyo sida ay maanta yahiin. 

Dhinaca kale Magaalada Karachi oo ay ku dhaqan yahiin shacabka ugu badan dalkan pakistan oo lagu qiyaaso 23000,000 (seddex iyo labaatan milyan oo qof) ayaa iskugu soo baxay maalintii Axadda ee bisha November ku beegnayd 14 maaliyiin goobood oo kala duwan.

Ajanibiga iyo Soomaalida ku dhaqan Magaalada Karachi sida u caadada ah, waxaa Subaxa ciida ay iskugu tagaan Barxadda quruxda badan ee Safari Park ee xaafadda Gulshan Iqbal ee Magaalada Karachi si ay salaadda ciidda halkaasi ugu tukadaan, boqolaal Ajanabi ah oo ay Soomaalidu ugu badanyahiin ayaa Barxadaasi iskugu tagay si ay salaadda ciidda halkaasi ugu tukadaan, Afar sannadood oo aan ku sugna waddankani Pakistan ayey ahayd markii iigu horaysay ee aan arko Soomaali farabadan oo iskugu yimid barxadaasi iyadoo runtii layaab weyn igu abuurtay, dhalinyaro iyo waayeel iyo haween tiro badan  ayaa iskugu soo baxay halkaasi iyagoo wejigooga ay farxad iyo tamashaad farabadan ka muuqato cibaadadii bisha barakaysnayd ee Ramadaanna soo gutay, takbriirta ayaa waxay ka bilaabantay barxaddaasi oo si quruxbadan loo shaqlay cod baahiyayaalna koonayaal walba lagaga xidhay 7:00 Subaxnimo, Waxaana salaaddu ay bilaabtay 8:00 Subaxnimo iyadoo goobtaasi usha kor loo tuura aanay dhulka ku dhacaynin, Salaadda ciidda ayaa sannadkani Soomaalida waxay u ahayd ciid gaar ah iyada oo uu salaadda Tukiyey Sheikha Soomaalida ee dalka Pakistan Sheekh Bashiir, markii Salaadda la dhamaystay ayaa waxaa dhegaha si weyn loogu raariciyey qudbadda Sallaadda Ciidda dabadeed oo Sheikh Bashiir uu halkaasi ka akhriyey, Sheikha ayaa wuxuu Muslimiintii halkaasi iskugu soo baxday ku baraarujiyey in cibaadada ilaahay xoogga la saaro, Ilaahay caabididisuna iyo oogidda faradaada ilaahay aanay ku koobnayn bishii Barakaysnayd ee Ramadaan ee ay shabaabka iyo Muslimiintu ka faa'idaystaan wakhtigooga, wuxuu sheikhu bilaabay duco aad iyo aad u qiimo badnayd oo u duceeyey Musliiminta daafaha dunida in ilaahay bogooga burcad iskugu beero kana yeelo kuwii diinta Islaamka u gar gaara, Mujaahidiinta ilaahay dartii ugu jirta Jihaadkana uu ilaahay ku xafido oo ku gar gaaro meel wal oo ay joogaan.

ka dib markii ay ducadaasi qiimaha badanleh dhamaatay ayaa waxaa loo soo dareeray barxadda Safari Park oo ah goobtii Salaadda lagu tukanaayey dhalinyaro, waayeel, caruur ayaa halkaasi waxay iskugu qaabilayeen salaan diirran iyago is weydaarsanaayey kelmadaha "CIID MUBARAK" "TAQABALA LAHU MINI WA MINKUM" "ILAAHAY SANNADKAN SANNADKIISA HA INNAGU GAADHSIIYO BASH BASH IYO BARWAAQO" iyo runtii kelmado ay ku ladhanyahiin muxubo iyo kalgacal badan oo aanan halkani ku soo koobi karin, waxaa loo kala dareeray afarta jaho oo badana ay soomaalida ku dhaqan Magaaladal Karachi ku kala firidhsantahay inkasta oo xaafadda Gulshan Iqbal aan idhaahdo eh ay u badanyahiin.

                
Mid ka mid ah goobaha Bedda agtooda ah oo u dabaal dagaya ciidda Magaalada Karachi
 

Badana magaaladani oo aad u kala fog una weyn macquulna aanay noqon karin in Soomalidu isku timaaddo si ay xaflado ay ugu dabaal dagayaan ciidda u samaystaan ayaa waxaa maqaalo igu ahayd in ay xaflado kala duwan loogu dabaal degay Maalintani qiimaha mudanleh oo ka kala dhacday xaafadaha kala duwan ee ay Soomaalidu degto iyo hudheelada Casriga ah, Aniga iyo Saaxiibo badan oo aan ku jiro ayaa waxaanu go'aansanay inaanu u dal xiis tagno Masaafad aad u dheer oo ah goobo quruxsan oo ku yaalla xeeliga bedda karachi "karachi sea view"  halkaasi oo maalintaasi laga helo cuntooyin carbeed oo aad u macaan!!!!!!

               
Waddada wadnaha magaalada Karachi Shariah Faisal oo madhan ka dib salaadda ciidda
 

Dhammaan Muslimiinta dunida oo dhan ayaan leeyahay ciid Mubarak Gaar ahaan Soomaalidu meel wal oo ay dunida ka joogaan ilaahay sannadkani sannadkiisa ha innagu gaadhsiiyo Bash bash iyo barwaaqo.

Warbixintii Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
diridhaba2001@hotmail.com
Karachi, Pakistan

Faafin: SomaliTalk.com | 15/11/2004 


Xaflada lagu qabtay magaalada muqdisho

W.D. Abuukar yaasiin xaaji
abuukarsom@hotmail.com
Muqdisho | Soomaaliya  

Shalay oo aheyd maalintii labaad ee ciidul fidriga ayaa waxaa markazka IBNU BAAZ ee magaalada muqdisho lagu qabtay xaflad siweyn loo soo agaa simay taasoo ey kasoo qeyb galeen in ka badan 500 oo caruurta reer muqdisho iyo nawaaxigeeda ah xafladaan ayaa aheyd mid uu soo diyaariyay markazka IBNU BAAZ oo ciid kastaa caruurta soomaaliyeed u sameeyo xaflad noocaan oo kala ah xafladaan ayaa ujeedadeedu aheyd in ilmaha looga ilaaliyo maalmaha ciidda iney ku mashquulaan waxyaabo dhibaato u geysanaayo noloshooda aduunyo iyo tan aakhiraba isla markaana waxaa xaflada qeybaheeda kala duwan diyaariyay fulinaayayna qaar kamid ah caruurta soomaaliyeed kuwaasoo usoo bandhigay caruurtii kale ee daawaneysay bandhigyo kala duwan oo qiimaleh sida kalmado wacdi ah gabayo nashiidooyin iyo majaajilooyin ey ku muujinaayeen waxbarashada iyo qiimaheeda jahlliga iyo dhibaatadiisa wanaaga akhlaaqda suuban iyo dhibaatada akhlaaqda aan wanaagsaneyn

Dhanka kale waxaa ka hadlay xafladda ku xigeenka DALADDA CULUMADA SOOMAALIYEED sheekh AXMED MAXAMED SULEYMAAN oo si wanaagsan uga halday mas’uuliyadda waalid ee ku aadan barbaarinta ubadka iyo waliba sida ey lagama maar maanka u tahay in ilmaha lagu ababiyo laguna bar baariyo dhaqanka suuban.

Ugu danbeyntiina waxaa Abal marino lagudoonsiiyay ardaydii ku guuleysatay sameynta barnaamijyadii xaflada iyo waliba tar tamadii bar barsocday.

Waxaa iyagana muujiyay sidey uga maqsuudeen xafladda iyo sida ey ubadka usoo diyaariyeen uga mahad celiyayna markazka marti sharaftii kale waxaa iyaguna kasoo qeyb galay warbahinta gudaha muqdisho.

W.D. Abuukar yaasiin xaaji
abuukarsom@hotmail.com
Muqdisho | Soomaaliya  

Faafin: SomaliTalk.com | 15/11/2004 


Shacabkii oo fadhiya goobtii salaada iida lagu tukanayeySALAADII CIIDA OO SIWEYN LOOGU SOO BAXAY
Magaalooyinka Hargaysa, Boosaaso iyo Muqdisho ayaa kamid ahaa meelaha sida weyn looga ciiday Sabtidii. Waxaa sidoo kale kumaan qof salaadii ciida u dareereen magaalooyinaka Nairobi, Toronto iyo Minneapolis..  Guji...
»IID MUBAARAK: HAMBALYADII BAHDA SOMALITALK EE IIDA
»CILMI KORORSI:: IIDAHA iyo SALAADAHOODA
»BAAQ SAMAFAL:: Fiicanaa in Agoontu Carruurteenna La Ciiddo
»»»
Dhegeyso 99 Asmaa'ul Xusnaa...

ISHA SAWIRADA: Google search | yahoo search

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim



HTML CD