SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  FAALLO
:::FAALLADA BISHA EE SOMALITALK:::
SomaliTalk waxay akhristayaasheeda sharafta leh halkan ugu soo gudbinayaan faallo bille ah, faalladas oo bil kasta ku saabsanaan doonta mowduuca markaas taagan ee u baahan in shacabka lagu baaraarujiyo ama looga digo.

Puntland iyo ka Ganacsiga Tahriibayaasha
Haddaan ku hormaro macnaha kalimada Tahriib oo qeexid yar ka bixino, Tahriib waa ladhuumasho, labaxsasho, is qarin, ama waa in wadan lagu galo sharci daro xagga badda iyadoo laga dhuumanayo ilaallada Badda, haddaan sikale u fasirona waa [is daldalid, isqarxin iyo is qarqin] macnahaan danbe waxaan usiinay waa natiijada ay la kulmaan dad badan oo tariiba, ama dhibaatada uu sababo tahriibku oo keena dhimasho badan oo lamida kuwa sameeya magacyada aan soo maray... Febraayo 2005
 


Soomaaliya: Aafada Badgariirka
Ugu horayn, Waxaa Bahda SomaliTalk.com ay ka murugaysan yihiin Dhibaatadii ka soo gaartay Badgariirka Badwaynta Hindiya Umada Islaamka ah guud ahaan gaar ahaana Ummadda Soomaaliyeed meelay joogaanba, waxayna Tacsi u dirayaan dhamaan eheladii iyo qaraabadii dadkii aafadaas ku naf iyo maalba waayey, waxayna si khaasa uga codsanayaan Soomaalida Gudaha inay fiira khaasa u yeeshaan dadka ilaa hadda aan lagaranayn inta ka dhimatay ama la layahay, kuwaasoo ah Jareer iyo Soomaali Abow oo joogay deegaano aysan cid ka garanayn.... Janaayo 2005...


Saddex Qolo oo ka dambeeya ka ugaarsiga Masaajida Soomaaliya
Haddii aad ku nooshahay dunidaan guud keeda waxaad arkaysaa wax badan oo kaa yaabiya ama aad qaadan waydo marka hore, kadib aadba taas la qabsatide, Soomaalidii hore ayaa ahayd mid aad u ixtiraamta culimada amaba dadka Diinta u nasab sheegta iyagoo aad ugu dadaali jiray xaq dhowrkooda ilaa ay u sad-buriyaan wax walba, Waxaan xasuus taa marti soorkii Soomaalidii hore waxaa loogu hormarin jiray Culimada, Martida, Odoyaasha markaa ka dib ayaa reer guri isu hari jiray... December 2004...


Faallada Bishaana Waxaan ku soo Qaadanaynaa Samsam Axmed Ducaale iyo Hargaysa
Waxaan kusoo qaadanaynaa Faalada Somalitalk bishaan “ Dulmiga Samsam Axmed Ducaale iyo waxa la gudboon Maamulka Daahir Riyaale Kaahin iyo shacabka reer SL” waxaan ku faalaynaynaa dhacdo layaab leh oo ka dhacday Ismaamulka la magac baxay Soomaaliland, dhac dadaan oo ka fajicsay dhaga badan oo maqlay warar kii kusaab sanaa gabadha yar ee la yiraahdo Samsam Axmed Ducaale, gabadhaas yar oo safar ku gaartay magaalada Hargaysa iyadoo u socotay Abtigeed oo ku jira Maamulka halkaa ka dhisan... November 2004..


Faallada Somalitalk ee Doorashada Madaxwaynaha Dawladda FKMG...
Waxaa lasoo gaaray kaddib markii laba-sannadood dalka Kenya shir uga socday Hoggamiyaasha kooxaha isku hayey Soomaaliya, in lagu dhawaaqo ninkii noqon lahaa Madaxwaynaha Soomaaliya, muddo badan ayaa shirkaan dib loo dhigay ama uu u ekaa mid aan waxba ka soo baxayn, dad fara badana quus ay ka muujiyeen, haddaba wax walba waxay leeyihiin waqti aysan dhaafayn, Oktoobar tobankeedii Saacada Afrikada Bari mayrkay ku aadanayd 1:30pm ayaa waxaa bilow day in loo yeero Xildhibaanadii Baarlamaanka Soomaaliya si ay ugu codeeyaan ninka ay la rabaan inuu hoggaamiyo wadanka shanta sano ee soo socota.... October 2004...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD