SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - LAASCAANOOD

Jamhuuriyada Soomaaliya Laba Dal Ma Noqon Karto..

Assad Caddaani Ibraahim
Laascaanood Puntland
Jamhuuriyada Soomaaliya
assadlaska@yahoo.com

May 4, 2005

Link: www.SomaliTalk.com/faallo/asad/


Ugu horayn waxaan tacsi halkan uga diyaraa dhamaan dadkii dhibaatadu ka soo gaadhay qaraxii ka dhacay garoonka kubadda cagta ee magaalada Muqdisho,intaasi ka dib waxaan marnaba la hilmami Karin marka dad doonayaan in ay qaran noqdaan, in ay sameeyaan dhamaan waxyaalihii suurta galin lahaa  qarankaas ay ku hamiyaan. 

Taariikhda Ninba si u cuskay, Soomaali maxay ahayd Ingiriis iyo Talyaaniga  ka hor?., waxay ahayd beelo wada dega , oo xidhiidh dhaqan iyo mid dhaqaale ka dhexeeyo, isla markaana uu ka dhexeeyo tartan , mar marka qaarkiis isu rogi jirya dirir iyo isu tookh. 

Markii uu gumaysigu yimina waxay u qayb sameen , qabaa’il ka dhiidhiya wuxuu gumaysigu dhulkooda ka wado, iyo kuwo garabsaday oo la shaqeeyey kana mid noqday Raciyadiisii, dhaqaale iyo hubna ka helay si ay uga hortagaan jihaadkii ay wadeen muwaadiniintii iyagu diiday in ay Gumaysiga Dabadhilif u noqdaan. 

Markii jihaadkii Daraawiishi soo afjarmay maxaa Gobollada Waqooyi Soomaaliya ka jiray ee Ingiriisku xukumi jiray?. Beelihii ku dhaqnaa deegaankaasi waxay u kala qaybsanaayeen, laba, beelo Ingiriiska la jiray oo garab ku siinayey dagaalkii ay kulajiren Daraawiishta iyo Beelo Mujaahidiin ahaa oo Ingiriiska iyo Raciyadoodiiba sutida u qabtay oo diinta Islaamka iyo Soomaalinnimadu ku dheerayd. 

Geeska Afrika Mayeelan Doonaa Laba Dawladood oo Jaar ah oo ah Somaliland iyo Soomaaliya?: Faalladii Aadan Yuusuf Qodax
MAGACA SOMALILAND WAA BEER: BEERNA HILIBKAA LAGU SUGAA
Ma runbaa in Gobolkaasi uu goostay intii uu awal kula shirkoobay Koonfurta Soomaaliya? Yaa rabay awal midowga? Ma Siyaasiyiinta mise Shacabka? Fahad
"hadii ay saraakiisha socdaalka Jamhuuriyadu ogaan lahaayeen in uu yahay qoraa nacab ah oo qalinkiisa ku minjo xaabinaya qadiyada gooni isu taaga somaliland waxaan hubaa in laba dible loo xidhi lahaa ee waxa laga yaabaa in ay u qaateen walaweynta faraha badan ee u soo tuugsi taga magaalooyinka camiran ee Somaliland" Salahudin
"Miyaan niman Waqooyi u dhashay ku heesin: marti waa la sooraa, magan waa la bixiyaa? (Ina Ibraahin Cigaal iyo Riyaale maxay dhaheen? Marti waa la raafaa, magan waa la dhiibaa!)" C/Waaxid
"dadkaasi la qabtay waxaa lagu tuhmay inay ka mid yahiin ama ku jiraan urur ka mamnuuc ah Dalka aanu dariska nahay ee Ethiopia oo magaciisa la yidhaahdo ONLF" Diridhaba
Kuwii sannadihii hore gacanta lagu dhigayna dhamaantood dawlada Itoobiya gacanta loo galiyey, waxaana la xaqiijiyey in ay dadkani ahaayeen dad maato ah, oo dad ay qaraabo yihiin ugu yimi hargeysa si ay ula noolaadaan" Asad
"Shacbiga Somalilandna aan qasab koonfur loogu sanduleyn Karin, ictiraafkeedana aanay is hortaagi karin dad cuqdada ka qaba sida labada wiil ee ILMA SAMATAR. "  Faysal
"7/12/2002 ayuu madaxwaynaha jamhuuriyadda somaliland mudane daahir riyaaale kaahin booqasho uu ugu diyaarinaayo doorashooyinka dawladaha hoose ee ka dhacayay guud ahaan dalka ku tagay laascaanood, wax yar uun caga dhigashadiisii kadib ayaa rasaasi cir iyo dhul iska qabsatay meeshii uu ku degey" XagarYare
RIYAALE vs SAXAAFADDD::: GUJI
Aniga Oo Ah Xildhibaan G/Wakiilada Somaliland Waa Sidee Arinta Sool, Bariga Sanaag iyo Buuhoodle: Qoraal dheer oo uu soo saaray C/risaaq Warsame Xayir ayaa tibaaxay in Guji

Ingiriisku isaga oo kaashanaya beelihii garabka ku siiyey dirirtii uu kula jiray Daraawiishta ayuu Cadaadis iyo Cabudhin saaray Bulshadii ka soo jeeday Beelaha Dhulbahante iyo Warsangali , waxaana taariikhdu qoraysaa in uu Ingiriisku amar ku bixiyey In uu Carab Dheere oo Isaaq ahaa oo u fasaxan yahay wuxuu dilo, dhaco ama la wareego , dhulkii markaa loo xilsaaray ee Carro Dhulbahante iyo Warsangali, waxaana ka dhacay dhacdooyin xaqiiqo ah oo halka ay gaadhsiisan tahay  Colaadii uu Carab Dheere u qabay Carro Dhulbahante uu markii uu nin deegaanka u dhashay Gabadh weydiistay Madax Ka toogtay , oo uu yidhi aniga oo Carab Dheere Ah samankana jooga Ninka Maanta Gabadh Iweydiistay muxuu ahaa, Ismaaciil Mire Uu halkaas ka tiriyey Gabaygii Caanka ahaa ee Raggoo Kibirka Waa Lagu Kufaaye Kaa Halla Ogaado. 

Soomaali Dhacdooyin badan ayey soo martay Midowgii Soomaaliya  dadka ku dhaqnaa waqooyiga Soomaaliya laba ayey u qaybsanaayeen, qayb u arkaysay in ay walaalahoodii la kala indheeyey dib isugu noqdeen, kuna farxay ilaa maantana ku qanacsan, oo ah gobollada Sool,Sanaag iyo Cayn, iyo qayb isku ciil kaanbiday oo iyagu markii hore ku dhiiranaa midnnimada , oo xataa Cali Garaad Jaamac ka diiday markii uu Fagaaraha Hargeysa ka yidhi aan sugno lix bilood , oo ay caantahay weedhii (Laa yaa Garaad). 

Markii Soomaaliya midowdayna waxaa reer waqooyinnimadii baal maray Marxuun Cigaal iyo xubnihii kale ee ka soo jeeday beelaha Isaaqa oo markiiba bilaabay taxaaluf Irirsim ah, oo iyagu markaasi door biday in ay xuquuq dheeraad ah ku helayaan. 

Markii danbe ee ay laab kaceen beelaha Hargeysa iyo Burco ka ma ay Fiirsan talaabada ay qaadayaan ee ahayd Mucaaradnnimadii hubaysnayd ee ay kala hortageen Siyaad Barre , waxay ka bilaabeen wajigii qaldanaa ee qabiilaysanaa ee ay Ingiriis garab ku siiyeen, SNM-nna waxay mar labaad Noqotay urur halqabiil oo waqooyiga degaa samaystay. 

Dagaalkii Marxuun Siyaad ay la galena ma ahayn mid ay ka maqnayd isir la dirir , oo markiiba waxay ku talaab sadeen arrimo kala faquuqay bulshadii waqooyiga Soomaaliya. Waxayna go’aan sadeen in ay iyaga oo qabiil isu kaashaday iska dhiciyaan qabiil ay markaasi u arkayeen in uu xukunka haysto,kama ay fakerin talaabooyinkaasi raadka ay ku yeelan karaan Fikirkoodii qarsoonaa ee ahaa gooni isu tagga ee ay muujisteen 1991. 

Hadaba marnnaba suurta gal maaha in ay Soomaaliya laba dowladood noqoto maadaama aysan midaysnay dadkii kuwada noolaan jiray qaybtii Ingiriisku gumaysan jiray oo ay qolana u aragto in ilaahay dhaafiyey Gumaysigii Ingiriiska ,walaalahoodii Soomaaliyeedna midoobeen, qaybina u aragto in la dhaxal wareejiyey, Soomaalina waxay manta gashay Taariikh Cusub, Taariikhda 4.5, Daarood, Hawiye, Dir, Digil Iyo Mirifle, iyo Qaybta Shanaad. 

Magac Somaliland la yidhaahdona Bulshada Gobollada Sool,Sanaag iyo Cayn waxay gadaal ka tureen sannadkii 1960 , oo manta qaamuskooda maskaxeed lagaba helimaayo, waxaana quman dhalinta Hargeysa ku kortay ee aanay dhagahoodu maqlin waxaan ahayn xilliyadan danbe Gooni Isu taaga Soomaalinad waa Muqadas , in ay dhagahooda u ogolaadaan in ay maqlaan Bulshada kale ee ay kawada tirsanaan jireen xilli xilliyada ka mid Dhulkii hore loo odhan jiray Somaliland, mar waxaan sooba  jeediyey wiilasha Gabilay Iyo Hargeysa aan waligood soo dhaafin bal in lagu casuumo Laascaanood , Laasqoray, Badhan ,Xudun iyo Taleex ,si ay bal fikirka dhinaca kale u ogaadaan, waxaa jirta in had iyo jeer wax xaqiida ka fog loogu sheekeeyo wiilasha. 

Taariikhay Ninba inta uu jecelyahay kaa soo qaaday, qofka Cuskanaya ,sannadihii Ingiriisku dalka uu gumaysiga ku haystay, iyo sanadihii 1960-1991, waxaan qabaa taariikha waxaa haboon in uu dib ugu noqdo qofkaasi, Midnnimada Soomaaliya waxaa dhidiba u haya Gobollada Sool,Sanaag Iyo Cayn , waana muqadis. 

Assad Caddaani Ibraahim
Laascaanood Puntland
Jamhuuriyada Soomaaliya
assadlaska@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkanwaxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | May 4, 2005


Taariikhda Lagama Been Sheego | Kancaan

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD