SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO

Kismaayo: Tahriibayaasha u tacabura Gobolada Bari si ay ugu sii Tahriibaan Badda Cas

  • Qaybo Kamid ah Faallada SomaliTalk ee Febraayo 2005
    Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad | 4aad

Tahriibka Tahluukeeyay Dadkeena iyo Tacadiga Dalalka Shisheeye

Kadib markii ay burburtay dowladii soomaaliya ayaa waxaa dalkeenii hooyo ka dhacay musiibo rabaani ah oo lagu wax yeeleeyay saqiir iyo kabiir ummadii Soomaaliyeed, falalkaas oo ay geysanayaan ninam hubaysan ayaa waxay dadkii Soomaaliyeed nafsadoodu ku dirqisay in ay isaga qaxaan dalkooda hooyo una qaxaan wadamo shisheeye oo aan la dhaqan iyo diin toono aysan ahayn taasoo ay ku kaliftay bal inay ka helaan meel ay nafsadooda ku nabad hesho.

Waxaa jira maanta kumanaan kun oo ummad Soomaaliyeed ah oo qaxooti bilaa daryeel ku ah afarta dacal ee dunida ayadoo wali ay indhahaagu qabanayaan dad u dhiilaysan aadida qurbaha iyo magan galida wadan shisheey.

Haddaba dadka Soomaaliyeed ee aada wadama shisheeye ayaa waxay aadida wadamadaas  u kala maraan wadiiqoooyin kala duwan oo inta badan nafsadooda halis galinaya, marka aad u sii fiirsatid tusaala ahaan qaar ayaa waxay ku baxaan hab looyaqaano isxanbaar oo sharci daro ah, qaar ayaa waxay ku baxaan responsor, qaar kalane waxay ku baxaan ayadoo loo aqoonsado qaxooti sidoo kale waxaa jira qab kale oo ah kan ugu khatarsan oo ay ku la'deen kumanaan Soomaali ah qaabkaas oo ah ku tahriibida badwayenta.

Haddaba tahriibka ayaa wuxuu sanadahaan danbe ka noqday dalka soomaaliya habka kaliye ay ku baxaan soomaalida u socota qurbaha tasoo keentay in ay sanadkiiba ay ku la' daan dad aad u fara badan oo soomali ah.

Soomaalida ku baxda qaabkan tahriibka ah ayaa intooda badani waxay ka baxaan sida la sheego gobolada koonfurta soomaaliya goboldan oo runtiin wali ay si weyn kaga muuqato coolaada ay isu hayaan beelaha kala gadisan ee daga taas ayaan keenaysa in ay soomaalida koonfureed ay wali sii door bidaan inay magan    galaan wadamada shisheeye.

Soomaalida koonfureed ee doorbida in ay ka tahriibto badweynta ayaa lasheegaa in ay ka yimaadaan gobolada Jubooyinka, Banaadir, Bay iyo Bakool iyo gobolo kale oo fara badan. Haddaba tusaale ahaan gobolka Jubbada hoose gaar ahaan magaalada Kismaayo ayaa waxaad arkaysaa dad fara badan oo ayagu damacsan in ay aadaan gobolada Bari oo ay halkaasi ka tahriibaan, goboladaas oo ah meelaha ugu badan oo ay ka tahriibaan dadka rabo tahriibka lagana saaro doon aan meel dheer gaarsiinayn.

Ma jiraan meelo gaar ah ama goobo gaar ah oo ay kabaxaan dadka u socda gobolada bari si ay u tahriibaan ayagoo sii mara magalada muqdisho, laakiin waxaad arkaysaa baabuurta xamuulka ah iyo kuwa yaryar ee kabaxa magaalada kismaayo ee u socda magaalada muqdisho ayaa dadka ugu badan ee saaran waxay yihiin kuwa u socda ama damacsan tahriibka, lakiin bilahaan dambe waa ay yaradeen dadkii kabaxi jiray magaalada kismaayo ee tahriibka u aadi jiray gobolada Bari sababtoo ah waxaa adkaatay maritaanka wadada isku xirta muqdisho iyo Kismaayo kadib markii ay roobab lixaadlahi ay halkaasi ka da'een.

Dadka ka baxa magaalada kismaayo ee u socda tahriibka ayaa waxaa la sheegaa in  ay ka baxaan qarash aad u badan tusaale ahaan qofka doonayo in uu ka anba baxo magaalada kismaayo oo laga dareemo in uu u socdo tahriib ayaa waxaa jirta in qarashka lagu kordhiyo amaba laga qaado lacag kabadan mida ay bixiyaan rakaabka kale ee baabuurka lasaaran.

Haddaba lacagta laga qaado qofka laga dareemo in uu u socdo tahriib ee ka anba baxaya magaalada kismaayo ee sii martaya magaalada muqdisho ayaa waxay tahay qiyaas ahaan 600,000 kun oo shilin soomaali ah oo u dhiganta $45 doolar. Halka dadka kalena laga qaado lacag dhan 45,000 ilaa 50,000 oo lacag soomaali ah halkaasi waxaad ka dareemaysaa farqiga u dhaxeeya rakaabkan.

Dhanka kale waxaa jira dad aad u fara badan oo ayagu isku dayay in ay tahriibaan oo ay u suuro gali wayday iyo dad kale oo tiro dhowr jeer ah u tahriibay wadamada carabta kadibna dib looga soo masaafuriyay taasoo inta badan aysan soomaalida ku cusbeyn in laga soo masaafuriyo wadamada qaar oo ay ku tagaan magan galyo raadiska.

Cabdiqaadir Faarax Cilmi waa aabe 4 caruur ah leh oo daggan magaalada Kismaayo waxa uu noo sheegay in tiro labo jeer ah ka tahriibay xeebaha ku yaala gobolada Bari, islamarkaana dib loogu soo masaafuriy dalkiisa.

Waxaa noo suurta gashay in Cabdiqaadir Faarax aan ka waraysano sida uu u tahriibay, waxa ku kalifay iyo waxa ka qabsaday dalkii u magangalyada u aaday iyo waliba waxa uu la kulmay inta uu ku sii jiray safarkiisa tahriibka ah.

Waxa uuna noosheegay in horta safarkiisii ugu danbeeyay ee u ugu baxo wadanka sacuudi carabiya oo uu tahriib ku tagay uu ahaa sanadkii 2001, islamarkaana 6 bilood kadib lagu keenay dayaarada daalo Airways laguna soo dajiyay garoonka lanbar 50 ee magaalada muqdisho ka dib markii uu mutayestay xarig iyo ciqaab uu san filaneyn.

Cabdiqaadir waxa uu noosheegay in safarkiisii ugu danbeeyay uu ku tahriibay uu ka anba baxay goobta loo yaqaano Ceelaayo oo xeebta dhanka galbee kaga taala magaalada Boosaaso ayadoo saacadu ay ahayd afarsaac iyo bar habeenimo taariiqduna ay ahayd 17/4/2001 habeen khamiis ah, waxa kale oo uu sheegay in alcagta laga qaatay ay ahayed $70, waa sida uu isaga noo sheegaye, isla markaana ay dhib weyn kala kulmeen safarkoodii ayagoo waqti ka badan 48 saacadood aysan garanayn halka ay ku socdaan iyo halka ay ka socdaan, islamarkaana ay si aad ah ula liicday doonidii ay saarayeen oo ahayd mid gabow ah ama duqowday, markii danbana uu ilaahay ka samata bixiyay, sidoo kale waxa uu noo sheegay Cabdiqaadir in tahriibida uu doorbiday kadib markii uu dalka kala kulmay dhibaatooyin fara badan oo isugu jira mid dhaqaale iyo mid jir ahaanba.

Sidoo kale waxaa jira dad aad u badan oo goor hore u tahriibay wadamada ay ka midka yahiin Yemen, sucuudi carabiya iya waliba wadanka talyaaniga ayaagoo u sii marya saxaraha rafaadka badan ee u dhaxeeya Suudaan iyo Liibiya, waxaana dadkaas dhibkaas maray aan kala kulanay Ruqiyo Saalax Cabdi oo iyana dhib badan ka sheegtay wadamada loo tahriibo, si kastooy ahaataba mayara dhibka lagala kulmo tahriibida lagu tahriibo badwenta tasoo loo isticmaalayo doonyo duq ah oo aan meel gaareyn, waxaana magaalada kismaayo ku noolyihiin dad fara badan oo laga soo tarxiilay ama laga soo masaafuriyay wadama Carabta.

Gabagabadii waxaan u gudbeynaa Puntland & Tahriibayaasha iyo Sida wax looga qaban karo.. GUJI...

____________________________
Faalladdan waxaa ka qayb qaatay: Talo bixinta, Qorista & soo ururinta; Amiin yuusuf Khasaaro, C/fatax Jaamac, Faysal Xaaji Siyaad, Cabdi Xasan, Canab Mumtaz, Xasan Dhooye iyo Maxamed Cali oo kala jooga: Muqdisho, Kismaayo, Boosaaso, Nairobi iyo Woqooyiga Ameerika.

Qormadan kala Xiriir:
tifatire@somalitalk.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb , 2005

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD